”Budulka raac!” waa qaciido caan ah oo ay
reerguuraaga soomaaliyeed adeegsadaan. Inta aynaan qaciidada
oo dhan faahfaahinayeynu qeexaynaa ereyga ”budul”. Wax kasta
oo sida budada ama daqiiqda u tumani waa ”budul”, oo burku
waa sarreen la ”budliyey”, laakiin sida caadiga ah wuxuu
ereyga asalkiisu ka soo jeedaa oo uu macnihiisa runta ahi
yahay meel ay ciiddeedu adag tahay markii uu raad badani
maro oo ay ciiddu socodkii badnaa dartiis jilicdo. Meeshii
ay xoolo badan oo iska daba imanayaa maraan waxay noqotaa
”budul”, sidaas darteed ayaa dhabbeyaasha ay xooluhu cagaha
ku sameeyaan oo cusub waxaa loo yaqaan ”budul”.
Qaciidada fahamkeedii hadda
ayuu soo dhawaadey, waxaynuna caddaynaynaa xilliga la adeegsado
qaciidada ”Budulka raac”. Markii in meel laga guuro la rabo
waxaa inta aan la guurin la diraa sahan soo ilaaleeya meesha
loo guuri doono. Sahankaasi haddii uusan jees keli ah khusayn
ee uu degmo ama duddo dhan u sahamiyey waxaa markii la guuro
hayaanka loogu hormariyaa raggii sahamiyey qoysaskooda oo
geeddiga abbaarsiiya tubtii ay sahanka ku mareen. Degmada
inteeda kale waxay ku guurtaa qaciidada ”Budulka raac” oo
ah in lagu raadtunto geeddigii uu sahanku hagayey xoolohooda.
Markii qaciidada ”Budulka caac”
lagu dhaqmayo macnaheedu ma aha in waddo xaq ah lagu taagan
yahay ee labo halisood baa qarka loo saaran yahay. Midda
kowaad waxaa laga yaabaa in uu sahanku talo xun yahay oo
uu meel aan fiicnay degmada u soo hayaamiyey. Midda labaad
waxaa dhici karta in uu sahanku khaa’in yahay oo uu reero
meesha loo soo guurey aaggeeda deggan qaraabo la yahay ama
in uu la xidido rabo, ee uusan roob iyo naq dartood ummadda
u soo barakicin.
Runtii qaciidada ”Budulka raac”
haddii lagu socdo waxaa ka imaan kara dhibaatooyin laga
shallaayo, laakiin hadda waxaynu ku dhexjirnaa ”gafanaha
turufada”, oo la hubo in uu yahay sahan khaa’in ah ama talo
xun, oo ay gunta gaajaysani (shacabku) budulkiisa iska raacaan.
Inta aan gafanaha turufada laga
faalloon ayaan cudurdaar kooban xusaynaa. Cudurdaarkaasi
waa in ay dadku runta neceb yihiin, oo metelan haddii nin
labaatan sano tuug ahaa loogu yeero ”Tuuggow” ama nin jaahil
ah loogu yeero ”Jaahilkow” ay xanaaq dartiis afka ka abrunayaan,
lagana yaabo in ay arrintu gacanqaad gaarto. Xataa haddii
uu tuuggu boqol goor adiga ku xaday waa uu ka xanaaqayaa
in aad runta u sheegtid.
”Calooshilacayaar” waxaa ah
kooxo badan oo ku dhexnool ”gafanaha turufada” oo horseed
xun iyo ”gunta gaajaysan” oo ku socota qaciidada ”Budulka
raac”, waxaana cad in aysan kuwaasi raalli ka ahayn in sifadooda
(calooshilacayaar) loogu yeero, laakiin mar haddii afartii
gafane oo aad loo taageersanaaba uu maqaalku run qayaxan
rubadda kaga mudey ma wuxuu u jixinjixayaa ”calooshilacayaar”
daciif ah? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Madax meel ka
sarraysa oo la salaaxaa ma ay jirto”, oo wixii ”gafanaha
tolka” lagu caddeeyey horay baynu u soo aragnay, haddana
waxaynu qalaynaa waa gafanihii turufada oo madaafiicda ridi
yaqiin.
