”Gafane” waa shilin intay dhiig badan nuugtey
sida kubbad oo kale qaab kankoonsan yeelatay, waana erey
lagu soo xasuusto dhereg iyo colool muggeeda si xad-dhaaf
ah dheef iyo dhuuni aan habboonayn loogu wafiifay.
Waxaa suurtaggal ah in uu akhristuhu
yaab iyo amakaag dhabannada la qabto in maqaal Soomaaliya
ku saabsan dhereg iyo calool kankoonsan sadarka ugu horreeya
laga dhigay, waxaana yaabkaas iyo shaamarreerkaas sii
xoojin kara in ay afarta ”gafane” oo uu qoraalku qaadaadhigayaa
yihiin kuwo muddo dheer loo gumaysnaa oo aan dheregtooda
iyo sansaankooda la faragelin, hase yeesho ee qoraalkaan
loogu bareerayo in gafanenimadooda gaamurtey bannaanka
la soo dhigo.
”Gun gaajaysan” baa sidaas oo
kale ah oraah laga qaloon karo, waayo baahida, rafaadka
iyo gaajada dalkeenna oo dhan saabtay keli ah ayaa la
wada ogsoon yahay ee gunnimada waxay dad badani u qabaan
in 1960kii laga baxay.
Haddaba maxaa 1960kii laga baxay?
Ma nabadgelyoxumo ayaa laga baxay? Maya, oo waatii 1980kii
habeenkii guryaha la iskala bixi jirey oo la istoogan
jirey, imminkana (2003) waatan reero dhan inta la xasuuqo
guryohooda la iska dego, oo hantidooda la iskala wareego!
Ma saboolnimo ayaa laga baxay 1960kii intii ka danbaysey?
Maya, oo afartankii sano oo ugu danbeeyey waxaa marba
marka ka danbaysa soo badanayey faqri, cadaadis, rafaad
iyo shaqola’aan dartood dadka Soomaaliya uga haajirayey,
maanta ayaana loogu daran yahay! Ma aqoondarro ayaa laga
baxay 1960kii ka dib? Maya, oo dalka sidaas u weyn hal
madbacad oo yar dhexdiisa lagama heli karo, ilaa iyo waagaasna
wax la taaban karo gudihiisa laguma daabicin, dadkii hawlahaas
kartida iyo dareenka u lahaana badankoodu dhawr iyo soddonkii
sano oo ugu danbeeyey debedaha ayey meehanaabayeen! Ma
ceeb baa laga baxay 1960kii ka gadaal? Maya, oo qofka
soomaaliga ahi maanta ayuu dalka iyo debeddaba ugu sharaf
daran yahay! Ma caddaalad xumo ayaa laga baxay intii muddadaas
ka danbaysey? Maya, Maya…..
Wax kasta oo in laga baxay la
isweydiiyo maxaa ”Maya” soo celceliyey, oo maskaxdeenna
in ay ”Haa” ku soo dhacdo u diidey? Maxaa u baahan in
uu akhristaha sharafta lihi iska horwareejiyo oo haddii
uu ka guulayso uu ”Haa” kaga jawaabi lahaa su’aalaha badan
oo uu dhammaantood hadda ”Maya” kaga jawaabo? Xilligaas
dheer iyo intii ka horreysey in aan dhibaato laga bixin
ee ay Soomaaliya ka sii daraysey oo ay rajadu qabri salkiis
ku jirto waxaa sababay afar gafane oo kala ah:
1.
Gafanaha tolka, oo u kala baxa boqor, garaad, iimaan, beeldaaje,
islaan, wabar, suldaan, malaaq iyo wixii la mid ah.
2.
Gafanaha turufada, oo u kala baxa madaxweyne, jabhadweyne iyo wixii
la mid ah.
3.
Gafanaha taajirnimda, oo u kala baxa ganacsade, booliquute iyo
wixii la mid ah.
4.
Gafanaha tusbaxa, oo u kala baxa wadaad, aw, falaanfallow, jinnoole,
tufkukhayrle iyo wixii la mid ah.
Mirarkaan
gabayga ahi waxay sheegayaan in 1960kii uusan shacabka
soomaaliyeed gobannimo ama madaxbannaani ku guulaysan,
waayo awooddii taladu weligood gacantooda ma ay gelin.
