Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Cabdiqaasim oo shirka dib u heshiisiinta ku soo noqonaya

Nayrobi, [MOL] 31 August 2003- Wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Mbagathi ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen ergay dhawr nin ah oo ka socota Cabdiqaasim Salaad. Ergadaas ayaa la sheegayaa inay horudhac u yihiin imaatinka Cabdiqaasim oo la filayo inuu soo gaaro madasha shirka asbuucaan fooda inagu soo haya. Cabdiqaasim ayaa madax u ah qeyb ka mida kooxdii Carta ee kala qeybsantay.

Cabdiqaasim Kooxdiisa ayaa la sheegay inay sheegteen in loo ogolaaday lagana aqbalay dhamaan sharuudihii ay ku xireen ka qaybgalka iyo inay dib ugu soo noqdaan shirka dib u heshiisiinta kaas oo Cabdiqaasim isaga huleelay ka dib markii uu waayay tixgalintii uu ka filayay shirgudoonka shirka.

Waxaa isna shirka wali ka maqan Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato oo iyaguna ka biyo diiday sida uu shirku u socdo. Kooxda haysata Kismaayo ayaa iyaga la filayaa inay shirka tagaan mar haddii Cabdiqaasim oo ciidan ahaan dabaanad qaada kooxdaas uu shirka tagayo.

Mudugonline.com


Ilaalada Cabdiqaasim oo weeraray guriga Xasan Abshir

Muqdisho, (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay guriga ra'iisul wasaarihii hore ee maamulkii C/qaasin Salaad Xasan , Xasan Abshir Faarax ay weerar ku soo qaadeen ciidamo hubaysan oo ka amar qaata C/qaasin Salaad Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan weerarka soo qaaday ay iska hor yimaadeen ciidamo kale oo ah ilaalada Guriga Xasan Abshir Faarax , halkaasina wax khasaare ah kama uusan dhicin balse waxaa khasaare yari soo gaaray guriga la soo weeraray.

Cusmaan Cabdulle Xasan oo ka mid ah ilaalada gurigaasi welibana ka tirsan ciidamada DKG- kooxda Carta Ayaa saxaafadda u sheegay inay soo weerareen ilaalada Madaxtooyada isla markaana ay isdifaaceen.

Xasan Abshir ayaa isagu ku sugan nairobi oo uu kaga qaybgalayo shirka Somalida, Cabdiqaasim ayaa sheegay in xilkii uu ka qaday Xasan, halka taasna uu Xasan ku gacan sayray.

AllPuntland


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.