”Maaweelo”
waa erey dhegeheenna ku batay, oo uu macnihiisu yahay
wax xiiso leh oo nafleyda illowsiiya in ay wax kale
qalbigooda ku soo dhacaan. In ay waxyaalahaas lagu mashquulayaa
xun yihiin iyo in ay san yihiin waxay ku xiran tahay
sida ay dadku u kala aragtiyo duwan yihiin, laakiin
waxaa la isku raacsan yahay in ay dadku maaweelo u baahan
yihiin. Inta aynaan in ay maaweeladu makhluuq, dadka
la mid ah oo uu Rabbi abuurtay, tahay caddayn ayeynu
soo bandhigaynaa qiso dhawr sadar ah si aynu u cabbirno
baahida uu akhristuhu u qabo maaweelada, ee bal si niyad
ah u eeg sheekadaan yar!
”Diyaarad
hawada Jarmalka oo qabow duulaysa ayaa waxay u soo dhawaatey
garoonka samada ee Yurub ugu weyn ee ku yaal magaalada
Frankfurt. Duuliyihii baa wuxuu daaray makarafoonkii
uu kula hadli lahaa dadka rakaabka ah ee diyaaradda
ka buuxey, wuxuuna u sheegay in ay mar dhow diyaaraddu
cagadhigan doonto garoonka caalamiga ah ee Frankfurt.
Markii uu hadalkii dhammeeyey buu wuxuu illaawey in
uu makarafoonkii damiyo, wuxuuna hadal u bilaabay duuliye
kale oo ay aad saaxiib u ahaayeen. Wuxuu saaxiibkiis
si kooban oo degdeg ah ugu sheegay in ay gabdhaha diyaaradda
ka shaqeeya middood aad u qurxoon tahay, oo ay ku soo
heshiiyeen in ay isu galmoodaan muddada yar oo ay diyaaraddu
ku hakanayso garoonka hadda lagu degi doono! Nasiibdarro
xogtii galmada ku saabsanayd oo ay labada baylood isu
sheegeen waxaa kor u qaaday makarafoonkii madoobaa oo
weli daarnaa, waxaana maqlay dhammaan rakaabkii saarnaa
diyaaradda cad oo uu duuliyaha caddi wadey. Dadkii oo
ay dheguhu u wada taagan yihiin, oo qosol iyo yaab afka
la wada kala haya ayaa waxaa soo dhexmartay gabar qurxoon
oo horay u socota. Gabadha xawli badan baa socodkeeda
ka muuqdey, waxaana hadal ka dabatuurtay habar cajuusad
ah oo tiri: ’Maandhey tartiib u soco! Waa marka ay diyaaraddu
degto ka dib, ee hadda ma aha marka uu duuliyuhu kuu
raaxaynayaa!’”. Hadalkii cajuusadda waxaa maqlay intii
u dhaweyd oo ku sii qoslay, gabadhiina indhaha ayaa
lala wada raacay”.
Daqiiqaddii
aad qisada akhrinaysey wixii aad dareentay waxay ahaayeen
maaweelo. Waxaa maskaxdaada la geliyey diyaarad cad,
makarafoon madow, baylood cad, gabar qurxoon iyo rakaab
badan oo ay cajuusad afdheeri ka mid tahay. Hawada ay
diyaaraddu xulaysey in ay qaboobayd iyo in uu garoonka
ay u socotey weynaa waxaa ka xiiso badnaa in ay dadka
qaar ballan muhiim ah lahaayeen, inta kalena ay ballantoodii
wada ogaadeen, oo uu duuliyuhu qayrumasuul aan sirtiisa
qarsan ahaa!
Sawirradaas
badan oo lagugu maaweeliyey, oo sida riyada ah weli
kuugu sii muuqda iyo dhacdooyinkaas ay ka midka yihiin
ballanta, duulitaanka, qosolka, yaabka, hadalka, socodka
xawliga ah iyo daaridda makarafoonka yaa abuurtay ama
uuntay?
Waxaa
la filayaa in uu qofka muslimka ahi og yahay in wax
kasta oo jira uu Rabbi abuurtay ama uuntay, hase yeesho
ee dhacdooyinka aan weli la gaarin sida in ay diyaaraddu
degi doonto iyo in uu duuliyuhu galmo samayn doono ma
la abuuray mase waa wax aan abuurnayn? Dabcan waa la
abuuray, waayo waxayba saldhig u yihiin maaweelada oo
dhan, waxaynuna diin ahaan u qirnay in wax kasta oo
maskaxda dadka soo mara uu Rabbi abbuurtay.
