Dagaalka
Sokeeya markuu ka dhacay Muqdishu dadka Somaliyeed intooda
badani waxay rumaysnaayeen in Maxamed Siyaad Barre kaliya
la eryayo, kadibna ay dhalanayso Dawlad Somaliyeed oo Caddaalad
ku dhisan, laakiin dad yar oo khubaro ah ayaa iyagu aaminsanaa
haddii Maxamed Siyaad la rido inaan Dawlad Somaliyeed ka
danbayn doonin isaga iyagoo dhowr sababood saldhig uga dhigay:
- Dadka
Caasimadda Soo weeraray oo ahaa reer kaliya, qabayna
nacayb beeleed ee aan qabin nacayb Nadaam.
- Maleeshiyada
oo aan tababar u lahayn habka nadaamka Dawligaa loo
dhowro kadib markii dawladda la rido.
- Hogaamiyayaasha
maleeshiyada oo kala saari waayay nacaybka Maxamed Siyaad
iyo reerka uu ka soo jeedo asal ahaan
- Kulamada
Hogaamiyaasha iyo maleeshiyada oo markasta looga hadli
jiray nacayb reer halkii looga hadli lahaa siday u hantiyi
lahaayeen Hay’adaha Dawladda kadib markii Dawladdu dhacdo.
- Hogaamiyayaasha
maleeshiyada oo markay dawladda ku jireen lagu yaqaanay
nacayb beeleed iyo qabyaalad.
Arimahaas
oo dhan shacabka Somaliyeed badankoodu xog buuxda kama
hayn, waxaa kaliya oo u muuqday in kaligi taliyaha la
rido, laakiin dadku waxay hilmaameen hal arrin oo muhiim
ah:
haddii
Maxamed Siyaad tago, see arrini noqonaysaa? Adeegyadii
Bulshadu see u Shaqayndoonaan, Nabadgalyadu see noqonaysaa?
Dakadaha iyo Airporada hantida Taalla iyo hawshoodu see
ku danbaynaysaa?
Somalidu
sideedaba ma aragto markaas arrinta taagan waxa ka danbeeya,
waxayna ku maahmaahdaa “Rabbi talo ku filan” maahmaahdaan
Somalidu waxay yiraahdaan markay talo ka murugto, oo meel
ay u dhaqaaqaan waayaan, rabbina talo ka badan ayuu qabtaa
oo dunida oo dhan ayuu maamulaa, haseyeeshee Somalidu
ugama jeedaan talada kaliya ayaa rabbi awood u leeyahay,
ee waxay ka tahay inaysan sii dabo galin meesha ay arrini
ku danbaynayso marka qorshaha ay damacsanyihiin fuliyaan,
waxayna afeef uga dhiganayaan haday go’aankooda dhibaato
ka timaado mid awalba ay ka walaacsanayeen inuu ahaa,
aanna loo raacan wixii ka yimaada. Somalidu malaha qorshe
ay ugu talo galaan hadii ay arrinu sida lagu wado noqonwaydo
(Second Option), waxayna booskaas galiyeen “Rabbi talo
ku filan”
Khubaradii
iyagu aaminsanaa haddii Maxamed Siyaad tago inaan dawlad
ka danbaysaa jirin doonin waxay kaloo daliishadeen aqoonta
ay u leeyihiin Maxamed Siyaad iyo raga la shaqeeya iyo
waliba khudbooyinkiisii caanka ahaa ee oranayay “Dawlad
aniga iga danbaysaa ma jirayso Somaliyey” oo uu ula jeeday
dadka isaga la dagaalamayaa inaysan lahayn qorshe nacaybka
iyo qabyaalad dhaafsiisan, wuxuu kaloo Maxamed Siyaad
aqoon buuxda u lahaa ragga horkacaya Maleeshiyada soo
weerartay Caasimadda iyo inay qabiil aan daboool lahayn
ku dagaallamayaan, iyagoo waliba da’yarta iyo wax magaradka
ka dhaadhicinaya inay Gumaysi ku jireen, ayna muujiyaan
kacaan xurrima doon ah.
