Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Weriyayaashii Galkacyo lagu xiray oo Xabsiga laga Sii daayay
Gaalkacyo, [MOL] 24 August 2003- Weriyayaaashii Wargeyska Yamayska iyo bulsho ee maalintii dhalay duqa magaalada Gaalkacyo xirxirey ayaa maanta Xabsiga gaalkacyo laga sii daayay ka dib markii taliyaha Booliska Puntland ku tilmaamay arintaan midaan sharciga waafaqsanayn xadgudubna ku ah xaquuqda qofka wadaniga ah. Maalintii Shalay ayaa amar la sheegay inuu ka soo baxay xafiiska duqa Magaalada Galkacyo Xuseen Jaamac Yabaq lagu xiray labada weriye oo kala ah Aadan Nuur Maxamed oo ka mida weriyayaasha Radio Galkacyo (iyo wargeyska Yamayska) iyo Daahir Cabdulqaadir (Aflow) oo ka mida weriyayaasha wargeyska Bulsho oo ka soo baxa magaalada Gaalkacyo. Wareyayaashaan ayaa duqa magaaladu ku xiray ka dib markii ay dabagal ku sameeyeen sidii uu u dhacay xaraashkii xeraddii Daraawiishta Galkacyo oo Duqa Magaalada lagu eedeeyay in rag uu ku jiraa ay wax isdaba mariyeen.

Waxaa xariga wareyayaasha sidoo kale ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/shakur Mire ahna siihayaha wasaarada warfaafinta. C/shakuur ayaa sheegay in aan wasaarada Warfaafinta waxba ka ogayn xiritaanka weriyayaashaas falkaasna ka soo horjeedo qaanuunka u dhigan Puntland iyo xoriyada warbaahinta.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa in mudo ah waxaa lagu soo eedaynayay musuqmaasuq iyo waxqabad la'aan iyo eex iyadoo dadweynaha magaaladu ku eedeeyaan in duqa magaalada laftigiisu ka baayacmushtaro dhulka la kala gato taasna ay keentay qasaarooyin badan ka dib markii dad badan isku qabsadeen dhul qof walba wato caddaymo sheegaya inuu yahay mulkiilaha saxdaa ee dhulkaas xafiiska duqa magaaladuna ay dadkaas si cadaalad ah ukala saari waayeen.

Halkaan ka aqri warbixin la xiriirta sida loo xiray weriyayaashaas shalay.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Gudigii Hub ka Dhigista oo mar labaad ku soo laabtay Degganka Puntland

Bosaaso, [MOL] 24 August 2003- Gudiga hub ka dhigista Somaliya ayaa waxay soo gaareen magaalada Bosaaso, waxayna isla xalay la kulmeen mas’uuliyiinta Gobolka bari oo ay ka qaateen tira koobka ciidamada ka hawl gala Gobolka bari. Gudigu sidoo kale waxay u gudbi dooonaan gobolada kale ee Puntland oo ay iyagana ka qaadi doonaan tirada ciidamada ka hawl gala. Gudiga ayaa sheegay inay iyagu ma’suul ka noqonayaan ciidamada Somaliya inta ay jirto Dawladda ku meel gaar ah ee haatan la damacsanayahay inay ka soo baxdo shirka Nairobi.

Gudigaan ayaa bil ka hor kormeer ku soo kala bixiyay gobolada Somaliya oo dhan iyagoo indha-indhaynayay meelaha ay dajin doonaan ciidamada nabad illaalinta ee Dawladaha Afrika u soo diri doonaan Somaliya markii lagu dhawaaqo Dawlad Soomliyeed oo ku meelgaara. Gudiga ayaa horey u doortay In magaalada Gaalkacyo ay noqon doonto xurunta ciidamada nabad illaalinta waxaase taas ka biyo diiday qaar ka mida beelaha USC oo ku tilmaamay inaysan Gaalkacyo u qalmin marti galinta ciidamada nabad illaalinta haddii sidaas dhacdana ay qaadici doonaan. Gudiga Nabad illaalinta ayaa iyagu taas kaga jawaabay inay Gaalkacyo u doorteen meesha ay ku taal oo ah bar istaraaji ah kala barta wadanka iyo xasiloonida ka jirta.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Shir Buug Cilmi Baaris oo Garoowe lagu soo gabagabeeyay

Garoowe, [MOL] 24 August 2003- weriyaha mudgonline c/risaaq shiikhaduun ayaa safar ku adaay magalada
caasimada u ah ee puntland ee Garoowe isagoo halkaasi kaga qayb galay shir looga doodayo
buug cilmi baaris ah oo ay diyaarisay haya'ada Dakonia laguna qabtay xarunta cilmi baarista puntland. Buugaan cilmi baarista oo ku saabsan xeer Soomaaliga, diinta Islaamka, Deegaanka iyo habka Magta loo kala qaato ayaa looga dooday magaala madaxda Garoowe. waxaa shirkaas ka soo qayb galay indheergarad badan oo ka kala socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Ugu dambeyntii ayaa dadkii ka qayb galay dooda Buugaas waxay isku raaceen soona jeediyeen in dib buugaas loogu noqdo lana iswaafaqsiiyo Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somalida si uu u noqdo mid wax tara ah.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.