Qoraalkani
bandhig ra’yi weeye
Si
akhristaha uusan maskaxdiisa ugu soo dhicinnin, in qoraalakaan
uu ka heli doono toddobada xaraf ee fedraal (federal) micnahooda,
iyo sidiisaba fedraal waxa uu yahay, ugu horraynba, kagama
hadli doono arrintaas. Taasina waxay qoraaga iyo qaraalkaanba
ka xorraynaysaa, in qoraalkaan laga helo qeexid iyo taariikhda
fedraal iyo fedraalinnimada ama taliswadaajinta. Hayeeshee,
nuxurka qoraalkaani waa iskudday fekred ah Soomaaliya qaran
mideed (unitary state) haloo daayo, waayo unitary state
nuxurkiisu waa midnimo, midnimana waa naqaan, kamana maaraanno.
Fedraalinnimadu ama taliswadaajintu[1]
waa fowdo cusub keen! Daawo uma noqon karto dhibaatada iyo
murugga manta Soomaaliya ka jira. Maskaxda fekreddaas lahayd,
codka iyo saxiixa lagu sharciyeeyey waa cadawga 1aad ee jiritaanka
Soomaaliya.
Fedraalinnimada waxay fowdo
cusub keen u tahay, ugu horrayn: aadamiga wakhtigakan – era.com
& Globalization, midow ayaa dhinacyo fara badan ka
jira. Dalal fara badan ayaa isu furey xuduudahoodii, waxay
yeesheen: lacag qudha, hannaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan,
bulsho, ciidan, bay’ad, sharci, cilmi, teknaloojiyad, warbaahin,
isgaarsiin guud oo midaysan. Dalalkaasi waxay wadaan, sii
hormarinta gudaha hannaankaas iyo sii ballaarinta dibadda
in ay ku soo biiraan ciddii u xiiso qabta, laakiin leh shuruudo
xulasho, tusaale ahaan EC - EU[2] 1957. Ururkaan
tan iyo markii la aasaasay, wuxuu geeddi tillaabo gaaban ugu
socday / socdaa dhanka isu soo dhawaanshaha, is af-garadka,
is kaashiga, is dhexgalka iyo iskudday iskummilan suurtageliya
nagaasho waara iyo barwaaqasooran ”joogto ah” ee xubnaha ku
bohoobay ururkaan.
Sidoo
kale ayaa dalalka ku jira ururka
la yiraahdo Association of South East Asia – (ASEAN),
u wadaan, hawllo la mid ah, kuwa uu wado ururka EU.
Haddaba ”fedraalinnimada” Somaaliya ee ERA.COM &
GLOBALIZATION, keliya caksi kuma aha dhanka dabaylaha
horumarka bulshooyinka adduunku u socdaane, balse rabitaanka
iyo danaha Soomaaliya ayuu handadaad iyo khatar ku yahay.
Haddii
fedraalinnimada sidaas Soomaaliya halis ugu tahay,
sidey u noqotay wax laga doodo oo misana lagu ”heshiiyo”.
Sida ay ila tahay fekreddu maskax aan caafimaad qabinnin ayey
ka timid, waxayna dhalatay iyadoo mayd ah, waana iskudday
cusub oo lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.
Xorriyaddii
1960kii iyo midowgii labada
qaybood ee dhulkii Soomaalida ee shisheeyuhu gumeysanayey
dabadeedna xudduudaha[3] dhexmariyey saddexdii qaybood
oo kale oo dalkii googa’ ku dhacay, dadweynuhu wuxuu ku hungoobay
filashadiisii madaxbannaanida siyaasadeed ee qiimaha qaaliga
ah ugu fadhidey.
Hungowgii
dadweynuhu kala kulmay maamuladii CIVIL-ka ahaa ee
1960-1969kii, isaguna markiisii ayuu dhalay, shacabka oo kalsoonidii
kala noqday maamuladaas, taasina waxay markeeda abuur u noqotay
boobkii iyo afduubkii ciidamada qaranka Soomaaliya ay xukunka
dalka ku sameeyeen 21 Oktoobar 1969. Taliyihii Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliya, Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa
hoggaankii dalka majarahiisa gacanta ku dhigay.
