Wararka Mudugonline


Qoraalada Maanta ee akhristayaasha waxaa ka mida:

>Xaraashida Xerada Daraawiishta ee Gaalkacyo
>Dhulkii Soomaaliyeed = Baroor Diiq(Silsilad wacyi gelin ah Part1)

Xaraashida Xerada Daraawiishta ee Gaalkacyo

C/llaahi Yuusuf Axmad 'Madaxweynaha DGPL' ayaa dhowaan markuu Gaalkacyo tegay sheegay in la gadayo Xerada Daraawiishta ee Gaalkacyo!.. Hadaba malaga qariyey C/llaahi reer Gaalkacyo siday uga soo horjeedaan arinkan, sida aysan qaanuunka u waafaqsanayn, iyo sida ay u tahay arin foolxun.!

https://mudugonline.tripod.com/2002/October/191002maanta1.htm

Maxaa looga baahanyahay hadday ka go'antahay C/llaahi Yuusuf iyo Xuseen Yabaq(Mayor of Galkayo) inay gadaan Xerada Daraawiishta ee Gaalkacyo:


1. Waa in la helaa Hay'ad ka madax banaan dawladda oo fulinaysa howshaas(Puntland Privatisation Agency)
2. The Law on Privatisation ( Sharciga khuseeya arimahan)
3. Habkii loo marilahaa (Privatisation program/process)
4. Xerada Daraawiishta dadka hadda gata maxaa haysta?

Privatisation is not possible without the support of the people. Si tan loo helo waa in shacabku ka warqabaa ujeedada ka dambaysa (goals), sida loo gaaray go'aanka(decision-making process), iyo sida ay ugu furantahay qofwalba oo ka mid ah shacabka inuu ka qaybqaadan karo howshaas....

Sidaan la socono Puntland maleh Hay'ad madaxbanaan oo qaabilsan howlahan privatisation ka...Sidoo kalena intaan ogahay Qaanunka Puntland wali ma dhamaystirna dhinaca Privatisationka...

1. Hay'ad ka madax banaan dawladda Puntland (Puntland Privatisation Agency).

Hay'addani waxa abuuri kara Baarlamaanka matala deegaanka Puntland, oo aad moodid hay'ad hoostimaada Xukuumada, kuwaas oo ilaa iyo intii la abuuray ahaa hay'ad kamid ah Xukuumada Puntland...(rubber-stamp)
Sababtoo ah hadday yihiin kuwo la xisaabtama amase, ilaaliya sharciga iyo qawaaniinta u degan Puntland, marna xukuumadu ma samayseen waxa iyada markaas kusoo dhaca maankeeda...

Maanta waxaa u banaan inay ka horyimaadaan Gaashaan-Buurta isku bahaysatay inay xaaraashaan xoolaha dadka sida kuwo Gaalkacyo, hadday joojin waayaan arintaasna waxay ila tahay in loo baahanyahay hay'ad kale oo ilaalisa qaanuunka iyo waxa la isla ogyahay..

2. Sharciga khuseeya arimahan(The law on Privatisation)

Waxa kaliya ee dadka kala bixin karaa waa sharci iyo nidaam...
Sharcigaas wuxuu u ilaalin doonaa mustaqbalka qofka gatay xoolaha ka dhexeeya dadka, habka wax loo wareejinayo, iyo inaysan dhowr qof ku takrifalin hantidii dawladda...

Sidoo kale sharci hoosaadkaas wuxuu dhexdhexaadin doonaa hay'adaha kala duwan ee ay howshan khuseyso sida parliament, the government, the Privatisation Agency, the administrators of privatised entities, and local municipal privatisation commissions..
Waxaadse moodaa in Puntland ay ka jirto hal hay'ad taas oo ah midda madax-kanoolka ee C/llaahi Yuusuf Axmad. Marna macquul ma ahan in hal nin iyo dhowr qof oo ku xiran ay gataan hantidii dawladda...Booli-Qaran cusub miyaa?

3. Habkii loo marilahaa (Privatisation process)

Arinta ugu horeyso ee u baahan in la sameeyo waa in la magacaabaa hay'adaha, dhulalka, iyo shirkadaha ay rabto dawladu inay ku wareejiso dadka, sababta keentay in la gado hay'adahaas, in la magacaabo dhaqaalo yaqaan ka madax banaan hay'adaha dawliga oo qiimeeya shirkadahaas iwm..

Tan ku xigta waa in la helaa ka hortagid musuqmaasuf iyo wixii la halmaala...(the legal, technical, and financial due diligence)..

Sidoo kale waa in la shaaciyaa shirkadahaas la gadayo si dadka raba inay maalgashadaan ay uga qayb-qaataan xaraashidaas...

