Shaydaanku ma qubaystaa?!
W/Q:Shaafici
Xassan Maxamed
Haddii soomaalida la weydiin lahaa
sababta ay dhibaatadu weligood u haysatey, oo uu dalkoodu
u degi waayey, waxaa laga yaabaa in ay qaarba meel jawaabta
la aadi lahaayeen.
Wadaaddada qaarkood waxay oran lahaayeen diintii Alle
ayaa laga fogaadey oo sidaas ayey nababgelyola’aanta,
faqriga iyo caqlixumadu inooku habsadeen. Waxaase
su’aashaas ka hor imanaysa in soomaalida badankoodu
ay tukadaan, soomaan, oo sakoodaan, isla markaas aan
ummadda Jabbaan malaha qof muslim ah oo tukada lagu
arag ayna nabadgelyo iyo dhaqaale fiican haystaan.
Haddii in diinta islaamka laga fogaado colaad, gaajo
iyo caaqnimo laga dhaxlo wuxuu malaha dalka adduunka
ugu faqrisan oo ugu aqoon liitaa ahaan lahaa dalka
Jarmalka, isla markaas la iskuma hayo in ay labada
dal oo ugu jimcooni ahaan lahaayeen Afganistaan iyo
Soomaaliya, waayo waa labo ummadood oo diinta Alle
aad u jecel. Angoola iyo Soomaaliya sababta halaagga
ka sintay, isla markaas Sucuudiga iyo Norway shidaalka
ka sintay arrin diineed ma aha, oo qofkii colaadda
iyo rafaadka Soomaaliya diin ku macneeya afkiisa ayaa
daloola ee maskaxdiisu ma ay daloosho.
Jawaabtaas midda ku xigta waxaa la shir-iman lahaa dad badan, oo waa in uu dhibta
Soomaaliya baday madaxweynihii ugu danbeeyey mudane
Maxame Siyaad Barre. Jawaabtaani sidii tii hore iskahadal
ma aha, waxaase laga yaabaa in aysan run buuxda ahayn,
hase yeesho ee baaritaan ayey u baahan tahay. Waxaa
suurtagal ah in ay 50% in ka badan wax ka jiraan jawaabtaan,
laakiin waxaa aad u adag in la helo dad bilow ilaa
dhammaad si run ah oo aan eexasho lahayn u soo bandhigi
kara in uu cudurku ninkaas ka yimid.
Doodaha iman kara amaba taagan waxaa ka mid ah in la yiraahdo Itoobiya ayaa
Soomaaliya sidaas u gashay, waxaase laga yaabaa in
qofka sidaas u doodayaa uusan Soomaaliya iyo Itoobiya
midna maskaxda ku hayn ee uu maqlay Cabdullaahi Yuusuf
baa xariir la leh Itoobiya, oo uusan dooddiisa ku
salaynayn wax uu qeexi karo, uuna yahay beelihii Carta
taageersanaa ama shacabkii taageersanaa wadaaddadii
Itixaad oo ay Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf sida
xun u xasuuqeen.
Haddaba muran shakhsi gaar ah, sida Cabdullaahi Yuusuf, lagu ximinayo waxba
lagama soo qaadi karo markii dhibaato taagan si cilmiyaysan
looga doodayo. Haddii hadalka la soo koobo wax weyn
baa ka jira in ay dhibaatada Soomaaliya dalal shisheeye
weligood lug ku lahaayeen, waxaanse kala caddayn inta
ay la’eg yihiin dhibaatooyinka ay Itoobiya inoo gaysatey
iyo dibindaabyooyinka uu Qaddaafi ina ku loggooyey.
Reer galbeed, siiba Talyaani, iyo dalal iyo shakhsiyaad
carab ah ayaa laftoodu lacago iyo waxyaalo kale muudo
dheer qubayey, Itoobiyana waa dalka xudduudda ugu
dheer Soomaaliya la leh, oo dano waaweyn bay inaka
xurubsan kartaa, laakiin in ay beel kastaa dalkii
ay lacag iyo hub ka qaadato ma aha ee midkii kale
oo Soomaaliya dano kale ka fushada gaar u caydaa ma
aha dood adag oo loo cuskan karo dhibaatooyinka Soomaaliya.