Isaguna
markiisii ayuu Soomaaliya ka
abuuray ”Boqortooyo siyaasadeed!” oo qabyaalad iyo ”Kalashnikof”
asaas u ahaayeen, taasoo gaartay heer carruurtii iyo xaasaskii
M.S.Barre, xukunka dalka isku qabsadaan, una kala baxaan ”Dastuurey-in
la raaco sharciga iyo Tuutaaley – xukun boob cusub in la sameeyo!”
M.S.Barre oo nool dhaawacse ka soo gaaray shil gaadhi oo daaweyn
dibadda u aaday. Taasina miraheedii ayey gurtay oo M.S.Barre
xukunka iyo dalkaba xabbad baa looga eryey, maquunintaasna
kama rayn lamana mahadin.
Dib
u dhacsanaanta Soomaaliya, Nagaansho la’aanta, kalsooniddarrada
aayo filashada, qabyaaladda Soomaalida, maandayowga iyo qardajeexa
bulshada, boqortooyeynta siyaasadda Soomaaliya, qoqobyada
ay abuureen dagaallada sokeeye iyo isdiidka u dhexeeya ”siyaasiyiinta”
Soomaaliyeed ee nuxrurkoodu yahay xukun doon, burburka maaddooyinkii
xiriir nolol dadweyne ee guud, sii murginta arrimaha Soomaaliya
ee shisheeyaha aan samajeclaha u ahayn, iwm, dhammaantood
waa curiyayaasha fedraalinnimada iyo xoojiyeyaasha
boqortooyeynta siyaasadda Soomaaliya.
Arrimahaannina waxay keeni karaan,
halaagga Soomaalida iyo lahaanshaheeda, laakiin in halaag
dhaco khasab maaha ee waa suuraggal.
Aan
ku hor marree ujeeddada qoraalkaan
iyo aragtida uu soo bandhigayo, maaha belosaadin, cadaawad
abuur / kordhin, inkirid kaalinta uu siyaasiga Soomaaliyeed
ka soo qaatay / kaga jiro badbaadinta Soomaalida iyo lahaanshaheeda,
maaha meelbanaysi iyo xukunraadin, sidoo kale maaha col ka
horgays isku day kasta oo xal raadis ah. Dhanka kale maaha
abaal ka dhac iyo ka been sheeg sokeeyaha iyo shisheeyaha
samajeclaha u ah Soomaaliya waxtarkeeda, mudda badan iyo si
isdabajoogana ku hawlanaa wax ka maaraynta arimaha Soomaaliya.
Si le’eg igama suuraggasho in aan runta i hortaal been ku
beddasho, waana in aan si aan is hagrasho iyo la harid lahayn
laab la kacna ka fayow u faaqido, qaatana go’aan madhaafaan
iyo fal awoodeed.
Dib
u dhacsanaanta Soomaaliya[4]
waxay waalid u tahay, maqnaanta Nabadda, dagaanaansho la’aanta
hungowgii hore iyo walwalka dalaggu uu dhali doono berri murugga
maanta.
Qabyaaladda
oo ah sababta ugu weyn ee dib
u dhacsanaanta Soomaaliya, welina aan daawo loo haynnin, keli
isku filnaansho la’aanta dhaqaale, maqnaanta garsoor iilasho
ka xor ah, Nabadgalyo la’aanta naf iyo hanti iyo tacliin yarida
bulshada inteeda badan, iyaguna markooda ayey qofka Soomaaliga
ah ku dirqiyeen in uu siyaasadda qabaliga ah iyo ku danaysiga
gaar ahaaneed u noqdo il xoog fiisiko iyo maal lagu difaaco
ama lagu doono, iyaguna waa caawiyayaasha fekradda fedraalinnimada.
Fedraalnnimo sidaas ku yimaadaana waa fowdo cusub keen.
Ku
dhaganiibashada qabyaaladda,
iyana markeeda ayey maandayow iyo qardajeex bulsho dhashay,
laba iyo toban sano in ka badan Soomaaliya nabadi kama jirto.
Dagaal, dil, dumin, dhac, muquunis xoog leh, qori, barakac,
cayrow[5] iyo inta dadnimada, caqliga iyo aqoontu diidayaan
ayaa weli ka socda.