Xeeldheerayaashaasi
aqoonta buuxda u lahaa Nadaamka Maxamed Siyaad iyo Maleeshiyada
weeraka wadda waxay isku dayeen inay wacyi galiyaan dadka
intay ka gaaraan, oo u sheegaan inay diyaar garow galaan
si ay uga badbaadaan dirirta dhex maraysa Maleeshiyada
iyo nadaamaka Maxamed Siyaad, in badan oo dadkay la hadleen
ka mid ah waxay ugu jawaabeen haddii Maxamed Siyaad tago,
Dowladbaa la dhisayaa isla markiiba, dalkuna wuxuu noqonayaa
Diimoquraadiyad (Democracy), waxay kaloo xiriir joogta
ah la sameeyeen Maxamed Siyaad iyo Hogaamiyayaasha Maleeshiyada
oo uu ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed oo madax ka noqday
Dowladdii lagu soo dhisay Dj’bouti 1991, waxayna qolo
kasta u sheegeen in xil wareejin deg deg ah la sameeyo
si loo badbaadiyo Dadka iyo Dalkaba. Jawaabtii ay ka heleen
Maxamed siyaad ayaa waxay noqotay mid dhaanta tay ka heleen
Hogaamiyayaasha Maleeshiyada, wuxuuna ku yiri Maxamed
Siyaad “Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho” kadibna
Idaacadda Radio Muqdisho ayuu ka sheegay haddii dagaalku
istaago inuu xilka ka dagayo, ballan qaadkaas uu sameeyay
Maxamed Siyaad Hogaamiyayaasha Maleeshiyadu waxay uga
jawaabeen weerar hor leh, dhac iyo kufsi. Waxaase layaab
noqotay qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Maleeshiyadu inay
la shaqaynayeen Odaayaasha Dhexdhexaadinta ku jiray laakiin
Mawqifkoodu ka duwanaa kan Odayaasha.
Dadwaynihii
Somaliyeed ayaa iyagu markiiba dareemay dhibaatadii ay
uga digeen Khubaradii ay ku kacansayreen oo ahayd inaan
Maleeshiyada Dagaalamaysaa Dawlad Maxamed Siyaad ka danbaysaa
dhalandoonin. Waxayna Dadwaynuhu bilaabeen Qax iyo Barakac
aysan ku talo galin, waxaana ku kallifay inay badalaan
rajaday ka qabeen Dawlad dhalata markay arkeen Dhac, Kufsi
iyo Xasuuq Qabiil oo loo gaystay badankood. Qof walba
wuxuu u dhaqaaqay Dhinaca Kismaayo oo ahaa dhinaca kaliya
ee Magaalada Muqdisho aan xabbadi ka dhacayn. Dadku ma’ay
haysan saad ama dhaqaale ay ugu talo galeen inay ku tacabiraan,
waxayna shallayto ka muujiyeen talada ay ka diideen Odayashii
u digay markii nabaddu jirtay iyagoo leh “ tolow haddii
aan ogaan lahaa foolxumadaan waa hore ayaan qixi lahaa”.
Muddo
bil ka yar ayaa Magaalada Muqdishu u gacan gashay Maleeshiyadii
Maxamed Siyaadna uu ka daba yimid maatadii u soo qaxday
Kismaayo. Maleeshiyadii Qabsatay Muqdisho waxay bilaabeen
Xasuuq iyo inay sii wadaan dagaal dabar goyn ah oo ay
la beegsanayaan Qabiilkii uu Asal ahaan Maxamed Siyaad
ka soo jeeday, iyagoon u aabbo yeelin kii ka soo herjeeday
Nadaamkiisa iyo kii Daacadda u ahaa waxayna ugu yeereen
“Haraagii Maxamed Siyaad” waxaase la yaab lahaa inaysan
haraaga ku jirin rag uu ka mid yahay Xuseen Kulmiye Afrax
oo Maxamed Siyaad ku xigeen u ahaa tan iyo intii talada
Kacaanku la wareegay. Magaalada Muqdishona waxay noqotay
meel Geeljire ku hoyday, Hay’adihii Dawladda waa la boobay
waraaqihiina waa la gubay, iskuualadiina waa la jajabiyay
iyadoo loola jeedo in Hay’adaha Dowladda iyo Goobaha Adeega
Bulshaduba yihiin Hanti Qabiilkii uu ka dhashay maxamed
Siyaad Asala ahaan. Mudoo toban Casho ka yar ayaa waxaa
Dhammaatay hantidii Taallay Magaalada Muqdisho badankeediina
waxaa lala aaday Gobolladii ay Maleeshiyadu ka soo duushay,
markaas ayay bilaabeen maleeshiyadu inay ka daba yimaadaan
Dadkii maatada ahaa ee u qaxay Kismaayo iyo Gado. Hogaamiyaashii
Maleeshida watayna iskuma dayin inay Dawlad Dhisaan Ileen
awalba qorshaha uguma jirinne, muddo aan bil ka badnayn
ayay ku Qabsadeen Kismaayo Baydhabo iyo Gobolo kale. Kuma
ay ekaan intaase waxay weerar Gaadmo ah la beegsadeen
magaalada Galkacyo oo ay ku laayeen dad Gaaraya 1000 qof
(kun qof).