Arrimahaas aynu sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan ayey ku doodaan dadka
badankoodu. Haddaba mowduucyadaan iyo kuwa la midka
ahi aad ayey u xiiso beeleen, lagumana kala garqaato,
laakiin waxaa jira meelo kale oo ay u weecdaan dadka
falsafadda lihi. Meelahaasi waa kuwo uusan qofka caadiga
ah oo caamayga ahi filan karin in loo aaneeyo dhibaatada
Soomaaliya, laakiin waa mowduucyo ka xiiso badan kuwa
ay jabhadaha iyo beeluhu isku caayaan oo lagu daaley,
sida Itoobiya, Masar iyo Sucuudiga.
Dad badan oo fiilasoofiyiin ah baa waxay aragtiyahooda u dhiibteen si ka macaan,
kana soojiidasho weyn in lagu daalo Itoobiya iyo Masar,
ama uu qabiil kastaa midka kale eed dhabarka u saaro,
oo la isku danbaabo.
Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo ama uu argagaxo haddii uu qof fiilasoof
ahi sheego in ay dhibaatada dalkeenna rafaadisay ka
timid gudniinka gabdhaha! ”Haddii ay laabtu meel jirto
indhuhu waxba ma arkaan” waa maahmaah loo daliishan
karo in ay laabta shacabku dagaal iyo qabyaalad la
ciirciirayso oo uusan falsafad boos uga bannaanayn,
taasina waxay keeni kartaa in fiilasoofkaaas dhibaatada
ina haysata inoo sheegaya aynu ka jecel nahay nin
afgarooc ah oo idaacad been ka sheegaya. Haddaba arrintaas
ah in gudniinka dumarku uu dhibaatooyinka ina xanuujiyey
inoo soo jiidey ayuu nin fiilasoof ahi ku nuuxnuuxsaday,
wuxuuna sheegay in gudniinka gabdhuhu uu qayblibaax
ka qaatay dhibaatada Boorama iyo Baraawe ku habsatey.
Fiilasoofku, sida wadaaddada diinla’aanta cuskaday iyo beelaha Itoobiya iyo
Masar caaya, iskama uu hadlin ee wuxuu miiska soo
saaray daliilo caddaynaya in uu gudniinka gabdhuhu
sababay in ay heshiin waayeen beelaha Soomaaliya,
oo ay dadka hubka ka dhigi waayeen. Hadalkii fiilasoofka
oo kooban ayeynu sidiisii u soo guurinaynaa, waxaana
fiilasoofka magaciisa la yiraahdaa Dr Sabriye Dirir,
oo yiri:
”Degganaanshaha bulshada waxaa saldhig weyn u ah dumarka, waxayna gabdhaha soomaaliyeed
yaraantooda ka walwalaan in uu gudniin xanuun badani
sugayo, oo habeenkii si fiican uma ay seexdaan. Arrintaasi
waxay hor istaagtaa in ay koraan qaybo badan oo maskaxda
gabdhaha ka mid ahi, waxayna hanaqaadaan ayaga oo
qalbila’. Markii la gudo waxay waayaan dareenkii dadnimada
oo waxay noqdaan sidii lab xaniinyihii laga bixiyey.
Weli ma aynu arag rag la dhufaanay, laakiin xoolaha
markii la xaniinyobixiyo waxay waayaan kartiyo badan
oo ay lahaayeen markii ay qoorta ahaayeen. Kartiyahaas
waxaa ka mid ah in uu jirkoodu dhaddig oo kale noqdo.
Sidaas darteed dhaddiga laftiisa haddii sida soomaalida
loo gudo, oo naagnimada laga jaro, wuxuu jirkoodu
u dhawaanayaa jirka labka, oo dhaddignimadii baa ka
guuraysa. Xagga muuqaalka iyo xagga dareenkaba dumarka
naagnimadii laga gooyey waxaa dhimanaysa naagnimadoodii.