Deegaan
ama beel kasta, waxaa ka ”jira sandaqado dawlad-ku-sheeg ah,
Madaxweyne / Guddoomiye, maamul, ciidamo, lacago, odayaal
dhaqameedyo, siyaasado u gaar ah, maxkamado, xabsiyo, cisbitaalo,
iskuulo, jaamacado, isgaarsiin, gaadiid, ganacsi iwm”. Intooda
badani fiisiko ahaan ma jiraan fal ahaanna ma shaqaynayaan,
waxayna magac iyo nuxrur ahaanba hoos tagaan Boqorka boqortooyada
siyaasadda, Madaxweynaha / Guddoomiyaha deegaanka iyo beesha,
si inta aan kor ku soo sheegnay loo been sharciyeeyo, waa
in fedraalinnimada lagu dhaqmo! Taasina waa sabab kale
oo uu fedraalinnimada halis ugu keeni karto Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha maandayowga
iyo qardajeexu, qiyaastee, dhabehee, cilmigee, caddayntee,
qorshehee, waaya-aragnimadee bay walaalow iyo waxsan wadaag
hoos fedraalinnimada kaga dhigidoonaan Soomaaliya? Jawaabaha
su’aalahaan waxaan u daynayaa wakhtiga iyo dadka u ololaynaya
in Soomaaliya fedraal noqoto.
Aragtidayda
waxaa bilow fiican noqon kara, iyadoo Soomaaliya loo daayo
Unitary State, qaran mideed, inta dhaawaca ina
gaaray biskoonayo, 10-15 sano gudahood, waa in awood dheeraad
ah la siiyo gobolladii dalku maamul ahaan ugu qaybsanaa ka
hor 1991kii ee ka koobnaa 18ka Gobol, 10-15 sano dhexdoodna
waa in xal dhan walba qanciya ay sidii hore 1960kii koonfurta
iyo waqooyiga Soomaaliya ugu helaan su’aalaha maanta horyaal,
waana in aan wada garano, in haddii la kala go’go’ aan la
kala go’i karinnin.
Muddo
10-15 sano dhexdood ah, waa
in la sameeyo qaandhow, dib ugu celin dadkii ka soo barakacay
guryahoodii, beerahoodii, lana dhiso ciidamo qaran, sharci
iyo garsoor guud ee midaysan, isla markaasna la abuuro kalsooni
iyo madooyin is dhexgal dhan walba saameeya, isdhexgalkaas
oo uu asaas u yahay daryeelka qofka iyo horumarintiisa dhan
walba.
Gobol
kasta waa in uu isagu doortaa
mudnaanta 1, 2 & 3aad ee baahidiisa gudaha gobolka, laakiin
doorasho kasta waa in ay ka mid noqotaa qorshaha guud ee qaranka,
sidoo kale gobolku waa in uu 10-15 sano isagu soo xusho, ciddii
uga qaybgali lahayd hawlaha gobolka, xukuumadda iyo dowladda
dhexe heer walba, xulasha kastana lahaato shuruudo ka yimaada
dowladda iyo xukuumadda dhexe ee qaranka, sida lahaanshaha
tacliin iyo waaya-aragnimo u dhiganta xilka, dambi la’aan
gudaha dalka iyo dibaddaba 10-15 sano kadib waa in gobolka
xulashadiisu ku ekaataa heer gobol xukuumadda iyo dowladda
dhexe, xulashadoodana ay noqdaan hawl qaran oo goboladu dhexdhaxaad
ka yihiin.
Ganacsiga,
isgarsiinta iyo Gaadiidka dalka waa in la siiyo xorriyad
socod oo ka xor ah, cabsi noocay doonto ha noqotee, ganacsiga
isgaarsiinta iyo gaadiidku waxay door weyn ka qaadan karaan
horumarka iyo soo celinta kalsoonidii, isdhexgalkii bulshada,
waxay abuuri karaan hawl fududayn, shaqooyin badan iyo kala
beddelasho, laakiin xorriyaddaani waa in ayna sharciga dibadda
ka noqon ee ay ku jirtaa xuduudka sharciga dalka heer kasta.
5-10
sano waa in xisbiyo siyaasadeed,
ururo xirfad iyo bulsho dhisiddood iyo shaqayntood dalka laga
hirgasho.
10-15
sano waa in ay jiraan hay’ado,
laamo, guddiyo heer gobol iyo qaranba ee cilmi baaris ku saabsan
sida ugu wanaagsan oo dalka hannaan mid ah loogu samayn lahaa,
bulshaduna u heli lahayd adeeg iyo horumar wanaagsan, howshaasna
waa in uu fuliyo aqoonyahanka soomaaliyeed.