Waxyaalaha
ay indhuhu qabtaan ama ay dheguhu maqlaan ama uu sanku
uriyo ama uu afku dhedhemiyo dhammaantood Rabbi baa
abuurtay. Fakarka waxyaalahaas ka dhasha, sida markii
libaax la arko in laga baqo oo ay maskaxdu walwasho,
xataa Rabbi baa abuurtay.
Haddaba
weligaa waxyaalihii maxkasdaada soo maray waxay ahaayeen
makhluuq adiga kula mid ah, hase yeesho ee Qur’aanku
ka mid ma aha waxyaalaha uu Rabbi abuurtay, waayo waa
hadalkiisii oo ereyada uu asagu ku hadlaa asaga ayey
ka mid yihiin. Rabbi asagu isma uu abuurin lamana abuurin
ee waxyaalaha kale oo dhan ayuu abuuray, hadalkiisa
iyo uunkiisuna waa ay kala duwan yihiin, oo abuurtu
waa waxyaalo uu sameeyey ee asaga ka mid ma aha, laakiin
ereyadiisu waa isla asagii oo makhluuq ma aha.
Labo
waxyaalood oo Qur’aanka ku saabsan ayaa laga yaabaa
in ay dadku ku kabsoomaan. Midda kowaad waa warqaadaha
iyo khadda laga akhriyo Qur’aanka. Khadda iyo warqaaduhu
waa labo waxyaalood oo laga sameeyo maaddooyinka dhulka
laga helo, waxayna ka mid yihiin uunka Rabbi. Sidaas
darteed hadalka Rabbi oo dhabta ah haddii ay dadku in
ay qoraan damcaan ma ay qori karaan ee waxay qabanayaan
khad iyo warqaado uu Rabbi abuurtay ee uusan ku hadlin,
laakiin waa maaddooyin loo kaashado fahamka iyo barashada
hadalka Rabbi.
Midda
labaad oo lagu sirmi karaa waa codka dadka ka soo baxa
markii ay ereyada Rabbi akhrinayaan. Sharqantaas ama
codkaasi waa qayb ka mid ah qofka ay markaas ka yeerayso,
waayo waxay ka dhalanaysaa dhuuntiisa, dhabxanaggiisa,
ilkihiisa, bushumihiisa iyo carrabkiisa. Sidaas awgeed
waa abuur ama makhluuq ereyadii Rabbi lagu muujinayo.
Marka
uu Rabbi hadlayo ma aynu dareemi karno sida ay tahay,
waayo xataa Rasuulku csw ma uu maqal Rabbi oo hadlaya
ee Jibriil ayaa Rabbi iyo Rasuulka Qur’aanka u kala
tebinayey, waxaase la hubaa in uu dhawaaqa Rabbi gebi
ahaanba ka duwan yahay midka aynu maqalno marka ay dadku
Qur’aanka subcinayaan.
Markii
uu Jibriil soo qaaday Qur’aanka oo uu marinayey codkiisu
wuxuu ahaa makhluuq, waayo qudhiisa ayaa uun aba abuur
Rabbi ah. Xaddiiska Rasuulka csw waxaa iska cad in uu
makhluuq uu Rabbi abuurtay yahay, waayo marna Rabbi
kuma uu hadlin.
In
aynu sidaas kooban Qur’aanka u gaaryeelnay waxaynu uga
jeednaa in aynu kala saarno hadalka Rabbi oo xaqa ah
iyo midka makhluuqa oo waxwalbaalaha ah. Mawduucu wuxuu
ahaa ”maaweelo” oo aynu horay u soo qeexnay, balse aynaan
tusaaleyaal waaweyn ka bixin.
Ilaa
hadda xagga maaweelada waxaynu ka ogaanney in ay tahay
uun ama abuur uu Rabbi sida dadka iyo geedaha u abuuray,
laakiin xiiso gaar ah u leh dadka iyo jinniga. Maaweelada
jinniga mar kale ayeyna faallayn karnaa, ha yeesho ee
maqaalkaan waxaynu ku camiraynaa xoogaa ka mid ah maaweelada
insiga.
