Ottawa, [MOL] 16 August 2003- Waxaa Maanta
Magaalada Riyad ku geeriyooday illaahay ha u naxariistee
Idi Amiin oo ahaan jiray Madaxweynaha Wadanka Uganda.
Idi Amiin ayaa 18-kii bishii July la dhigay Cusbitaal
ku yaal magaalada Jedah ee dalka sacuudiga oo ku noolaa
mudo dhawr iyo toban sanno ah ka dib markii cudur aan
la garanayn ku soo booday uuna miyir beelay.
Idi Amiin oo xukunka ay ka qaadeen Dawlado
xulufo ah oo ay hogaaminaysay Dawlada Tanzaaniya ayna
caawinayeen Dawladaha reer Galbeedka sannadkii 1979
ayaa waxuu qaxootinimo u joogay wadanka Liibiya ka dibna
uu uga wareegay wadanka Sacuudiga. Idi amiin ayaa la
sheegay markuu qaatay diinta Islaamka inuu ka caraysiiyay
Dawlado badan oo reer galbeed ah oo ay ugu horeeyeen
Yahuuda iyo Dawlada Ingiriiska. waxyaabaha lagu xasuusto
Iidi Amiin ayaa waxaa ka mid ahaa inuu reer galbeedka
si xun ula dhaqmi jiray isagoo yiri waxaan ka goynayaa
dhibaatooyinkii ay gaarsiiyeen wadamada Afrika xiligii
gumaysiga. waxaa kaloo dad badan ku xasuustaan Iidi
Amiin inuu ahaa ninkii ugu horeeyay uguna dambeeyay
oo Afrikan ah oo wadankiisa ka cayrshay kalana wareegay
hanti waxii ay lahaayeen dadka Hindida oo uu ku eedeeyay
inay duminayaan dhaqaalaha wadanka arintaas oo la sheego
inay ahayd cadaalad daradii ugu weynayd oo uu sameeyo
Iidi Amiin.
Wadanka Somaliya ayaa si fiican looga
yaqaanay Idi Amiin isagoo dhawr jeer safar ku yimid
Somaliya. waxaana la sheegay in Idi Amiin aad u jeclaa
Somalida iyo Somaliya taas oo la sheegay inay la xiriirto
aqoon uu u lahaa oo uu wadanka Somaliya marar badan
shaqo loo keenay isagoo ku jiray ciidamadii gumaysiga
Ingiriiska dagaalkii labaad ka hor.
Waxaa kaloo lagu yaqaanay Iidi amiin inuu
ahaa nin aad u jecel diintiisa cusub ee Islaamka oo
la sheegay inuu ahaa nin ku dhaqma.
Mudugonline.com
Markab
ku xayirmay Dekada Bosaaso oo maanta ka baxay
Bosaaso, [MOL] 16 August 2003- Waxaa maanta ka baxay
meel u dhow dekada Bosaaso Markab mudo dhowr cisho ah
ku xayiraa dekada Boosaaso, markabkaasi oo ka soo dhoofay
awal dalka Hindiya ayaa Boosaaso keenay Xamuul Sonkor
iyo Bariis ah, Waxaana sababay in markankaasi xayirmo
ka dib markii uu ku caaryay meel u dhaw dekeda ka dib
markii kabtankii waday markabkaas ku adkaystay inuu isagu
ka saarayo dekda oo uu diiday ragii hagi jiray kani saari
jiray maraakiibta dekada.
Maanta ayaa lagu guulaystay in Markabkaas laga saaro
dekada oo uu ku hayay qatar deegaan iyo mid nabadgalyaba.
Isla Maanta ayaa Markabkaasi ka shiraacday magaalada Bosaaso
isagoo u sii jeeda dalkii uu ka yimid.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Gudoomiyaha
degmada Caluula oo xabsiga ku jira
Bosaaso, [MOL] 16 August 2003- waxaa ku xiran saldhiga
magaalada Boosaaso gudoomiyihii degmada caluula oo la
soo xiray asbuucaan ka dib markii uu wareegto uu soo saaray
wasiirka Dawladaha Hoose oo tixraacaayo Qoraal siihayaha
xilka Madaxweynaha iyo odayaasha degmada Caluula ay ku
codsadeen in Jagadaasi si ku meel gaara loogu dhiibo Xareed
Ciise Cumar.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo isna maanta qoraal
soo saray ayaa ku sheegayo in aan la bedeli karin gudoomiyii
hore ee degmada caluula si ku meel gaar ah iyo mid joogto
ah toona madaama sharcigii Dawlada hoose iyo degmooyinka
hada la ansixiyey si doorasho loo qabto. markaasna qofkii
dadka deegaanku ku qancaan ku soo bixi doono doorashooyinka.
Dhanka kale waxaa maanta golaha Baarlamaanka Puntland
ansixiyeen 16 ka mida wasiiro ku-xigeenada iyo hal wasiiro
Dawlo.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|