Qilaaf
u dhaxeeyay beelaha Galkacyo oo la soo afjaray.
Galkacyo,, 10 Jan 2003 (MOL)
- Wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka
Mudug ee Galkacyo ayaa sheegaya in asbuucaan
la soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay laba beelood
oo wada dega magaalada Galkacyo dhinaceeda
Waqooyi kana mida beesha Cumar Maxamuud. khilaafkaan
oo markii hore ku bilaamay dhul la isku qabsaday
ka dibna isku rogay dhinac qabiil ayaa waxaa
ku dhintay illaa 4 qof 10 kalena ku dhaawacantay.
khilaafka ayaa soo jiitamayay mudo 2 sanno
ku dhaw oo markii hore wax xal ah loo waayay.
Beesha Cumar Maxamuud ayaa khilaafkaas sidii
loo xalin lahaa loona xakmayn lahaa u saareen
gudi illaa mudo ka soo talo bixinayay. warka
ayaa sheegaya in labada dhinacba si aad ah
ugu qanceen maslaxadii gudiga Beesha Cumar
Maxamuud halkaasna labada beelood isku cafiyeen
kuna heshiiyeen. xalinta khilaafkan ayaa waxaa
aad loogu amaanay odayaasha iyo daweynaha
magaalada Galkacyo oo aan u kala harin sidii
loo heli lahaa xal. iyadoo marar badan oo
arintu faraha ka bixi lahayd dadweynuhu la
yimaadeen simir, dulqaad iyo tanaasul badan.
Waxaa
iyana hawlahoodii wali sii wada gudi kale
oo iyagana baarintaan ku wada sidii uu u dhintay
allaha u naxariistee Suldaan Hure oo nin ka
mida Ciidamada Daraawiishta Puntland ku dilay
tuulada kalabayr oo ka tirsan degmada Burtinle.
Suldaan Hurre oo ahaa Suldaan caan ka ah Puntland
ayaa dhimashadiisa aad looga wada xumaaday.
gudigaas beesha cumar Maxamuud u saartay baaritnaaka
ayaa iyagana la sheegayaa inay hawshoodu si
fiican u socoto. iyadoo la qaadan doono talooyinka
ay soo jeediyaan gudigaas oo laga soo xulay
beesha cumar Maxamuud dhexdeeda.
Mudugonline.com