[2003/March/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

BANAANBAX KA DHACAY MAANTA BOOSASO IYO MACALIMIIN XABSIGA LOO TAXAABAY

Bosaaso, 19 March 2003 (MOL)-Waxaa saakay subaxnimadii ka dhacay magaalada boossaso mudaharaad ay soo ababuleen ardayda dhigata dugsiga al nawaawi oo ah dugsi ay gacanta ku hayso hay'ada islamiga ah ee Tadaamun

mudaharaadkasi ayaa ardaydu ku marayeen meelo ay ka mid tahay xarunta gobolka bari taliska qaybta iyagoo wata dhagaxaan ay la dhacayeen goobahaasi iyo hadalo aflagaado ah o ay ku caayayaan masuuliyiinta maamulka.

dibad baxaasi ayaa waxaa sababay ka dib markii maamulka iskooolku ay cayriyeen 12 arday oo ay ku sheegeen kuwa rabsho wadayaal ah hase ahatee ay ardaydii u dacwoodeen maamulka gobolka iyagoo sheegay in looga soo cayriyey iskuulka arimo siyaasadeed iyo in ay ka mid noqdaan ururka Al Islaax, taasi ka dib waxaa shalay taliska qaybta boolisku amreen in uu yimaado maamulka iskuulkaasi xafiiskoodau waxayna ka wada hadleen arimihii tagnaa waxaana ilaa habeen hore socday shirar looga hadlayay sidii dugsiga loogu celin lahaa ardaydaasi. shirarkaasi oo u socday gudiga waalidiinta iyo macalimiinta.

Waxaase arinkii saakay faraha ka baxay markii talisku qaybtu amreen in loo yeero mar kale maamulihii iskoolka waxaana halkaasi ka dhashay mudaharaad aad u balaaran waxaan loo yeeray dhamaan macalimiintii oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii la dhegaystay arimihii meesha yaaley.

Qaar ka mid ah macalimiinta yaa ii sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibkaasi loo gaystay waxaana goob taasi ku arkay masuul ka mid ah ciidamada oo lagu magacaabo Axmed Adaab Bidaar oo isagu ku sheegay macalimiinta Al-Islaax lana baari doono.

gudoomiyahagobolka bari oo hor kacaya gudiga nabad gelyada ayaa ku saxiixnaa qoraalka xabsiga loogu diray macalimiintaa.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland ayaa isna amar ku baxshay in ay iyagu u taal oo keliya tayada waxbarasho waxii amniniyana u taal gobolka iyo booliska.

waxuu kaloo sheegay in dugsigaasii oo ah dugsi ay maalgeliso haya'do carbeed aan loo siticmaalin manhajkooda.

C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/March/_includes/slogan.htm]