Waxaa hubaal ah in markii ”gafanaha tolka”
la soo xasuusto uu qofka qalbigiisa ku soo dhacayo ereyga
”dhaqan” sidaas darteed ayey dad badani waxay gafanahaan ku
naynaasaan ”madaxdhaqameed”. Inta aynaan ereyga ”dhaqan” macnayn
ayaan ka afeefanayaa in la garowsan waayo in aan gafanahaan
guddoonsiisey koobka gafananimada oo uu kaalinta kowaad ka
qaatay habsaanka ay ummadda soomaaliyeed la tillaabsan weydey.
”Dhaqan” waa arrin lala qabsaday
oo si joogto ah loo qabatimay, taas oo uu facba fac u gudbiyo.
Wuxuu ahaan karaa qaab loo hadlo, sida maansada iyo sheekaxariirooyinka,
oo afka la isugu tebiyo ama qoraal ahaan la isugu gudbiyo
oo la kala dhaxlo; isla markaas wuxuu noqon karaa hab shaqo,
hab shukaansi ama isugalmood, hab dharxirasho, hab xafladeed
iyo wixii la mid ah. Sida loo fakaro iyo heerka ay dadka
aragtiyohoodu gaarsiisan yihiin dhaqanku saanmayn weyn ayuu
ku yeelan karaa. Bulshooyinka qaar ayuu dhaqankoodu aqoon
ku salaysan yahay oo cilmigii ay facyaashooda hore uga tageen
sii horumariya, waayo dhaqanku haddii uu hal heer muddo
dheer taagnaado waxaa bulshada ku dhacaya habsaan iyo curyaamid
ay asaaggeed ka harto. Haddii uu dhaqanku xayiran yahay
waxaa xayirmaya socodka nolosha oo ay dadku horay u sii
dhaqaajin lahaayeen, taasina waxay ka mid tahay sababaha
keenay in ay madaxdhaqameeddu (gafanaha tolka) leeyihiin
doorka ugu weyn marka la eegayo habsaamidda ummadda soomaaliyeed.
Xayiraadda uu gafanahaani ummadda
kaga gudban yahay in ay fakarkooda iyo dadnimadooda nuuxnuuxiyaan
waxaa ugu kaalmeeya in gafanuhu uu ka xasilloon yahay gafanayaasha
kale oo ay dhashiisu tolka u harayaan sida xoolaha loo dhaxlo
oo kale. In uu gafanahaan firkiisu faraca ummadda sii kala
dhaxlayaa waxay muujinaysaa in ay isimadu yihiin cadaab
daa’im ah oo ay shacabka la gudboon tahay in ay af iyo addin
isaga xoreeyaan ciqaabta maskaxda lagaga hayo oo tarankooda
danbena in la gumaysto loo sii golleeyahay.
Tilmaamaha aynu soo dulmarnay
waxaa maskaxda iyo dadnimada soomaalida uga dhibaato badan
in uu gafanaha tolku yahay taallo la rumaysan yahay in ay
karaamo iyo barako ama illaaco iyo inkaar leedahay. Marka
ereyga ”rumayn” aynu aragno waxaa garabyaal kalmadda ”ogaan”,
oo waxaa laga yaabaa in aysan dad badani dhug u lahayn kala
fogaanta labada erey. ”Waa la og yahay” iyo ”Waa la rumaysan
yahay” waa labo arrimood oo dhab u kala geddisan.
In wax la ogaadaa waa in shay
jira toos loogu dhugyeesho, oo maskaxda iyo dareemayaasha
laga garto. Wixii la arko, la taabto, la uriyo ama la dhedhemiyo
waxaa la isku raacsan yahay in la og yahay. Dareemayaasha
in wax lagu garto waxaa sii dheer in uu qof kastaa karti
iyo waayo-aragnimo u gaar ah dareemayo, oo uu metelan qofka
maansoodaa og yahay sida loo gabyo ama qof ay duumo ku soo
dhacday uu og yahay sida ay kaneecadu wax u saxariiriso.
Wixii uusan qofku ogaan karin,
laakiin looga warkeenay wuxuu ku qaabili karaa ”rumayn”.
