Bosaaso,
[MOL] 21 August 2003-Waa shirkad isgaarsiineed oo xarunteeda
u wayni ku taalo magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso
Waana shirkadii u horaysay ee keenta qalabka mopilka casiraga
ah ee GSM qiimo jabana ay ku qateen dadwaynaha reer Puntland.
shirkadu waxay ka mid ahayd shirkadihii ugu horeeyay ee
u fududaysay macaamiisheeda helitaanka akhbaaraha isku
dirsashada iyadoo la maraayo habka adeegsaga Interneetka
oo isna ah mid wax wayn taray dadka ehelkoodu ku kala
firiqsanyahay dunida daafaheeda, waxaa kaloo interneetka
laga helay faa'iidooyin badan sida waxbarashada, helitaanka
akhbaarta caalamka iyo dalka, xog baris kasta ama tijaabooyinka
teknoolajida aduunka u danbeeyey.
Shirkadu
waxay ay ku guulaysatay in ay Puntland oo dhan ka dhigto
hal xaafad oo la iska maqlo waayo waxay xarumo isgaarsiineed
ka furatay magaloyinta iyo tuuloyinka Puntland, waxaa
laga furay oo la geliyey landline iyo mopilka Qardho,
Garoowe, Gaalakacayo, Baran, Carmo, laascaano, Sheerbi
iyo Waaciye oo hada si toos ah laysagala hadlo iyadoo
si khad "Local" ah la maraayo waxaana taasi
u sahashay dadkii u soo safri jiray telfoonada awgood
in ay ku helaan si sahala ah iyagoo meeshoodii jooga.
dhinaca kale waxaa u fududaaday gancsatada iyo danyartaba
inay si joogtaa ugu xirnadaan qiimaha ascaarta halka wax
marayaan magaalooyinka Puntland oo dhan. Mopilka aad ka
qaadataa Boosaaso deegaank kasta oo shirkadu joogto waad
kaga hadli kartaa. guusha horumarkaas ayaa dadka reer
Puntland iyo raga ka miro dhaliyey hawshaasi waxay u tahay
farxad iyo horumar aayatiin fiican oo ku dayasho mudan.
Magaalada Boosaaso waxay maanta kahor marsantahay xaga
isgaarsiinta magaalooyin ama caasumado dawlado ay ka jiraan
oo dunida ka mid ah bil mataal Kenya, jabuuti iyo Itoobiya
waaxaana xaga isgaarsiinta kaga jaban Puntland.
Shirkada
Golis waxaa kaloo ay ka hirgelisya Boosaso Matoor dabdhaliye
ah oo shaqeeya 24 saac si joogta kasoo ay ka faa'iidaystaan
dadka leh meherdaha ganacsiga iyo xaafadaha degaanku oo
ay kaga haqab baleen helitaanka korantadii marna la waayi
jiray marna imaan jirtay. Shirkadini waxay ka duwantahay
shirkadaha kale ee ka jira dalka Soomaaliya waayo waa
shirkada keliya ee aan qaadan qof dumar ah oo shaqaale
ah qorshana aaneyba ugu jirin, dhanka shaqaalaha waxaa
kashaqeeya rag dhalinyaro ah oo reer Puntland ah oo aan
lagu qaadan qabiil eex iwm balse ku tegay imtixaan iyo
aqoontooda eebe siiyey waxaana ka hawl gala warbixinahii
ugu danbeeyey ee aan helay in ka badan 250 rag ah oo midkiiba
gacanta ku hayo qoysas uu saameeyey burburkii somaaliya.
dhanka macaamilka shirkadu waxay caan ku noqotay soo dhowayn
iyo xushmad ay siiso dadka ay u adeegayaan waxaa shirkadu
u qaybsantaa qaybo kala duwan mid kastaana ay gaar u leedahay
mamulkeeda iyadoo misna ay korka leedahay maamul guud
oo kantroola shaqada habsami u socdkeeda.
Shirkada
hal mar ayaa hakad galay hawsheeda shaqo tasoo ahayd intaan
shirkadu ka soo go'in shirkadii Barakaat oo Dawlada Maraykanku
ku soo rogtay Xayiraad lagalana wareegay waxii hanti u
tiil shirkadaas Dawladaha reer Galbeedka iyo Wadamada
Carabaha. khasaaraha intaasi le'eg oo haleelay hantiilayaashii
shirkada intii ay ka mid ahaayeen Shirkadii Albarakaat
ma dhaxalsiin inay siidaayaan shaqaalihii u shaqayn jiray
ee waxay u sabreen una dhabar adaygeen sidii mar kale
loo furi lahaa shirkada waana ku guulaysteen ka dib markii
ay gooni isu taageen lana baxeen Golis iyadoo markii hore
la oran jiray al Barkaat. mar xaflad loo sameeyey furitaankii
Xarunta Qardho oo ay igu casumeen masuuliyiinta shirkadu
ayaan waydiiyey maamulaha guud Axmed food Cade qorshayaasha
mustaqbalka ay higsanayaan waxuuna sheegay in ay ku talo
jiraan in ay isku xiraan soomaaliya oo dhan. foodcade
waxuu sheegay in shirkado kale oo ay bah yihiib iyana
hawshaan oo kale soo wadaan koonfurta iyo waqooyiga somaliya
waxaana mar hore laascaano soo gaaray qaybtii waqooyiga
oo aan arkay mar aan halkaasi booqday bishii hore. magaalo
kasta oo xarun laga furo waxaa shirkadu siisaa ganacsatada
xarumo yar yar oo qofku gaar u leeyahay lagana siinaayo
lacagta uu soo xereeyo shirkada jentawaale ama khidmad.