Isla markaas waxay u fakarayaan sida raggii oo waa
dad sirgaxan, oo markii la guursado aan dabacsanayn
oo qawaaban. Haddii lala hadlo waxay u jawaabayaan
sida nin oo kale, haddii la taabtana wax ay dareemayaan
lama arko. Maskaxda iyo jirkaba waxay dhibaato weyni
kaga dhacday subixii naagnimada laga xaabiyey, oo
waa ay dhufaanan yihiin! Raggu waxay u baahan yihiin
sheeko dumar, oo dumarnimadii gabdhaha soomaalida
waa laga qaaday, oo sheego xiiso uma ay hayaan! Waxay
nimanku u baahan yihiin raaxo oo weligiis qof dumar
ah oo dhamaystiran raggeennu lama ay kulmin! Sidaas
awgeed ayey labadii soomaali ah oo isguursadaa weligood
in ay wiilal dhalaan keli ah uga fakaraayeen, maxaa
yeelay wax kale kama ay dhexeeyaan. Wiilashii la dhalay
oo malaayiinta ahaa markii ay naago u raaxeeya waayeen
bay xanaaqeen, waxayna bilaabeen dagaal aan weligiis
dhammaanayn. Ilaa ay helaan dumar aan gudnayn oo u
sheekeeya, una raaxeeya dagaalku waa uu sii xoogoobayaa”.
Ha ka xumaan fiilasoofka hadalkiisa cilmiga ku dhisan haddii aad dumar tahay,
ogowna in ay bulshada, hooyadaa iyo aabbahaa denbi
kaa galeen, ee uusan fiilasoofku waxba kuu dhimin,
balse uu kaaga digey in aad carruurtaada denbi ka
gashid. Haddii aad rag tahay adiga noloshii raaxadu
waa ay ku dhaaftay, ee bal carruurtaada iyo carruurtooda
ku dadaal in ay raaxaystaan, oo ay dagaalka ka nastaan!
Sida uu fiilasoofku caddeeyey nabadda Soomaaliya waxay
ku xiran tahay in aadan gabdhahaaga gudin.
Dastuurka qaranka waxaa lagu qoraa in uusan madaxweynuhu guursan xaas ajnebi
ah, waana arrin laga naxo! Haddii ninkii dalka hoggaamin
lahaa loo diido in uu gabar aan la gudin Kenya ama
Uganda ka soo guursado si uu u raaxaysto, oo uu naftiisa
ololaysa u qaboojiyo maxaa la faa’iidey?!
Sida uu Dr Sabriye Dirir sheegay raggu waxay dagaalka joojin doonaan markii
gabdhaha gudniinka laga daayo oo ay koraan, oo ay
ragga dejiyaan. Haddaba maanta lama hayo gabdho aan
gudnayn oo xildhibaannada, wasiirrada iyo madaxweynaha
dejiya si aysan colaadda u sii wadin oo aysan shacabka
ceelasha uga xabaalin sidii uu kacaankii ku sameeyey
Soomaaliya, ama aysan dagaal qabiil oo hor leh dalka
uga oogin, sida Cabdiqaasim. Guddoomiyeyaasha maxkamadaha
iyo saraakiisha qudhoodu in ay dad xanaaqsan oo uu
gurigoodu ololayo noqdaan ma fiicna, oo waa in la
qaboojiyaa! Yaase qaboojinaya haddii uu dastuurku
gabdhihii loo baahnaa madaxda ka mamnuucay?
Hadalka Dr Sabriye Dirir waxaa ka muuqda in sida aan cawinada midowga Yurub
iyo Ameerika looga maarmayn aan looga maarmayn in
lala xidido dalal shisheeye sida Itoobiya, waayo carabuhu
inama ay rabaan oo ”Addoomo madmadow” bay inoo yaqaanniin!
