Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Wadaado tabliiq ah oo galabta xabsiga bosaaso laga soo daayay

Bosaaso, [MOL] 26 August 2003-Waxaa galabta xabsiga Bosaaso laga soo daayey 7 wadaad oo ka tirsan jamaaciyada tabliiqa oo ka soo dhoofay dalka bakistaan kuwsoo u socday arimo la xiriiray faafinta diinta Islaamka. Sanad walba waxaa Punland iyo Bosaaso yimaada wadaado noocaasi ah oo ka kala yimaada daafaha dunida iyagoo fidinaya Diinta Islaamka Waxayna magaalada Boosaaso ku leeyihiin masaajido ay gaar u leeyihiin oo xarun u ah jamciyadooda.

Wadaadaan waxaa ka soo xir-xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso hay'ada daba galka iyo ladagaalanka argagixisada puntland (PIS).

Baaritaan dheer ka dib ayaa galabta wadaadaas laga soo daayay xabsiga markii la hubiyay safarkooda iyo meesha ay ka yimaadeen.

Sidoo kale waxaa hay'adaasi u xiran nin Yemani ah oo ay xireen asbuucaan dhexdiisa ka dib markii laga waayey baasboor iyo dal kugal midna.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


7 ka mida ah sariflayaasha Bosaaso oo maanta xabsiga la dhigay

Bosaaso, [MOL] 26 August 2003- Waxaa maanta xabsiga la dhigay 7 nin oo ka mid ah sariflayaasha magaaladan Boosaso kuwaasoo lagu eedayey in ay lug ku leeyihiin faafin lacago been abuur ah oo habeenadaan ku soo qul qulaayey magaalada Boosaaso.

Sariflayaasha ayaa beeniyay inay ka dambeeyeen falkaas lagu eedeeyey hase ahatee ciidanka booliska ayaa weli ku jira hawl gal oo ay ku daba joogaan raadka lacagtaasi iyo meelaha lagu hayo.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Radio Galkayo:The faces behind the news, the whole news and nothing but the news

Sawiro cusub shaqaalaha Radio Galkacyo
»»
http://radiogalkayo.com/banner/faces_behind.php»»


Idaacadii STN oo loo diiday in laga dhagaysto deegaanka Puntland

Garoowe, [MOL] 26 August 2003- Waxaa hakad galay dhegaysigii idaacada STN ee laga leeyahay magaalada Muqdishu oo asbucaan si joogta ah ay u soo baahinaysay barnamijyadeeda idaacada SBC oo xarunteeda wayni ku taalo magaalada boosaaso lagana leeyahay Puntland.

Idaacadahan ayaa heshiis ku galay in SBC-na ay sii dayso barnaamijyada maqalka STN, sidoo kale STN-na ay siidayso dhegaysiga wararka satalaydka aduunka ee SBC. agaasimaha idaacada SBC Dhaanto ayaa ii sheegay inay ku jiraan heshiis noocaasi ah sidoo kale cabdiqadair Sharey oo ah agaasimaha STN ayaa isna ii sheegay in ay ku faraxsanyihiin iskaashiga labada idaacadood.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Cusbitaalka magaalada Bosaaso oo lagu daray qaybta dadka waalan.

Bosaaso, [MOL] 26 August 2003- Waxaa laga bilaabay cusbitaalka magaalada Boosaaso kor-dhin iyo balaarin logu kordhiyay qayb cusub oo dadka waalan loogu talagalay si halkaasi loogu xanaaneeyo dadkaasi. Waa markii u horaysay ee degaanada Puntland yeeshaan cusbitaal noocaasi ah iyadoo dadku ay soo dhoweeyeen arintaas kuna tilmaameey horumar.

Dhinaca kale waxaa bosaaso jooga in ka badan 200 oo qof oo xis la'aan ah oo aan la aqoon eheladooda iyo meesha ay ka yimaadeen kuwaasoo u badan dadkii ka soo qaxay koonfurta soomaliya iyo tiro itoobiyaan ah oo u baahan gargaar bini-aadanimo.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Kooxda Elman oo xulka Bosaaso kaga badisay labo gool

Garoowe, [MOL] 26 August 2003- Kooxda kubadda cagta ee Elman ee ka dhisan magaalada muqdisho ayaa galabta kaga badisay xulka Boosaaso labo gool halka xulka boosaso ay iyaguna la yimadeen hal gool. ciyaartaasi ayaa ahayd mid ay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar wanaag waxaana ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo daawadayaal ah iyo masuuliyiin ka socotay dawlad Goboleedka Puntland.

Kooxda Elman ayaa horey ciyaaro ula soo yeelatay Koox ka socotay magaalada Gaalkacyo, ciyaartaas oo noqotay bar bar dhac. waxaa waayadaan soo badanaya isdhexgalka ciyaartoyda Somaliyeed oo aan inta badan is arag intii uu dhacay dagaalkii sokeeye, safarka kooxaha ciyaaraha ayaa waxay qeyb ka qaadanaysaa isku soo dhawaanshaha ummada Somaliyeed ee dagaalka sokeeye kala fogeeyay.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.