Sida
ummadaha kale, aqoonyahanka
Soomaaliyeed waa in hawshiisu noqoto cilmiyeynta nolosha bulshada
iyo dawladda ee waa in uuna xukun iyo hanti yeelasho halgan
u gelin, sidoo kale, bulshada iyo dawladda Soomaaliyeed waa
in ay siiyaan aqoonyahanka fursad uu bulshada iyo dowladda
tacliimaynteeda ugu adeego iyo maddooyin gudbinta aqoonta.
In
xoog la saaro, sidii
soojireenka wanaagsan looga difaaci lahaa barabixinta, loona
adeegsado horumarinta nolosha, isla markaasna la dhiira geliyo
barashada diinta islaamka, af-soomaaliga, dhaqanka iyo suugaanta,
isku kalsoonida gudaha ee qofka Soomaaliga ah, wadannimada,
shaqada iyo shaqaysiga, waxbarashada heer iyo mar kasta tabcashada
iyo isku filnaanshaha keli ahaaneed.
Deegaan
iyo beel kasta waa in ay labeenteeda u miirtaa adeegayaasha
dadka iyo dalka heer kasta gudo iyo dibadba, xulkaasina waa
in uu helo kalsooni iyo awood hawl fulin nooc kasta intii
markaas suuraggal ah. Bulshada Soomaaliyeed gudo iyo dibadba,
waa in la siiyo ilkuhayn, gaar ahaan inta sida dheeraadka
ah ugu dhibaataysan dalka iyo dibaddiisa. Dibad-ku-noosha
Soomaaliyeed waxay door weyn oo dhaqaale ka qaataan nolosha
bulshada gudaha dalka ku nool.
Dadka
dibadaha ku nool qof kasta oo
ka mid ah, ilaa heer, ayuu af, dhaqan iyo hab nololeed dal
gaar ah la qabsaday, in badan oo dibad-ku-noosha Soomaaliyeed
ka mid ahna waxay ku dhasheen ama ku koreen dibadda Soomaaliya,
fekredday ka qabaan Soomaaliyana ma wacna, dadkaas intii ay
u suuraggasho in ay Soomaaliya ku soo noqdaan, midkasta wuxuu
iman doonaa isagoo leh: dalkaan ka imid ayaa dunida ugu wacan
ee habkiisa ha la qaato, laakiin waxaa suuraggal ah in isdiid
bulsho halkaas ka dhaco, sababtaas darteed waa mudantahay
in arrintaas laga sii tabaabushaysto.
Haddii
tusaaleyaasha aan kor ku soo
qornay oo ujeeddadoodu ahayd bandhig fekred ku saabsan sida
Jamhuuriyad, Republic – UNITARY ah uga sahlantahay
meelna ugu leedahay waaya-aragnimada bulshada Soomaaliyeed,
iyo sida fedraalinnimada u tahay abuurid dhibaato cusub,
waxaynnu arki karnaa: in qabyaaladda, cadaawadda, musuqa iyo
laaluushka[6], faqriga iyo jahliga, cudurka nuglaanta maanta
bulshadeenna ka meelweyday markaan fedraalinnimada
hannaan dawladeed uga dhigno, nolol iyo sii jirid Soomaaliyeed
kama aanan talinnin.
Fedraalinnimada marka la feerdhigo
qaran mideednimo, lana eego suuqa fekredaha Soomaaliya, waxa
aan shaki ku jirinnin in maanta aad ay ugu xoog badantahay
bulshada soo dhaweynta iyo lahaynta Federalism, Unitarism-na
u egyahay wixii “dhibka” keenay oo la wada nacsanyahay. Laakiin,
soo jireenkeenna maarkaan dib ugu noqono, waxaan sahal u arki
karnaa, in federal aynaan ku soo dhaqmin, haddaan wax
ka naqaanna eeyan badnayn.
Fedraal
waa noocyo badan, dooddiisana sannado lagama dhammaan karo,
ummadaha hannaankaas qaatay oo ku soo dhaqmay muddo dheer,
waxaa ka mid ah dalka Switzerland, isagana lama oran
karo wuxuu xal u helay isdiidka kaantoonada dalkaasi
ka koobanyahay.
Tusaale
ahaan (India, U.S.A., U.K.