Sidee bay ku dhici kartaa in la mamnuuco xaasas ajnebi ah?! Sow taasi ma aha
in uusan dagaalku weligiis dhammaan?! Dadku markii
ay dhaawac qabaan waa la baantaa, waana in madaxda
soomaalida lagu baantaa gabdho ajnebi ah si ay nolosha
u dhedhemiyaan oo dagaalka uga tanaasulaan. Xataa
madaxda dhaqanka waa in gabdho Afrikada aan gudnayn
ama Tayland looga soo guuriyaa si ay inta u qaboobaan
gar caddaalad ah u gooyaan, oo ay eexda iyo qabyaaladda
ummadda uga daayaan.
Malaayiin nin oo aan weligood raaxaysan baa soomaaliya isku laynaya, oo waa
in marka hore madaxda loo guuriyaa, waxaase dhibaato
ah in uu madaxda Soomaalida midka ugu yari 50 sano
dhaafay, oo cimrigii ay guursan lahaayeenba uu waa
hore ahaa. Ragga dalka isku laynaya badankoodu 70
sano ayey jiraan, oo gabdho cusub oo Tanzanian ah
tabar uma ay hayaan, hase yeeshoo ee waxay soo guursan
karaan habro ayaga gedohooda ah, oo aan gudnayn si
ay u qaboobaan. Xasaskoodi hore haddii ay masayraan
loo hakan mayo, waayo arrinta loo socdo ayaa wax walba
ka weyn, oo dalka ayaa colaadda laga daminayaa.
Soomaalidu falsafo ayey u baahan
yihiin, wuxuuna fiilasoof kale oo dalkeenna ka faallooday
sheegay in dhibaatada Soomaaliya iyo dalalka la midka
ahi ay salka ku hayso sida xun oo carruurta loo koriyo.
Fiilasoofka magaciisa waxaa la dhahaa Dr David Baldacci,
wuxuuna u dhashay dalka New Zealand. Dadku falsafada
uma ay dhegonugla, hase yeesho ee falsafadu waa ay
ka qiimo badan tahay dagaalka, kufsiga, qabyaaladda,
beenta iyo kooxdii uu xilligeedu dhammaaday ee Carta.
Hadalladii fiilasoofkaas kor ku xusan waxaa ka mid ahaa in aan carruurta soomaalida
marka ay yaryar yihiin lala hadlin ee canaan iyo dil
keli ah lagu koriyo. Isla markaas midkii wax barta
aan la fahamsiin ee la xafidsiiyo asaga oo aan waxaa
uu xafiday macnahooda aqoon. Qofkii sidaas u koraa
dadka waa uu nebcaanayaa, waayo kuwii ugu dhawaa ayaaba
yaraantiisii dili jirey oo aan si xushmad leh ula
hadli jirin, oo markii uu in uu hadlo damco ”Us!”
ku oran jirey. Wax barashada uusan qofku fahmayn ee
khasabka lagu xafidsiiyaa waxay u soo jiiddaa in uu
nolosha oo dhan naco, waayo waxaa loo diidey in uu
fakaro.
Sida uu Dr David Baldacci sheegay markii ciyaalka sidaas loo koriyey ay hanaqaadaan
waxay jeclaadaan in ay aarsadaan oo ay dadka cabburiyaan
oo laayaan. Ciilkii uu markii uu yaraa oo ”Aamus!”
lagu oran jirey qabey iyo in aan waxba la barin ee
sida geelii la ulayn jirey ayuu qofka soomaaliga ahi
weli godobtoodii dabajoogaa, waana taas sababta ay
Soomaaliya u xasili weydey.
Hadalkii fiilasoofkaas waxaa ka mid ahaa in bulshooyinka sidaas dhallaanka ku
koriya aysan dadkoodu xagga maskaxda horumar ka samayn,
oo ay xagga jirka keli ah ka koraan. Sidaas awgeed
lama qiimeeyo qofkii qaabkaas loo soo koriyey da’diisa,
waayo kolley waa carruur xataa haddii uu 60 sano kor
u dhaafay. Wuxuu fiilasoofkaasi rumaysan yahay in
uusan koritaanku ahayn in uu ruuxu sanaddo daban soo
noolaa, oo uu ka dheer yahay ama uu ka ballaaran yahay
carruurta.