4. Xerada Daraawiishta dadka hadda gata maxaa haysta?

Xerada Daraawiishta gadisteedu waxay ka soo horjeedaa:

Sharciga Islaamka
Sharciga iyo qaanuunka Puntland
Sinaanta dadka, iyo danta guud ee shacabka...

Xoolaha dadweynaha ma xaraashi karaan dhowr qof oo ay dhagaha wax ugu shubeen dhowr ganacsato oo ah taageerayaashooda kuwaas oo isleh ka faaiidaysta inta goori goor tahay...

Waxaa muhiim ah, mabda'iyan in shacabkoo dhan markale u muujiyaan siday kolkii horeba ugu muujiyeen inay tahay arintan arin foolxun (it is important, as a matter of principal).
http://www.allpuntland.com/news/oct2002/news1_201002.htm
Oct 19 keedii 2002 dadweynaha Gaalkacyo waxay ka soo horjeesteen arintan ayadoo uu rabay Xuseen Yabaq inuu si hoose u gado hantida dadweynaha, dhowr nin oo Ganacsadayaasha Gaalkacyo ah...

Ganacsatada caddaysatay rabitaankooda ah inay dhacaan xoolaha dadweynaha waxaad ogaataan in xisaabtanku dambeeyo, arintana aysan waxbana kaga duwanayn Guryaha dawladda ee shacabku ku habsaday...

Maanta hadday dhowrkii Ganacsade ee Gaalkacyo joogay ay damceen xoolihii ka dhexeeyay dadweynaha waa damac xumo ay ku hungoobi doonaan, ayagoo heli kara inay dhul ka gataan duleedka magaalada sababtoo ah way awoodaan inay meelwalba ka gataan dhul banaan kaas oo ay geyn karaan wax aysan dadka kale awoodin sida biyo-gelin, iyo telefoon iwm..(utilities)..

Xaraashka Xerada Daraawiishta iyo xoolaha kale ee ka dhexeeya shacabkaba marnaba kama noqon karaan damiin, dhowrka nin ee maanta ku xadgudbaya sharciga...

Cabdullaahi Yuusuf iyo Xuseen Yabaq toona kama aha mas'uul xoolaha dadweynaha, ilaa la helana hay'ado iswaafajiya sharciga, rabitaanka dadweynaha, iyo gadista xoolaha dadweynahana wixii la gadaa waa waxba kama jiraan (null and void)...Cidii gadatana ayadaa cirka roob ku og.!

Abdisaid Muse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com


 

Dhulkii Soomaaliyeed = Baroor Diiq(Silsilad wacyi gelin ah Part1)

 

Waxaan ahay geyigii Soomaaliyeed, dhaqan iyo dhul baan lahaa, hayeeshee dhurwaayaa Alle igu salladay. Waxaa astaantaydu ahayd martisoorka, maamuuska, maanso curiska, miyir wax uga heshiinta, hayeeshee mooryaan baa maradaydii gubtay oo magacaygii bi'isay. Markii laba wiil oo aan dhalay ismaandhaafaan, geed hoostiis iyo gar baa lagu kala bixi jiray, gabdhana waa laysa siin jiray, biyaha iyo baadkana si xasilloon ayaa loowada wadaagi jiray.

Waxaa astaantaydu ahayd inaan soo saari jiray wiilal dhuudhuuban, hayeeshee bootin dheer, geesiyaal ah, gabay curin badan, islamarkaasna libaaxa kadhigta neefkooda, dhurwaaguna hadduu neef xalay kaqaatay ay raadkiisa saqda dhexe toosh kuqaadaan kaddibna ay tiigsadaan isagoo geed hoos hurda afkana dhiig uga yaal kaddibna ay waran kudhaabaan halkaas iyo dhul aakhirana ay udiraan. Hayeeshee maanta waxaa idhaxlay dhagar qabayaal dhiirranaan sheeganaya iyagoo kudhuumanaya 400 oo dhallinyaro ah dhabarkood, isla markaasna kudhahaya dhallinyarada dhimbilaha rida, dhallaanka mariya, guryaha dhaca, dhismaha dumiya, hooyooyinka dhiba, wixii dheef ahna aniga iikeena, idinkuna dhinta magiciinnuna meeshaas hakudhammaado!.

