Bosaaso,
[MOL] 27 August 2003- Sideedii subaxnimo ee saaka ayaa
ciidamada Booliska G/Bari waxay galeen guri ku yaal ka
soo horjeedka Bangiga Boosaaso, oo lagu sheegay in ay
taal lacag gobolka Bari lagu soo galiyay si sharci daro
ah. gurigaan lacagta laga helay ayaa dabaqiisa sare u
kiraysanyahay wasaarada kaluumaysiga Dawlad Goboleedka
Puntland.
Ciidamada
booliska Puntland ayaa waydiiyey odayaal guriga ilalaalo
ka ahaa in guriga lacagi taal waxayna qireen in ay taalo
lacag badan oo horey utaalay guriga waxaana buuq dheer
ka dib la isla gartay in lacagtaasi lagu xareeyo Baanka
dawlada. Qaar kamid ah masuuliyiinta Dawlada ayaa sheegay
in lacagtaani ay tahay mid been buur ah oo la soo sameeyey
si maamulka khal khal loogu geliyo. ilaa iminka ma jirto
cid cadaynaysa in lacagtaasi tahay been abuur iyo in kale
hase ahatee maamulku weli waa ku adkaysanayaan in lacagtaasi
tahay mid sharci daro wadanka lagu keenay.
Dhawrkii
maalmood ee u dambeeyay ayaa ciidanka boliiska Puntland
ku
daba jireen raadka lacag la sheegay in laga soo dajiyay
xeebaha gobolka bari oo ay keensadeen ganacsato reer Puntland
ah. Waxaa kaloo shalay xabsiga loo taxaabay qaar ka mida
Sariflayaasha
Bosaaso iyadoo lagu eedeeyay inay lug ku leeyihiin lacagtaas
sida tuugaysiga ah Puntland ku soo gashay.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Muran
Xoogan oo ka dhex socda Somalida qaxootiga ku ah Masar
iyo UNHCR
Qaahira,
[MOL] 27 August 2003- Waxaa jira muran soo badanayay malinba
maalinta ka dambaysa oo u dhexeeya hay'adda UNHCR xafiiska
ay ku leedahay Qaahira iyo dadka soomalida ah murankaasi
wuxuu ka taaganayahay iyadoo dadka soomalida ah loo diiday
in la siiyo wax la yiraa dib u dejin oo loo qaado dalalka
maraykanka iyo kanada iyo australia oo dadka loo qadi
jiray. Maxamed saadiq oo ah weriye halkaasi ku sugan oo
maanta la so xiriiray xafiiska mudugonline ee magaalada
boosaaso ayaa sheegay Markii sababta la waydiiyay qolada
UNHCR waxay yiraahdeen dowladaha dadka qaada soomali waa
diideen inkastoo soomalida broceska qaxootinimo ee la
maro si loo aqbalo ku qaadato labo sano iyo in ka badan
waxa la soo maraa xilliyo kala duwan ilaa ugu dambaynta
qofka la aqbalo ama la diido.
Sida caadada ahaan jirtay qofkii la aqbalo oo xafiisku
aqoonsado waa la qaadi jiray laakiin diidmada waa cusub
tahay markii ay soomalidu waydiiyeen xafiiska sababta
dowladahaasi ku diideen ayuu xafiisku sheegay in dowladaasi
soo hordhigeen sababo badan sababahaas waxa ka mid ah
waxa soomaalidu u tegi wayeen dalalka deriska la ah soomaliya
sida kenya, yemen itoobiya oo intaba ay xeryo qaxooti
ka furanyihiin. intaas ka dib soomaalidu waxay la xiriireen
hay'ad u doodda xuquuqda dadka oo xafiis ku leh meeshaaan
aan joogno ee magaceeda la yiraahdo "Legal Aid"
waxayna dadka kala talisaa uguna dooddaa wixii uu xaq
u leeyahay wixii uusan xaq u lahaynna waa u sheegtaa.
Soomaaliduna waxay samaysteen guddi ka kooban beelaha
soomalida oo dhan oo ay wada shaqaynayaan Hay'addaas oo
daba gal ku samaynaysa sababta soomalida wax loogu diidanyahay
isla markaana dacwadda soomaalida furaysa hadana waxaa
weli socda dacwadaas ku saabsan sababta Soomalida wax
loogu qaban waysan yahay iyadoo hay'adasi ku doodayso
dadkani waa qaxooti waxayna xaq u leyihiiin haddii xafiisku
aqoonsado in wax loo qabto laakiin xafiiska UNHCR wuxuu
leeyahay annagu cidii aan u aqoonsanno inay qaxooti tahay
waa qaxooti laakiin dadka ma qaadno dawladahaas ayaa iska
leh amarka iyagaana dadka qaada. dacwaduna weli way socotaaaa
wax kasoo baxay oo natiijo ahna ma jiraan lakiin weli
gudiga soomalida ah iyo Legal aid ayaa wada dadaaaal soomaliduna
way ka niyad jabsanyihiin oo waxay door bidayan inay u
sii socdaalan meelo kale intii waqti kale ka sii lumi
lahaaa.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Beelo
diriri ku Dhexmartay Ceel-Buur
Ceel-Buur,
(AllPuntland)- Laba qof ayaa ku dhimatay 6 kalana way
ku dhaawacmeen degmada Ceel Buur ee ka tirsan gobolka
GalGuduud kadib markii ay halkaasi ku dagaalameen labo
beelood oo halkaasi wada daga.
Wararka halkaas naga soo gaarya ayaa intaasi ku daraaya
in dagaaladdani ay ka bilowdeen qaab aano qabiil ah
ka dibna ay isku badaleen dagaal hubaysan .
Odayaasha Beelaha Murursade iyo Duduble oo ah beelaha
ay dirirtu dhexmartay ayaa ku gudo jira sidii ay u qaboojin
lahaayeen xiisaddan halkaasi ka soo cusboonaatay.
AllPuntland.com
|