Koritaanka wuxuu David Baldacci u haystaa in uu heerba heer ula jaanqaado xogo
isdabajoog ah, oo qofku inta uu yar yahay la siiyo,
iyo weliba qaabka loo siiyo. Xogahaas waxaa qofka
siiya bay’adda iyo bulshada.
Haddaba ilmaha soomaaliga ah gurigooda haddii uu joogo inta cunto la siiyo ayaa
waxaa lagu yiraahdaa ”Waryaa/Naa bax meelahaas ku
soo cayaar!” ama ”Bax seexo!”, haddii uu su’aal keenana
lagama dhegayso oo waxaa niyadda la iska yiraahdaa
”Waa buuryaqab ee muxuu noo sheegi karaa!”. Qofka
sidaas carruurta ku leh qudhiisu waxba ma uu oga,
waayo laftiisa ayaa sidaas yaraantiisii lagu oran
jirey, oo aysan maskaxdiisu midda carruurta dhaamin.
In ay bulshada soomaalidu dhammaantood carruur yihiin ayaa meeshaas ka muuqata,
waxaana daliil iyo tusaale ah sida ay dadkeenu wax
u taageeraan ama ay wax u mucaaradaan waa si aysan
malaha jirin ummad la mid ahi.
Dadkeennu waxay xagga taageerada iyo mucaaradka ku dhaqmaan labo erey keli ah,
waana ”Hebel baan raacsanahay” iyo ”Hebel baan ka
soo horjeedaa”. Qofka ama kooxda la raacsan yahay
haddii ay khalad galaan iyo haddii ay wax fiican sameeyaan
labadaba taageerayaashu wanaag bay u haystaan, oo
waa in ay iska ammaanaan oo difaacaan xataa haddii
ay koox tuugo yihiin, sidii Carta! Qofka laga soo
horjeedo waxaa loo arkaa in uusan haba yaraato ee
wanaag samayn karin, oo tillaabo kasta oo uu qaadaa
waa xumaan, waana in mar kasta la caayo. Isla markaas
dadka asaga taageersani waa cadow, waayo waxay raacsan
yihiin qof ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo
100% xun.
Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan oo uu qabtay ku ammaantid waxaad
noqonaysaa qof xubin weyn ka ah dadka raacsan, sidaas
oo kale haddii aad dhaalliil uu leeyahay sheegdid
waxaad xubin ka tahay mucaaradkiisa. Waxaa laga yaabaa
in ayba bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala miiri
kara ku magacaabaan ”Qof aan mabda’ lahayn, oo hadba
meel iska aada!” ama ”Khaa’in”, waayo isku mar ayuu
hal qof dhalliil iyo wanaag ku tilmaamay. Run ahaantii
qof kastaa dhalliil iyo wanaag buu leeyahay.
Carruurtu sida la og yahay waxay yaqaanniin labo erey oo kala ah ”Shaxshax”
iyo ”Uf”, maxkaxdooduna ma ay gaarsiisna heer ay wax
kasta dhinacyo badan ka eegaan, oo ay hal qof xumaantiisa
iyo samaantiisa kala miiraan. Wixii ”Uf” la ah in
la dilo raalli ayey carrurtu ka noqdaan, wixii ”Shaxshax”
la ahna haddii la xumeeyo waa ay ooyaan. Go’aanka
noocaas ah marka ay dhallaanku qaadanayaan kama ay
jawaabi karaan sababo badan, ee maskaxdooda ayaa meel
yar wax ka arki karta, oo aan baaxad weyn lahayn.
