Bosaaso,
[MOL] 18 August 2003- waxaa xalay abaarihii 10-kii fiidnimo
la soo dhigay ka soo hor jeedka Gufure spare parts ilmo
xalay dhashay oo banaanka la soo dhigay loogana tagay
ayaa dadka qaar arkeen waxaana hilibkiisi lagu arkay laamiga
korkiisa. Ilmahaasi oo lagu soo tuuray lana geliyey god
ka mid ah meelaha laamiga ka bur buray isagoo bac lagu
qafilay ayaa waxaa isla saacdihiiba jiiray Baabauurtii
wadada mareeysay oo aan la socan waxa yaalay wadada. ilaa
xalay kowdi habeenimo ayaa baabuurtu kor marayeen hilibka
ilmahaasi yarkaa waxuuna laamiga ku noqday sidii hilib
shiidan oo kale waxaana hilibksii lagaga guray laamiga
gacmaha iyo waxii qalab kale ah oo la heli karay. Xalay
waaberkii ayaa masaajida lagaga qayliyey falkaa naxdinta
lahaa si dadka loo ogaysiiyo.
Ilaa
asbuucaan ayaa waxaa magaalada Bosaaso indhahaygu qabteen
in ka badan toban caruur ah oo derbiyada la soo dhigay
ama lagu soo xooray hoyooyin qaarkood ilmayaashaasi qaateey
ayaa u sheegay Mudugonline in ay ku faraxsanyihin helitaanka
caruur aan cidna sheeganayn oo ay iyagu xanaanaystaan.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Tababar
saaka u furmay ciidankii GBP ee booliiska lagu daray
Bosaaso,
[MOL] 18 August 2003- Waxaa saaka subaxnimadii ka furmay
hoolka shirarka Huteel Gacayte siminaar loogu talagalay
qaar ka mida ah ciidamada booliska Puntland. Ciidamadaas
oo awal ka mid ahaa ciidankii Mucaaradka Puntland ayaa
qeybtaan waxaa lagu daray ciidanka Boolisska Puntland.
Waxaa siminaarkaasi socon doonaa mudo dhan 15 cisho iyadoo
lagu bari doono ciidankaasi dabagalka danbiyada, baarista
dacwadaha, anshaxa ciidanka iyo macluumad kale oo la xiriira
shaqooyinka booliiska.
Intii
aan la furin xaflada siminaarka ayaa waxaa ciidanka si
gaar ah oo waano ah ula hadlay Cabdulaahi Siciid Samatar
oo Puntland horay u ahaa sadexdii sano ee hore taliyaha
ciidanka boliiska puntland. Intaasi ka dib waxaa la guda
galay xafladii furitaanka siminaarka oo ay ka soo qayb
galeen masuuliyiinta gobolka oo ay ka mid ahaayeen xaaji
bakiin gudoomiyaha gobolka, taliyaha qaybta, taliyaha
ciidanka booliiska puntland, xilhayaha dawlada iyo masuuliyiin
badan oo halkaasi ka jeediyey khudbado la xirira ciidanka
shaqadiisa iyo waano isugu jira.
Kooxaha
fanaaniinta gobolka ayaa iyana halkaasi ka qaaday heeso
khuseeya boliiska oo beer qaaday dadkii ka soo qayb galay
xafladaasi. Abwaan Xasan Guulwade oo isna ah abwaan soomaaliyeed
ayaa halkaasi ka jeediyay gabayo iyo heeso uu kula dardaarmayay
madaxdii iyo ciidankii goobtaas joogay.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Dadka
ka soo laabanaya qurbaha oo Bosaaso ku soo badanaya
Bosaaso,
[MOL] 18 August 2003- Waxaa beryahan danbe ku soo badanaaya
magaalada Boosaaso dadka ka soo dalxiis tagay ama xagaa
baxa u soo aaday degaanka puntland. Garoomada iyo Huteelada
Boosaso ayaa ku mashquulay soo dhawynta iyo dajinta dadkaasi
ka imaanaya qurabaha gaar ahaan dalalka Yurub.
Idil
Siciid waa gabar in mudo ah ku noolayd dalka Sweden waxayna
ku soo gaartay Bosaaso reerkoodi oo degan oo ay mudo la
joogtay, xalay ayaan waxaa Idil ku booqday goob loogu
dhigay xaflad amaba bixin ah oo lagu sagootinaayay bixitaankeeda
ay dib ugu laabanayso wadanka sweden waxaana xafladaasi
ka qayb galay masuuliyiin ka socota maamulka puntland
oo lagu cusamay iyo dadweyne aad u tiro badan iyo fananiin.
idil oo aan kala sheekaystay xaalada Yurub ayaa ii sheegtay
in dalkaaga Hooyo aanay jirin wax la siistaa waxay yurub
ku tilmaantay nolol yar.