Arrin kasta oo uusan qofku dareemayaashiisa kaga warhelin
wuxuu kaga qanci karaa rumayn ama beenin. Mustaqbalka foodda
kugu soo haya iyo aayaha danbe midna dadku ma ay oga, hase
yeesho ee war looga sheegay ayuu qofku rumaysan karaa.
Haddaba ”gafanaha tolka” habkii
uu jiritaankiisu u soo bilawday iyo waxtarka uu ku toorran
yahay ma la og yahay mase waa la rumaysan yahay? Jawaabta
waxaynu ka hormarinaynaa in wixii la og yahay la horumarin
karo ama la xoori karo, oo xilliba xilliga ka danbeeya aragti
lagu kobcinayo ama lagu nuxuusinayo lagu kordhin karo, hase
ahaato ee wixii la rumeyo maanka ayaa lagu hayaa oo wuxuu
weligiis u dhexaynayaa in la rumaysnaado iyo in la beeniyo
ilaa la gaaro xilli ay si dhab ah u soo shaacbaxaan ama
u beenoobaan wararkii jiritaankiisa iyo taariikhdiisa ku
saabsanaa. Sidaas darteed haddii ay ”gafanaha tolka” arrimihiisa
badankoodu yihiin khuraafaad aan la ogayn ee waayo hore
la iska rumaystay oo uu tolku iska aaminey wuxuu maqaalkaani
akhristihiisa ku gacanqabanayaa sidii uu u beenin lahaa
gafanaha dhiiggiisa iyo dhiigga carruurtiisa nuugaya, horayna
u soo nuugey dhiiggii aabbihiis iyo awooweyaashiis, oo maskaxdiisa
kaga gudban in ay cod iyo aragti buuxa ka dhiibato arrimaha
bulshada iyo degaanka.
Su’aashii ku saabsanayd halka
uu naga soo galay gafanuhu iyo waxdheefka aan jirin oo laga
quuddarreeyo haddii aynu dib isugu jinbacno waxaa inoo soo
baxaya in uusan jirin qof huba sidii uu gafanuhu Soomaaliya
dhexdeeda uga askunmay. Male-awaal iyo khuraafaad keli ah
ayey gafanahaan taariikhdiisa asaasiga ahi ka kooban tahay.
Karaamooyin iyo harowsiyo badan oo kutirikuteen ah baa tolka
maskaxda lagaga shubaa si uu gafanuhu u helo sumcad uusan
mutaysan. In aynu tusaaleyaal badan kaga bogano maqaalku
waa uu ka mug yar yahay, hase yeesho ee xilligii dawladakusheegu
jireen wuxuu qabiil kastaa isu sheegi jirey in uusan madaxweynuhu
isinkooda waxba ka diidi karin, waayo wuxuu ka baqayaa in
ay karaamadiisu xafiiska madaxtooyada ka saarto. Waxyaalaha
khuraafaadka ah oo uu tol kastaa gafanohooda iyo wasiirtiisa
ku xusaa malaayiin waa ay ka badan yihiin, waxayna taasi
daliil cad u tahay in uusan gafanaha tolku awoodin in uu
dadka si caqligal ah u qanciyo ee uu welinimo been ah maskaxda
kaga haysto.
In ay isimada qaarkood cusub
yihiin qaarna soojireen yihiin laga hadlimayo ee waxay arrintu
ku saabsan tahay in aan la aqoon hindisaha ka danbeeyey
in ay gafane noocaan ah ummaddu yeelato waayadii hore. Kolley
asalkiisii maamul iyo siyaasad midna ma uu khusayn, waayo
tilmaamaha maamulka iyo kuwa siyaaddu habka ay u dhismaan
iyo qaabka uu gafanuhu tolka u dhexjoogey waxay isu jiraan
inta ay dhulka iyo cirku isu jiraan.