Culumada
miyirka qabaa waxay isku raaceen in uu dadku maaweelo
u baahan yahay, oo uu qofka maaweelada sameeya oo iibiyaa
la mid yahay kuwa cuntada, dharka iyo dawada sameeya
oo gada. Weliba waxay intaas raaciyeen in baahida maaddiga
ahi ay marmar ka sahlan tahay midda ruuxiga ah oo nafta
la xariirta.
Baahida
maaddiga ahi waa gaajada oo qabo in wax la cumo iyo
harraadka iyo xaraaradda loo qabo in wax la cabbo ama
wax la ruugo. Dharka ama marashida oo ay dadka qaarkoodna
huga u yaqaanniin qabowga ayaa laga magangalaa, jirka
intiisa koontarabbaanka ah ama foosha xunna waxaa lagaga
xijaabaa in ay indhaha dadku toos ugu dhacaan. Baahida
maaddiga ah waxaa ka mid ah hoyga ama guryaha iyo in
ay dhaddiga iyo labku is fuulfuulaan ama ay isku lamlammaanaadaan.
Xagga
ruuxda ama dareenka qarsoon waxaa ka jira baahiyo ka
tira badan oo laga yaabo in ay ku soo boqoljibbaarmaan
kuwa maaddiga ah. Tusaale yar waxaa ah in ay dadku jecel
yihiin in aragtidooda laga dhegayso, oo weliba lagu
raaco. Haddii aan si fiican oo anshax ah looga dhegaysan
oo haddana si qaab daran loogu riddiyo waxay keeni kartaa
in uu qofku caroodo oo uu xataa feer iyo laad miisaska
kala daalo. Qofkaasi haddii cunto, dhar, daawo, guryo
iyo dad ay isfuulaan ama ay isku falaadaan uu magaalada
ku haysto caradaasi ka ay yaraan mayso, waayo naftiisa
ayaa u baahan in si asluubaysan loo dhegaysto oo laga
xishoodo. Arrintaan maaweelo qeexan ma aha, hase ahaato
ee waxay tusaale u tahay in ay dadka naftoodu leedahay
xiisayn aan maaddi ahayn.
Nafaqooyinka
ay ruuxda ama naftu doonayso noocyadoodu waa ay ka badan
yihiin kuwa maaddiga ah, laakiin waxaa hadda innaga
ina khusaysa xubinta ”maaweelo” la yiraahdo keli ah.
Maaweeladu lafteedu laamo badan ayey leedahay, oo waxaynu
isku soo koobaynaa laan maaweelada ka mid ah oo magaceeda
la yiraahdo ”xallad”.
Xallad
waa erey qaddiimi ah oo afka soomaaliga oo duugga iyo
casrigaba ah ka mid ah, wuxuuna la macne yahay kalmadda
”quluud”. Haddii la soo koobo macnaha xalladda waa wax
kasta oo aragga ama maqalka ama xasuusta macaan gaar
ah u leh. Tusaale iska qayaxan waxaa ah maansada oo
markii la maqlo ay qofkii fahmaya maskaxdiisu macaan
xalladaysan dareento. Tusaalahaasi waa xagga maqalka,
xagga muuqaalkase waxaa lagu tuloon karaa filim uu codku
ka xiran ama aan luqadda lagu jilayo la aqoon ama cayaaro
dhaqan oo aan la hadlayn ama indhosarcaad.
Laanta
xalladda oo ka tirsan bahda maaweelada farcankeedu aad
buu u badan yahay oo sida xaaxiyaasha badda ayeysan
dhammaanayn haddii baaritaan loo gudagalo, hase ahaato
ee waxaynu ismoogaysiinaynaa qaybaha aynu dhaqanka u
leennahay. In aynu kuwa bulshadeennu aadka u taqaan
ka leexleexanno waxaa keenay in ay maanta badan tahay
baahida loo qabo kuwa kale.
Gabayga
wixii soo raaca dhegaysigoogu bulshada aad buu u soo
maray, waxaana loo soo maray hab hadal ah oo qoraalku
ilaa hadda xiiso weyn ma leh. Qofkii wax allifa oo cajalado
ku duuba, isla markaasna wax qoraa wuxuu ogaanayaa in
ay soomaalida wixii la duubaa ku dhexfaafi karaan, laakiin
aysan wixii la qoraa tillaabo qaadayn. Dhaqanka noocaas
ahi wuxuu ina baraya in ay dadkeenna inguhu u daloolaan,
laakiin ay indhuhu ka xiran yihiin.