Qaar
kale oo ka mid ah dadka qurabaha ka yimid oo aan wax ka
waydiiyey bal siday u arkaan dalka ayaa aad u soo dhoweeyay
dalkooda hooyo imaatinkiisa iyagoo sheegay in aan wax
la siista jirin waxa aad dareemaysid markaad wadankaada
timaadid.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Muran
Kismaayo ka taagan xilal uu magacaabay Seeraar
Muqdisho,
(AllPuntland)- Masuuliyiinta sar sare ee maamulka isbahaysiga
haysta Kismaayo ee ka kooban beelaha garab SNF ah iyo
garabyo USC ah, ayaa si weyn isugu khilaafay maamulka
cusub ee uu dekadda u magacaabay guddoomiye ku xigeenka
is-bahaysiga haysta Kismaayo, ninka lagu magacaabo Seeraar.
Shir
laba maalmood aan loo kala kicin ayaa keenay in Barre
Hiiraale, guddomiyaha is-bahaysigu uu diiday inuu saxiixo
xubnaha cusub ee lagu wareejiyey dekadda iyo Airport.
Hiraale
wuxuu sheegay in ay xiisad dhalin karto magacaabidda xubnaha
oo 95% ka soo wada jeeda beesha USC.
Waxaa
bishii July magacaabid tani la mid ah oo uu Seeraar ku
magacaabay xubno beeshiisa ah oo badalayay kuwii horay
u joogay ee beesha Barre, ka dhashay is rasaasayn dhex
marta beelaha Mareexaan iyo Cayr, inkastoo markaas ka
dib laga noqday magacaabistaas hore.
Sida
ay xaqiijiyeen dad ku dhowdhow Barre Hiiraale, go'aankaan
cusub ee Seeraar soosaaray wuu uga darnaa Barre dib ugu
noqoshada shirka Somalida uga socda Nairobi.
Isla
wararkaasi waxay xaqiijiyeen in sida uu ahaa magacabidda
maamulka cusub ee dekadda ee uu qoray Seeraar ay ahayd
sidaan:
- Maamulaha
dekadda-USC-Duduble.
- Xisaabiyaha
dekadda-USC Samaale
- Madaxa
ilaalada dekadda, USC-Cayr
- Kormeeraha
dekadda, SNF.
Sida
ay wararka Kismaayo sheegayaan, ragga cusub ee Seerar
magacaabay waxay bilaabeen hawlihii uu u magacaabay intii
uusan Barre saxiixin warqadii oo uu muddo diidanaa, hase
ahaatee markii dambe ay khasab ku noqotay inuu saxiixo
ka dib markii lagu qanciyey in beeshiisu qayb kaliya ka
tahay beelaha xukuma magaalada Kismaayo, sidaa darteed
ay waajib tahay in la qaybsado ilaha dhaqaaluhu ka soo
xaroodo.
Garabka
SNF ee is-bahaysigaas ku jira wuxuu noqday mid lagaga
cod bato had iyo jeer shirarka ay yeeshaan beelaha is-bahaysiga
ku wada jira, oo ay uga badan yihiin beelaha USC-da.
AllPuntland
Maxame
Dheere “C/Qaasim Dhul Uu Xukumo Ma Jirto, Barre Hiiraalana
Deegaankiisu Waa Gado Iyo Galgaduud"
Hogaamiye
kooxeedka Max’ed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ka mid ah
xubnaha Golaha SRRC ee ka qeyb qaadanaya shirka Mbagati
aya ashegay in Marxalada Shirka dib u heshiisiinta uu
marayo meel fiican haddii shirku miro dhal noqon waayana
ay shir dib u heshiisiin golaha SRRC ka qaban qaabin doonaan
gudaha Soomaaliya.
Wuxuu
sheegay Max’ed Dheere in SRRC aysan marnaba ogoleyn in
Shirka lahakiyo maadaama uu soo Jiitamayey muddo ku dhow
1 sano, Waxaa uusheegay Maxame Dheere “C/Qaasim Dhul Uu
Xukumo Ma Jirto, Barre Hiiraalana Deegaankiisu Waa Gado
Iyo Galgaduud waxeyna aheyd inuu nabadeynta ka soo bilaabo
Golahaasi ee ma ahayn in shir uuka abaabulo Magaalada
Kismaayo” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in wax natiijo
ah aysan ka soo baxeyn shir lagu fura Kismaayo xilligan
oo loo fadhiyo shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed.
Mr.
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) wuxuu gaashaanka
ku dhuftay iney SRRC ay soo qaban qaabisay Banaanbax lagu
doonayay in lagu gubo calanka Masar, Talyaaniga iyo Jabuuti.
Allsomali
|