Tusaalaha ugu horreeya oo aynu
xagga siyaasadda Soomaaliya qaciidada ”Budulka raac” ugu
soo qaadan karnaa waa shirkii Carta oo ay sahanka iyo horseedka
ka ahaayeen mudane ”gafane” Ismaaciil Cumar Geelle iyo hoondhayskii
goobtaas ku gafanoobey qaarkood.
Kolley sahanku ma uu badnayn,
laakiin waxaa aad u badnaa ”gunta gaajaysan” oo shirka ugu
xiisa qabey qaciidada ”Budulka raac”. Lama soo tirakoobin
inta ay ahaayeen shacabkii dalka iyo debedaha budulka raacay,
laakiin waxaa goobtii uu mudane ”gafane” Ismaaciil Cumar
Geelle soo sahamiyey gaarey 3000 oo ”dadaw dad ma tahay”
ah. Qiyaastii waxaa ”gun gaajaysan” ahaa 2500 oo qof, oo
aan sida caloosha loola cayaaro aqoon, ee sida budulka loo
raaco yaqiin.
Maraakiib ay lacag been-abuur
ahi ka buuxdo ayaa isla ayaamihii uu shirkaasi dhammaaday
waxay ku soo xirteen xeebaha badweyta Hindiya. Mudane ”gafane”
Ismaaciil Cumar Geelle iyo gafanayaashii uu ummadda soomaaliyeed
dhiiggooda nuugsiiyey waxay markiiba dalka oo dhan ku rideen
sicirbarar halaag ah. Boqolka doollar oo aan weligiis malyan
gaarin ayaa toddobaad gudihiis wuxuu gaarey labo malyan
iyo bar. Doollarkii dalka yiil oo dhan waxaa maraakiibtaas
ku xaalufiyey Mudane ”gafane” Ismaaciil Cumar Geelle iyo
mudane ”gafane” Cadiqaasim Salaad Xassan, oo ay hoostooda
unuunufayeen ”calooshoodlacayaaryo”, ehelo iyo tolna ay
ku xariireen. Been-abuurkii maraakiibtaas ku shaaxinnaa
waxaa lagu soo sameeyey lakabkii ugu horreeyey oo ay sahanku
rogeen, intii ka danbayseyna waxay ahayd ”ka baxshaa ba’ay!”.
Shacabkii uu doollarku ku saddexjibbaarmey
waxay gadan kari waayeen wixii ay markii ay budulka raaceen
gadan kareen. Meelihii nabadda ahaa ayey colaado ka abuurmeen,
maqaalkaanna laguma soo koobi karo halaaggii uu Ismaaciil
Cumar Geelle dalka iyo dadka Soomaaliya baday, waxaase yaab
ah in uu dhiiggii uu annaga oo caato ah naga nuugey ammaan
iyo mashxarad ku helay, oo ay weliba dadka aqoon isu nisbaynayaa
qoraal ay gafanahaas ku ammaanayaan daabacaad geeyeen!
”Gafanaha turufada” oo la aammino
gaajo iyo arrad baa laga sii qaadaa, waayo gafane in uu
dhiig jaqo ayuu yaqaan, mana uu naxariisto.
Shacabka soomaaliyeed oo muddada
dheer uu gafaneba gafane u dhiibayey maanta waxaa ka mid
ah qaar sida korkooda looga shaxay oo danahooda loo seejiyey
ku baraarugsan, oo aan dhiiggii ay cadowgoodu ka nuugeen
moogayn. Inta aan baraarugsanayna af iyo qalin baa hurdada
lagaga kicinayaa, waxaana gafaneyaasha xujaynayaa mirarkaan
gabayga ah:
Shacabkii hadduu sarakacoo,
wada salaabboodey
Sandareertadii
diide iyo, silicii ceebeede
Xaggee
seexan doontaa adaa, gubey salkaagiiye
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Rafaad weyn baa dunida afarteeda cirif
shacabka soomaaliyeed ku haysta, wuxuuna gafanaha turufadu
iskula fiican yahay in hadba shir aan dux iyo nuxur lahayn
laga casumo iyo in uu awood foolxun ku raadsado ummadda
dhiiggeeda, laakiin waxaa badan gafanayaal ay maanta baddu
la caaridey. In kasta oo aynaan weli mirarkii hore oo gabayga
ahaa ka nasan haddana waxaa mug inaku soo yiri kuwo talantaalli
