Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Jagooyin been ah iyo jeebab buuxa!
Shaafici Xassan Maxamed

Qof kasta oo shahaado aqooneed iskool ka qaatay, ama darajo ciidan la siiyey ama uu kacaankii wasiir ama safiif mar u magacaabay, wuxuu maanta isu qabaa in uu madaxweynenimada dal Soomaaliya hanan karo. Arrintaas waxaa lagu harowsadaa shacabka aan kala aqoon ruuxa tilmaamaha hoggaamiyenimada leh iyo kuwa shahaadada xirfadeed isku sharraxaya ama in uu wasiirnimo ama danjirenimo kacaankii mar u magacaabay bulshada baaba’san isaga dhisaya.

Haddaba inta aynaan u dhaadhicin ulajeeddada maqaalkaan ayeynu xooga ka taabanaynaa astaamaha ama sifooyinka uu leeyahay ruuxa hoggaamiye noqon karaa. Markii aynu aragno calaamadaha uu leeyahay qofka hoggaan maamul ama mid siyaasadeed qaban karaa ayeynu kala ogaan karnaa in shahaado uu qof afgarooc ahi sito iyo jago uu nin keligitaliye ahi qof u magacaabay dartood wax lagu dooran karo iyo in ay jiraan hibooyin baxaalli ah oo dadka qaarkood dhalan ahaan loo siiyey, oo ay dal ama dhaqdhaqaaq ku hoggaamin karaan.

In uu bulshada si u saamayn karo iyo in uu yool madhaafaan ah leeyahay ayaa ugu waaweyn tilmaamaha abuur ahaan looga eego qofka leh hibada “hoggaamiyenimo”.

Aqoonta ama kasmadu waa wax lamahuraan ah oo qofka wax hoggaaminayaa in uu leeyahay loo shardiyo, hase ahaato ee cilmiga looga baahan yahay intee buu la eg yahay, muxuuse yahay? Waxaa la hubaa in soomaalida haddii lagu yiraahdo: “Hebel wuxuu haystaa shahaadada Ph D ama wuxuu macallin ka yahay meel jaamacad ah” ay iska niyaysan lahaayeen in uu ummadda hoggaamiye siyaasadeed u noqon karo. Waa aragti qosol badan oo aan habayaraato ee sal iyo asaas ku lahayn waxyaalaha maskaxda dhisan ku soo dhici kara, waxaana laga yaabaa in ay shacabkeenna isaga qasan yihiin kartida maaddooyinka iskoollada lagu baaso iyo kartiyaha loo shasho oo ay ka midka tahay “hooggaamiyenimo”.

Adduunka waxaa weligeed ka jirey hoggaamiyeyaal kartidooda bulshada kaga soo dhexbixi jirey, oo aysan jirin aqoon ay dadka kale haga duwanaayeen. Marmarka qaarkood waxaa ummad aad u badan hoggaamin jirey madax aan magacooda qori karin, laakiin uu Alle siiyey karti ay ku wadaan siyaasadda dadkooda.

Aqoonta hoggaamiyaha siyaasadda looga baahan yahay waa in uu garanayo hawsha uu qabanayo oo uu barasho iyo tijaabo soo sameeyey. Barashada iyo tijaabada looma shardiyo in uu hoggaamiyuhu jaamacad maaddooyin ka dhigtay oo markii uu ku baasay shahaado laga siiyey maamulka jaamacaddaas, ee waa in uu cilmigiisu shaqadiisa dabooli karo. Waxaa markaas meesha soo gelaysa su’aal baraarujin ah oo la oran karo “Waa maxay shaqada laga sugayaa metelan madaxweynaha Soomaaliya?”.

Waxaa dhici karta in loo qabo in uu xafiiska madaxweynuhu yahay meel uusan u soo dhawaan karin qof aan aqooni madaxa uga buuxini, laakiin bal aynu xoogaa faaqidno dabeecada iyo hawlaha qofka hoggaamihaya u qalma isla markaas ah.

Ereyga “talo” macnihiisu ma aha wax la baran karo ee waa sida uu qofku wax u abbaaro markii ay arrini la soo gudboonaato. Waxa laga talinayaa waxay noqon karaan arrin dadka oo dhami ay la kulmaam sida shukaansiga oo ah sidii uu metelan nin ka yeeli lahaa gabar uu rabo in ay jeclaato si uu markaas ka dib qalbigeeda u hoggaamiyo. Waxaa jira rag badan oo aan ka talin karin sidii ay gabar qurxoon oo soo horfadhida uga jibagaari lahaayeen, taasina ma aha in uusan gabadha rabin ee waa in uusan hibo u lahayn talada shukaansiga.

Sidaas awgeed taladu waa wax dadka qaarkood uu Alle maskaxdooda iyo dareenkooda geliyo ee shahaado waxba kama ay khuseeyaan. Hoggaamiyuhu waa in uu yahay qof talo cusub mar kasta curin kara, waana in uu karti u leeyahay in uu talada iyo hawsha u taal ku tillaabsan karo asaga oo aan walaacsanayn.

Qof kasta oo talo cusub curin kara oo ku tillaabsan karaa hoggaamiye uma uu qalmo ee waxaa jira tilmaamo badan oo ay ka mid tahay in dadka uu hoggaaminayo uu ku dhafan yahay, taas oo uu macneheedu yahay in uu hawlaha wadajirka loo qabto si firfircoon uga qaybqaadan karo, isla markaasna uu kasban karo in ay dad badani maasuus iyo tixgelin u hayaan. In uu hoggaamiye ama qof kasta oo muuqdaa cadow yeeshaa waa arrin dabiici ah, laakiin dadka soo jiidashadoodu waxay ka mid tahay tilmaamaha ugu waaweyn oo laga eego hoggaamihaya siyaasadda. Arrintaan macneheedu wuxuu ku soo ururayaa ereyga “xubinnimo” oo waa in uu hoggaamiyuhu ummadda xubin firfircoon ka yahay.

“Wakiilnimo” waa kalmad weyn oo uu hoggaamiyaha suubbani leeyahay, macneheeduna waa in lagu yaqaan difaaca ummadda uu hoggaamiyo iyo raadinta maslaxaddooda. Dadkeenna siyaasadda lagu hafro qaarkood waxay wakiil ka yihiin naftooda oo magaca ummadda ayey xoolo iyo sumcad u raadsadaan, waxaana kuwaas lagu magacaabi karaa “gafaneyaal” ee hoggaamiyeyaal kuma ay sifoobi karaan. Dadka soomaalida ah oo kooxaha tirada badan oo hadda dalka ka jira hoggaamiya qaarkood waxay xushmeeyaan hadba dalalka ay hanti ka shaxaadayaan ee ummadda ma ay qaddariyaan. Waxaa arrintaas tusaale habboon u ah in uu Cabdiqaasim meelo badan ka sheegay in uu soomaalida afkooda kowaadi luqadda carabiga yahay, taasna waxaa ka keenay in uu lacago badan ka helay dalal carab ah iyo in uu weli quuddarraynayo in ay niman uu Qaddaafi ka mid yahay calaacashiisa shilimo ugu ridaan.

Midaynta ummadda la hoggaaminayaa waxay u baahan tahay karti weyn, waxaana yeelan kara qof hibo u leh. In ummadda la is-oggolayso oo ismaadhaafkooda xal laga gaaro waxaa samayn kara dad gaar ah ee qof in uu xoogaa lacag ah uruursado rabaa libin iyo guul kama uu gaari karo. Dadka la hoggaaminayo in wadajirkooda iyo wadarnimadooda la dhawri karaa waxay u baahan tahay hibo hoggaamiyenimo, waxaase qosol leh in soomaalida madaxnimada u angaxaa ay naf ka dhigtaan in ay shacabka isku diraan si ay magacooda ugu danaystaan muddada ay ummaddu isku sii jeedaan.

Hoggaamiyuhu waa in uu garan karo shaqooyinka iyo dadka kartida u leh in ay fuliyaan, ee uusan qofkii la qabiil ah ama asaga kaboqaad u ah hantida maamulkiisa gacanta u gelin, isla markaas waa in uu abaalmarin xikmadaysan qorshayn karo.