”Afartaas
ma gabangaabiyee, gibilka ma u taagey
Ma
gilgiley sidii qaansadoo, leebka laga gooyey
Gobo’
kalena waa mid aan shacbiga, ula garwaaxeetey
War calankaad u soo hawlgasheen, haatan gorofowye
Gubato
iyo runtii kama duwana, gelengel shaydaane
Markaad
guudka saarteen dabeed, uma gargaartaane
Good iyo abeesaa u galay, gaararkii Xamare
Sida loo gigaayuu qalbigu, ila gariiraare
Golcaddihii talyaaniga ka daran gocorka haystaane
Gobanimadu
ma ahayn in uu, bahal garqaadaaye
Ma
ahayn dhurwaa in uu la galo, god iyo booraane
Waa
loo gudboon yahaye waa, guurti kaa maqane”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Intaasi waxay khusaysaa sida aysan gobannimo
marnaba awoodda shacabka u soo gelin, waxaana gobannimo
lid ku ah ”gunnimo” oo waa sababta uu maqaalku shacabka
ugu magacaabay ”gun gaajaysan”. Haddaba mirahaas kor ku
qoran kuwa ku sii xigaa waxay cabbaar tilmaamo ka bixinayaan
gafanayaasha qaarkood siiba ”gafanaha turufada”, waxayna
gaarayaan heer shacabka lagu caddeeyo ereyga ”gunnimo”
iyo in aysan gafanayaasha had iyo jeer dhiiggooda jaqa
ku baraagugsanayn, oo go’yaal aysan fahmayn loo soo huwado.
“Ninkii guuldarraystuhu dorraad, gacanta dhiigaystey
War waakaas go’yaasha isku dedey, garanse maysaane
Gablamee ka kaca waxaad tihiin, gun iyo shaashleye.
Gabbasho iyo la soo dhaaf xantoo, lala gurguurtaaye.
Gujis iyo waxay taagan tahay, gaaddo-ka-cayaare
Cara aanadiinnii la galay, gabar u naafeeya
Cara goolashiinnii la qalay, sumal u qoorgooya
Cara sidii laguu gurubsan jirey, mar isgarwaaqsiiya
Cara goor iyo ayaan warmaha, gaatan ula jooga”
Sida
ay waxyeellada ”afarta gafane” u kala daran tahay ayeynu
u kala hormarinay, isla markaas waxaynu dhawaan arki doonnaa
in uu gafane kastaa cinwaan u gaar ah maqaalkaan ku leeyahay,
hase yeesho ee marka hore waa in aynu si kooban uga baxno
shakiga inakaga jira in aynu xor nahay iyo in kale.
Ereyga
”madaxbannaani” haddii dadka inta lagu wareego la weydiiyo
qofba si in uu u macneeyo ayaa laga yaabaa. ”Waa in aysan
cidina kuu talin” haddii uu mid yiraahdo mid kale ayaa
wuxuu oranayaa ”Waa in aad xaaskaaga kala tagtaan oo aad
keligaa noolaatid”, mid kale wuxuu dhihi karaa ”Waa in
aad filka hawlgabka lagu noqdo gaartid si aan shaqo laguugu
dirin oo aad dhibta uga madaxbannaanaatid”. Dadka qaar
ayaa waxay ku qeexaan in ay madaxbannaanidu tahay ”Wax
dadku iska jecel yihiin oo la iska sheego, laakiin aan
marna la heli karin, qofkii raadiyaana uu isdaalinayo,
waayo mar kasta qofku arrin uu ku khasban yahay baa haysata”.
”Gun
gaajaysan” wuxuu maqaalkaani u yaqaan shacabka soomaalida
intooda lagu danaysto oo aan ayagu dan shakhsiga fushan
karin, waxaana dadkaas ka maqan madaxbannaani wajiyo iyo
dheegag badan leh, oo ay kala maqan yihiin afarta gafane,
isla markaas waxaa lunsan in uu qofka soomaaliga ahi qofnimadiisa
gaarka ah yeesho.”Aniga”
waa erey maalin kasta lagu hadlo, laakiin macne weyn oo
ay bulshada soomaaliyeed u leedahay ma jiro. Waxaa in
badan la iska yiraahdaa ”Qofka soomaaliga ahi dantiisa
keli ah ayuu ka fakaraa, danta ummaddana waa uu dayacaa,
taas ayaana keentay in ay geeriyooto dantii guud oo qaranku”.
Hadalkaasi aad buu uga fog yahay dhabta, oo qofka shacabka
ah oo soomaaliyeed maba uu leh macnaha ka dhalanaya ereyga
”Aniga”, wuxuuna meel mugdi ah ugu afduuban yahay afarta
gafane oo uu maqaalku tooshka u ifin doono.
