Gaalkacyo [MOL] 08 July 2003- Wararka
Saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya
in dhalinyaro beeleed hubaysan oo isugu jira beelaha degga
waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay xoog ku galeen Xeraddii
Daraawiishta oo dhawaan Dawlad Goboleedka Puntland xaraashtay
dhul ka mid ahaa xeradaas inta hartayna la rabay in la
xaraasho.
Wararka ka imaanaya
Xeradda daraawiishta dhexdeeda ayaa sheegaya in dhalintaas
gashay xerada qaarkood ay dhisid ku bilaabeen dhulkii
ay ku habsadeen,dhalintaas oo ku hubaysan qoryaha fudud
ee gacanta ayaa waxaa laga maqlayay banaanka xerada rasaas
aan la ogayn cidda ridaysay iyo cidda lagu ridayay toona.
Waa markii 3-aad oo dad hubaysan ku habsadaan isna hortaagaan
xaraashka xerada Daraawiishta.
Waxaa bilowgii sannadkaan
xaraash lagu gaday qeyb ka mida dhulkaas intii ugu qaalisanayd
ee xigtay wadadda laamiga ah. dhulka intii hartay ayaan
la garanayn waxa loo gadi waayay iyadoo ay suuragal tahay
in wax gataba la waayay.
Gudoomiyaha Gobolka
Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi ayaa maanta hanjabaad iyo
digniin u soo jeediyay dadkaas ku habsaday Xerada Daraawiishta.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhisme kasta oo sharci daro
lagu dhiso ay Dawladu balan ku qaadayso in la jabin doono
sharcigana lala tiigsan doono dadkaas sida sharci darada
ah dhulkaas ugu habsaday.
Marar badan ayaa looga
digay DGPL qatarta ka imaan karta dhulkaas haddii
la xaraasho iyo waliba inaysan munaasib ahayn in dhulkaas
la xaraasho iyadoo magaalada Gaalkacyo waayahanba ka jirtay
dhul isku qabsi taas oo ay ka timid qasaarooyin badan
oo dad badan ku nafwaayeen. waxaa iyaduna meesha ku jirtay
iyadoo dadka magaaladu inta badan aysan lahayn awood dhaqaale
oo ay kaga qayb galaan xaraashkaas iyagoo haddana u arka
in dhulkaas uu ka dhexeeyo ummada oo dhan.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Dagaal
kale oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Tuulada Afbarwaaqo
Gaalkacyo [MOL] 08
July 2003- Wararka ka imaanaya Tuulada Afbarwaaqo oo ka
mida Tuulooyinka degmada Jariiban ugana toosan dhinaca
Bari magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegaya in beelaha deegaankaas
oo dhawr jeer oo hore dagaal ku dhex maray deegaanka ay
ku jiraan hub iyo ciidan aruursi Maanta, iyadoo la filayo
in maanta dagaal uu dhex mari doono beelahaas. dagaalkaas
maanta laga baqayo inuu ka dhaco deegaanka afbarwaaqo
ayaa waxuu u dhaxeeyaa beesha Dir iyo beesha reer Nimcaale
oo ka mida beelaha Sacad ee Habargidir.
Waxaa wali labada beelood
ku dhex jira odayaasha deegaanka oo isku dayaya inay baajiyaan
dagaalka maanta. Waxaa deegaano u dhaw Afbarwaaqo laga
maqlayay Maanta sharqanta rasaasta taas oo loo malaynayo
inuu dagaalkii biloowday.
Dagaalka Labada beelood
oo intii mudo ah soo jiitamayay, iyadoo heshiisyo badan
la isugu keenay odayaasha labada beelood. wali lama oga
waxa uu ka dhashay abaabulka dagaalkan cusub oo dhibaato
u keeni doona dadka deegaanka oo dhan.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Cabdiqasim
oo kali ku noqday aragtidiisa diidmada heshiiskii kooxaha
Mbagathi [MOL] 08 July
2003- Ra'iisal Wasaaraha DKMG ah ee Carta Xasan Abshir
Farah iyo Gudoomiyaha Barlamaaka KMG-ka Carta Cabdalla
Deerow Isaaq ayaa shir wada jira ku qabtay madasha shirka
dib u heshiisiinta ee Mbagathi, labada masuul ayaa sheegay
inay iyagu u saxiixeen heshiiskaas DKMG ah si sharci ahna
awal loogu xilsaaray inay wada hadalaas uga qayb galaan
dawladii Carta. labada masuul ayaa sheegay inay meesha
ka saarayaan warar ku tiri ku teen ah oo ka soo yeeray
madaxweynaha DKMG ah ee Carta Cabdiqasim Salad Xasan oo
uu ku sheegay inaysan labadaas masuul matelin DKMG ah.
Labada nin oo ay dhinac
fadhiyeen 111 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xubno
baarlamaan ayaa waxay haystaan sida muuqata aqlibiyada
Dawlada KMG ah ee Carta. waxaa kaloo goobtaas joogay Maxamed
Qanyare Afrah oo ah afhayeenka Kooxda G8 oo iyagu ay inta
badan ay isku aragti ahaayeen kooxda Carta. Qanyare ayaa
sheegay in dad damac gooniya lihi ay diidan yihiin heshiiskii
taariikhiga ahaa ee ay asbuucaan gaareen kooxaha siyaasadu.
Cabdiqasim Salad ayaa
hadda kali ku noqday aragtidiisi iyadoo haatan ay ka tageen
dhamaan kooxihii ay xulafadda ahaan jireen iyo inta badan
xubnihii Dawladiisa oo ku jiro ra'iisal wasaarihiisi.
Wali lama oga Cabdiqaasim
inuu sii joogi doono shirka iyo inuu Muqdishu dib ugu
noqon doono.
Mudugonline.com
|