Carruurta yaryari wax kasta go’aan degdeg ah ayey ka qaataan, haddana go’aankaas
mid ka duwan ayey dhaqso uga dabaqaataan, isla markaas
wax walba oo ay arkaan waxay kula boodaan ”Shaxshax”
ama ”Uf”.
Dadka waaweyn oo soomaalida ah haddii arrin loo soo bandhigo jawaabtu waa ay
ka soo horraysaa, oo waxay oranayaan ”War nagala tag
wax aad la wareegaysid!” ama jawaab kale oo degdeg
ah. Haddii uu qof wax ku soo dhibtoodo, oo markii
uu diyaariyo uu bulshada u soo bandhigo, waxay dadka
ugu horreeya oo uu la kulmaa dhiibanayaan aragtiyo
aysan fakarayn oo riddin u badan.
In ay jawaabaha soomaalidu naqdin aan laga fakarin u badan yihiin waxay salka
ku haysaa in markii ay korayeen canaanta lagu badin
jirey, dabadeedna ay dagaallo ba’an muddo ku soo jireen.
Gaajada badan lafteedu waxay keentaa in uu qofku wax
kasta dhibsado, oo uu dhaqso dadka u canaanto, oo
la isxagxagto.
Fiilasoof kale oo muslim ahi wuxuu
qabaa in ay dhibaatada Soomaaliya sabab u tahay in
aysan dadka Soomaalida ahi qubaysan! Waxaa fiilasoofka
sidaas aamminsan magaciisa la dhahaa Dr Anwar Burhaan,
wuxuuna u dhashay dalka Masar.
Dr Anwar Burhaan wuxuu aragtidiisa ku dhafay falsafooyin diini ah, wuxuuna ugu
horrayntii daliishadey xaddiis oranaya ”Nadaafaddu
iimaanka ayey ka mid tahay”. Wuxuuna halkaas ka ishaaray
in ay soomaalidu imaan la’ yihiin! Intaas ka gadaal
ayuu galay qiso dheer oo shaydaanka ku saabsan, wuxuuna
sheegay in uusan shaydaanku qubaysan!
Wuxuu caddeeyey in uu shaydaanku waagii hore qubaysan jirey, ka dibna uu Rabbigiisii
abuuray ku gacansayray, oo uu Rabbi markaas dayriyey.
Meelo dhawr ah oo quraanka kariimka ah ka mid ah ayuu
ka soo daliishadey in Rabbi shaydaanka nacaladdiisa
dusha ka saaray inta laga gaarayo yowmulqiyaama, isla
markaas uu u sheegay in uu asaga iyo taageerayaashiisa
hadhow cadaabi doono.
Qarracan ayuu shaydaanku maalintaas la dhacay, wuxuuna go’aan buuxa ku gaarey
in uusan wax uu Rabbi raalli ka yahay samayn. Haddaba
qubaysku waa wax uu Rabbi raalli ka yahay, waxaana
shaydaanka qubays ugu danbaysey maalintii uu Rabbi
dayriyey, oo nacaladda weyn korka kaga habbiyey.
Wuxuu fiilasoofku sheegay in uu shaydaanku waagii la dayriyey hal mid ahaa,
laakiin uu hadda bilyanno iyo bilyanno kor u dhaafay.
Habka uu shaydaanku u tarmo mar uu ka hadlayey wuxuu
sheegay in wasakhda iyo jeermiska ay shaydaan dhididkiis
yihiin. Wuxuu caddeeyey in aysan bagteeriya iyo fayras
jirin waagii shaydaanka loo carooday, oo markii uu
qubayskii muddo moogaa ay jirkiisa ka soo buubeen
welina ka soo buubaan waxa adduunka jeermis yaallaa.
Jeermis kasta oo adduunka ka jiraa waa carruurtii shaydaanka ayuu fiilasoofku
yiri, wuxuuna sheegay xaddiis oranaya shaydaanku dadka
dhiiggooda ayuu xulaa, oo wuxuu markaas tusaale u
soo qaatay cudurka aydhiska.