”Aniga”
marka ay ku saabsan tahay xagga maskaxda iyo dareenka
qofka wuxuu macneheedu yahay in uu qofku leeyahay aragtii
uu sidii uu rabo u fakari karo, isla markaas uu sidii
uu rabo u sheegi karo, oo uusan ku khasbanayn in uu qof
kale fakraddiis qaato ama uusan dhaqanka bulshada uga
baqin in ay maskaxdiisa ku soo dhacaan wax hor leh ama
ka duwan wixii la yaqiin, uuna u madaxbannaan yahay in
uu qofkii uu rabo u sheego asaga oo aan in caafimaadkiisa
iyo shucuurtiisa la dhibaateeyo ka walwalayn.
Waxyaalaha
khiyaaliga ah oo dadka maskaxdooda ku soo dhici karaa
aad bay u badan yihiin oo ruux kastaa qaar buu si qaar
ah u leeyahay, isla markaas dadka qaarkood waxay leeyihiin
kartiyo aad u baaxad weyn. Daliil waxaa u ah horumarka
noocyada badan oo ay maanta dadku haystaan, oo laga yaabo
in ay ugu muuqaal dheer yihiin farsamada iyo caafimaadku,
laakiin la hubo in ay mace daran yihiin marka la barbar
dhigo heerka laga gaarey dabeecada iyo fakarka dadka.
Haddii aan dadka laftooda la fahmin farsamadu horay uma
ay sii socoteen, oo dadka iyo farsamaduba waxay guud ahaan
hadda u dabran yihiin kooxo yaryar oo labadaba fahamey,
laakiin heerka aynu hadda ka doodaynaa midkaas ma uu ahan.
Marka
uu qofku fakarkiisa khiyaaliga ah fasaxo, oo uu inta karaankiisa
ah nolosha aragti xor ah ku yeesho ayey u hirgashay kalmada
”Aniga” oo ah dhuun ay ka soo butacaan ilaha horumarka
dadku, isla markaasna ah awood qofka soomaaliga ah ka
maqan oo uu xaq u lahaa, laakiin ay seejiyeen afar gafane
oo aan u naxayni.
Yaraantiisa
ayaaba ruuxa soomaaliga ah laga xaaraameeyaa in uu leeyahay
aragtii uu ku darsan karo midda dadka ka waaweyn, hase
ahaato ee faaqidaadda waalidka iyo dhallaanku waa arrin
xooga ka weecsan sida ay gafanayaashu maskaxda uga cabburiyaan
ummadda guud ee soomaaliyeed.
Xagga
aragtida iyo fakarka waxaa habboon in qofka la baro inta
uu yar yahay, lakiin nasiib darro qofka soomaaliga ahi
wuxuu aragti dhiiban karaa goortii uu madaxiisu caddaado,
markaasna waxaa maskaxdiisa ka buuxa oo ku garooray in
uu gafanayaasha adeeco oo u adeego keli ah, oo waa la
aamusin jirey xilligii ay maskaxdiisu furnayd, wuxuuna
markaas helayaa fursad uu asaguna markiisa ku aamusiyo
dadka firfircoon oo ay weli maskaxdoodu furan tahay.
Labada
oraahood oo kala ah ”Hebel waa nin wixii rabo ku hadla,
wixii uu rabana sameeya” iyo ”Hebel waa nin tol ah oo
raggiisa wax la qaba” midkee baa ammaan ah keebaase dhalliil
ah? Waxaa hubaal ah in dhaqanka soomaalida haddii la raaco
uu ninkii wixii uu rabo yiraahda, wixii uu rabana sameeyaa
bulshada dhexdooda ku facsharan yahay. Halkaas ayey ku
dhimatay shakhsiyaddii qofka soomaaliga ahi, wuxuuna wax
la qabaa ummad ay gafaneyaal maskaxda ka cabburiyaan oo
aan sidii ay u noolaan lahaayeen ayagu go’aankeeda iyo
fakarkeeda lahayn, isla markaas aan dadaal ugu jirin in
ay iska furfuraan cadowga ku salladan.
”Waa
in aan gafaneyaal cayiley, gabax ka siiyaaye
Garangoorridiyo waa in aan, shilinta gooyaye
Waa inaan xaqii la iga guray, soo gadaal naqa’e”
Khaliif shiikh Maxamuud Saciid
Wax
uu qofka shacabka ahi rabi karaa
ma ay jiraan, ee wuxuu fakarka marti ugu yahay gafane
cayiley, oo ay la gudboon tahay in uu ka xoroobo.
Guji
cinwaanada hoose si aad u akhrisatid Afarta Gafane: