Gaalkacyo [MOL] 09 July 2003- Halka
lagu magacaabo But-but oo ka rirsan deegaanka Golol ee
Afbarwaaqo ayaa lagu soo waramay in uu ka socdo dagaal
xoogan oo laysku adeegsanayo hubka culus iyo kuwa fudud,
dagaalakan oo dhexmaraya laba beelood oo halkaasi wada
degan, ayadoo labadan beelood ay maalmahanba
isku qalab aruursanayeen.
Waxana aad u adag in war laga helo
halka dagaalku uu ka soconayo isigaarsiin la'aan awgeed,
kadib markii laga waayey khadka hawada raadiyaashii halkaas
ka shaqayn jiray kuwaas oo halmar soo gudbiyey in uu dagaal
kharari uu socodo, ayna qaxayaan dadkii rayidka ahaa ee
halkaasi ku sugnaa, ka dibna hawadii laga waayay raadiyayaasha.
Waxaa kale oo isgaarsiinta halkaasi
laga helay in dagaalkani uu saaka 9kii aroornimo ee saacada
Afrikada Bari uu bilowaday ilaa haddana uu socdo, majiraan
ilaa iyo hada wax xaqiijinaya khasaaraha dhabtaa ee dagaalkaasi
uu sababay, marka laga reebo warar kala duwan oo ka soo
yeeray beelaha diriritu dhex marayso, kuwaas oo sheegaya
in dhimashadu ay marayso ilaa iyo 18 iyo 25 ruux dhaawacana
uu intaasi ka badan yahay, dagaalka ayaa waxuu u dhaxeeyaa
beesha Dir iyo beesha reer Nimcaale ee Habar Gidir.
Waxaa wali soconaya gurmadyo isdaba
jooga ah oo beelba beesha kale ay u dalbanayso. gudoomiyaha
gobalka Mudug Abdirishiid ali Xaashi oo ka hadlay saaka
qalabka warbaahinta ayaa ku baaqay in beelaha dagaalamaya
ay joojiyaan dagaalkan, qaataana wadahadal nabdeed si
loo baajiyo dhiiga daadanaya.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Banaanbax
lagu taageerayo heshiiskii madaxda siyaasada
Garoowe [MOL] 09 July
2003- Waxaa xarunta Dawlad Goboleedka Bunt-land ee Garoowe
lagu qabtay Isu-soo bax lagu taageerayo go'aamadii ka
soo baxay madaxda siyaasada soomaliyeed ee ku shirsan
dalka kenya, waxaan qudbado kal duwan halkaasi ka soo
jeediyey madax kala duwan oo ka tirsan xukuumada DGPunt-land,waxaana
madaxadaasi ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka DGPL Max'ed
Abdi Xashi wuxuuna sheegay ahmiyada ay qodabadani leeyihiin
iyo sida puntland ay ugu farxsan tahay qodobadan.
Wuxuu
kale oo uu xusay Madaxweyne ku-xigeenku in aan loo baahanayn
in xukuumadii siyaad bare habkeedii hore oo kale la raaco,
balse loo baahan yahay in la qaato habka fadaraaliga ah,
si uu san dalku burbur haduu dhaco ay qaybi u badbaado.
wax kale oo uu sheegay in fikirada noocaan ah ay yihiin
kuwo dadka soomaaliyeed ay ku diirsan doonaan.
Sidoo
kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Ali Abdi Awaare oo
ah Wasiirka Dawladaha Hoose iyo hormarinta miyiga oo sina
madaxda soomaaliyeed ugu baaqay in ay ummaddooda ay ka
samatabixiyaan mushkildaha gaafmareenka ah ee ku habsaday
mudada badan,waxaa kale oo banaanbaxan ka hadlay gudoomiya
gobalkam Nugaal Abdulaahi Faarax Baasaweyne oo uga hanbalyeeyay
madaxda siyaaada Soomlida sida ay dantooda iskugu raaceen.waxa
kaloo banaanbaxaas ka qayb galay wasiirka Hawlaha Guud
iyo Gaadiidka, gudiga biyo galinta iyo madax kale oo badan,
waxaana dhawaan ay magaaladu helidoontaa biyo nadiif ah
oo macaan.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
|