Waxaa
la yaab ah in maanta laga murmo lagana biya diido jiritaanka
qodobka 19aad ee distuurka ku meel gaarka kaas oo sheegaya
jiritaanka dastuuriga ah ee dawlad goboleedyo iskood isu
maamula qaybse ka ah dawlad wadaaga oo u dhalata ummada
Soomaaliyeed. Haddaba waxaa mudan in wax yar laga yiraahdo
waxa keenay jiritaanka Dawlad Goboleedyo iyo qiimaha ay
u leedahay dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa
samaystay. Maxayse kuwa diidani ku diidan yihiin jiritaanka
iyo hawlgalka Dawlad Goboleedyo Soomaaliyeed oo qayb ka
ah Dawlad Soomaaliyeed oo wadaag ah, laakiinse leh awooda
gaara oo ay ku maamushaan dhulka iyagu ay ka taliyaan,
iyadoo ammuuraha ugu muhiimsan Qaranka ay Dawlada Dhexe
gacan ku haynteeda iyo maaraynteeda leedahay?
Waxaa
mudan in la xassuusto in samaysanka Dawlad Goboleedyada
ay keentay natiijadii laga dhaxlay dagaalka sokeeye oo
sababay is-khilaaf, kala-shaki, iyo is-aamin la'aan hor-istaagtay
in la hello xukun guud oo la wadaagi karo. Ma jirin bilawgii
dagaalka sokeeye aragti oranaysa in la hello Dawlad Goboleedyo,
waxayse lagama maarmaan noqotay ka dib markii la waayey
dawlad Soomaaliyeed oo lagu heshiin karo. Iyadoo markaas
laga duulayo sida ay lagama maarmaan u tahay in la hello
maamul iyo kala dambayn waxaa khasab noqotay in loo hawlgalo
samaysanka Dawlad Goboleed u adeegta intii markaas is-raaci
karta. Waxaa xaqiiqa ah, in shalay maamulkii la isku deyey
in laga sameeyo magaalada Mogadisho, hadafkiisuna ahaa
inuu gaaro dhulka Soomaalida oo dhan uu dhaafiwaayey xaafadii
lagu soo dejiyey madaxdeeda sababta ugu weynina ay ahayd
iyadoo inta qabiil oo degan Mogadisho aan qabiilna aamini
karayn qabiil kale.
Dhinaca kale, Dawlad Goboleedyada hadda jira oo ay Puntland
ka mid tahay, ahna meesha hadda shiishada lagu hayo waxaa
ka samaysmay maamul gaarsiisan dhamaan inta hoos timaada,
kaas oo ilaa xad dhisay nadaam shaqaynaya oo leh kala
dambayn haba iska dhutiyee. Waa jirtaa in khilaaf dastuuri
ah, iyo muran ku salaysan sidatan ayaa sidaan dhaanta
uu ka dhex oognaa mudda gaaban, mase gaarin marna heerka
dhibaatooyinka illaahay keliya iyo cida ay haysataa tirin
karaan oo ka aloosan Mogadisho halkaas oo weliba dawlada
badan oo Soomaaliya danaynayey geliyeen maal aad u badan
oo loogu talagalay in lagu xasiliyo laguna dhiso Dawlad
Soomaaliyeed.
Puntland
waxay soo jiidatay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka kala
yimid dhamaan gobolada Soomaaliya kuwaas oo nolol ka samaystay
waxna uga taray dadkooda ku nool daafaha kale ee Soomaaliya,
waxayna ixtiraam kaga kasbatay caalamka daneeya Soomaaliya,
waxaas oo dhamina wuxuu ku yimid Dawlad Goboleedka la
dhisay oo illaa xad macquulla shaqaynaysa, una muuqata
mid maalinba maalinta ka dambaysa ka soo raynaysa.
Qolyaha
caqabada ku noqday shirkaa nabad-raadinta Soomaaliyeed
ayaa si gaara farta ugu fiiqa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland Cabdullahi Yusuf Ahmed, waxaase xaqiiqa ah marka
laga hadlayo meelaha ay hor-fadhiyaan kuwa qodobkan 19aad
diidani inay awoodi waayeen in hal habeen nabad lagaga
seexdo dhulka ay joogaan dadkoodiina ay aafaysay belaayo
walba oo illaahay laga hoos galo. Cabdullaahi Yusuf ama
xabad ha adeegsado, ama xeelad ha adeegsado ama xabiibnimo
ha adeegsadee wuxuu dhistay maamul shaqayna maamulkaas
ayuuna ku mina sheegayana shakhsiyana annigu ma garan
karo sabab ay kaga cararaan oo ay ku eedeeyaan, haddii
aanay ahayn baroortu orgiga ka weyn.
Soomaaliland
oo iyagu mawqif cad ka qaadatay arrinta nabad-raadinta
Soomaalida ayaa ah meesha kale ee qabqablayaasha Somalidu
diirada saareen maanta, meeshaas oo iyadu in mudda ahba
ku sii talaabsanaysay horumar la taaban karo iyo xasilooni,
sababtayna inay soo jiidato shisheeye iyo sokeeye labadaba.
Waxayna Somaliland maanta gaarsiisan tahay in hay'ada
badan oo caalami ah oo hadalkoodu qabad leeyahay ku doodaan
in Soomaaliland ka hoos baxdo Somalia iskeedna isu taagto
maadaama Somaliyana aan xal ka soo socon iyaguna muujiyeen
dadaal iyo xasilooni la aqbali karo.
Su'aasha
hadaba isweydiinta mudani waxa weeye maxaa keenay kuwii
fashilmay oo talada soo raadsan lahaa inay tala-keenayaal
noqdaan, kana dhigaan shardi si loo heshiiyo in la noqdo
sidooda - dad aan hab dawli ah ku shaqayn, aan kala dambayn,
joogta isu laaya, , is dhaca, cidina aanay amaan ku helli
karin dhulka ay joogaan min cirooli ilaa cunug dhashay?
Waxaa
shaki badani ku jirin in nimankaan odaasha ahi aanay qaldanayn
sababtoo ah, adduunka maanta waxaa ka jira mabda ganacsiga
laga soo minguuriyey oo oranaya dukaanka dharka fashionka
lagu gado waa inuu gadaa qof si fashion ah u lebisan,
dukaanka alaabta isboortiga iibiyaa waa in uu gadaa qof
isboorti ah ama sidiisa u lebisan, goobaha ay ku tamashlay-yaan
dadka qaawani waxaa shardi ah dadka gelayaa inay qaawan
yihiin, sidaas darteed in qabqablayaasha Soomaaliyeed
shuruud ka dhigaan ninkii nala heshiinayaa marka hore
sidayada ha noqdo xaq iyo toos bay u leeyihiin.
Waxaa xaqiiq, sax iyo toosba ahayd in kuwa samaystay nadaam
shaqaynaya iyagu yiraahdaan la hadli mayno cid aan nadaam
samaysan shardina kaga dhigaan ciday la hadlayaan inay
ugu horrayn la timaado nadaam la aqoonsan yahay si dadka
ay is hor fadhiisanayaa isku miisaan iyo isku aragti ay
u ahaadaan. Haddii taas la waayo, waxaan shaki lahayn,
in marka la burburiyo nadaamyada hadda jiraa wixii ay
samaysteen uu noqon doono bartilmaameedka ay qabato shiishada
mooryaantu, malaha, dibna loo weydiin doono wixii ka hara
nadaamyadaas magdhowgii wixii burbur iyo belaayo dhacday,
meeshii ay ka ahaan lahayd cagsigeeda.
Omar
M. Farah Dhollawaa
dhollawaa@yahoo.com.au
|