NAIROBI,
27 August (IRIN) – Khabiir madax bannaan oo ay qaramada
midoobay u magacawday shirka nabadda soomaalida ayaa sheegay
in taxadar fara badan oo xuquuqda aadanaha ah la siiyo shirka
nabadda soomaalida ee ka socda waddanka Kenya,
Dr
Ghanim Alnajjar ayaa toddobaadkan u yimid gobolka 11 casho
oo shaqo ah Sida laga soo xigtay qoraal saxafadeed ay
sii daayeen xubnaha UN-ka ee daggan soomaaliya iyo isu
duwayaasha xuquuqda aadanaha ee soomaaliya, waana booqashadiisii
saddexaad tan iyo intii uu Kofi Anan u magacaabay howshan
bishii june sannadkii 2001-dii.
Dr.
Alnajjar ayaa war saxaafadeedkaasi ku sheegay in Waqti
xaadirkan ay wax badan ku xiran yihiin wada hadalka nabadda,
"wax badan oo xuquuqda aadanaha ahna ay tahay in
laga tix galiyo wadahadalka, oo tan ugu sarraysaana ay
tahay fursadda nabadda, waxaana sidoo kale uu sheegay
in ay fursad u tahay soomaalida in ay soo bandhigaan ballanqaadkooda
ku wajahan xuquuqda aadanaha.
Si
kastaba, waxa uu intaa raaciyey inuu xasuusiyo xaaladda
waqtigan ee xuquuqda aadanaha waddanka ay ahayd mid aan
rajo fiican lahayn.
Dr
Alnajjib waxa uu sheegay in "Woqooyi Galbeed soomaaliya
[Somaliland] iyo waqoooyi bari soomaaliya [Puntland] laga
arkay horumar sannadkii hore, laakiinse qodobka xuquuqda
aadanaha ee soomaaliya uu wali yahay mid cakiran, inkastoo
degaanada qaar ay hal sano horumar ka sameeyeen, halka
kuwo kalena ay kaba sii dareen oo ay sii xumaadeen
Inta
uu Dr. Alnajjib ku gudo jiro booqashadiisa waxaa uu Magalaada
Nairobi caasimadda waddanka Kenya uu kula kulmayaa diblomasiyiin,
mas’uliyiinta deegaanada, wakiillada bulshada rayidka
ah, hay’adaha caalamiga ahba iyo waliba Maamulada Gobolada
kala duwan oo soomaaliya ah.
Waxaa
uu sidoo kale qoraal saxaafadeedkiisa ku sheegay datoorku,
in uu baari doono qodobo la xiriira noocyada xuquuqda
aadame ee jira, oo ay ku jiraan xaaladda Nidaamka Garsoorka,
dabbakhaadda ama ku salaynta sharciga iyo xaaladaha xabsiyada,
sida loo dabakhayo hub ka dhigista iyo carruurta askarta
laga dhigto, dhaqaalaha, xuquuqaha bulsho, aqoonsiga ay
bulshada ku dhex leeyihiin dumarku, aqoonta xuquuqda aadanaha,
dhibaatooyinka soo wajahay tobaneeyada kun ee ku hoy la’
gudaha waddanka iyo xaaladaha la xiriiraba.
DHAMAAD
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Taliyaha
qaybta Booliiska Gobolka Mudug oo loo magacaabay Cismaan
Salaad
Galkayo,
[MOL] 28 August 2003- Taliyaha qaybta booliska gobolka
mudug ayaa maanta waxaa loo magacaabay Cismaan Salaad
Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii jabhada mucaaradka GBB.
Magacaabistaan ayaa ka danbaysay ka dib markii maamulku
gartay inuu Cismaan yahay nin ku haboon jagadaasi oo dhalin
yaro ah aqoona leh kuna fir fircoon hawlaha boliska.
