Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Xadgudubyada Xuquuqul Aadanaha ee Xamar ka Dhaceen yaa la gala xisaabtamaa?
m.jagne

Markii la fiiriyo Baaxada Xadgudubyada Xuquuqda Aadamaha ee min Xamar ilaa iyo Kismanyo ka dhaceen walina ka socdaan waxay ahayd mar hore Somaliyana in laga furo Maxkamado u dhigmaan kuwii la saaray Mas´uulintii ka danbeeyeen Isirgoynadii ka dhaceen Ruwaanda, Jarmalka iyo Yuguslaafiya.

Maxaa yeelay Dagaalka Somaliya ka socda Qaab dabargoyneed buu leeyahay, mana ahan waxa dhacay wax la iska Indho tirikaro ama la iloobikaro ilayn waxaa cad oo aan Cidna ka qarsoonayn Noocyada Xadgudubyada Dalka ka dhaceen iyo Dadkii gaysteen.

Waxaase jiraan isku dayo Danbiilayaasha lagu dadayo, Danbigiina lagu dafirayo waxaanad arkaysaa kuwii Danbiga ugu badan Dalka iyo Dadkaba ka galeen, mas´uulna ka ahaayeen Musiibada Somaliya ka dhacday oo adeegsanayaan Oodhaahda tiraa "Qumayo intaadan Qumayo oran bay Qumayo ku tiraa"., oo Farta ku fiiqayaan Dad kale kuna eedaynayaan in ay Xuquuqda Aadamaha ku xadgudbeen.

Warbaahinta iyo Ururada isku magacaabaan kuwa Xuquuqul Aadamaha difaaca ee Xamar ayaa Hab Danbiilayaasha lagu qariyo heleen, waxayna Dilka, Kufsi iyo Afduubka min Kismanyo ilaa iyo Xamar ka dhaca Madax ka saaraan Mooryaan aan meel loo raaco lahayn, meesha Mas´uulintii ay Mooryaantu midiidinta u ahaayeen. aanay magacaabin. waxayna warbixinada u soo qoraan sidatan.

  • Waxay sheegaan in Xamar Xaafad ka mid ah Dad lagu afduubay ama lagu dilay mana soo hadal qaadaan Hogaamiyaha hoostiisa Dadka lagu haysto ama lagu dilay.
  • Sidoo kale Maalishiyo ayaa Dad dishay, afduubtay, dhacday ama Dumar kufsatay ayaa Hadalka lagu soo koobaa la mana sheego Heybtooda Malishiyooyinkaa, Madaxdii wadatay.iyo Mas´uulintii soo direen.

Waxaana Sawirka Guud ee ay Saxaafada iyo Ururada Xamar bixiyaan kaaga soo baxaya in Xamar tahay meel Mooryaani haysato oo aan Mas´uulin joogin.

Sawirkaase ma sii raago markii Sad ama Siyaasad laga hadlayso oo meeshii ay Mooryaantu haysatay waxay yeelataa Mas´uuliin iyo Hogaamiyayaal aan Hoostooda laga hadlikarin, la´aantoodna aan waxba meeshaas laga samayn karin, waxana la sheegaan in Hogaamiye Hebal Aagaas ka taliyo, wixii ka dhacana isagu mas´uul ka yahay wixii Kaalmo iyo Siyaasad ahna ay tahay in isaga la gala hadlo.

Isla waqtiga ay Warbahintaasi iyo Ururadaasi oo kaashanaya BBCda Laanta Afsomaliga ay sidaas ugu dadaalayaan in ay Danbilayaasha Xamar qariyaan, Musiibada min Xamar ilaa iyo Kismanyo ka dhacdayna Mas´uuliyadeeda ay Mooryaan u saaraan waxay dhinaca kale isku dayaan in ay waxa Puntland ka dhaca dhumuc uuna lahaayn u yeelaan, waxayna wixii xunba u xanbaariyaan Maamulka Puntland.

Danbi iska duga Beelaha Xamar iyo Hargaysa daga ee Dadanta dhasheen kuma eka intaa ee xataa waagii alle ha u naxariistee Siyaad Bare ayaa Ragii Siyaad Bare la shaqeynayeen oo qaarkood Xabsiyad u hayeen qaarna ay Wasiiro ahaayeen ama ay Mulatariga ku jireen oo Mus´uul ka ahaayeen wixii Wadanka ka dhacay ayaa loogu qiil dayejiray "Hebel waxba ma uuna dhimin ee Dhalaankiisa ayuu korsanayey ama Hebal Wadankiisuu u shaqaynayey ee muxuu meesha ka ahaa ", waxaana isla waqtigaa Danbi iyo Eedayn Dusha looga tuurijiray qaar aan Maamulka Meherad fiican ka hayn oo u dhasheen Beelaha Daalacanta dhashay.

Haddana wax badan iskama badalin oo meesha waagii hore Danbilayaasha loogu qiil dayijiray Dhalaankiisuu u shaqaytaa ee waxba ma uuna dhimin, hadda waxaa la yiraa Dhalaankii iyagaa mooryaan ah oo iskood isu masruufaan Danbigana galeen, , sidaas ayaan wali loo hayn Mas´uulin wixii min Xamar ilaa iyo Kismanyo ka dhacay la galo xisaabtamo.

Marmar waxaa kugu soo dhacaysa malaha waa dhabe Xamar ma joogaan Dad qaangaar u ah in loo qabsado Xadgudubyadii Somaliya ka dhaceen, maxaa yeelay waxaad arkaysaa kuwii la rabay in ay Ciida hoos u xamartaan markay maqlaan Erayga Xadgudub Xuquuqul Aadamaha oo iyagii Eraygii ku hadaaqayaan, isuna haysan in ay wax haleeyeen.

Siday doonta Arintu ha ahaatee Waxaa xaqiiq ah in aanay haboonayn in uu qodqodo Qofi Dhagax ka lusha Gabi uu hoos fadhiya ama in uu Dhagax tuuro Qof dagan Guri Dhalo ah, maxaa yeelay markuu Aduunku Danbigii Somaliya ka dhacay u soo jeesto oo uu furo Dacwada ku saabsan sidii Somaliya Xuquuqul Aadamaha loogu xagdudbay waxaa hubaal ah in Xaqu Feeraha ka dilaacayo, Been iyo Borobagando iyo Homepage Been lagu soo qoraana ama Urur Beeleed oo Erayga Xuquuqul Aadamaha ka Bayac mushtara Been uu maleegay in aanay marna Raad yeelan doonin.

Su´aalaha aan qiil marna loo lehi doonina ay ka mid yihiin;

1. Xadgudubyada Xamar ka Dhaceen yaa la gala xisaabtamaa?
2. Yaa Masuul ka ahaa Masiiboyinka Somaliya ka dhacday?
3. Min Xamar ilaa Kismayno ilaa iyo Baydhabo waxaa lagu dilay Malaayiin Qof´e ee yaa dilay?
4. Yaa ka danbeeyey Dilkii loo gaystay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Hogaamiye Dhaqameedyo, iyo Dadkii Biri ma goysada ahaa ee Xamar ilaa Kismanyo iyo waliba ilaa Baydhabo lagu dilay?
5. Yaa dagan Guryihii Dadka oo xalaashaday Xoolo iyo Beero booli ah?
6. Yaa ka danbeeey kuwa wax afduubaan iyo kuwa wax kufsadaan?
7. Yey u shaqeeyaan Dadka wax biliqaystaan?
8. Yaa Dalka Daroogo ku beeray kuweese ka dhoofiyaan?
9. ........iwm

mahadsanid
m.jagne


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.