Kuwa cusub waxaa sida badan
abaabula ”gafanaha turufada” oo aynu hadhow arrimihiisa
ka falanqoon doono, waxaana sida badan looga jeedaa in tolka
labo ama dhawr kooxood loo kala qaybiyo iyo in dadka la
jahawareeriyo oo ay walaahoobaan. Gafanaha turufadu wuxuu
arrimaha noocaan ah u huraa hanti iyo dacaayad uu ku hirgeliyo,
laakiin xoogaa ka dib gafanaha la abaabuley wuxuu bilaabaa
in uu dhiigga tolka nuugo oo uu la martabad noqdo gafaneyaashii
soojireennada ahaa. Kuwa cusubi waxay u badan yihiin dad
aan dhaqanka tolka keli ah aqoon ee askar, arday, duullaaley
iwm ah soo maray, waana ay ka been iyo belaayo badan yihiin
kuwii awliyada sheeganayey oo gafanenimada abbayaashood
ka dhaxlay.
Kuwa cusub waxaa laga yaabaa
in ay ku jiraan qaar shirarka siyaasadda fahmi kara, laakiin
waxaa qosol iyo maad leh in xilligaan kuwa duugga ah oo
uu ku yar yahay mid magaciisa qori karaa ay meeshii durbaan
siyaasadeed laga tumaba u qamaamaan. Waxaa arrintaas sidii
ay rabaan uga faa’iidaysta gafanaha turufada, oo doonaya
in ay tol ay dhiigga ka nuugaan u soo gacangeliyaan. Waxaa
arrintaas tusaale u ah gafanihii tolka oo u yaacay shirkii
Carta oo uu dad isugu yeeray mid muddo dheer jaajuus ahaa,
arrintaasina waxay ina soo xasuusin kartaa mirkaan gabayga
ah:
“Geeddiga
carruurtaan aqoon, geeska loo raraye”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Miyi iyo magaalo hantida tolka intii uu
rabo ayuu gafanaha tolku ka qaadan karaa, waayo dadkii hantidaas
lahaa ayuu maskaxdooda waa hore guursadey oo waxay soomaalidu
ku maahmaahdaa ”Nin la leeyahay muxuu leeyahay?”.
Haddii uu afka
”gafanaha tolka” hadal ka soo baxo waxaa tolka waajib
muqaddas ku ah in ay ku raacaan, waxaana xaaraansan in laga
shakiyo hadalka isinka ama wax ka geddisan lagu fakaro.
Qofkii hadalka uu gafanuhu yiri aan toos u qaadan
ee wax kale sameeya ama dood ka horgeeyaa wuxuu markiiba
noqonayaa cadowga tolka, waxaana bannaan in seef iyo saanad
nafta lagaga gooyo. Isla markii uu qofkaasi gafanaha mucaaraday
ayuu wuxuu noqonayaa gaal habaaran oo aan weligiis khayr
arkayn, haddii la dilana wuxuu tolku dareemaa in ay geeridaasi
ahayd mid la filaney, waayo inkaartii isinka ayaa soo dedejisey.
Tolka goobta uu qofkaasi gafanaha hadalkiisa ku diidey ka
maqan waxaa degdeg loo gaarsiiyaa digniin ah ”Waa habaarqabe
ee ha la iska jiro!”. Haddii ruuxaas uu hargab ku dhaco
ama ay qodaxi muddo wuxuu tolku ku fasiraa in ay sababtay
inkaartii isinku, laakiin dadka kale oo maalin kasta dhinta
waxaa loo qabaa in ay tii Alle u timid! Qofkaasi haddii
uu hadal kale oo aan arrintaas khusayn sheego waxaa loo
qabaa in uu qof habaaran hadalkiis yahay, oo waa lagu riddiyaa.
Xataa haddii uu Quraanka kariimka ah aayado ka mid ah dadka
ku wacdiyo waa laga kala dareeraa, waayo denbiga uu tolka
ka galay waa mid uusan Quraanka kariimka ahi ka mayri karin!
