Wararka Mudugonline

Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Gaalkacyo, Faahfaahin wixii dhacay

Gaalkacyo: Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka bilowday dagaal u dhexeeya laba beelood oo ka mid ah beelaha deegaanka Mudug.

Ugu yaraan waxaa dagaalka maanta ku dhintay inta la og yahay 19 qof oo ay ku jirto qof haweenay ah oo ay dishay xabadaha habowga ah ee wiiftada loo yaqaan, dhaawac labada dhinac ayaan si rasmiya loo ogayn iyadoo Isbitaalka Gaalkacyo lagu dawaynayo 30 qof oo labada dhinacba ah.

Dagaalka ayaa ka bilowday nin ka mid ah beelaha Waqooyiga Mudug oo la dhaawacay saaka, ninka la dhaawacay ayaa rag ka tirsan beelaha Koonfurta Mudug ku dhaawaceen banaanka magaalada meel dhagaxa laga jabsado , ninka la dhaawacay markii magaalada la keenay ayaa beesha ninka laga dhaawacay weerar ku qaaday ceelal biyood ay ku tuhmayeen inay joogaan ragga dhawaca gaystay, waxaana halkaas ka bilowday dagaal socday ilaa lixdii maqribnimo wakhriga Galkacyo.

Odoyaasha beelaha ayaa hadda wada dhaqdhaqaaq amaanka lagu soo celinayo iyadoo caawa fiidkii ay is arkeen odoyaal ka kala socda beelaha dirirtu dhexmartay, kuwaas oo isla gartay in uusan dhicin gacan ka hadal dambe, odoyaasha labada dhinac ayaa aad dadaal ugu jira inay ilaashadaan heshiiskii nabadeed 1993-kii beelaha gobolka dhexmaray.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo iyo Booliska Gaalkacyo ayaan iyagu wax faragalin ah ku samayn dirirta beelaha ka dhex socotay, iyadoo aan la garanayn sababta ay u kala dhex gali waayeen dirirta labada beelood ku dhexmartay magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa gobolka ka dhacay falal dilal iyo dhaawacba leh oo labada dhinaca ay isaga dileen 4 qof lixna isaga dhaawaceen, falalkaas oo salka ku haya aano qabiil.

Waxaa jira warar tilmaamaya in maamulka Cabdiqaasim saamayn ku leeyahay falalkaan dhacayay maalmihii la soo dhaafay siddaas oo ay ku warameen qaar ka mid ah odoyaasha Koonfurta Mudug oo sheegay in falalka xagooda ka imaanayay ay gaysanayeen rag laga soo diray Muqdisho.

Inkastoo ay marar dhacayeen falal dil iyo dhaawacba leh oo salka ku haya xoolo la kala dhacayay haddana beelaha gobolka Mudug ayaa nabadgalyo kuwada noolaa tan iyo 1993-kii wakhtigaas oo heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen Muqdisho dagaalo faraha la isaga gubtay ka dib.

Warkii Hore ee dagaalka

Allpuntland.com

Warar Faahfaahsan oo ku Saabsan Xaalada Baydhabo iyo Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay

Baydhabo: Mar uu maanta galinkii hore furmay khadka telefoonka Baydhabo oo marna hawada soo galayay marna ka baxayay ayaa xarunta dhexe ee AllPuntland waxay telefoonka Baydhabo kula hadashay wariye madax banaan oo ku sugan magalada, wuxuuna wariyuhu AllPuntland uga waramay sidda tan iyo shalay wax uga dhaceen magaalada Baydhabo.

Wariyihu wuxuu sheegay shalay subaxii in ay magaalada soo galeen ilaa 13 tikniko ah oo ay wateen maleeshiyada labada gudoomiye xigeen kuwaas oo aan kala kulmin dagaal weyn xoogaga Shaati-Gaduud, wariyuhu wuxuu shegayaa in sababta sahashay in Baydhabo laga qabsado Shaati-Gaduud ay ahayd iyadoo uu khilaaf ka dhex aloosnaa maleeshiyadiisa horay u joogtay magaalada, khilaafkaas oo aan la ogayn waxa uu ku salaysnaa ayaa si dhokhso badan waxaa uga faa'iidaystay xoogaga ay hogaamiyaan labada gudoomiye xigeen oo laba bilood ka hor laga saaray magaalada.

Lama cadayn karo inay magaalada soo galeen ciidamo Isbahaysiga Dooxada Jubba oo taageeraya maleeshiyada labada gudoomiye xigeen, waxa kaliya oo aan ku arkay magaalada waa maleeshiyooyinkii RRA-da ee labada gudoomiye xigeen, inkastoo la ii sheegay in maleeshiyo aan RRA-da ahayn la geeyay Garoonka diyaaradaha oo ayan soo galin magaalada, warkaas buu yiri wariyuhu uma hayno cadayn buuxda aadbaase magaalada looga hadal hayaa, waxaase aad loo rumaysan yahay in xoogaga labada gudoomiye xigeen ay taageero saanad iyo sahayda ciidanka ah ka heleen maamulka Cabdiqaasim, iyadoo sababihii ugu waaweeynaa ee laba bilood ka hor magaalada looga saray ay ahayd rasaasta oo ka dhamaatay maleeshiyadooda.

Magaalada waxaa ka dhacay bililiqo , waxaana boobka si gaara loola beegsanayay dadka lagu tuhumayay inay gacansaar lahaayeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Shaati-Gaduud, labada gudoomiye xigeen ayaa amray ciidamadoodu inay isugu tagaan Garoonka Diyaaradaha, iyo labada Koontarool ee magaalada.

Xasan Maxamed Nuur Shaati-Gaduud ayaa ku sugan tuulada Ceel Doon oo qiyaastii 20 KM dhinaca galbeed kaga taal Baydhabo, waxaana halkaas isku urrursaday xoogag taageersan isaga, isagoo doonaya inuu dagaal rogaal celis ah kusoo qaado magaalada Baydhabo.

Warar hadda isoo gaaraya ayaa sheegaya in Buurhakabo uu gaaray Shiikh Aaden Madoobe laftigiisu la iima soo sheegin dagaal halkaas ka dhacay inkastoo Buurhakaba ay ku xoogbadnaayeen taageeraysha Shati-gaduud.

Col. Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa shir isugu yeeray barito wixii ka joogay magaalada golaha SRRC iyadoo la ii xaqiijiyay inuu joogo magaalada xoghayihii guud ee SRRC-da iyo waliba saraakiil sare oo ka tirsan golahaas.

AllPuntland.com



 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001