Maleeshiyada
intaas awoodoodu gaartay marna hal tuulo nadaam iyo kala
danbayn uma samayn iskaa daa Muqdiso oo saddex iyo toban
dagmo ka koobnayde. Waxay bilaabeen Hogaamiyayaashii Maleeshiyadu
inay Cajalado Muuqaal ah u diraan Taaggeerayaashooda dibdda
ku nool si ay u tusaan xasuuqa ay u gaysteen dadka Somaliyeed
gaar ahaan Qabiilka Daaroodka. Markii ay magaalo kasta
ka xaalufiyeen hantidii dadwaynaha iyo Dawladdaba ayna
xasuuqeen dad intay awoodaan ayay Muqdisho ka bilaabeen
dagaal iyaga dhexdoodaa ah, dagaalkaasina wuxuu noqday
mid ka daran kay ku qaadeen Qabiilka Daaroodka. Muddo
dhowr bilood ah ayaa Muqdisho noqotay meel dhowr hogaamiye
kooxeed ka taliyaan waxaana beenoobay rajadii Qabiilka
Hawiyuhu ka qabay markii Daaroodka la eryo inay dawlad
dhisanayaan. Waxaa soo baxay Hogaamiye kooxeedyo ku doodaya
inay leeyihiin muqdisho ayna waajib tahay inay ka xoreeyaan
dakda ku soo duulay ee xooga ku haysta, taasi oo noqotay
kacdoon hor leh oo ka dhaxeeya Beesha Qabsatay Muqdisho.
Maanta oo saddex iyo toban sano laga joogo waxay aaminsanyihiin
walina ku dabo joogaan Dawlad ay madax ka yihiin mana
ogsoona Seddex iyo tobankaas sanno inay haysteen hantiddii
iyo Hay’dadihii Dawladda illeen Somaliya waxay ka nooleed
Muqdisho kaliya’e.
Arrimihaas
aan kor kusoo dhirraandhirrinay ayaa markhaati u ah inaan
beelaha Muqdisho aysan Dowlad ka maqnayn, Dowladday u
dagaalamayeenna ay tahay middaas ay seddex iyo tobanka
sano ku jireen. Maanta Beesha Caalamku uma baahna caddayn
dheeraad ah. Sidaas darteed Somalidu waa inay ka tashaadaan
Muqdisho iyo beesha deggenbba, dhistaanna Dawlad Qaran
iyo Magaalo madax aan Muqdihso ahayn, iskana daayaan dhalanteedka
ah inay Muqdhiso tahay Caasimaddii Somaliyeed. Sidoo kale
waa inay Somalidu joojiyaan Erayga ah Muqaddas maxaa yeelay
Muqaddas waa wax Ilaahay xurmo iyo sharaf ma guurto ah
siiayay Muqdishana ma aha Xaram loo xajiyo lagumana magacaabi
karo muqaddas meel aan xaaraanta iyo xalaasha la kala
aqoon, daris qaraabo, xidid iyo xuquuq aadane mid laga
aqoon.
Erayga
Muqaddas waa eray af Carabi ah macnihiisuna yahay “Hufnaan”
Xumaan ka fog, waxaana eraygaan badanaa loo isticmaalaa
waxyaabaha Baraykaysan sida Makka, Baytul Quddus iyo Qur’aanka
Kariimkaa, in Caasimadaha iyo meelaha la midkaa lagu magacaabo
muqaddasna waa khalad wayn.
Shirka
Nairobi haatan loo fadhiyo reer Muqdisho waxay ku yimaadeen
dhowr iyo toban hogaamiye oo uu ku jiro C/qasim Salaad
Xasan, C/qasim ayaa isagu ku eedeeya inay Ethiopia ka
soo horjeedo Madaxwaynanimadiisa laakiin aan marnaba dhibaato
u arag dhowr iyo toban haybtiisaa oo Muqdisho kala taliya,
Gabyaa Somaliyeed ayaa yiri “Baadida ninbaa kula deydeya
daalna kaa badine; Oon doonahayn inaad heshana daayin
abidkaaye”. Markaad Gabyaaga eraygiisa dhuuxdo waxaa
kuu soo baxaya in beelaha Muqdisho ay wada raadinayaan
Madaxwayne haseyeeshee aysan u muuqan inay gacanta ku
dhigeen. Haddii beelaha Muqdisho ogolaadaan inay is xukumaan
Somaliwayn horay ayay u ogolaatay, dhowr jeerna waaba
la siiyay Jagada Madaxwaynaha.
Si
kastaba ha ahaatee maanta haddii Somali mar kale reer
Muqdisho madawxwayne ka dhigato dawlad somaliyeed rajadeed
waa dhammaatay ee Gobol walbow ka tasho masiirkaaga, Somaliland-na
xaal ha qaadato.
Mudug Online Editorial
|