Wararka Mudugonline

degmada burtinle oo Bandow lagu soo rogay iyo Ciidan daraawiish ah oo amaanka sugaya iyo Cabdulahi yusuf oo saaka booqosho u aaday isla degmada Burtinle

Gaalkacyo, 15 Jan 2003 (MOL) -Wararka saaka naga soo gaaraya degmada burtinle ee gobolka nugal ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Puntland oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo ay illaalinayaan amaanka magaalada Burtinle, magaaladana Bandow lagu soo rogay ka dib markii xalay fiidkii laba nin oo ganacsato ah lagu dilay magaalada iyagoo fadhiya baqaaradoodii ay ka ganacsan jireen. 4 nin ayaa la soo sheegay inay dilkaas ka dambeeyeen. gacan ku-dhiiglayaasha ayaa wali la garanayn cid ay yihiin haatana ay u carareen baadiyaha degmada Burtinle iyadoo ay ku raad joogaan Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Wararka aan saaka helay ayaa sheegaya in madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdulahu Yusuf oo awal ku sugnaa magaalada Galkacyo uu saaka aaday magaalada Burtinle si uu u dajiyo xaalada. ciidanka daraawiishta ayaa shaqadoodu noqon doontaa inay sugaan amaanka si aan arintaas marnaba isugu badalin aargoosi qabiil.

Dilka labadaan nin oo aan waxba galabsan ayaa la sheegayaa in ay gaysteen dad ka soo horjeeda heshiis dhamaystiran oo asbuucii hore laba beelood oo ka tirsan beesha Cumar Maxamuud ku dhexmaray magaalada Galkacyo. dilkaana ujeedadiisu ahayd burburinta heshiiskaas iyadoo loo malaynayo ina arintu laga yaabo inay siyaasadna ku lug leedahay iyadoo saxaafada mucaaradka ay arinta sii qasayaan iyagoo raba in meeshaa qas iyo dhibaato aan dhamaan ka dhalato.

Waxii arintaas ku soo kordho kala soco Mudugonline.com

Mudugonline.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001