Haddaan ahay dhulkii Soomaaliyeed, dhagar baad iga gasheen, hadhoow iyo haddeerna idinma cafiyin, dhiigbaad iigu qubeeyseen, anigoo ahaan jiray mid ay dhirtu aad uga baxdo, miro badanna ay kadham-balmaan, biyuhuna ay dhacadiidaan, dhallaan badanina uu kudhasho, maantana dhallinyaradaydii qaarna waad dhammayseen, qaarna dhulgaalaad dhallin uga dhigteen, anna dhul gablan ah baad iga dhigteen. Haddaad rabtaan inaan idin dhaafo, oo dhibkii hore illoobo yeela dhawrkaan shay oo dhammaantiin si fiican uga soo dhalaala:

~ Marka aad tihiin kuwa dhumuca sida, iska dhiga oo rabbigiin kadhursuga, dheef wuxuu qoray waad dhadhaminaysaan, anaana idiin dhalaya oo dhaydaydaa idinku filan, dhammaantiinna ogaada inaad aniga iga hoosmari doontaan oo aad dhimanaysaan, waxaad dhumiseen oo naf iyo hanti ahna Alle idinka dhaarin doono.

~ Marwooyinkii aan dhalay oo meelahaan agtayda ah dhooban iyo kuwa meel fog udhoofayba, waxaan dhagihiinna kushubayaa in aad dhaqankiinna iyo diintiinna dhawrtaan, dhibbane ayaad tihiin, anaase idinka dhib badan, hayeeshee qaanso-roobaad ayaan cirka ku arkaa, oo roob iyo kahyr baa soo socda ee bishaaraysta, iilmadana iska tira, waxaadna dhab u ogaataan in balaayo dheeraatay ay barwaaqo daa'im ihi kadambayso sida qur'aankeennu dhigay.

~ Dhallinyarada waxaan leeyahay haddaan dhulkii ahay, kuwa qurbaha jiroow, markaad doolarkiinnii dayacdeen, oo dhiigyacab u dirteen, ogaada inuu dhulkiinnii gubay, idinkaana ku dhul-la', dhurwaayadaasi gogoshiinnii bay dhumiyeen, nin gogoshii uu kuseexan lahaa gubayna gorgor samada heehaabaya baa Alle kadhigaa, haddaad wadaninimo sheeganaysaan idhisa aniga oo idhaqaaleeya, cilmi adduun iyo mid aakhiro aan idiin dhalee, ubadkiinna barritana u dhiga wax dhaxal gal ah oo ay berrito kudhaataan.

~ Aqoonyahankayga waxaan oran lahaa, haddaad maskaxdaada dhay kabuuxisay, anaa kuubaahan, aniguba dambar baan kusiin jiray waagaad dhallaanka ahayd, maantana anoo dhibban baad iga dhaqaaqday, oo dhulkale dheeftaadii siisay, ogoow inaan kaa dhursugayo, dhakhsana aan rabo inaad iigu timaado, dhibaatadaanna iga mayrto.

~ Culumaa'uudiinkoow, idinku dhoowrsanayaal ayaad ubadan tihiin, oo dhiig uguma innaan daadin, dhallaankaygiina igama iinnaan cunin, gabdhahaygiina dhulka ma iinnan dhigin, laakiin ducadii baad iga dheerayseen, quusna waad qaadateen, waxaan idin oran lahaa iisoo duceeya, dadkiinana hanuunsha, qabiilakana kadheeraada.

~ Ninkii raba inuu aniga dhulka ah xukumo, waa inuu sifooyinkaan kasoo dhalaalaa, haddii kale waa dhurwaa dhurwaayii hore kamid ah ee yaan laygu siidayn. Waa inuu yahay nimaan dhagar qabin oo dhawrsan jiray, waa inuu yahay nin rabbigiis kudhaata diintana kudhaqmaa, waa inuu yahay nin xishood iyo xaqdhoowr maryihiisu ay yihiin. Waa inuu yahay nin carruurtaydii kala firdhatay iisoo uruuriya, gabdhahayga daryeela, duqaydayda darajeeya, dadkayga doojiya, dhaawiciina dhaya, maankiisuna uusan ahayn inuu maal xado ee uu yahay inuu maatida meel wanaagsan kuhago.

Haddaan dhulkii ahay, anaa idinka-badiya dadkayga, haddaad rabtaan inaad ogaataan geesiga qofka ah, iyo kan dhugta badan, ma aha dhiigyacab dagaal ooge ah, oo gadaal kafadhiya 400 oo wiil, xabbadana iska xijinaya iyaga, si uu uhelo waxa ay soo dhaceen inta dagaalka kasoo badbaadday, ee geesigu waa ninka kashaqeeya wanaagga waddankiisa iyo dadkiisa, una horseeda wixii khayr ugu jiro labada daaroodba, dadkaygoow idinkaan idiin fadhiyaa ee isku duubma, daarta dambana xusuusta, xalkana iisoo dadajiya.

Ilaah baa darajo leh iyo dambidhaaf.

Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001