Haweenay fac ah oo aan wax ka waydiiyey faa'iidda ay ka
heshay talefoonka gurigeeda ugu jiray oo shirkadaasi u
gelisay wax ay ii sheegtay oo ugu sahalsanaa; goor habeenimo
ah ayaa waxaa soo weeraray kox burcad ah oo rabay in ay
dhacaan hantida xaafada taal, xiligaasi keligay baan ahaa
markii aan dareemay sharqanta iyo qoryaha muuqaalkooda
ayaan si yare ah u wacay booliska oo halkaasi gurmad ii
soo fidiyey oo lagu qabqabtay tuugaddii, dhanka kale ahelkayga
meelkasta oo ay joogaan waan la xiriiraa xataa kuwa aan
gaari waayo oo magalada igula nool.
Shirkadaani
waxay markii u horeeysay ku hantiday macaamiisha tiradaasi
leh si bilaasha ah oo qofku kirada keliya isaga bixinaayo
halka shirkadaha kale ay gelitaanka keliya yiraahdeen
50$ doolar maanta magaalada Boosaaso keliya waxaa laga
sitaa 3000 kun oo mopil ah halka magaaloyinka kale laga
filaayo tiro intaasi u dhiganta. Taleefoonada caadiga
ah ee gurayaha ku jira ayaa iyana dhaafay illaa 6000 oo
Line magaalooyinka kalena si la mid ah ama tiro u dhow
ayaa ku jira. telafoonada shirkadu waa kuwa xiligaan dadka
laga soo waco qurbaha ay inta badan ku kalsoonyihiin dhinaca
soo gelitaanka hawada iyo maqalkaba.
Nin
ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi oo aan wax ka waydiiyey
inuu xog kooban iga siiyo mustqabilka fog iyo kan dhow
ee shirkadu tiigsanayso ayaa yiri; waxaa qorshaysan in
ay mar dhow isku xirto Xamar hargysa ilaa raasi casayr
(Networka).
Maamulaha shirkadaasi Axmed Food cade oo ka hadlaayay
warsaxaafadeed ay ku qabteen huteel Huruuse Boosaso ayaa
sheegay in aaney lugu ku lahayn waxyaalihii lagu edeeyey,
waxuu saxafada goobtaasi ugu sheegay in shirkadan Golis
ay leeyihiin Ganacsato reer Puntland ah shirkadii Albarkaatna
ay kala baxeen garyaqaana loo qabtay sidii lokala saari
lahaa.
Waxuu kaloo sheegay in sheerka(share) shirkada ku soo
biiristu ay u furantahay shaqsi kasta oo reer putland
ah isagoo sheegay inta sheerka lagu noqon karo.
Shirkadu
waxaaney weli isku dayin in ay u kacdo dhanka degmooyinka
gobolka Bari marka laga reebo Qardho waayo Qandala iyo
Caluula oo ay ku noolyihiin shacab aad u tiro badan ayaan
weli la gaarsiin adeega shirkada. Mar sii horaysay Mar
aan wax ka waydiiyey mamaulaha shirkada sanadkii 2000
kun inay gayndoonaan taleefonada degmooyinkaa ayuu yiri
Sanadka soo socda Qorshaha ayeey noogu jiraan balse weli
fari kama qodno.
Shirkadaani
waxaan xasuustaa markii ay wadanka timid in ay isticmaali
jireen taleefoonadeeda dadka danyartaa oo u raacay gelintii
bilaashka ahayd xiligaasi lakiin waxay akhirkii isu bedeshay
siyaasad ganacsi oo ay shirkadu dheeraatay shirkadihii
tar ranka kula jiray sidoo kale waxaan xasuutaa magaalada
Boosaso oo daqiiqdii talefoonka ahayd lagu dirsan jiray
17 doolar halka ay maanta daqiiqadii tahay 70cen$ doolar
oo u dhiganta 18 kun oo shilin soomali ah.
Qiimaha
interneetka saacadii ayaa markii hore shirkadu ku bilowday
4$ doolar halka uu maanta maraayo 2$ doolar oo weliba
iminika ay socto shirkad kale oo wada hawsha interneetka
oo laga yaabo inay kan sii jebiso qiimaha si ay u gasho
tartanka gancsi oo hadda sii kululaaday.
