Garoowe [MOL] 24 July 2003- Waxaa saaka subaxnimadii
ka soo degay garoonka Conoco wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland Cabdulahi Yusuf Axmed oo ka
soo duulay madasha shirka dib u heshiisiinta Somalida
ee Mbagathi. Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid deg deg
ah ayna ku wehliyeen socdaalkiisa gudoomiye ku xigeenka
1-aad ee baarlamaanka, gudoomiye ku xigeenka labaad iyo
madax kale oo ka tirsan goleyaasha Dawlada. socdaalka
Madaxweynaha ayaa la xiriira xalinta khilaaf u dhaxeeya
Maamulkiisa oo maalmihii la soo dhaafay isku mari waayay
go'aan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland
Maxamed Cabdi Xaashi oo madaxweyne ku xigeenku isku badalay
laba wasiir oo ka mida Dawlada, arintaasina dhalisay muran
iyo amar diido ka yimid mid ka mida wasiirada la badalay.
Warar aanu ka helay Puntland ayaa sheegaya in Wasiirkii
Maaliyada ee jagada laga qaaday Cabdiraxmaan Faroole uu
galay Hawl gal culus iyo dadaal uu ku soo jiidanayo dad
badan si mar loogu soo celiyo jagadiisi, wasiirka ayaa
si bareer ah uga dhaga-adaygay inuu qaato amarkii madaxweyne
ku xigeenka. Isla habeenkii go'aanka Madaxweyne ku xigeenku
soo baxay waxaa dablay aan la aqoon haybtooda tacshiirad
ku rideen guriga Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan
Faroole ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn fowdadaas
waxaase jira tuhun in falkaas ay geysteen taageerayaashiisa.
arintaas ayaa loo fasirtay haddii jagada laga qaado Cabdiraxmaan
Faroole ay arintaasi keeni karto qas iyo iyadoo loo yeelay
arinta waji qabiil.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka oo lagu yaqaan daacadnimo
iyo alle ka cabsi magac weyna ku leh bulshada Puntland
ayaa dhib ku noqotay inuu la shaqeeyo wasiiro iyo saraakiisha
Dawlada oo intooda badan u soo shaqo tageen xaraysiga
xoolaha Dawlada si sharci daro ah. Waxaa Garoowe soo gaaray
madaxdhaqameedyo ka yimid Gobolada Sool iyo Sanaag kuwaas
oo la sheegay inay u guurgalayaan arintaan iyo meesha
ay ku dhamaato.
Madaxweynaha Puntland Cabdulahi Yusuf ayaa intii uusan
Nayrobi ka soo duulin sheegay in go'aankii madaxweyne
ku xigeenku uusan waafaqsanayn sharciga Puntland, isagoo
intaas ku daray inaan madaxweyne ku xigeenku kala tashan
isku badalka wasiirada. arintu si kastaba ha ahaatee dad
badan ayaa sugaya sida ay suurto gal u noqonayso inay
wada shaqeeyaan Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku
xigeenku marba haddii aysan jirin wax qadarin iyo kala
dambeyn ah oo uu tusay Cabdraxmaan Faroole madaxweyne
ku xigeenka xitaa haddii Cabdiraxmaan Faroole loo daayo
jagadiisa, arintaas oo ku qasbi karta in madaxweynaha
Puntland jagada ka eryo labada wasiir ee isku badalkoodu
murankaan dhaliyay si loo soo celiyo kalsoonidii iyo kala
dambayntii Dawlada.
Mudugonline.com
|