& N.I, Russia, Malaysia, Nigeria, Barazil, U.A.E., Germany,
Tanzania), kulligood waa fedraal mid mid la mid
ahna kuma jiro. Haddaba kee qaadannaa noocyadaas fedraal?
Aragtidayda
fedraalinnimada ma caawin doonno: xuduudaha deegaamada
beelaha, shaqo helid, waxbarasho, ganacsi, isdaaweyn, horumarin
dhaqan, af iyo adeegyada dadka iyo badeecadaha u baahan karaan,
mideynta garsoorka, shuruucda iyo nabad dhowrka dalka, la
dagaalanka musuqa iyo laaluushka. Laakiin wuxuu keeni doonaa
iskudday sharciyeyn sharcidarro.
Bulshada
Soomaaliyeed iyo heererkeeda
horumar markaan, nooc fedraalkee ku habboon? Mise iyaguba
waa yihiin innaguna waa noqonaynaa bay aarrini naga joogtaa?
Doorashada
hab siyaasadeed iyo mas’uuliyadeed
dadka go’aaminaya ayey hortaal, laakiin aragtidayda waxaan
qabaa in Soomaaliya loo daayo Unitary.
Inkastoo
maanta xoogga fiisiko iyo maskax
ee Soomaalidu gurigeeda ilaalintiisa iyo sii horumarintiisa
ku habboon ay u isticmaalayso dumintiisa, samajeclaha Soomaaliya
sokeeye iyo shisheeyaba uu ku noqday isbaaro dhib badan, haddana
siyaasiga Soomaaliyeed ee dhabta ah, waa in uu maqlaa baaqa
badbaadinta dalka ee caalamka iyo baroordiiqda shacabkiisa
ee waa in uuna u adeegsan dadweynaha ololihiisa iskuddayga
aroos iyo mashxarad aan meher lahayn ee qabshada xukunka.
Siyaasigu
waa in uu fahmaa in siyaasaddu tahay adeegnimo, xukunka boqorkiisuna
yahay dadweynaha ee siyaasigu uuna ahayn boqorka siyaasadda,
sidoo kale waa in uu gartaa fedraalinnimada hadduu
ku taliyo in deegaan iyo beel kasta yeelan doono boqorro iyo
boqortooyooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Siyaasigu
waa in uu gartaa in uuna jirinnin qof aan la beddeli karinnin
laga maarmin karinnin, geeri iyo geeddiba. Sababtaas darteed,
siyaasigu waa in uu yaqaan inta qiimihiisu suuqa siyaasadda
ka joogo, intuu cimriga qiimihiisu le’egyahay, meesha, goorta
iyo cidda u baahan.
Siyaasigu
waa in uu naftiisa iyo bulshadiisaba
uga turo, iskuddayidda in uu xukunka isagu qiima kasta ha
ku kacdee qabsado, kaddibna ka dhigo “dhuloow kaama kaco!”
iyo boqortooyo siyaasadeed. Waana in uu geesinnimo u helo
tanaasul qaadasho khaladkiisa mas’uuliyadeed iyo sixidda khaladkuu
galo.
Siyaasigu
waa in uu aqoon ku filan hawl fulinta iyo mas’uuliiyaddiisa
leeyahay. Ayaysan noqon waa rabaa siyaasadda waana noqday
siyaasi.
Haddii
dadweynuhu kalsoonidiisa siyaasiga ammaahiyo, waa in uusan
noqon sabab lumidda naf iyo hanti intii kalsoonida ammaahisay,
isla markaasna joogto u xusuusto, doorasho kasta iyo kalsooni
kasta hadday, sacab iyo haa ku bilaabatay, inta badan,
in ay ku dhammaato maya, dagaal iyo shalay, sidaas
darteedna siyaasigu waa in uu isha ku hayo rabitaanka iyo
danaha bulshada uu u adeegaayo iyo wakhtiga cimriga kalsoonida
la ammaahiyey.
Marar
badan iyo dalal kala duwan ee
adduunka aan horumarsannayn, gaar ahaan madaxda Afrika[7],
inteeda badan waxaa lagu xantaa in ay yihiin guddoomiyayaal
Gobol oo shisheeye ku adeegto iyo in ay nolosha bulshooyinkooda
ka sameeyaan boqortooyooyin siyaasadeed iyo dhaqaale,[8] si
taas ay ugu hirgashana waxay dalka oo dhan ka dhigaan hal
magaalo – magaalo madaxda, xukunka siyaasadda iyo dhaqaalahana
waxay ku uruuriyaan gacmo dad tiro yar oo u badan qoyska ”Boqorka
siyaasadda”. Taasina waxay dhashaa in xukumaddaasi si sahlan
u burburto, keentana dagaallo sokeeye, waayo awalba hal magaalo
iyo hal qoys ayey ku salaysnaayeen.