Dhanka
korantada waxaa bishii xaafadaha iyo meherdaha sida joogtada
u siticmaal ay ka qadaa shirkadu $0.40 oo dhiginta shilin
soomaali 7000kun oo keliya magaalada Baran ayaa sidoo
kale shirkadu ay ka hirgelisay mashruuc koranto ah layr
ah oo shaqeeya 24 saac oo dhan xaafadaha oo dhana la geliyey
lagana qadaa qiimo isticmaalkoodu yar yahay iyadoo shirkadu
ay siisay qof walba saacad soo saaraysa isticmaalkiisa,
Sidoo kale magaalooyinka ay ku jirto oo dhan ayaa si joogtaa
looga helaa dab joogto ah oo ay shirkadu siinayso qofkii
raba inuu helo koronto joogta ah.
Shirkadaani
ma laha gaadiid ay ku rawaxaan shaqaalaha u shaqeeya halka
shirkadaha kale ay leeyihiin gawaari qaasa sidoo kale
maamulkeedu ma wataan gawaari, waa rag lugta jecel wallow
ay dadka qaar ku tiriyaan dad dabada ku haya diinta oo
lacagta jecel sidoo kale shaqaalaheedu ma laha dirays
looga garto dadka caadiga ah. marka aad dhex joogto xafiisyadooda
saacadaha tukashada oo kale waa xirantahay halka shirkadaha
kale ay joogan shaqaale aan saacadna xirin oo midkasta
markuu soo tukado kan kale salaada aado lakiin Golis waa
shirakad iyadu wadata habraaceeda shaqo waxaana dadka
dhaliila ay ku xantaan in raga badankiisa ka shaqeeyaa
ama dhamaantood ay yihiin asxaab diimeed rag isku bahaystay
lakiin ma aha wax cad oo dadka shacabku qabaan, aniga
qormadaan qorayaana aanan ku arag wax cadeeynaya eedaymahaas.
Dhanka
dawlada waxaa xiliyadii hore laga dareemi jiray qaar ka
mid ah masuuliyinta dawlada in ay kuunyaan horumarka baahsan
ee shirkada balse iminka waxaa muuqda daah fur iyo xiriir
wada shaqayn oo ka dhex socda laamaha dawlada iyo shirkada
waxaana jira in shirkadu ay u samayso dawlada khidmad
iyo tanaasulaad badan oo dhanka isgaarsiinta ah tasoo
ah waxqabad wayn dhanka socodsiinta hawlaha shaqada Dawlada.
Waxaa
intaasi dheer shirkadu waxay samaysay nambaro kala gaar
ah oo ay qaar leeyihiin shacabka qaarna dawlada qaarna
shaqaalaheeda si lagu kala garto oo aan la usugu khaldin,
waxaa intaasi dheer shirkadu meelaha lagu hayo ama u shaqeeya
danaha shacabka sida saldhigyada boliiska, Cusbataalada
iyo Iskoolada waxay siisaa igaarsiin bilaash ah oo deeq
ah.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
»»»»Warbixintii
Wacays ee Shirkadaha Dahabshiil
iyo Daallo Airlines:»»»»
QARAMADA
MIDOOBAY OO KA WALAACSAN HUBKA KUSII QULQULAYA SOOMAALIYA
NAIROBI,
21 August (IRIN) - Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay
ayaa walaac ka muujiyey hubka iyo saanada kusii qulquleysa
Soomaaliya.
Dareenkaasi
welwelka leh ayaa lagu muujiyey warbixin uu akhriyey
Fayssal Mekdad oo u dhashay Suuriya oo iminka heysa
Madaxtinimada Golaha Amaanka, waxaana uusoo baxay
kadib markii la dhageystay warbixinta gudiga cunaqabateynta
ee Golaha.
Afarta xubnood ee gudiga Khubarada ah ee loo xilsaaray
baaritaanka xadgudubyada cunaqabataynta hubka Soomaaliya,
ayaa waxaa bishii September ee sanadkii hore magacaabay
Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Kofi Annan, iyagoo
talooyin siiya gudiga cunaqabateynta ee Golaha Amaanka.
Warbixintu
waxa ay ku nuuxnuuxsatay in xubnaha Golaha ay mas'uul
ka yihiin inay si buuxda u hirgeliyaan cunaqabateynta
hubka ee saaran Soomaaliya.
"[Goluhu]
waxa uu mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in wadamada
gobolka, kooxaha Soomaalida iyo wadamada kale ee ku
lugta leh arrimaha Soomaaliya ay la shaqeeyaan kooxda
Khubarada ah ee loo xilsaaray baaritaanka xadgudubka
cunaqabateynta hubka Soomaaliya.
Ergo ka socota gudiga cunaqabteynta ayaana lagu wadaa
in bisha October ay booqasho ku yimaadaan gobolka
si ay usoo bandhigaan qorshaha ka go'an golaha ee
lagu hirgelinayo cunaqabateynta hubka.
[DHAMAAD]
Irinnews
|