Waxaa isweydiin mudan waa maxay
”tol”? Ma mabda’ baa mase waa dad in ay isku oday ku abtirsadaan
aaminsan? Waxaa hubaal ah in uusan jirin qof ku jawaabi
kara in uu tolku mabda’ yahay, oo waxaa iska cad in uu tolku
yahay dad isku oday sheegta. Haddaba waxaa dadkaas ka dhexeeyaa
aragti ma ahan ee waa dhiig sida ay u qabaan. Isinku waa
nin ka mid ah dadkaas isku odayga ku wada abtirsada, waana
la jecel yahay oo taageero weyn iyo hanti xad-dhaaf ah buu
bilaash ku helaa. Qofkii asaga mucaarada waxaynu soo sheegnay
in cay, habaar iyo dil la isugu daro. Waxaa markaas su’aalo
waaweyn ah ”Qofka isinka mucaaraday maxaa loogu nabadgelin
waayey in uu tolka dhalasho la wadaago? Maxaase aragtidiisa
laga rabaa haddii uusan awalba tolku mabda’ iyo fakrad ahayn
ee uu dhalasho qura ahaa?”. Waxaa meeshaas ka cad in uu
tolku yahay hanti iyo gaadiid uu leeyahay gafanaha tolku.
Waxaa jira labo maahmaahood
oo kala ah ”Tol waa tolane” iyo ”Tolkaa iyo kabtaadaba dhexda
ayaa lagaga jiraa”. Midda hore waxaa looga jeedaa in uusan
qofku wax aragti ah oo aan hadalka gafanaha tolka ahayn
lahayn oo ay maskaxdiisu ku tolnaato dookha isinkiisa. Midda
labaadna waxay sheegaysaa in uu tolnimada macneheedu yahay
in aadan xagga fakarka ka bixi karin sida uu gafanaha tolku
ku hamiyo, oo ah in uu xoolahaaga intii uu rabo qaadan karo,
adigana meeshii uu rabo kuu diri karo, isla markaas aad
muujisid in aad jeceshahay.
Keligeen ma lihin ”gafana tolka”
ee dadyow badan ayuu dhiiggooda cabbaa, hase ahaato ee waxaa
kala duwan heerka uu gafanuhu joogo, oo malaha waa uu yar
yahay dal sida Soomaaliya ay ka jiraan kumanyaal gafane
oo caynkaan ummadda u kala qaybiya.
Koox kasta oo dan lihi waxay
iska sheegaan in ay ummadda waxdheef u leeyihiin, laakiin
waxaa hadalkooda beeniya duruufaha meesha ay joogaan ka
jira. Haddii uu qof aan fakarayni iska yiraahdo ”Isimadu
waxay horumar fiican ka sameeyeen nabadgelyada ummada soomaaliyeed”
waxaa dhuunta ka mudaysa runta ah ”Weligeed Soomaaliya nabad
ma ay helin”.
Weligeed soomaalidu waa ay isdhaci
jireen, waana ay isgumaadi jireen ee goorma ayuu gafana
tolku nabad ka dhaliyey geyiga soomaaliyeed? Dhiigga maxasta
oo maanta daadanaya iyo midkii boqollaal sano ka hor daadan
jireyba waxaa lugta ugu weyn ku lahaa ”gafanaha tolka” oo
jaahilka ah.
Fakarka maskaxda waddaniga iyo
nabadgelyada degaanka haddii uu gafanaha tolku weligiis
wad iyo mawd ku ahaa waxaa gunta gaajaysan (shacabka) la
gudboon in ay inta Rabbi talosaartaan iska qaadaan heeryada
shaydaan oo dusha ka saaran, oo ay qaadaan waddo u dhaanta
middaan ay muddada dheer ku silicsanaayeen, kana dhuxulqaadaan
mirarkaan gabayga ah:
”Waxaa
hiil ilaah hela ninkii, diida heeryada’e
Ma
habaabo ruuxii jid khayr, ku hardafaayaaye
Ku
hagaaga hilinkiyo waddada, waa hayaan kulule”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Saddexda gafane oo aynu gadaal ka arki doonno
waxaa habboon in sida ay yihiin laga beddelo, oo dhaqantoosin
lagu sameeyo ama booskooda qaab kale loo dooriyo, hase
ahaato ee ”gafanaha tolka” dawadiisa iyo xalkiisu waa
in la ciribtiro.
<<<<<Akhri
Gafanaha Turufada>>>
ama
>>>Gadaal
ugu noqo bogga hore ee gafanayaasha>>>