Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Danjiraha Kenya Maxamed Afeey oo ka hadlay arimaha Somaliya
Sawiradii weriyaha Mudugonline C/Risaaq Shiikhaduun ka soo qaaday siminaarkii cilmi baarista ee uu kaga qayb galay Garoowe todobaadkan.
Ka qayb galayaashii siminaarka
Dumar ka qayb galay dood cilmiyeedkaas.
Halkgaan guji si aad u aqrisid warkii Sheekhaduun ee siminaarka cilmi baarista.

Nayrobi, [MOL] 25 August 2003- Danjiraha Dawlada Kenya u wakiilatay arimaha Somaliya Maxamed Afey ayaa ka hadlay Arimaha Somaliya isagoo muujiyay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu aflaxo shirka haatan ergada Somalidu u fadhido Mbagathi. Waxuu danjiruhu intaas ku daray in kulamadii uu dhawaan kula soo yeeshay Isbahaysiga xooga ku haysta Magaalada Kismaayo ay ahaayeen kuwo miro dhal ah waa sida uu hadalka u dhigay danjiruhuye. waxuu kaloo sheegay in sidaas oo kale wada hadalo uu la yeeshay Kooxdii ka go'day Kooxdii Carta ee Cabdqaasim ay iyagana wada hadaladii uu la yeeshay ay wax ku ool ahaayeen.

Kenya gogasha shirka ayay dhigtay shirkana malaha ee shirku waa shir Soomaaliyeed ayuu yiri danjiruhu. waxuu kaloo sheegay inuu jecel yahay maslaxada dadka somaliyeed iyo inay helaan nabad waarta.

Danjire Afey waxuu goobjoog u ahaa shirkii Carta ee guuldaraystay ee lagu soo dhoodhoobay Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Kooxdiisii Carta oo iminkana waqtigii ay qabsadeen ka dhamaaday.

Dhinaca kale waxaa wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo sheegayaan inay halkaas ka jiraan abaabul ay wadaan Isbahasiga Dooxda Jubba ee madaxda u yahay Cabdiqaasim Salaad iyo Cusmaan Caato ay ku doonayaan inay abaabulaan shir ay isleeyihiin ku burburiya oo uga hortaga kan haatan Somalida uga socda Kenya. Waxaa kaloo halkaas isbahaysigaasi ka wadaan guluf colaadeed oo la sheegay inay doonayaan inay ku sii dhul balaarsadaan Koonfurta Somaliya inta aysan hadda gacanta ku hayn, waxay kaloo guluf colaadeed ka wadaan magaalada Muqdishu oo warar isasoo taraya sheegayaan in kooxdaasi damacsan yihiin inay weeraraan kooxaha kale ee Muqdishu ee aysan isku siyaasada ahayn si ay u furaan dekada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Lacag been abuur ah oo habeenadaan ka soo degaysay xeebaha Puntland

Bosaasp, [MOL] 24 August 2003-Sida ay xaqiijeyeen masuuliyiin sar sare oo maamulka Puntland ka mid ah waxaa habeenadaan heegan loogu jiray sidii loo soo qaban lahaa lacag been abuur ah oo ay rag ganacsato ah si sharciga ka baxsan ku soo geliyeen degaanadaan Puntland.

Goobjoogyaal ku sugan dhulka xeebaha ah ayaa ii cadeeyey in ay arkeen doonyo nooca yar yar ah oo laga dejiyey lacagtaasi laakiin ma sheegin halka loo soo qaaday, qaar ka mid ah sariflayaasha Boosaaso oo aan maanta la kulmay waxna ka wayiiyey arinkaasi ayaa ii sheegay in ay maqleen arintaas balse aysan wali suuqa soo gaarin lacagtaas sharci daradda ah. waxaa kaloo ay sheegeen in si tuugaysi lacagtaas suuqa u soo gasho laakiin wali wax cad ma hayno ayay yiraahdeen sariflayaashaasi.

Dhinaca qiimaha maciishada daruuriga ah ayaa maanta iyo shalay laga dareemay inay kor u kacday ayna loo malaynayo inay saamayn ku yeelatay lacagtaas sharci darada ah.

Waayadaanba waxaa Somaliya oo dhan caado ka noqotay in ay soo baxaan ganacsato ka ganacsata lacagta been abuurka ah iyagoo waxyeelo weyn gaarsiiyay dhaqaalaha Somaliya oo awalba taagta daraa, waxaana markasta oo lacagtaas wadanka soo gasho kor u kaca maciishada daruuriga ah oo dadka danyarta ah aysan awoodin.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Madaxa Haya'da UNICEF oo booqasho ku jooga Bosaaso

Bosaaso, [MOL] 25 August 2003- Waxaa maanta kulan kula yeeshay hoolka shirar madaxtooyada puntland masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ku jiray sii hayaha xilka madaxweynaha Dooxa joog madaxa hay'ada Unicef ee soomalaiya Jesper March.

Waxaana kulankaasi looga hadlay hawlaha waxqabad ee ay hay'adu ka wado degaanada puntland iyo mashruuc loogu yeeray illaalinta xaquuqda caruurta, la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee aydhiska iyo kor uqaadista nadaafada iyo caafimaadka.

Madaxa hay'adaasi oo intii uusan kulanka la gelin masuuliyinta aan wax ka waydiiyey qorshaha mustaqbalka dhow ee hay'adu ka damacsanyihin in ay ka fuliyaan Puntland ayuu ka gaabsaday sarkaalkaasi. sarkaalkaan ayaa isagu jagooyin kala duwan ka soo qabatay hay'ada unicef.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Saraakiil ka socota hay'ada duulista hawada Puntland oo tababar u aaday dalka Filibiin

Bosaaso, [MOL] 25 August 2003-Wasiirka hawlaha guud ee maamulka puntland Axmed Cigaal ayaa sheegay in sadex qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradiisa hawlaha guud ay tababar u aadeen dalka filibiin iyadoo ay gacan ka gaysatay habka fududaynta tababarkaasi hay’ada duulista Caalamiga ICOA iyadoo ay ku qabanayso tababarkaas caasimada dalkaasi Filibiin ee Maniila. Tababarkaas ayuu lagu baran doono habka hagista diyaardaha iyo maarayntooda.

Magacyada ka qayb galayaasha ayaa sida aanu ku helay qoraal waxay ahayeen Dr C/qaadir sheikh Maxmuud, Cabdikariin Sh. farax Qaaje iyo Cabdiraxamaan cabdi cali Nero waana markii u horaysay oo tababar noocaan ah Saraakiil Puntland ka socota ku aadaan dibada wadanka.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.