ah oo ka sii macaan badan:
“Ku
dareenyey aadnigu inaad, tahay dullaaleye
Denbigaannu
kuu haysanniyo, qaranka aad duugtey
Dufantirasho
yaa kaaga harin, deynqabaad tahaye
Dunidoo dhan baa kuu taqaan,
diib cadaawa ahe
Dugaaggii
ku boobaaya waa, lala dagaalaaye
Waxba
ha isu dedin uumiyuhu, kaa digniin hela’e
Dabaqa aad koraysaa dhaqsuu,
kuula dumayaaye
Nin
dadkiisa cuna ciiddu way, labadiblaysaaye
Dugsiwaaga
waxa kuug wacan, daallin baad tahaye
Abwaan laga dalqaminaayo
waa, laga dabqaataaye
Rabbi
waxaan ka doonaa waqay, igama daahaane
Dakhal
fooraraad noqotay iyo, doonni caaridaye
Rag isdiley dabaadiga qolaa,
lagu dagaajaaye
Dalanbaabigaagaan
ka garan, inaadan doogayne
Naga
soo deg duumaad ahayd, daawo loo helaye”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
”Gafanaha turufada” iyo ”gafanaha tolka” labaduba
qabiilka ayey ku danaystaan, waxayna iska kaashadaan sidii
uusan tolku weligiis u ilbaxeen oo uu cagaha hoostooda ugu
jiri lahaa iyo sidii looga takhalusi lahaa qofkii keena
aragti ka duwan middii ay isugu kaalmaynayeen. Cawino iyo
canshuur wixii uu gafanaha turufadu soo haahaabo waxaa qayb
yar laga siiyaa gafanaha tolka si uu qabiilkiisa ugu soo
gacangeliyo ninka hantidaas xoogaaga ah siiyey.
Xeel iyo qorshe aan qabyaalad
ahayn gafanaha turufadu ma uu awoodo in uu ummadda ku kuxumo,
oo waxaa dawladihii Soomaaliya soo maray caadi ahaa in ay
hay’ad dhan oo ciidan ahi hal qabiil ka koobnaato. Waxaa
kale oo aan lala yaabi jirin in hay’ad dawli ah sida wasaarad
oo kale lagu magacaabo ”Meeshii reer hebel”. Xilliyadaanna
taasi waxayba noqotay wax iska qayaxan oo gafane kastaa
wuxuu dhiigga ka nuugaa qoladii la abtirsiinyaha ahaa, wuxuuna
ku diraa ummadda inteeda kale. Arrimahaasi waxay keeni karaan
in uu qofku kala garan waayo farqiga u dhexeeya ”gafanaha
tolka” iyo ”gafanaha turufada”, waayo labaduba tolka ayey
sida xoolihii u dhaqdaan.
Sida badan soomaalida kama ay
soo baxaan dad ku dhiirrada aragti miiggan oo shacabka lagaga
xoraynayo labada gafane oo ummadda dhiigmiirtay, waayo kuwa
aqoonta lagu hafraa waxay sida badan noqdaan calooshilacayaarro
iyo danaysteyaal aan ummadda cadaabka iyo dhibaatada haysata
walaac ka muujin ee ayaguna gafanaha turufada hoosyaaca
ama iska baagamuuddeeya. Run ahaantii aqoontu aragti iyo
falsafad aan loo dhalay ma ay keento, oo shahaado uu qof
aan damiir lahayni meel ka soo qaatay ama qof nacas ah boorsada
ugu jirtaa ummad sal iyo baar la dhaandhaamay xal uma ay
soo jiidi karto. Waxaa yaab ah in ay dadka soomaalida ah
dhexdooda aad ugu yar yihiin falaasifada iyo dadka ay aragtidoodu
ka madaxbannaan tahay gafanayaasha cadowga ah oo in ay ummaddu
nuuxnuuxsato u diidey.
Kooxaha ugu dhow in ay gafanayaasha
lid ku noqdaan waa wadaaddada asalraaca ah, hase ahaato
ee laba arrimood baa ayagana u diiddan in ay isbeddel keenaan.
Midda kowaad laftooda ayaan qorshe iyo yool xeeldheer wadan
oo ah soomaali xamaasad lagu beeray oo aan waxba ka jibogaari
karin, isla markaas aan isku duubnayn oo iska qamaamaya.