Waxaa
waayadaan oo dhan Puntland ka socday hawlo maamul isku
dhaf ah ka dib markii maamulka Puntland heshiis la galay
Jabhaddii mucaaradka Puntland ee GBB lagulana heshiiyay
inay ku soo biiraan maamulka Puntland oo ay markii hore
ka biyo diidsanaayeen. hawlaha isku dhafka ayaa bishaan
ku socday xawli sare iyadoo qaar ka mida ciidamadii Jabhadda
lagu kala daray ciidanka daraawiishta iyo kuwa Booliska.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Baarlamaanka
Puntland oo maanta ka dooday mushahaarka ciidanka Puntland
Garoowe,
[MOL] 28 August 2003- baarlamaanka Puntland ayaa maanta
dood kulul ka ka yeeshay mushaarka iyo miisaaniyada ku
baxda ciidanka Puntland iyagoo ka dooday inay suuragal
tahay in la dhimo miisaaniyada ciidamada qataan iyo in
kale. dood dheer ka dib iyo falanaqayn ay kaga doodeen
miisaaniyada tirada badan ee cidmadu loo qoondeeyay ayaa
waxay isku raceen in aan la fara gashan ciidamada oo loo
daayo mushaahaarka iyo miisaaniyadii horay ugu qoondaysnaa.
Ciidamada
Puntland ee boliska iyo daraawiishta ayaa ah kuwa ugu
badan ee ay ku baxdo miisaaniyada maamulka puntland sababtuna
tahay dadka reer Puntland oo garowsaday in nabadgalyadu
tahay bilowga horumarka meel aan nabad iyo xasilooni ka
jirina aysan horumar gaarayn.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Ururka
YES oo maanta xaflad sagootin ah u sameeyay kooxdii Elman
ee Muqdisho
Bosaaso,
[MOL] 28 August 2003- Xaflad sagootin ah ayaa maanta waxaa
u qabtay kooxdii Kubada Cagta ee Elman ee muqdisho ururka
YES oo ah urur dhalinyaro oo caalami ah kana dhisan maamulka
puntland. xafladaasi sagootinta oo ka dhacday xafiiska
ururka dhalinyarada YES ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta
gobolka iyo dadweyne tiro badan oo la dhacsanaa qaabka
xaflada iyo sagootinta kooxdaas ciyaartooyga ah.
Kooxda
Elman ayaa beryahaan ciyaar saaxiibtinimo la lahaa ciyoortoyga
gobolada Puntland iyagoo magaalo kasta oo ay yimaadaanba
loogu soo dhaweeyay si xamaasad iyo niyad wanaag leh.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Dad
ku Dhaawacmay Gaalkacyo
Gaalkacyo,
(AllPuntland)- 4 qof ayaa ku dhaawacantay meel ku dhow
koontoroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo xalay ka
dib markii halkaasi weerar ku soo qaadeen burcad hubaysan
oo aan haybtooda illaa iyo haatan la garananay .
Dadkaan dhaawacmay oo ay ku jirto haweeney dhaawaceedu
khatar yahay ayaa gabi ahaantooba ah dad ka soo barkacay
koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo
, Xudur iyo Saakoow.
Qaar kamid ah ehelada dhibaatadan Soo gaartay oo AllPuntland
u waramayay ayaa sheegay in dhibaato isugu jirta kufsi
iyo jirdil ay ku hayaan dad aysan haybtooda garanayn ,
waxay sheegeen in sadex sano oo ay daganaayeen maamulka
Puntland uu dammaanad qaaday ammaankooda balse labadii
maalmood ee ugu danbeeyay ay dhibaatan soo foodsaartay
"Xaasaskeenna oo la kufsanayo iyo caruurteenna oo
Beerka laga laadayo uma adkaysan karno" waxaa sidaasi
yiri ninka lagu magacaabo Isaaq oo ka mid ah dhibbanayaasha.
Waxay
maamulka gobolka , Booliska , Odayaasha iyo dawladda Puntlandba
ka codsadeen in dhibaatadan wax lagala qabto isla markaana
ay u baahan yihiin in laga soo raro halka ay daggan yihiin
oo la dajiyo meel dhow oo ay ammaan ku heli karaan.
Dhibaatadan
waxaa dadkaan u weheliya buushash ay daganaayeen oo boqol
kor u dhaafaya oo 24/08/03 uu dab qabsaday isla markaana
ay iminka seexdaan dadkaasi meel cidla ah.
AllPuntland.com
|