[2003/March/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Dawlada Maraykanka oo ku duushay Ciraaq

Ottawa, 20 March 2003 (MOL)-Xalay waaberigii subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay qaraxyo culus duleedka xaafad ka mida magaalada Bagdaad ee dalka ciraaq, qaraxyadaas ayaa astaan u ahaa inuu bilaamay dagaalkii in dhawaalaba laga cabsida qabay in Dalwada Maraykanka iyo Ingiriiska ku qaadaan Dawlada Ciraaq. Qaraxyadii xalay ayaa Dawlada Maraykanku ku sheegtay kuwo si gooniya loola beegsaday hogaamiyaasha Ciraaq waxaana ku dhintay illaa 10 qofood. hay'adaha sirdoonka Maraykanka ayaa soo ogaaday in Sadam xuseen kula shirayay qaar ka mida dawladiisa meesha qaraxyadu ka dhaceen. Saaka Waaberigii ayaa la ogaaday in Sadam Xuseen ka badbaaday isku dayga dilkaas ka dib markuu dadka Ciraaq kala hadlay TV-ga.

Caawa waqtiga 1700 gmt-ga ayaa ciidamada Maraykanku u gudbeen xaduudka ciraaq ka dib markii ay waqti badan duqaynayeen meelihii ay ku tuhmayeen inay ku jiraan ciidamada ciraaq. wali lama oga in weerarka Maraykanku guulaysan doono ilaa ciidamada Maraykanku gaaraan magaalooyinka waaweyn ee ciraaq oo la filayo in ay ciidamada ciraaq awoodooda isugu gayn doonaan sidii ay isaga caabin lahaayeen waararkaan.

Dawladaha aduunka ayaan u kala harin cambaaraynta ay dusha uga tuureen Dawlada Maraykanka iyagoo sheegay in dawlada Maraykanku ka taaalbsatay shircigii qaramada Midoobay.

Waxyaabaha dagaalkaan ku cusub ayaa waxaa ka mida in si ula kac ah loo dilo hogaamiye wadan taas oo awal aduunka mabnuuc ka ahayd tan iyo inta la xasuusan yahay. arintaan ayaan la ogayn meel ay salka dhigan doonto.

Magaalooyinka Somaliya oo dhan ayaa aad looga dareemay dagaalka Ciraaq lagu qaaday, waxaana moodaa in arintaani tahay hal arin oo Somalidu isku fikrad ka qabaan kana soo horjeedaan in la weeraro Dalwada ciraaq oo ay u baqayaan dhibaatada soo gaari karta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Mudugonline.com


Macalimiintii Bosaaso lagu xiray oo la soo daayay

Bosaaso, 20 March 2003 (MOL)-War naga soo gaaray Magaalada Bosaaso goor dhaweyd ayaa sheegaya in Maanta la sii daayay macalimiintii Maamulka Gobolka Bari shalay xirxiray ka dib markii ardayda Skoolka Imaamu Nawaawi ay sameeyeen Mudaharaad ay uga soo horjeedeen Baaritaan Bolisku ku wadeen Skoolka oo ay ka soo dacwoodeen 12 arday oo horey Skoolka looga eryay.

Maamulka Skoolka ayaa ardaydaas ku eedeeyay inay fadqalalo ka wadeen Skoolka aanana loo ogolaan karin inay fidnadooda gaarsiiyaan ardayda kale halka ardayduna ku dacwiyeen ina arinta looga eryay Skoolka la xiriirto siyaasad tahayna mid diin ku lug leh, waxay ardaydu sheegeen in maamulka dugsigu isku dayeen inay ardayda ku qasbeen inay qaataan mabaadii'da ururka Al Islaax ee ka jira magaalada Muqdishu.

Mudugonline.com






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/March/_includes/slogan.htm]