Midda labaad waxaa meesha taal maahmaahdii ahayd ”Rag kaa
badan iyo biyo kaa badani waa ay ku hafiyaan” oo waxaa isku
meel uga soo jeeda gafaneyaal xayn ah iyo shacabka oo askar
aan mushahar qaadan ah. Intaas waxaa u dheer dhibaatada
guud oo ay la qabaan muslimiinta ay gaaladu ku dhufteen
shaabbadda ”Argagixiso”, oo waxaa isu kaashada dilkooda
iyo xumayntooda gafane iyo gaalo. Wadaad shacab ah oo carruur
dugsi Quraan u dhigayaa ayaa had iyo goor Itoobiya iyo Maraykan
waxaa gacanta u geliyaa ”gafanaha turufada” oo ku andacoonaya
in uu soo qabtay mid ka mid ah taageerayaasha Usama bin
Ladin. Inta la dhiibo waxaa ka badan inta uu gafanuhu gacantiisa
ku xasuuqay oo aysan deero deero u hardiyin, waxaase lagu
dhaqmi doonaa ereyadaan gabayga ah:
”Culumadii
haddaad haanka iyo, haniyihii gowsey
Toban
iyo hal dheeri ah haddaad, subax hareeraysay
Hororyohow
wadaaddada cunaa, kula heeshiin mayno
Ra’yigii hagaag loo baxshaa,
lagu hanaadaaye
Hujuun
la isku doortaa dib buu, halis u keenaaye
Hadduu
weerar hadafkaagu yahay, kula heshiin mayno”
Khaliif
shiikh Maxamuud Saciid
Kooxdii uu doonaba ha ka tirsanaado ee waa
uu yar yahay qof soomaali ah oo aan ku shaqaynayn gafanennimo,
caloollacayaarid iyo ”Budulka raac”, oo wadaaddada qudhooda
waxaynu xoogaa ku faallayn doonnaa ”gafanaha tusbaxa”.
Habeenkii (21.10.1969) uu ummadda
oo saq ku jira qoriga kula soo guureeyey Maxamed Siyaad
Barre subaxiisii waxaa dadkii soomaaliyeed oo caasimadda
joogey mustaqbalka walaac ka muujiyey hal nin keli ah. Inta
kale waxay gafanaha ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo
in ay dariiqyada heeso iyo sacab la dhoobtaan. Ninkii subaxaas
naxsanaa oo aan caleemaha wax ka ruxayn, sacabka iyo heesahana
ka qaybqaadanayn waxaa magaciisa la yiraahdaa Xirsi Magan
Ciise. Qof kasta oo uu garanayey ayuu Xirsi Magan asaga
oo ay wajigiisa dhiillo weyni ka muuqato gooni ula hadlayey,
wuxuuna ku lahaa ”Waa la ina xirxiri doonaa, waana la ina
toogan doonaa ee maxaa talo ah?”. Runtii dadku dhiillada
Xirsi Magan Ciise iyo hadalkiisa midna xiiso iyo kansho
uma ay hayn ee waxay ku dheeraysanayeen heesaha, caleemaha
qoyanna kor bay u taagayeen oo xoog bay u ruxayeen. Waxaa
lagu faraxsanaa isbeddelka Soomaaliya ka dhacay, Xirsi Maganna
wuxuu subaxaas shacabka la ahaa, welina la yahay ”Nin waalan”.
Dad badan baa siddeetamaadkii
markii xabsiyada loo taxaabayo ama toogasho lagu xukumo
waxay ayaga oo shallaaysan ku barooran jireen ”Digniintii
Xirsi Magan haddii aannu tixgelin lahayn maanta heerkaan
ma aannu joogneen”. Dadka soomaaliyeed markii loo digo waa
ay sharaystaan, oo waxay hoosgalaan cadowga looga digayo,
oo ah afarta gafane.
Xirsi Magan Ciise wuxuu asaga oo dhiillaysan
xudduuda Soomaaliya ka baxay isla waayadii uu afgenbigu
Soomaaliya ka dhacay, dadkii in uu waalan yahay u qabeyna
wixii ka nool intii ugu dabaqad roonayd soddon iyo dhawr
sano ka dib bay safaaradaha Maraykan oo Kenya iyo Itoobiya
hordhooban yihiin, si ay u raajiciyaan in ay qaxooti ahaan
ku galaan USA.
Halkaan
ka ka akhri <<<Gafanaha
taajirnimda & Gafanaha tusbaxa>>>