Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

C/Qaasim Salaad oo lagu xabadeeyey garoonka Bali doogle

Muqdishu, [MOL] 9 October 2003- Madaxweynaha dawalada kumeel gaarka ah ee xiligeedii dhamaaday C/qaasim salad xasan, ayaa saakay lagu xabadeeyey garoonka bali doogle. Isaguu kusii jeeda inuu safar ku kala bixiyo Liibiya, malaysiya, Jabuuti & Uganda. Ilaalada garoonkaas ayaa kadambaysay raasastaas lala beegsaday, waxayna khasaare lixaadleh u geysteen gaarigii uu saarnaa madaxweynuhu inkastoo uu shilkaas kasamato baxay.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan kahelay garoonkaas bali doogle ayaa sheegay in C/qaasim uu kabaaqaday safarkii uu usocday, dibna uu ugu soo labtay magaalada muqdisho.

Midka kimid ah ilaalada garoonka bali doogle ayaa mudugonline u sheegay inay rasaastaasi ula gol lahaayeen Bare Hiiraale oo ay sheegeen inaysan ku qanacsanay heshiiska C/qaasim la galay.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


2 qof oo ku geeriyooday meel saar lagu garaacayay degmada Burtinle

Burtinle, [MOL] 9 October 2003- Labo qof ayaa ku geeriyooday goob lagu tumo saarka oo ku taala magaaladasi Burtinle kadib markii dablay aan haybtooda lagaranayn ay tacshiirad ooda kaga qaadeen goobtaas. Dableydaas oo ku hubaysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ee fudud (small armies), lama garanayo sababta keentay in dabalydaasu soo weerarto goobtaasi saarka lagu gaaracayey.

Labadaas qof ee ku geeriyooday goobtaas ayaa waxay kala ahaayeen qof markaas laga tumayey saarka isagoo gaabtaas u yimid dawada cudurkaas loo yaqaan saarka, Iyo Nin goobtaas ka ahaa CALAQAD “waa dhaqtarka goobta,e” bukaanka ayaa lasheegaya inuu isla goobtaas ku qur waayey, halka calaqadkii oo dhaawac xun ahaa loola cararay dhanka magaalada madaxda garoowe, nasiibdaro waxa ahayd inuu jidka kusii geeriyooday calaqadkii.

Madaxa dembi baarista degmadaas C/salaam Cali salaal, ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay mid ka mid ah afartii qof ee falkaas geystay, isagoo intaas ku daray inuu soo qaban doono dhamaan dadkii geeystay falkaas garada geerida sababtay ah.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Booliiska Laascaano oo dumayay guryo sharci daro lagu dhisay

Laascaano, [MOL] 9 October 2003- Wararka ka imaanaya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in maanta halkaas Booliiska magaaladu ka bilaabeen hawlo lagu bannaynayo laguna duminayo guryo si sharci daro ah lagu dhistay. waxaa isla markii ay booliiska fooda isdareen dad arintaas ka soo horjeeday oo ahaa dadkii guryaha shari darada ah dhistay.

Booliiska magaalada ayaa markii dambe waxaa u soo gurmaday dadka magaalada oo gacan ku siiyay inay dhamaystiraan hawlgalkaas oo si nabada ku dhamaaday markii dambe.

Intii ka dambeysay bilowgii dagaalada sokeeye ayaa waxaa caado noqotay in dadka qaar iska dhistaan meel aan loogu talo galin dhismo sida wadooyinka iyo xurumaha Dawlada.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


SRRC oo qoraal ka soo saartay hakinta shirka dib u heshiisiinta

Mbagathi, [MOL] 9 October 2003- Qoraal uu ka saxiixan yahay Hilowle Iimaan oo ah gudoomiyaha kaltakaan ee golaha SRRC ayaa jawaab ka bixiyay qoraal uu sabuucaan soo saaray gudoomiyaha shirka Somalida Mr Kibligat oo uu ku sheegay in illaa iyo bisha 21-keeda la soo dhameeyo xulashada xubnaha rasmigaa ee laga soo xuli doono Baarlamaanka cusub waqtigaas ka dibna la gali doono doorashada madaxweynaha.

Hilow Imaan waxuu sheegay maadaa lagu heshiiyay dastuurkii qaranka 6-dii bishii september gudoomiye Kibligatna si rasmi ah u furay wajigii seddexaad ee shirka inay SRRC isku raaceen in shirku hadda ku jiro wajigii 3-aad una socdo si habsami leh iyadoo beeluhuna ku mashquulsan yihiin siday u qeybsan lahaayeen tirada xubnaha baarlamaanka.

Qoraalkaan cusub ee SRRC ayaa jawaab rasmi ah u noqonaya warkii shalay ka soo baxay xafiiska shir gudoonka oo uu ku qeexayay in doorashadu furmeyn ka hor 21-ka bishaan inta ka horeysana la dhameynayo tirada ergada iyo arimaha la xiriira.

Mudugonline.com


Shir Saaka hogaamiyeyaasha shirka ka qaybgalayaa lahaayeen oo faro isku taag taag ku dhamaaday

Mbagathi, (AllPuntland)- Shirka hogaamiyayaasha siyaasada ee ku sugan goobta uu ka socdo shirka dib u heshisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa saakey waxaa hareeyay buuq iyo muran gaaray faro isku taagtaag.

Buuq ayaa waxa uu ka bilawdey markii la soo jeediyay in ay is cadeeyaan ragga ku fadhiya shirka magaca hogaamiye shirka ka baxay, sida Cusmaan Caato, Muuse Suudi, Barre Hiiraale iyo qaar kaloo magacyo wakiil ku jooga shirka.

Ragga Sheeganaya ama heysta warqad wakiilnimo ayaa hogaamiyayaasha kale waxay shir guddoonka ka codsadeen in ay ka helaan labo mid :-

Inay yiraahdaan aniga ayaa bedelay hogaamiyahaasi oo hadda ka dib magaceyga ayaan ku
saxiixayaa go'aamada shirka.
Wakiil ayaan ahey oo waan ka baxnay shirka.
Hadalkaasi ayaa waxa ka caroodey Maxamed Diiriye oo ku fadhiya kursiga Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo hatan ku biirey golaha samatabixinta ee looga dhawaaqay dhawaan Muqdisho.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ah gudoomiyaha gudiga Siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe kana mid ah golaha SRRC ayaa sheegay nin halkan (Shirka) uu jooga wakiilkiisu haddana idaacadaha ka sheegaya in uu shirka ka baxey , taasi dhib ayey nagu keeneysaa oo ragga aan la shireyno waa rag u hadla hogaamiyeyaashooda oo iyagana halkan ayey shirka ka fashilinayaan ee raggan warkooda ha cadeystaan ayuu hadalka ku gaabsadey Maxamed Dheere.

Shirka hogaamiyayaasha ayaa saakey horey u socon oo lagu kala tagey kadib markii arintaa dhalisay buuq iyo caro sababtay in raga qaarki faraha isku taagtaagaan.

Xasan Mataan
Allpuntland, Mbagathi


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.