Wuxuu sheegay in mar kasta oo ay dadku dhididaan ay ku habboon tahay in ay qubaystaan
ama maydhaan. Sababta dadka loogu waajibyey in ay
markii la isu galmoodo ay qubaystaan waa in ay shaydaan
carruurtiis oogadooda ka qasaalaan ayuu yiri, wuxuuna
raaciyey istijada iyo weesadu xataa waa dagaal islaami
ah oo lagala hortegayo carruurta shaydaanka. Qofka
qayila ama biyaha shaydaanka cabba waxaa korkiisa
ku bata carruurta shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri.
Dr Anwar Burhaan wuxuu sheegay in ay soomaalidu xagga taariikhda ahaayeen dad
aan qubaysan. Geeljiruhu biyaba indho ma ay saari
jirin, beeraleyduna ilaa maanta waa ay neceb yihiin
in ay qubaystaan, oo ayaga oo webiga qarkiisa deggan
ayeysan dhawr bilood oogadooda biyo taabsiin!
Dr Anwar Burhaan wuxuu kale sheegay in ay masaarida iyo soomaalidu aad isu yaqaanniin!
Xilligii ay dawladihii hore jireen ayuu, sida uu sheegay,
Soomaaliya tegey, wuxuuna dadkii madaxda iyo reermagaalka
ahaa oo uu la kulmay ku sheegay labo arrimood oo yaab
leh.
Wuxuu sheegay in ay ahaayeen dad rumayga aad u jecel, oo xafiisyada dhexdooda
ku cadayda, oo weliba miiska xafiiska uu mid kasta
rumay dheeri u saarnaa, inta badanse uu afkooda caday
ka soo taagnaa!
Sida uu fiilasoofku sheegay soomaalida ilkahoodu aad bay u cabcaddaayeen, laakiin
jirkoodu aad buu shiirayey. Waxay ahaayeen dad aan
qubaysan, oo uu mid kastaa shaatiga kulleetigiisa
dawaad midda awrta u eg ku lahaa. Markii la salaamo
oo ay qoslayaan afkoodu nadiif ayuu ahaa buu yiri,
hase yeesho ee waxaa ka soo haadayey shuxuur aan loo
soo dhawaan karin.
Fiilasoofkaas carabka ahi wuxuu sheegay in ay soomaalidu ka mid yihiin taageerayaasha
shaydaanka. Wuxuu caddeeyey in ay qoloba si shaydaanka
u taageeraan, oo ay soomaalidu xagga qubayska shaydaanka
kala mid yihiin!
Xagga dagaallada sokeeye mar uu ka hadlayey ayuu sheegay in ay ku badan yihiin
meelaha uu qubaysku aad ugu yar yahay, oo wuxuu rumaysan
yahay haddii ay soomaalidu qubayska badsan lahaayeen
in uu dagaalku gebi ahaanba soo afjarmi lahaa.
Meelaha uu kufsigu ku badan yahay waxaaba laga yaabaa in laga helo boqollaal
nin oo aan ka qubaysan boqollaal hablood oo ay bilihii
la soo dhaafay googaradaha ka siibeen.
Wuxuu Dr Anwar Burhaan sheegay in ay dadka Masar aad ugu dhuundalooleen arrimaha
Soomaaliya muddadii ay dagaalladu socdeen, siiba dhulka
ay dagaalladu aad u saameeyeen. Shirkii Qaahira oo
sannadihii sagaashanaadka dhammaadkoodii soomaalida
loo qabtay wuxuu sheegay in ay waftiga ku yaraayeen
wax qubaystey muddadii uu shirku socdey, isla markaas
wafti sanad danbe Masar yimid oo Carta ka socdey dadku
gebi ahaanba ma ay qubaysan jirin ayuu yiri Dr Anwar
Burhaan, wuxuuna hadalkiisii u soo gunaanadey shaydaanka
iyo soomaalida midna ma qubaysto!
»»Maqaalkii
Hore ee Shaafici "Hooballo gaajaysan!"»»
Shaafici
Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se