Dadyowga
xagga akhriska sida fiican uga koray waxay aad u xiiseeyaan
xallada qoran ee xalladda duuban in yar oo carruurta
u badan baa daneeya. ”Xallada qoran” marka aynu leennahay
waxaa laga yaabaa in aynaan qummaati isu fahmin. Haddaba
waxaynu halkaan ku qoraynaa soddomeeye sadar oo xallad
qoran ah. Waa qiso yar oo sanaddo ka hor lagu baahiyey
bogga caanka ah ee internetka Mudugonline.com
oo sidaan u dhaweyd:
”Saddex
gabdhood oo walaalo ah baa waxay dalxiis ku joogeen
dalka Ingiriiska, waxaana markii uu dalxiiskii u dhammaaday
dhimatay middii ugu weynayd! Waa nasiibdarro! Geerida
waxaa ka darnaa in ay labadii kale rabeen in aan walaashood
dalka Ingiriiska lagu duugin oo ay jeclaayeen in ay
dalkooda Faransiiska ula safraan. In qof mayd ah laga
qaado Ingiriiska oo faransiiska la geeyaa aad bay qaali
u tahay, waxaana hadda Ingiriiska jooga saddex walaalo
ah oo aysan midda ugu weyni hadlayn. Labada hadlayaa
waxay garan waayeen sidii ay walaashooda maydka ah u
dhoofin lahaayeen. Go’aankii wuxuu noqday in ay maydkii
tareenka dhulka hoostiisa mara kula dhuuntaan! Waa ay
ku guulaysteen in ay maydkii tareenka geliyaan, waxayna
heeleen kursi saddex qof qaada. Labadii noolaa baa maydkii
walaashood docaha ka fariistay, waxayna u ekaayeen saddex
qof oo noolnool oo sheekaysanaya. Labada noolnooli waxay
qabaan surweello jiinisyo ah, maydkuna waxay qabtaa
dabogaab cad. Maydku ma uu gaajoon, laakiin labadii
kale ayaa qado u baahday, tareenkiina wuxuu markaas
xulayey badda hoosteeda. Kursigii derbiga xigey ayaa
maydkii lagu fariisiyey, oo derbiga ayaa lagu tiiriyey,
waxaana loo geliyey funaanad gaduudan si uusan gidaarka
tareenku garabka uga xoqin, timo dahab u egna waa loo
firay. Waxaa la doontay qado, oo makhaayadda tareenka
ayey labadii noolaa isu dabagaleen. Nin ay naagtiisii
oo uu la fadhiyey isku soo xanaaqeen baa wuxuu ku wareegayaa
tareenka dhexdiisa si uu boos u helo, wuxuuna arkay
kursigii uu maydka keli ahi ku fadhiyey, wuu farxay
af faransiis buuna ku weydiiyey in lala fariisan karo
gabadha funaanadda gaduudan oo derbiga ku tiirsan. Markii
ay hadli weydey buu ingiriis kula hadlay. Maydkii xoogaa
buu madaxa ruxay, waayo tareenka ayaa saalteeyey. Ninkii
wuxuu yiri: ’Mahadsanid abbaayo’, wuxuuna boorso weyn
oo gaduudan iyo jaakad madow surtay maydka katabbaankii
ka korreeyey. Markii uu fariistay buu hadal u bilaabay,
wuxuuna u maleeyey in ay qoslayso, waayo markii ay go’day
bay qoslaysey welina sidii bay u qoslaysaa. In ay cabsan
tahay buu u maleeyey, waayo laftiisa ayaa cabsanaa oo
’Qof kastaa waxa uu yahay buu ku moodaa’. Boorsadii
uu katabbaanka suray baa waxay madaxa kaga dhacday maydkii,
wuxuuna ninkii bilaabay in uu ku celceliyo: ’Iga raalli
ahaw abbaaye’. Intii uu boorsada meesheedii ku celinayey
ayey gabadhii waxay shishay ugu dhacday kursigii uu
ku fadhiyey. Markii uu boorsadii habeeyey buu booskiisii
oo ay gabadhii fiifto ku soo laabtay, wuxuuna madaxeedii
saaray dhabtiisa. Suud madow buu qabaa, wuxuuna salaax
