Gafanihii la soo dhaafay iyo midka aynu hadda
bilawnay waxaa dhici karta in ay isku hal qof noqdaan, siiba
xilligaan ay soomaalidu u yaqaanniin ”Xilliga dawladla’aanta”,
maxaa yeelay hoggaamiyeyaasha jabhadaha qaarkood waxay ku
soo baxeen dhaqaale sida badan booli ah. Waagii ay dawladokusheegyadu
jireen xataa dad badan baa waxay ku taajiri jireen turufo.
Tusaale yar oo ku saabsan in
uusan gafanaha taajirnimadu bulshada fakar iyo horumar u
oggolayn ayeynu halkaan ku soo koobaynaa. Xoolaha nool oo
ay soomaalida qaarkood ka ganacsadaan waxaa laga iibsadaa
dadka reermiyiga ah, wuxuuna gafanaha taajirnimadu ka shaqeeyaa
in aysan dadka xoolodhaqatada ah indhuhu u furmin ee ay
weligood heerkooda joogaan. Meesha ay ku dhaqan yihiin in
ay soo dhafaan ama ay xooluhu si fiican ugu gadmaan midna
gafana taajirnimadu uma uu oggola shacabka xoolaha dhaqda
oo u baahan in ay ilbaxnimo iyo horumar helaan. Si luggooyo
iyo dhiigmiirasho ah baa masaakiintaas wax looga gataa,
oo xataa waxaa gacantooda laga dhawraa in ay lacag caddaan
ahi gasho. Xoolohooda inta la iska qaato ayaa muddo ka dib
waxaa la siiyaa cunto iyo dhar lagu samirsiiyo, marmarna
waaba laga inkiraa.
Xoolodhaqatada keli ah sidaas
looma silciyo ee dhammaan danyarta soomaaliyeed oo waxsoosaarka
sameeya waxaa madaxa kaga taagan gafanahaan iyo labadii
aynu horay u soo dulmarnay. Gafanayaasha hore waxay sida
badan shacabka ka curyaamiyaan maskaxda, laakiin gafanaha
taajirnimadu wuxuu ku dadaalaa in ay dadku ka hagaasaan
xagga dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa.
Hantida uu gafanahaani haysto
bulshadu waxba kama ay dheefaan, hase yeesho ee wuxuu waji
kaga samaystaa gafanaha tolka iyo midka turufada, waxaana
halkaas ka cad in uu gafanaha tolku yahay mid khayr daran
oo xataa gafanayaasha kale maskaxda ka haysta.
Nadaamdarrada Soomaaliya waxaa
ku gafanoobey booliquutayaal badan, oo hanti ay boobeen
iyo mid ay duruuftu u sakhirtay ka xoolaystay. Dhaqaalaha
boobka lagaga taajirey waxaa ka mid ah beero iyo hanti kale
oo maguurto ah oo ay burcad noocaan ahi shacabkii lahaa
xoog kagala wareegeen, iyo hanti guurto ah oo si caqliga
ka baxsan loo bililiqaystay. Dhaca noocyada badan oo dalka
Soomaaliya la isku mooraduugey, waxaa ka daran ganacsikusheegga
sida foosha xun looga xoolaystay iyo arrimaha kale oo shirkada
lagula yahay maafiyo shisheeye ah oo dalkeenna khayraadkiisa
si jiddarro ah u booba ama dano xaaraan ah ka fushada geyinneena
baylahda ah ee Soomaaliya.
Gafanenimada foosha xun oo siyaalaha
kala duwan u samaysantay baa ka mid ah sababaha uu dadkeennu
nabad iyo xasillooni uga quustay, waxaana hadba shir xoolo
lagu doonayo loo qabtaa gafaneyaal cayiley oo aan shacabka
iyo Alle midna xaqdhawrayn ee sidii kuwii Carta ay ayaga
iyo kuwo dalal kale xukumaa magaca Soomaaliya dunida ku
yaboohsadaan. Waxaa yaab leh in aysan gafaneyaasha burburka
Soomaaliya ku cayiley ka hamuunbeelin xoolaha xad-dhaafka
ah oo ay dhawr iyo tobankii sano oo la soo dhaafay boolida
iyo basarxumada ku hantiyeen, waxaana meesha soo galay mirihii
Khaliif shiikh Maxamuud oo ahaa:
”Sidii
heeran gabaraad waqaa, habaqle roortaaye
Gananhoorsi
waadiga u tegey, tan iyo Haanoye
Hamuunsaaran
baad leedohoo, kula heshiin mayno”
Booliquuteyaasha noocaas ah waxaa fursad siiya
aragtigaabnida gunta gaajaysan, waayo qaababka kala duwan
oo aynu soo ishaarnay waxaa u saamaxa taageero ”Budulka
raac” ah oo ay dadkii hantidooda la boobay qudhoodu ugu
deeqaan gafanaha cadowga ah oo ay noloshiisu ku jirto dhaca
ummadda iyo damacxumada.
