duqa degmada galkacyo
iyo dedweynaha magaalada oo iska hor immaad ku dhex maray
xerada daraawiishta
GALKACYO, 19 Oct 2002 (MOL) -Saaka
waaberigii ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo toostay
Duqa degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac Yabaq oo ciidan hubaysan
oo soddomeeyo ah soo dhoobay xeraddii Daraaawishta ee Gaalkacyo
oo asbuucaan Duqa magaaladu ku shaaciyay saxaafada Gaalkacyo
in la xaraashayo. Xerada Daraawiishta oo ku fadhida dhul
dhan 40 boos oo ah 20x20 kuna yaal meel aan ka fogayn bartamaha
magaalada ayaa ah dhul keeni kara lacag xoog leh, iyadoo
lagu qiyaasayo ugu yaraan halkii boos inuu keenayo lacag
dhan $8.000 oo dollar. Ciidankaan Duqa magaaladu soo dhoobay
xerada daraawiishta ayaa shicibka magaalada Gaalkacyo u
fasirteen handidaad iyo xoog sheegad maadama uu duqa magaaladu
ogyahay inuu sharci daro ku socdo oo rabo inuu xoog ku hirgaliyo
xaraashka Xerada taasna ay dadweynaha magaaladu uga jawaabeen
in dad badan soo buuxiyaan xeradda daafaheeda iyagoo wajigooda
ay ka muuqato carro badan. ka dib waxaa bilaamay buuq iyo
dhagax tuur. Ciidanka duqa magaalada ayaa la sheegay in
ay Xabado cirka u rideen iyagoo isku dayaya in ay kala firdhiyaan
shacabkii ku soo ururay Xerada Daraawiishta.
Waxaa goobtii qasku ka jiray goor dambe soo
gaaray Wakiilka guud ee taliska daraawiishta Maxamed Muuse
oo isku dayay inuu kala dhex galo dadweynihii dhagax tuurka
samaynayay iyo ciidankii Duqa magaalada, ka dabna dad goobjoog
ahaa ayaa sheegay in ciidanka Duqa magaaladu xabado ku soo
rideen dhinaca taliyahii Taliska Daraawiishta laf ahaantiisa
balse uu ka badbaaday xabadahaas. Taliyaha ayaa markaas
xuruntiisa kula hadlay telefoonka gacanta ka dibna waqti
yar ka dib waxaa goobtii la isku hayay soo gaaray ciidamadii
Daraawiishta Puntland oo ku qafilan dabaadaha dagaalka ee
loo yaqaan kaarayaasha. Ciidankii duqa magaalada markii
ay arkeen ciidankii Daraawiishta ayay goobtii ka yaaceen,
duqii magaaladana meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayay
iyadoo loo malaynayo inuu ku dhex darmaday dadkii shicibka
ahaa. Iska hor imaadkaas maanta dhacay cidna wax kuma noqon.
Arinta dhulka ka dhaxeeya dadka ee la iska
cabirto ayaa waxuu noqday mid arintiisu soo noq noqotay,
waxaa hadda ka hor Duqa magaaladu si sharci daro ah u gaday
golihii hanuuninta ee xaafada Horumar, arintaasna dadka
magaaladu waa hor istaageen walina arintiaasi ma dhamaan,
dhulka magaalada ayaa dadka qaarkood u dhistaan si sharci
daro ah iyagoo hiilo ka haysta maamulka Degmada, dhawr jeerna
dadweynaha magaaladu waxay qaadeen talaabooyin lagu duminayay
guryo si sharci daro ah loo dhisay.
Xaraashka Xerada Daraawiishta lagu xaraashayo
ayaa duqa magaaladu waxuu ku andacoonayaa inuu yahay amar
ka yimid madaxweynaha Dawlada goboleedka Puntland oo haatan
ku maqan shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Kenya ka
socda. Taliyayaasha ciidamada Booliiska ayaan la ogaysin
wax amar ah oo ka yimid Dawlada oo lagu gadayo xeradda Daraawiishta.
waxaa xaqiiqa ah in arinta maanta Galkacyo ka dhacday ay
cashar lama ilaawaan ah u noqon doonto masuuliyiinta gobolka
oo aad moodo inay iyagu ka sareeyeen sharciga, haatanse
dadweynaha Gaalkacyo tuseen inaysan aqbalayn in magaaladooda
si sharci daro ah loo bililaqsto. waxaa sidaas oo kala soo
ifbaxday in maamulka gobolka iyo degmadu lahayn wax isla
shaqayn ah oo ay kala socdaan, arimahas oo loo tirinayo
in maamulka lagu magacaabay magac qabiil ee aysan lahayn
aqoon maamul oo ay ku kala hagaan magaalada iyo hawlaheeda.
Mudugonline.com