Garoowe [MOL] 24 July 2003- Waxaa maanta dhex heehaabaaya
magaalda Boosaso qoraal taageero ah oo ay yaaciyeen qaar
ka mid ah bulshawaynta reer Boosaso oo ku hadlaya magaca
shacabka reer puntland qoraaldaasi ayaa waxaa ku qornaa
amaan ay u soo jeediyeen wasiirka maaliyada C/raxmaan
Faroole oo ay ku tilmaameen nin hawl kar ah.
Waxaa kaloo ku qornaa qoraaladasi ay yaaciyeen dadku
inuu intii uu wasiirku xilka hayey ay jireen dagaalo gudaha
ah nabadayn iyo dagaal siyaasadeed oo loogga jiro dalka
keenya taasina ay keentay in dhaqaalihii noqon waayo sidii
la rabay, waxaa kaloo ay amaan ugu soo jeediyeen sida
ay u korortay mushaaarkii shaqaalaha iyo golayaasha dawlada
iyadoo ay soo kordheen wasaarado badan oo dhaqaale iyana
u baahan hadaba beekhaaminta dhaqaale ee faroole ayey
ku tilmaameen mid cilmiyeeysan bedelaad xiligaan la bedolona
waxay ku timaameen shiqaaqo ay wadaan dad ka soo hor jeeda
horumarka dhaqaale iyo amaan ee puntland.
Lakiin qaar ka mid ah shacabka reer boosaso ayaa ka dayrinaya
Faroole oo u arka inuu yahay nin keligiis wax doona kuna
dadaala inuu daboolo baahiyaha dawlada rag ku dhow dhow.
Dhinaca kale marka aan jaleecno dhinacyada arimahaan
bulshada rayidkaa ayaa wasiirka dadka qaarkiis ku tilmaameen
nin adag oo hilaamay kaliintaasi. waxaa jira warar isa
soo taraya oo sheegaya in Mudane Faroole uu meel ku kayd
saday hanti badan uuna ku miyir beelay urursi dhaqaale
oo uu ugu talo galay inuu dagaal siyaasadeed ku galo markii
ay timaado baahideeda sida khilaafka hadda jira oo kale
ah. dad kale ayaa aaminsan in dadka u ole olaynaya Faroole
ay yihiin dad ka haysta balanqaadyo ama uu horeyba wax
uga dhadhamiyay wasiirka Maaliyada.
Suxufiyiin badan oo aan iyana wax ka waydiiyey sida
ay u arkaan bedelaada Faroole ayaa ku tilmamay nin hilmaamay
dabaqadihii la rabay inuu wax ka qabto. nin suxufi ah
oo kaftamaya ayaa yiri “wasiiradii hore xataa waxay saxaafada
siin jireen ogaysiisyo waxqabadka wasaarada iyo soo dhowayn
ay kala kulmi jeen wasiirkii hore hase ahatee faroole
ma garan intaasna waa gabay”
Waxaa kaloo jira dad masaakiin ah oo ku taxluqay dhaqaalaha
puntland kuwaa soo isugu jira haween odayaal aan caruur
lahayn oo dhaqaale bile ah ka qaata wasaarada maaliyada
tan iyo xiligii SSDF qaarkood aan la sheekystay amaan
ayeey u soo jeediyeen wasiirka balse waxay yiraahdeen
intii nabadyntu dhacday ma helin wax dhaqaale ah walina
waan sugaynaa.
»»Warkii
saaka ee isla arinta Faroole halkaan ka akhri»»
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|