 |
G/A/S
Guuleed
M. Cali |
Khartoum
,
[MOL] 19 August 2003-Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan
dalka Sudan waxaa ay todobaadkan ku mashquul sanaayeen
ololaha doorashada madaxa ardayda soomaaliyeed ee dalka
suudaan.
ururka ardayda soomaaliyeed ee Sudan waxaa la aas-aasay
sanadii 1972, waxaana la sheegaa in uu ka mid ahaa aasaa-sayaashii
ururka C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ah siyaasi wayn
oo dalka Soomaaliya oo dhan laga yaqaan waxaana uu ahaa
madaxweynihii ugu horeeyey ee maamulka isku magcaaba Jamhuuriyada
Soomaaliland
Doorashada
madaxda ururka ardayda oo sanadkiiba mar laqabto waxaa
ladoortaa oo loo tartamaa 22 xubnood oo uu ka mid yahay
Gudoomiyaha ardayda, ku xigeenkiis iyo walib labada
gole ee kala ah golaha fulinta iyo golaha talabixinta(shuurada)
xubnahaani dhamaantood waxaa ladoortaa hal maalin, waxaana
lagu doortaa goob kaliya.
 |
qaar
ka mida wafuud ka timid jaamacad EAU
|
 |
Adayda
oo dhagaysanaysa sida doorashadu u socoto
|
 |
Ardayda
oo isku diyaarinaysa codbixinta
|
 |
gudiga
doorashada oo diyaarinaya warqadaha codbixinta
|
Doorashadani
sanadkaan waxaa ay ahayd mid aad u xamaasad yar marka
loo fiiriyo kuwii ka horeeyay dad badan oo goob joog
usoo ahaa doorashooyin badan ayaa waxaa ay ku macneeyeen
ama ka baxsheen jawaabo kala duwan sikastaba ha ahaatee
doorashada sanadkani waxay kaga duwanayd doorashooyinkii
hore arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen gabdhaha ardayda
ah oo iyagu ku codaynayey meel gooni ah halka waayadii
hore ay goob kaliya ku wada codayn jireen ardaydoo dhan.
sidoo
kale waxaa aad ubadatay sanadkan tirada ardayda codkooda
dhiibanayey waxaana ay gaareen sanadkan ilaa 925 qof
oo isugu jira wiilal iyo gabdho halka ay sanadkii hore
ka ahaayeen 645 qof sida uu ii sheegay C/laahi cali
cabdi (xanaf) oo isagu ka mid ahaa murashaxiinta.
Codbixintu
waxaa ay dhacday 15/8/2003 oo ahayda subax jimce ah,
taasoo suura galisay dhamaan ardaydu inay codkooda dhiibtaan
intii aan laguda galin cod bixinta. Waxaa isla goobtaas
ka soo jeediyey khudbad dheer oo ubadnayd warbixin ay
kaga warbixinayeen wax qabad koodii intii ay xilka hayeen
qaar kamid ahaa madaxdii maamulkii xiligoodii uu dhamaaday
waxaana ay xilkoodii ku wareejiyeen Gudiga doorshada,
kadibna waxaa la wareegay agaasinka iyo maamulka goobta
codbixinta Gudiga doorashada waxaan ay murashaxiinta
ugu yeereen in ay soo is taagaan codbixiyayasha hortooda,
ayadoo Murashaxiinta urashaxnayd jagooyinkaas kala duwani
ay gaarayeen 42 musharax.
Ardayda ka soo jeeday Gobolada P/L oo tira ahaan aan
ka badnayn 105 ayaa waxay ku lahaayeen murashaxiintaas
7 xunbood oo ay u xusheen in ay loolankaas uga qayb
galaan mudo yar kadibna waxaa la guda galay bixinta
codadka, inkastoo ay socotay tirada codadka mudo sadex
cisho ah, waxaa si aad ah loo hadal hayey mudadaasi
cida sanadkan ku guulaysan doonta maxtinimada ururka
ardada ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada kama
danbaysta ah.
waxaana
ku soo baxay Madaxnimada Ururka Mudane: Guuleed Max'ed
Cali isagoo helay codad gaaraya 351 cod, waxaa kaloo
isna noqday ninka labaad xaga codadka C/salaan C/laahi
Jaamac labadooduna waxaa ay ka mid ahaayeen 7 xubnood
ee ka soo jeeday Gobolada P/L, iyagoo noqday kuwii ugu
horeeye ee jagadaas oo kale ka qabta ururka ardayda
oo kayimaad M/G/P/L.Dad
badan ayaa waxay iswaydiinayaan sida guusha intaa le,eg
ay ku gaareen ardayda reer P/L oo tiro ahaan aad u yar,
waxaase su,aashaas jawaab ka bixiyey Mr:Faarax Cali
Xirsi oo isagu ah ninka uqaabilsan arimaha dibada ururka
ardayda p/l ee Sudan, wuxuuna yiri waxaa guushaan lagu
gaaray isku duubni iyo xiriirro aan lasamaynay qaar
kamida ah ardayda soomaaliyeed wuxuu intaa ku daray
in arinkaani uu tusaale u yahay siyaasad wanaaga ardayda
P/L iyo kalsoonida ardayda soomaliyeed ay ku qabaan
walaalahooda reer P/L.
Hadaba
marka laga soo tago guushaas wayn ee ay gaareen reer
P/L waxaa utaala maamulka cusub ee uu madax ka yahay
Mr; Guuleed Maxmed Cali hawlo aad ufaro badan waxaana
looga baahan yahay in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah
oo usuuro galin kara ama ay ku kasban karaan in markale
ladoorto.
Mohamed
Hassan Yosuf, Khartoum, Suudaan.
Mudugonline.com