Haddaba
si ayna taasi u dhicinnin, siyaasiga waxaa la gudboon in awoodda
xukunka iyo dhaqaalaha dalka lagu baahiyo dalka iyo dadka
oo dhan, shisheeyuhuna, sida maslaxaddooda sharci u mudantahay
in la tixgaliyo. Waa in ay si la mid ah u xurmeeyaan maslaxadda
ummaddaha aan hormarsanayn, taageeradooduna waa in ayna noqon
xujo, handadaad ama ku fusho dano wakhti gaaban/dheer.
Arritaan
waaya-aragnimo in aan la yeelannin ay ka wanaagsan tahay,
waxaa noogu filan, xiriirkii Soomaaliya iyo U.S.S.R[9],
1970-1977; Soomaaliya iyo U.S.A., 1977-1990[10]; xiriirkaan
oo culummada iyo siyaasiinta aan soo xigannay, si aqoon, waaya-aragnimo
iyo xog-ogaalnimo dheeraad ah lehi wax uga qoreen waa mudan
yihiin xusuus iyo taxaddar dheeraad ah.
Taas
micneheedu maaha, iskudday inkiraad iyo abaal-ka-dhac ku beegan
gurmadkii (USSR) iyo gacantuu ka geystay dhibaatadii ay keentay
abaartii Dabadheer ee 1975 iyo, ololayaashii la xiriiray ee
badbaadinta, raridda iyo dajinta meelo cusub dadkii soomaaliyeed
ee ku tabaaloobay aafadaas dabeeciga ahayd; tacliimayntii
bulshada, xoojintii awoodda ilaha adeegga Infrastructure
iyo dhisiddii ciidamadii Soomaaliyeed.
Sidoo
kale xusuus wanaagsan oo raagta ayey mudantahay gurmadikii
badbaadin ee 1991-1995 ee ay hoggaamiyaasha ka ahaayeen U.S.A.
iyo U.N.–UNITAF-UNOSOM, gurmadkaas oo aan caalamku
u kala harin (IGAD, UN, USA, OAU, EC, Arab Leaque, ICO,
NGO’s[11]) iyo kuwo kale oo badan, laakiin nasiibdarro
khasaaro iyo hungow ku dhamaaday, sababta fashilkana, waxay
iigu muuqataa ugu horrayn mayadii micnadarro ee sida isdabajoogga
ah uga imaanaysay ”siyaasiinta” Soomaaliyeed, lana hortaagnaa
shacabka Soomaaliyeed iyo adduunka intiisa kale, iyaguna is
afgarasho iyo heshiis badbaado qaran aan heli karin walina
aan dhammaan!
Inkastoo
Soomaalidu dayacday danaheedii, haddana dalalka dariska la
ah ee sida gaarka ah faraha ugula jira arrimaha Soomaaliya
iyo kuwa xiriirka faca weyni ka dhexeeyo ee bariga dhexe falalkooda,
Soomaalidu kulli u wada qaadanmayso, xareed aan wali dhulka
gaarin siday caadi ahaan nadiif u tahay oo kale, waxaana la
gudboon isdiidka dhexyaal ee taariikhiga ah – dad iyo dhul[12],
iyo nooc kasta oo khilaaf, in ayna isku dayin inay xalintiisa
uga faa’iidaystaan goorta Soomaaliya ismaamulkeedii qaranimo
lumisay – failure State ee waa in ay muujiyaan
darisnimo, sokeeyennimo iyo badbaadin walaalnimo.
Sidoo
kale dalalka horumarsan, iyagana
waxaa saaran ugu yaraan mas’uuliyad mooraal iyo taariikhi,
doorashaduna iyagay hortaal. Laakiin haddii ay doortaan dhabbihii
imbiryaaliyadda iyo isticmaarka, siyaasad iyo dhaqaale[13],
mar kale ayey bulshada Soomaaliyeed dambi xusuus raagta yeesha
ka geli doonaan.
