Wararka Mudugonline

Xaalada Baydhabo oo wali kacsan

BAYDHABO, 4 Oct 2002 (MOL) ka dib dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ay kula wareegeen labadii gudoomiye ku xigeen ee Col. Shaati Gaduud ayaa wararka illaa hadda ka imaanaya magaaladaas sheegayaan in ay magaaladu aad u kacsan tahay, dad badan oo shicib ah ayaa la soo sheegayaa in ay wali ka qaxayaan magaalada Baydhabo taas oo ay ka dambeysay bililiqo badan iyo dil ka dhacay magaalada markii maleeshiyada labada gudoomiye Sh. Adam madoobe iyo Xaabsay ay soo galeen iyadoo gacan ka helayaya isbahasiga Dooxada Jubba iyo Kooxda Carta. wali lama soo xaqiijin maleeshiyada bililaqaysiga wada in ay tahay kuwa dooxda Jubba oo arintaas caan ku ah iyo in kale, waxaase la rumaysan yahay arintaani in ay qeyb ka tahay sas iyo baqdin galin lala damacsan yahay dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan.

Wali wax wara kama soo bixin ururada qaramada midoobay ee xaquuqul insaanka, iyadoo magaalada Baydhabo ay haatan qatar ugu jirto inay ka dhacaan dhibaatadii ka dhacday 1992-1993 markaas oo dad ka badan 300.000 oo qof u dhinteen gaajo iyo xabad ka dib markii ay magaalada qabsadeen maleeshiyada USC oo uu hogaaminayay General Caydiid.

Col. Shaati gaduud ayaan isaguna waxaa la sheegayaa inuusan ka fogayn magaalada oo uu wali ku jiro isdiyaaris sidii markale uu ugu soo noqon lahaa magaalaada Baydhabo oo si sahlan farihiisa uga baxday marka la eego quwada ciidan oo uu haystay oo la sheegay in ay ka tayo sareysay kuwa labada gudoomiye ku xigeen. si kastaba ha ahaatee magaalada Baydhabo iyo deegaankaas oo dhan ayaa waxaa la soo gudboonaaday qatar badan, qatartaasna ka timid kooxda Carta oo ka caqli badisay siyaasiinta dagaalka oo markii ay dagaal ku qabsan waayeen siyaasad ku kala furfuray awoodii RRA oo shacabka deegaankaas u soo celisay karaamadoodii.

Mudugonline


Tafaftirihii Al-siyaasa oo bed qaba

NAYROBI, 4 Oct 2002 (MOL) -Kadib muddo 24 saac ah oo la la'aa halka lagu hayo iyo sababta uu u xiran yahay tafaftirihii jariiradda Al-siyaasa ayaa maanta waxaa soo baxaya warar ku saabsan xaaladda iyo halka lagu hayo Dr.xuseen Cali Cilmi oo habeenimadii khamiista gurigiisa oo ku yaala xaafadda Eastleigh ee nayroobi lagala baxay.

Qaraabadiisa iyo dad ay saaxiibo ahaayeen ayaa xaqiijiyay in Xuseen hadda ku xiran yahay Saldhigga Boliiska ee Kasaraani oo ku yaala magaaladda Nayroobi, waxayna dadkaasi sheegeen inuu ladan yahay caafimaadkiisuna aad u ladan yahay, inkastoo ay ka muuqatay welwel iyo caro uu ku muujinayay sababta loo xiray.

Waxay kaloo Xuseen qaraabadiisu sheegeen in markay waraysteen askarta iyo madaxda saldhigga ay u sheegi waayeen wax sabab cad ah oo uu u xiran yahay ninkaasi.

Baryahan danbe magaaladda nayroobi waxaa kusoo badanayay arimo aan u fiicnayn dhaqanka Soomaalida oo ah haddii aad murantaan amaba arrimo isku qabataan qof kale oo Soomaali ah in qofkaasi samayn karo inuu kugu soo far-fiiqo boliiska kenya,dabadeedna si fudud oo aan qiil lahayn lagugu xiri karo.
shillinson

Mudugonline


Biyo La'aan ka Jirta Buurtinle

Buurtinle: Xaalad biyo yari oo daran ayaa soo food saartay dagmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, Puntland, Somaliya.

Dr C/raxmaan Jaamac Geelle oo kusugan D/burtinle ayaa Saxaafadda usheegay in tanagii biyaha oo horay u ahaan jiray 1000So sh. uu hadda Gaaray 4000So sh. . taasi ayaa keentay cabsi wayn oo ay dadku kaqabaan biyo la aanta oo sii socota.

Dadka reer miyaga ah ayaa haatan uguuraya meesha ugu dhow ee ay biyo ka heli karaan ayadoo lagu jiro xiligii ay di,jireen Roobabkii Dayrta oo qaar kamid ah magaalooyika soomaaliya kacurtay.

Wariye: C/qaadir C/laahi Cismaan
AllPuntland



 



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001