Sida awoodaha hoggaaminta loo hanto dadkeennu ma yaqaanniin ee waxay u qabaan in ninkii madax sheegta oo suud iyo tay inta uu xirto shir ka qaybgalaa uu hoggaamiye fiican yahay. Haddaba awoodda hoggaamiyenimo waxaa lagu hantaa in xeerka ay dadka la hoggaaminayaa dhigteen awoodda la abbaarsiiyo, isla markaas qalqaalooyinka cusub dhammaantood xeerka lala tiigsado. Dadkeenna midkii koox yar hoggaamiyaa wuxuu moodaa in uu caqligiisa yarka ahi yahay xeerkii ummadda, wuxuuna isu qabaa in uu dadka oo dhan asagu leeyahay. Xataa dhaqaalaha ummadda haddii shaqaalaha mushaar laga siiyo waxay madaxdeennu u qabaan in ay ayagu mushaarka siiyaan, ee ma ay oga in ay ayagu yihiin shakhsiyaad dadka ka mid ah ooh hawl hawlaha ka mid ah haya. Waxaan dhawaan internetka ka dhegaystey Cabdullaahi Yuusuf oo leh waxaan mushaar siiyaa 9000 oo ciidan, shaqaale, maamuleyaal iwm. ka kooban, oo aan mushaarka ka siiyo canshuurta laga qaado Puntland. Hadalkaasi wuxuu muujin karaa in uusan madaxweynaha Puntland ogayn in uu yahay qof ka mid ah ummadda degaanka uu hoggaamiyaha ka yahay ku dhaqan, oo ay dhammaantood u siman yihiin dhaqaalaha gobolka. Mar haddii uu hoggaamiye yahay wuxuu u qabaa in uu asagu dadka mushaarka siiyo, ee ma uu dareensana in aysan asaga ummaddu marti u ahayn ee ay dalkooda mushaar ka helaan, isla markaas ay shaqada uu hayaa la mid tahay midda ay shaqaalaha iyo maamuleyaashu ku hawlan yihiin.

Ummadda la hoggaaminayaa waxay u baahan yihiin in siyaasaddooda ay u warhayaan, oo uu hooggaamiyuhu si anshax ah wardoon u suubbiyo, dabadeedna uu warbixin hufan deeqsiin karo ummaddiisa. Intaas waxaa dheer in uu dadka uu hoggaaminayo laftooda iska warqabsiiyo.

“Mahadin” iyo “dhaleecayn” waa labo erey oo la wada yaqaan, hase yeesho ee hoggaaminta sida ay u khuseeyaan ayeynu hadda u baahan nahay. Ummadda la hoggaaminayo mid kasta oo ka mid ahi wixii uu mutaysto waa in uu hoggaamiyohoodu garan karaa, oo uu qeexi karaa. Qofkii ammaan iyo dhiirrigelin astaahila waa in uu hoggaanku qiimayn karo, isla markaas midkii canbaarayn galabsaday waa in uu waajibkiisa helaa, waayo ummadda hoggaaminteeda ayey ka mid tahay in ay arkaan in wanaagga abaal leeyahay xumaantuna ay qaabab loo ciqaabo leedahay.

Arrinta ugu danbaysa oo aynu tilmaamaha uu hoggaamiyaha hibada lihi leeyahay ka sheegaynaa waa “jibaggaarid”, waana arrinta ugu weyn oo haddii uusan qofka wax hoggaaminayaa lahayn uu fashilmo. Hoggaamiyuhu waa in uu yool la higsado saadaalin karo, taasna waxaa u sahli kara in uu fahmi karo dadka uu hoggaaminayo karaankooda ama awooddooda si uu u garto in ujeeddadiisa siyaasadeed uu salgaari karo. Maanta waxaynu aragnaa in aysan hoggaamiyeyaasha siyaasadda naftooda ku hafraa horay u tillaabsan karin, oo ay badankoodu jaranjartii ay fuulaanba cabbaar ka dib ka soo dhacaan. Ummadda iyo waxyaalaha dalka laga qaban karo midna hoggaamiyeyaashu ma ay qayaanniin, isla markaas qofka hoggaanka ku ordayaa wax uu qaban karo isma uu yaqaan. Waxaa laga yaabaa in ay xagga “jibagaaridda” ugu murti badan yihiin kuwa jagooyinka aan daacad ka ahayn ee dano dhaqaale oo gaar ah dartood ugu xuurtaysan in ay koox hoggaamiyaan. Kuwaasi ummadda kama ay fakaraan, in uu gobolka ay joogaan isbeddel ka dhacana iskuma ay mashquuliyaan ee waxay ku dhaqmaan oraahda ah “Jagooyin been ah iyo jeebab buuxa”.