Gebaggebo
waxay arrintu iigu muuqataa, in Soomaaliya loo daayo qaran
mideed unitary state, dadka maanta noolna aan xal looga
dhigin dhibaato hor leh iyo fedraalinnimo jiilasha
soo socdana aan wakkhtigooda looga dhumin xal u doon, dhibaatadii
ay ka dhaxleen waalidkood, taasina ayna markale ku noqon,
sabab Soomaaliya dib u dhacsanaan rahaamad ugu gasho.
Haddii
afka keliya ee markaan aan ku wada hadli karno uu yahay reer-qabiil,
reer-qabiil kasta xulkiisa madhaafaan ee wanaagsan ha u soo
miiro saamiguu ka helo adeegga bulshada iyo maamulidda qaranka
heer kasta.
Nabadaynta
Soomaaliya waa in ay noqoto wax walba wax laga hormariyo,
noqdana qiyaastii qiyaasaha nolosha iyo hawl fulinta qarannimo.
Sharciga
iyo garsoorka dadka iyo dalka, waa in ay noqdaan awoodda aan
cidna ka saramari karinnin, iilashana ka caagan, qofka iyo
qofnimaduna waa inay noqdaan cidda mudnaanta 1aad leh, lagana
hormariyo dhan walba hadba intii suuraggal ah.
Kala
eed sheegadka beelaha iyo deegaamada,
gaar ahaan dadka laga badan yahay, waa in la siiyo mudnaan
dheeraad ah, arrimahoodana lagu bilaabaa wada hadal laguna
dhammeeyaa heshiis waara.
Waa
in ay reebanaato boqortooyeynta
siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muwaadin
walbana ay u furnaato ka qayb qaadashadooda, waajib iyo xuquuqba,
lana sameeyo xisbiyo siyaasadeed, ururo xirfadeed iyo bulshaba.
Deegaan
kasta ee dalka waa in la siiyo
10-15 sano awood siyaasad iyo dhaqaale dheeraad ah marka la
feerdhigo tii 18kii gobol ee dalku uu horay u lahaan jireen
oo u suuraggelisa hoos kasoo dhis qaranimo, nabdayn, heshiisiin
iyo horumarin heer goboleed.
Waa
in la abuuro, hay’ado cilmi
baaris, kuwaas oo ay tahay in ay ka shaqeeyaan cilmiyeynta
nolosha bulshada iyo dowladda, lana siiyo awood hawlfulin
iyo ilo gudbin cilmiyeynta nolsha dalka.
Kaalmo
kasta, heer kasta iyo mar kasta
gudo iyo dibadba, waa in uu noqotaa mashruuc, project
laakiin uuna noqon caddaan, cash nin / koox jeebka
ku qaadan karo.
Qoraalkaani,
sina u mucaaradimahayo marka laga reebo hawsha fedraalinnimada,
halganka mintidnimada ee ay wadaan muwadiniin Soomaaliyeed,
taasoo nuxrurkeedu tahay difaaca midnimada Soomaaliya, soo
celinta qarannimadii Soomaaliyeed, nabadaynta iyo heshiisiinta
dadweynaha Soomaaliyeed, difaaca lahaanshaha iyo danaha Soomaaliya
iyo arrimaha xiriirka la leh inta badbaadinta Soomaaliya toos,
dadab, si buuxda ama qayb ahaan, uga qayb gashay ama ugu hawlan,
heer, mar iyo meel kasta, waxay mudan yihiin, kalsooni buuxda,
abaalmarin, xusuus wanaagsan oo raagta iyo qaddarin dheeraad
ah, in ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo
kale, sokeeye iyo saaxiibba dalalka, ururrada, wakiillada
iyo keliba ee ku hawlan badbaadinta Soomaaliya, midnimadeeda
iyo soo celinta qarannimadii Somaaliyeed, hadday ka mira dhashaan,
waxay noqondoonaan kuwo meel quruxbadan ka gala qalbiga Soomaaliga
iyo taariikhda Soomaaliya, waxayna mutaysan doonaan abaalmarin
ummadeed iyo xusuus wanaagsan oo ku raagta Soomaaliga iyo
Soomaaliya.
Ugu
dambayn waxaan rajeynayaa, in dadaalka Soomaalida iyo taageerada
caalamka Soomaaliya ka dhigaan dal iyo dad inta wanaagsan
tusaale loogu soo qaato.
