Salaan wacan marka xigga
ramadaan kariim ikhiyaarta sharafte lahooow aan soo kooba
hadalka oo aan ku bilaawa, Mowduuceena maanta oo noqon
doona mid diiran daga....
Waxaad moodaa Qatar hor
leh ku soo fool leedahay dalalka geeska afrika. Muhiimada
istiraatijkiyadeed ee geeska afrika,Wali waxaay taagan
tahay sidii kal hore markii dagaalkii qaboobaa uu socday
oo kalaa. Lakiinse qatarta cusub ma ahan oo kaliya dagaalada
hore uu dhex maray itoobiya iyo eritrea oo biloowday sanado
hore balse waa mid salka ku haya qaab siyasadeed dagaameedka
gobalka(regional geo-politics).. kaas oo raad xoog ah
ku leh dowladaha ku hardamaya masraxa siyasadeed ama maamulka
ee afrika. Hadaba marka si weyn loogu kuur gallo tobankii
sano ee ugu danbeeyay dhacdooyinkii siyasadeed ee geeska
afrika iyo soomaliya, Gaar ahaan xanibaada warfaafineeeed
ee saaran soomaliya iyo siyasadda soomaliya lugu maamullo
ee ah (wax-Qabso)ee(waxna haQabsan) iyo loolanka ka dhaxeeya
dalalka xoogga is biday ee ku saabsan hanashadda istiraajiyadda
geeska afrika iyo damaca siyasadeeeed ee dalalka dhinaca
ku haya badda cass,Waxaaa si fudud loo garan karaaa in
qatar hor leh ay ku soo socota somaliya iyo guud ahaaan
gobolka..Dagaaladda hubeed ama colaada uu dhaxeeysa itoobiya
ma ahan ama midka warfaafineed ee masar iyo itoobiya ma
ahan mid ku kooban oo kaliya tuuladda badamy(390km sg)
ee saran xadka itoobiya iyo eritrea ama ka manafacaadsiga
biyaha niil....Arinta intaas wey ka weyn tahay ma istaahisho
in dad badan ay ku dhintaaan tuulo yar oo wax soo saar
lahayn.. Waxaa looga heshiin karaa sidiii loogu heshiiyey
dhul weynaha eritrea... Mana ila aha xurgufta siyasadeeed
ee itoobiya iyo masaaridda mid ku kooban oo kaliya ka
manafacaadsiga biyaha niil, Oo wax tarkiisu ka badan yahay
labadda dhinacbaaaa???????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Hase yeeshee waxaaa cad
waxa laysku haaystaaa ay tahay gacan ku dhigidda awoodda
gobolka(power-Struggle)iyo gaar ahaan adeegsigga istiraatijiyadda
iyo u fududdeynta iyo cidii gacanta loo gali lahaa, Tasooo
soo jiitamaysay in ku dhow halka qarni.....Itoobiya iyo
eritrea waxaa ku hardamayeen in mudo ahba cidii uu hari
lahayd saaxibtinamada israaiiiil oo danaheeda si weyn
ugu xiran geeska afrika iyo badda cass iyo arimaheeda
la xiiriirta in dhulka israaiil uu fidsan yahay ilaa iyo(haradda
taana), Labadda dhinacba waxaay ergooyin siyasadeed iyo
kuwa militiriba oo aan hakad galin uu dirsanayeen israaiil
..Si ay ugu helaan kaalmo warfaafineed amaba militiriba..
Xariirka Eritrea iyo israaiil waxuu soo jiitamaayay tan
iyo 1991 oo ku beegnayd markii ay gobanimadeeda ka qadatay
itoobiya iyadoo isla markaasi ka heshay hub fudud oo keeda
uu eg, oo dadka uu kuur gala xiriirka labadda dhinac ay
ku tilmaameen(Daalinta xukuumadda eritrea), lakiinse danaha
ay israaiil ka leedahay itoobiya wey ka qota dheer tahay
tan eritrea.... tariikh ahaan israaiil waxaay si weyn
danaysaaa geeska afrika gaar ahaaan marka loo eego xagga
amaanka ganacsiga iyo dhaqankaba....itoobiya waxaa laga
helaa labada il ee ka soo butaaca biyaha niil oo ah HARADDA
TAANA...oo badkeedu dhan yahay 3600(sg km).. Sidaaa darteed
itoobiya waxaay xakamayn kartaaa socodka biyaha niil,
Kasooo wax yeelayn kara nolosha dadka masaarida iyo suudaan
...waxaa intaas dheer iyadoo israaiil si aad ah uu danaysa
sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd beeraha labadda wabi
iyo jinankooda...iyo maamulka kontoroolka biyaha niiil
oyo badda cass oo kasoo horjeeda ( baabul mandab) oo muhiim
u ha amaankeeda dowladaha carabta oo ku xeernaa raad weyn
ku leh...