ku bilaabay gabadhii maydka ahayd. Markii uu xoogaa
meelo badan ka salaaxay ayuu ogaadey in ay gabadhu mayd
tahay! In ay boorsadiisii ku dhacday u dhimatay ayuu
u maleeyey, wuxuuna ka baqay in maxkamad la saaro oo
la xiro! Maxaa u talo ah! Geesaha ayuu deydeyey, wuxuuna
furay daaqadda. ’Xaasha!’ ayuu qalbiga iska yiri markii
uu ogaadey in maydka daaqadda laga shalwin karo. Funaanaddii
gaduudnayd ayuu ka siibey si aysan daaqaddu ciriiri
ugu noqon maydka, waayo gabadgu aad bay u dhuubnayd
oo haddii ay qaarqaawan tahay daaqadda waa laga tuuri
karey. Asaga oo maydkii uu tuuray iyo funaanaddii uu
ka dabatuuray ku faraxsan ayey labadii dumaashiyihiis
ahaa oo soo qadeeyey soo kor istaageen! Hadalkii ugu
horreeyey oo lagu yiri wuxuu ahaa: ’Gabar halkaan fadhidey
ma aragtay’, wuxuuna ku jawaabey: ’Boosteejadii, maxaddadii,
la soo dhaafay bay ku degatey!’. Labadii kursi oo bannaanaa
ayuu labadii gabdhood ku casumey dumaashigood!”
Xalladda
qoran oo la sheegayaa waa qisadaan oo aad loo badiyey
oo kale, waxaana laga faa’iidaa waxyaalo aad u badan.
Akhriska xawaarihiisa ayaa lagu kobciyaa oo qofkii boqol
buug oo xalladda qoran ah akhriyaa dhaqso ayuu akhriska
ku boobsiin karaa. Wax baa laga bartaa, oo waxaa mar
kasta sheekooyinka ka buuxa nololo uusan akhristuhu
soo marin ama uusan waxba ka aqoon. Tusaale ahaan haddii
aad akhridid shan sheeko oo jaajuusyadii dagaalkii qaboobaa
ku saabsan waxaad ka baranaysaa sidii ay u dhisnaayeen
quwaduhu iyo habkii ay sirohoodu ahaayeen. Intaas keli
ah ma aha ee markii aad shantaas sheeko dhammaysid waxba
kuguma seeggana dhaqammada iyo xaddaarada ay khusayseeyaan.
Dadka
xalladda curiyaa waxay leeyihiin waayo’aragnimo kala
geddisan, waayo mid kastaa wuxuu ka soo jeedaa ummad
aan ummadaha kale la mid ahayn xagga fakarka iyo xagga
dhaqanka, isla markaas laftiisu waa shakhsi aan shakhsiyaadka
kale la mid ahayn xagga sooyaalka iyo xagga kartida
allifaadda. Markii uu qisadiisa qorayo wuxuu ku salaynayaa
sawirrada badan oo maskaxdiida ka buuxa, waana halkaas
meesha ay ka soo burqanaysaa faa’iidada sheekadu.
Qofqofka
sheekeeyaa ama farshaxanka sameeyaa waxay sawirrada
nolosha oo ay soo arkeen u kaydsan karaan si yaab leh
oo ay dib u soo celin karaan, oo halkii sawir oo ay
arkeen kumannaan sawir oo u macne dhaw bay ka tarmin
karaan. Isla markaas iridaha ay sheekadu ka bixi karto
iyo dhinacyada laga soo weeqaali karo si fudud bay u
daawan karaan, ee nafkooda kuma ay kallifaan in ay hadal
diyaariyaan. Sawiirradii u batay bay raseeyaan ee ayagu
sawirro ma abuuraan oo qof Sweden aan weligiis ka tegini
ma uu abuuri karo sawir uu leeyahay qof miyiga Soomaaliya
ku nooli.
Farqiga
ugu weyn oo qofka aan sheekayn karin iyo midka sheekayn
kara u dhexeeyaa waa in uu qofka aan sheekaalowga ahayni
jecel yahay in uu ka sheekeeyo qiso dhab ahaan u dhacday,
oo uu raaco waddo cad oo uu soo maray ama looga sheekeeyey
oo uusan ka leexan karin, haddii ka uu weecdana hadalkii
waa uu ka xayirmayaa oo meel kale oo uu u wadaa um ay
muuqato, dhibaato iyo daal buuna dareemaya.