[1] Peter, B. Norton: The New Encyclopædia
Britannica, vol. 4, 15th edition, Chicago, 1994, pp.712-13.
[2] Peter, Colvocoressi: World politics since
1945, sixth edition, London-New York: Longman, 1991, pp.173-193;
pp 193-213; Christiane Mauwett ed.: The EU Institutions’ Yellow
Pages Euroconfidanciel s.a. 1st edition may 1996.
[3] Jeffrey, A. Lafebvre: Arms for the Horn:
U.S. security policy in Ethiopia and Somalia 1953-1991, University
of Pittsburgh press, 1991, pp181-196.
[4] Boutros boutros-Ghali: Unavanquished: U.S.
– U. N. Sagga, London - New York: I.B. Tauris, 1999, 53-60.
[5] Ibid, pp. 53-54.
[6] Corruption; The Courier Africa, Caribbian
– Paciffic, European Union, No. 177, October-november, 1999,
pp.60-78; International A contenent goes to war, The Economist,
volume, 349, No. 8088, october 3th 1998, pp51
[7] Jeffrey, Herbst: States and Power in Africa
Comparative Lessons in Authority and Control; Princeton-New
Jersey: Princeton University Press, 2000, pp.1-272.
[8] Jeffrey, A. Lefebvre: Arms for the horn;
U.S. Security Policy in Ethiopia and Somalia 1953-1991, PP.
1-282.
Herman,
J.Cohen: Intervening in Africa, Superpower peacemaking in
a Troubled contenent, 2000, pp 1-228.
Michael,
Ignatieff: The Warior’s Honner Ethnic war and the modern Conscience,
Mitropolitan Books, Henry Hold and Company, New york, 1997,
-207; Carol, Lancaster: Aid to Africa so much to do so little
done ; The university of Chicago Press, 1998 or 1999?, pp.
1-272, Jonathan, Stvenson: Losing Mugdishu: Testing U.S. policy
in Somalia, Annapolis: Naval Institute Press, 1995, pp. 1-183;
Colin, Legum & Bille Lee: The Horn of Africa continuing
Crisis, Africana Publishing Company, A division of holmes
and meier Publishers,New York, 1979, pp. I-VII, 1-166; John,
Prendergast: Frontline Diplomacy: humanitarian Aid and Conflict
Africa, Boulder: Lynne Rienner, 1996; Ahmed, I. Samater (ed.):
The Somalia Challenge from catostrophe to renewal?, Lodon:
Lynne Rienner publishers, 1994, pp. 1-297.
[9] Great Soviet Encyclopedia, vol.24, 1978,
vol.6, vol. 8, vol.29, vol. 17, pp. 311-315, 369, 408-412,
58, 560, 580, 582, 596, 693-694.
[10] Herman, J. Cohen: Intervening in Africa,
Superpower peacemaking in Troubled Continent, New York, 2000,
PP. 1-282.
[11] Herman, J.Cohen: Intervening in Africa,
… pp. 197-217; Jefferey, A.L: …pp.175-264; Keesing Record
of World events, vol. 38, No. 9, 1992, p.39085; p.39133, No.10,
p. 39133, No. 11, p. 39181, 39182, No. 12, p. 39225.
Mark,
Bowden: Black Howk Down, 1999; Clarke, Walter and Jeffrey
Herbst: Somalia and future of humanitarian intervention //
Foreign Affairs, vol.75, No. 2, pp. 70-85; The United Nations
Blue Books, Vol. VIII, The United Nations and Somalia 1992-1996,
Department of public information United Nations, New York,
1996.
I.
M. Lewis (ed.) Nationalism & Self-determination in the
Horn of Africa, London, Ithaca Press, 1983.
[12] Bereket, Habte Salassie: Conflict and
intervention in the Horn of Africa, Monthly Review Press,
New York – London, 1980; John, Spencer: Ethiopia bay: a personal
account of Haile Selassie years, Algonac, Michigan, 1984.
[13] Peter, wicknis: Africa 1880-1980, An
Economic history, Oxford University Press, Cape Town, 1986;
Bruce, vandervort: Wars of imperial Conquest in Africa,
1830-1914; Virginia Military institute; UCL Press, 1998.
Halkaan
ka akhri Maqaalkii Dalmar ee Dhabta iyo dhalanteedka habka
Federaalka
|