Marka laga soo taggo wabigga
niil iyo waxtarkiisaba, itoobiya marka qaarkood waxaa
lagga helaaa dadka loo yaqaano falaashaha oo sheegta iney
ka soo jeedaan yahuuda kuwaasoo sanadihii uu dhexeeyay
1970-1980 loo soo daadgureyay carigga israaiiiiiiiil in
kabadan oo(Bug)ah 10.000,oo qof ,Xiriirka ay´israaiil
la wadaagta itoobiya oo ah mid xidido taariikheed leh
Waxaay xoog saartaaa in ay adkeeyso si albaabka socdaalka
falashaha uu furnaado... Kuwaasoo tiradooda lugu qiyaasay
afar milyan.. Luguna gilgilo masaaridda marka ay timaado
wada hadalka nabadda barigga dhexe...Iyadoo itoobiya qudheedu
niilka ka dhigta alada(mechanism)diblomasiyadeed ay kula
dhaqanto dalalka daneeya webiyadaaaaaass????!!! itoobiya
haatan waxaay dhismooyinka mashruuca korontada haradda
taana..iyo biya xereenka niil buluugga(blu-nile) guud
ahaana mashruuca biya xereenka israaiil ka damacsan tahay
in ay ka hirgaliso wabigga niil ee dhinaca itoobiya waxaay
gaaraysaaa 40 mashruuc iyo 26 biya xireeeno... Kasoo ka
mid ah midka ay ka damacsanyahay midka isha ka soo butaacdaaa
webi shabeelaaa kasooo biyahiiisu soo gaari jireeen konfurta
somaliyaaa???????????????????????????????????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!Xaaladda
eritrea waxaay la mid tahay midii soomaliya ku sugnayd
1963, Kadib markii dr. cabdarashiid sharmaake oo markaa
raysulwasaare ka ahaa soomaliya booqasho aan hore loo
qorshaynin ku tagay midowga sofiyeeti kane soo helay kaalmo
militeri oo qiimahiisu garayaan 37.000.000, ka dib markii
uu ka soo wayay dalka mareykanka hub uu isaga difaaca
itoobiya oo dagaal kula jirtay dowladii curdinka ahayd
ee soomaliya oo markaa sadex sano jirsatay......Sanadkii
1906 dii dowladaha faransiiska,ingariiska iyo talyaanigga
waxaay wada galeeen heshiis nuxurkiisa ahaa in ay sadexda
dowladood isku xaq dhowraaaan, iskuna tix galiyaaan danaha
ay ka leeyahiin gobolka iyadoo itoobiya shirkaas loogu
aqoonsaday xaduudkeedu inuu laba labaynin.....5 sano ka
hor ayaa farnsiiska ciidamo ku soo kordhiyay ciidamada
ka joogay jabuuti isagoo sabab ugu dhigay waxa uu ku tilmaamay
in ay qatar dagaalka itoobiya iyo eritrea ay ku soo fidi
karto jabuuti.......Hadaba haatan waxaa cad in dagaaladii
itoobiya iyo eritrea ay ka soo cusboonaan karaan sida
warakalaga helaya waxaana wanaagsan in xoogag daneeya
gobolka ay ka hortagaan daan daansiga haatan ka muuqda
jiida..Hadaba hadaanay soomalida ka fakirin arimaha socda
haatan ee isku dirka ah xasuusnadaan in lugu fulin doonaa
danihii laga lahaa.. Tasoo marka la soo baraaruga anan
waxba laga qaban karin iyadoo layska dhafaya is tus-tuska
iyo showga beenta ah ee dadka beenta loogu sheegayo!!!!!!!!!!!!!!!!
Diyaariye isku dubaridkii---
Suxufigga soomaliyeeed
Cali diiriye nuur pilot :::::::::::::::::::: london
liibaan33@hotmail.com