Hadda shirka Kenya ka socda waxaa ragga dhaqaalaha u xuurtaysan ka mid ah saaxiibkeen Cabdullaahi Axmed Caddow, oo jago been ah ku waayey bulaankii khafiifka ahaa oo Carta la isku takarodhawday. Dadka madaxweynenimada Kenya malaha la isgu dooran doono u hollanayaa aad bay u badan yihiin, hase yeesho ee mudane Caddow labo arrimood ayaa keenay in aynu asaga tusaale gaar ah ka dhiganno. Midda kowaad wuxuu mihday saddex sano ka hor oo ciil badan buu u qabaa in uu jago jeebka ku buuxsado. Midda labaad tilmaamihii aynu ku soo xusnay hoggaamiyaha qofkii ogi qosol buu la dhacayaa markii uu arko mudane Caddow oo u malabsanaya in uu ku fariisto kursi lagu soo celinayo xasilloonida Soomaaliya.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Barasho horteed wax lama naco”, waxayna maahmaahdu ina faraysa in aynu xoogaa kooban ka soo qaadanno sooyaalka iyo taariikhda Cabdullaahi Axmed Caddow. Shaqada ugu ceeb yar oo uu soo maray waxay ahayd mar uu kontomaadkii askari hoose oo askartii gumaysiga ka mid ah ku shaqaynayey, waayo markaas awooddiisu waxay ahayd in uu ciidanka iska dhexjoogo.

Xoolajacaylka uu Cabdullaahi Axmed hadda la xiimayaa Carta kagama uu dhalan ee lixdamaadkii ayuu qalqaalo yaab badan wuxuu u galay in uu lugta la galo wasaaraddii maaliyadda ee Soomaaliya. Jago aan wasaaraddaas ahayn waa lagu soo kari waayey Cabdullaahi Axmed Caddow, wuxuuna 1965 ku xuurtirtay in uu noqday “Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda”, haddana markii uu sidii uu rabey u qaboobi waayey buu halgan kale ugu dhididey in uu noqdo “Guddoomiyaha bangiga”, halkaasna waxaa kaga jabtay hamuuntii uu Cabdullaahi la kacsanaa.

Khaladkii ugu weynaa oo laga galay Cabdullaahi Axmed Caddow wuxuu ahaa in Maxamed Siyaad u magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiyey Ameerika, wuxuuna Caddow muddadii uu halkaas joogey ku dadaaley in uu madaxweynaha ka baryo sidii loogu celin lahaa wasaaradda maaliyadda. Codsiyo badan iyo baryo joogto ah markii uu Caddow kala goyn waayey ayuu Maxamed Siyaad wuxuu ku aamusiyey in uu ka dhigo “wasiirka lacagta”, halkaas oo uu wasiir Caddow kaga baaba’ay jiilkii afka ka maray xilligii uu Ameerika ku xayirnaa. Muddo shan sano ku dhow ayuu mudane Caddow ku xasilay wasaaraddii uu u soo madaarayey intii uu dalka ka maqnaa.

Mar kasta oo uu keligitaliyuhu kala cayriyo wasiirrada wuxuu Caddow ku qabbirnaa wasaaraddii uu aad uga baryey madaxweynaha, hase ahaato ee disember 1984 ayuu madaxweynu Caddow aad u soo dhaweystey oo hoosta soo gashaday, oo wuxuu ma dhigay “Wasiirka madaxtooyada ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda”. Halkaas waxaad ka ogaan kartaa in uu Madaxweynuhu markii hore oo uu Caddow Ameerika ku miidaamiyey naftiisa khalad ka galay, oo uu dib ka ogaadey in uu Caddow yahay nin siyaasadda iyo dhaqaalaha madaxtooyada la dabaalsiin karo.

1990 markii ay magaalomadaxdii oo dalka ugu dabaysey gacantii kacaanka ka baxday wuxuu Cabdullaahi Caddow weli dhextaagnaa madaxtooyada, haatanna shirka Nayroobi ayuu joogaa.

Waxaa xigtaan yar iyo saddexdii maqaal oo dhawaan la baahiyey oo kala ahaa ”Itixaad iyo ilma Yuusuf”, ”Nefis iyo Naxdin”, “Afar gafane iyo gun gaajaysan” iyo “qoraal caddilan iyo qori cabbaysan”, iyo weliba afar buug horay loo daabacay oo kala ahaa “Danyarkalkaal”, “Hooyooyin iyo hablo kadeedan”, “Sirmaqabe” iyo “Guur iyo geeri”, iyo “Naakhuude” iyo qabyooyin kale diyaariyey:

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

»»»»»»»Maqaaladii hore ee Shaafici»»»»»»»


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.