Hadda waxaa inshaa Allaahu soo
dhaw markii ay shacabka soomaaliyeed jebin lahaayeen derbiyada
tolka oo lagu kala qoqobay, wuxuuna calafkood dhadi doonaa
gafaneyaasha iimaanka la’. Godobaha waaweyn oo aynu shaaca
ka soo qaadnay dadkii galay waxay maanta u eg yihiin meydad
soconaya, waayo dadku weligood ku ay jiri mayaan in maskaxda
lagaga taaganaado. Shacabku in kasta oo uu xagga nolosha
rafaadsan yahay waxaa xagga murugada ka rafaad badan kuwaas
denbiileyaasha ah, oo ogsoon in dhibaatadii ay xilliga dheer
geesanayeen laga gudi doono, waana halkii uu Khaliif shiikh
Maxamuud ka lahaa:
”Subaacyohow
adays diley markaan, suuray aadniga’e
Adigaa
sadkoodii ka cunay, wiilal soon qaba’e
Sanac
xume adays biday inaad, saajac weyn tahaye
Haddii
aadan silloonayn wallee, meyd socdaad tahaye
Caad
kaama saarnee naftaad, dib u sarriigtaaye
Samir
yeelo iimaanku yuu, kaa sibiibixane”
”Gafanaha taajirnimada” ayaandarrada haysata
ayey mirarkaas kor ku yaalli ku abbaaran yihiin, kuwaan
soo socdaana waxay niyadda u dhisayaan oo mustaqbal iyo
rajana u laacinayaan ummadda siyaalaha badan loo soo gumaystey,
oo uu qaarkood maanta xaqoodii seegay ku baraarugey.
”Gu
samaaday dooxada xareed, wada sabbaysiiye
Saylaanku
fiidkii hadduu, sarabka soo saaro
Sidii
lagu aqoon jirey dhulkuu, saxar u diidaaye
Annaguna
haddaan sawlaxnoo, col isu soofayno
Sarraxa
iyo gaaddada halkaan saarno lala yaabye
Sawaariikhdayadu
nimay heshaan, samayo qaadayne
Waakaa
socdaalkii dhammaan, la isu saahidaye
Kabta
suundanbeedkeeda iyo, saadkii la adkeeye
Sayax
weerar baa ciidankii, loo sagootiyaye
Siigada dhacaysiyo hawada,
saa’iddoo korodday
Shinbiraha
salliga qaadayoo, wada siyaaxaaya
Si
kaleeto ma ahee nimcay, saadinahayaane
Waxaa
noo sid tirisaanba waa, tan iyo saakuune
Sabyaan
lagu adeeganahayiyo, sagagar yeelyiise
Dad
wixii na saacidi jirow, taladu waa saase”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Kolley in mugdiga laga baxaa waxay sidii aan
horay u sheegnay ku xiran tahay in maskaxda laga xoroobo,
oo uusan jirin qof xagga aragtida iyo fakarka dadka kale
ka burosidaa. Haddii aynu shacabka saxariirsan oo uu gumaysigu
haysto nahay waxay gobanimadeennii iyo aayaheennii ku dihin
yihiin maskaxdeenna, waxaynuna gaari doonnaa markii aynu
gafanayaasha dheregsan caloosha qodax kaga mudno.
Gafanaha
tusbaxa
Ikhyaartaan waxaa qaarkood dagaal xun ku haya
ninka qooqan oo magaciisa la yiraahdo Maraykan iyo xulufadiisa,
sidaas darteed maqaalkaani wuxuu ka xishoonayaa in uu shisheeye
ugu tago dad sokeeye ah oo soomaali ah. Si kastaba ha ahaato
ee falka iyo in gafanaha turufada loo kala dhuunto midna
diinta islaamka kuma uu bannaana.
Gafanihii turufada oo Carta
waxaa ka agmuuqdey madaxyo cimaamado huwan, isla markaas
maqaalkii ayaan dhaweyd la faafiyey oo uu magaciisu ahaa
”Itixaad iyo ilma Yuusuf” waxyaalo badan ayaa ku xusnaa.
Wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diintu weligeed Soomaaliya
waa ay ka jirtey, ee meeday caddaaladdii, maxaase diinta
hoosgeeyey dadka turufada?!
In qabyaalad diinta lagu barxay
iyo tafaraaruq labaduba waa ay iska jiraan, laakiin waxaa
ka sii daran in dacwada islaamka lagu geeswado ”gafanaha
taajirnimada” iyo in aan la kala aqoon diinta Alle iyo dhaqanka
carabta oo labadaba lagu camalfalo. Xagga fakarka laftiisa
waxaan weli loo bislaan in dadka loo oggolaado in ay khiyaaliga
maskaxda si xor ah ugu banbaxaan, oo aan xamaasad lagu cabburin
aragtiyaha iyo hal-abuurka.
Runtii waxaa kooxdaan guul ugu
filan in maqaalkaan ayaga lagu gunaanadey, oo ay ku guulaysteen
in ay ka ceebo yar yihiin saddexdii uu ugu darnaa gafanaha
tolku, laakiin waxaa tiiraayo leh in dadkii diinta ku hawlanaa
ay maanta ka dhexmuuqdaan maqaal gafaneyaal ku saabsan.
DHAMAAD......................................................Gadaal
ugu noqo bogga hore ee Gafanayaasha
Waxaa
qoraalkaan iyo labadii maqaal oo dhawaan la baahiyey oo
kala ahaa ”Itixaad iyo ilma Yuusuf” iyo ”Nefis iyo Naxdin”
qoray:
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se