Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dastuur Qaran Qofna Madax furasho looma siinkaro.
By m.jagne

Dalab iyo Dib u heshiisiin waa kaaf iyo kala dheeri shaqana iskuma leh waxaana u dhaxeeya Gaaf weyn oo aan la gudbi karin.

Dalabku badanaa Jeebkaaga ama Hubkaaga ayuu ku xiran yahay, oo adoo Lacag ama Bastoolad adeegsanaya ayaad intaad Dukaan gashid dhihikartaa waxaan rabaa in la i siiyo waxaas iyo waxaas iyo waxaas ama in la ii sameeyo waxaas iyo waxaas iyo waxaas ama intaad Dad nool sida Xamar Caadada ka noqotay Madax furasho u qabsatid baad dhihikartaa Dalabkaas hala ii fuliyo, waxaana suurto gasha in Dalabkaagu haddii la helikaro ama uuna Boolis ku helin badanaa kuu fulo.

Dib u heshiin sidaas way ka duwan tahay oo Waxaa Sal u ah isu tanaasul iyo Hebalow maxaad ka tagikartaa iyo adna maxaad ka tagikartaa iyo baryo iyo walaalo, mana jirto Bostolad Madaxa la iska saaro oo la dhaho waxaas khasab ha la iigu sameeyo.

Kooxaha la heshiisiinayo Waxaa u dhaxeeya Dhexdhexaadiyayaal Shaqadoodu tahay in ay labada Dhinac isu soo jiidaan waxayna ka codsadaan Dadka la heshiisiinayo midkasta in uu wax ka tanaasulo, manajirto Koox siday rabto loo yeelo, ilayn meeshu Dalab ma ahan, maxkamad Garta mid u xukumeysana ma ahan ee waa Dib u heshiisiin.

Haddaba Dhaqanka Cabdiqaasim ma ahan mid Dib u heshiisiin ee wuxuu Bastoolad Dhafoorka kaga hayaa Gudiga IGAD oo ay Shaqadoodu tahay Dhexdhexaadin iyo in ay tixgaliyaan waxay inta badan isku raacaan,.wuxuuna Gudigaa ku khasbayaa in ay Dalabkiisa fuliyaan haddii kale in aanu Shirka ka qayb galayn.

Gorgortankii iyo isu Tanaasulkii Somalida ka dhaxeeyey ayuu u badalay Cabdiqaasim arin Isaga iyo IGAD ka dhaxeysa tahay, wuxuuna Qodob kasta oo laga doodayo Madax furasho u qabsadaa Qof Gudiga IGAD ka mida ah, si uu meesha uga saaray Dadkii la rabay in uu la xaajoodo oo Somalida ah.

Siyaasada Cabdiqaasin Wax ku cusub ma ahan in uu Dad kale kula galgasho waxa Somalida ka dhaxeey, maxaa yeelay bilowgii Carte meeshii uu la heshiin lahaa Hogaamiyayaashiin horti Hubka haystay wuxuu isku dayey in uu arinta ka dhigo in Somaliya Isaga iyo Itoobiya ku lagdamayaan, Wuxuuna ku dadaalay in uu Aduunka ka dhaadhiyo in uu Dhibku Itoobiya yahay, wax kastaana dhamaanayaan haddii ay faraha kala baxdo.

Sidaas ayuu Dagaalkii Jubooyinka ka dhacay ee isaga iyo Morgan dhexmaray ugu tilmaamay Dagaal isaga iyo Itoobiya ka dhaxeeyey. wuxuuna Arintaas taageero ugaga helay BBCda Laanta Afsomaliga oo iyadu isku dayday in ay Aduunka sidaas u tusiso.

Cabdiqaasim Wuxuu isku dayey in uu Itoobiya Bistoolad Warbaahin ka samaysan Dhafoorka ka saaro oo uu ku khasbo in ay sameyso wuxuu isagu rabo wuxuuna ku talo galay in Warbaahinta isaga raacsan oo ay kamid yihiin Hornafrik, STN, BBCda Laanta Afsomaliga iyo kuwo kale oo badan ay Itoobiya ku khasbi doonaan in ay Cabdiqaasim isu dhiibto.

Hadda oo Shir loo fadhiyo wuxuu Cabdiqaasim ku socdaa Siyaasadii uu waagii hore ku fashilmay, wuxuuna Dib u heshiintii Kooxaha Somaliyeed laga dhexwado u badalay mid Isaga iyo IGAD u dhaxaysa wuxuuna Beesha Caalamka iyo Warbahintii ka sugayaa in ay IGAD ku khasbaan in ay u sameeyaan siduu rabo.

Inkasta uu Cabdiqaasim Bastoolad Warbaahin ah, Qori Prof. Gaani iyo Prof. Samatar ah iyo waliba Banbooyin Ururo Bulsho ah IGAD Dhafoorka ka saaro, haddana waa Calaacashaa oo Timo ka soo baxaan in Dalabkiisu u hirgalo, maxaa yeelay meeshu waa Dib u heshiim ee Dalab ma ahan, IGADna wax Somali ka dhaxeeya Madax furasho Cabdiqaasim uma siinkarto.

Marka Qofkii raba in wax looga tanaasulo waa in uu Shirka yimaadaa oo uu ka qayb galayaasha Shirka inta badan ku qanciyaa in Fikradiisu Dalka iyo Dadka Dan u tahay, laakiin suurto gal ma ahan in Dastuur Dad ku dhaqmidoonaan Qof madax furosho loo siiyo.

Mahadsanid
m.jagne


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.