Qofka
sheekoxariirka ahi sidaas ma uu jecla oo taas ayuuba
asaga hadalku kaga xirmaa, waayo ciriiri buu dareemayaa
haddii uu waddo keli ah qaado. Waxyaalaha dhab ahaanta
u dhacay kulligood maad iyo yaab ama muro ma xambaarsana,
oo wuxuu sheekaalowgu noloshii uu soo maray ka xulan
karaa oo ka tarmin karaa malaayiin sawir oo ka maad
iyo madaddaalo badan wixii yaraa oo dhacay. Sawirro
badan ayuu ka koobiyaynayaa hal arrin oo uu arkay, haddana
sawirkii uu arkay ayuu dabeecadihii uu lahaa ka beddeli
karaa, oo wuxuu u doorin karaa sidii uu sawirku ahaa
si ka xiiso badan ama labaatan sawir oo uu arkay buu
hal sawir ko kulmin karaa.
Dadka
ay sawirradu ku badan yihiin ma ay jecla in nolosha
caadiga ah looga sheekeeyo oo la dabagalo, mana ay dhegaystaan
haddii qof u bilaabo sheeko dheer oo dhacday, sidaas
darteed in ay maalin walba BBC Carta ka dhegaystaan
waxaa kaga filan in ay maalintii ugu horraysey Ismaaciil
Cumar Geelle oo carruur maaweelinaya dhegaysteen, oo
ay malaayiin sawir oo aysan dadka weligood dhegaystaa
heli karin ka qaateen, ayna koobbiyadii hore meel ay
kala dhigaan waayeen.
Qofka
sheekeeya waxaa in uu nolosha caadiga ah wararkeeda
xiiseeyo uga fiican in uu sawiirradiisa kala sarrifto,
oo ciriir buu dareemayaa in looga warramo oo lagu dheeraado
dagaalka Ciraaq, maxaa yeelay awal buu labo sawir ka
kala qaatay dhinacyada iska soo horjeeda, oo in sheekadooda
lagu noqnoqdo uma uu baahna, khasaarooyinka dagaalkuna
sawirradii uu qaatay waxba kama ay beddelaan, waayo
labadii sawir oo uu qaatay baa waxay u dhaleen malaayiin
uu asagu ka sameeyey, oo waxaana asaga maskaxdiisa ka
buuxa ummado la rogey iyo macsi aysan dadku sarrifaaddeeda
helin ee ay sugayaan ”Maxaa dagaalkii ka soo cusboonaaday?”,
oo doondoonayaan in ay wax cusud maalin kasta hal qof
ama hal maamul ka ogaadaan.
Waxaannu
hubnaa waagii Hargaysa iyo Burco la duqaynayey in uusan
Xirsi Magan Ciise warka dhegaysan jirin, waayo sawirradii
uu kacaanka maalintii ugu horraysey ka qaatay baa ka
badan waxa cusub oo lagu walaahoobayo. Sawirrada asaga
ka buuxa haddii la soo qufo dadkuba madaddaalo iyo warar
ma ay waayeen.
Arrimahaas
dartood caamada malahooda waa nacas qofka sawirrada
badsadaa, oo wuxuu markii la shirayo sheegaa wax aan
meesha ool, oo aan ka turjumayn arrinmaha la isugu yimid
iyo waddada loo socdo, waxaana waalay khiyaali uu asagu
wato, lalamana heshiin karo oo waaba ruux waalan, oo
wax aan loo joogin buu doodda dhexgeliyaa ama wuuba
isyeelyeelaa oo waa doqon, waxaana waalay sawirrada
uu dadka shiraya iyo bay’adda ka haysto.
Run
ahaantii xalladda qoran baahida ay ummadda soomaalidu
u qabaan waa mid aan maqaal gaaban lagu soo koobi karin,
laakiin waxaa naxdin leh in ay yar tahay cid xallad
tayo leh afkeenna u soo turjubi karta ama sheeko farshaxan
leh af soomaali ku qori karta!
Maqaalkii
hore ee Shaafici "Shaydaanku ma qubaystaa?"
Shaafici
Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se