Qardho, [MOL] 16 August 2003- Gudoomiyaha Degmada Qardho
ayaa maanta Dhanbaal uu soo saaray ku sheegay inay biyo
la’aan ba'ani ka jirto deegaanka Qardho, gudoomiyuhu wuxuu
kaloo sheegay in iyadana xaalufin ba’an lagu hayo deegaanka
wuxuuna ka codsaday dadka deegaanka inay xaq dhawraan
dhirta iyo deegaanka oo u ah laf dhabar xoolaha iyo dadka
ku nool deegaankaas, wuxuu kaloo tilmaamay in kaymihii
deegaanka Qardho caanka ku ahaa ay maanta yihiin meelo
gubato martay.
Gudoomiyuhu wuxuu ka codsaday Dowlad Gobeleedka Puntland
iyo Hay’adaha Caalamka inay biyo la soo gaaraan deegaanka
Qardho si buu yiri loo badbaadiyo xoolaha iyo dadka intaba.
Biyo la'anta ayaa ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee sanad
walba lasoo gudboonaada Deegaano badan oo Puntland ka
mida waxaana ku cayrooba dad badan waxaana ku dhinta sanad
walba xoola aad u fara badan oo hadii ay biyo heli lahaayeen
badbaadi lahaa.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Xadraawi oo
loo Diiday inuu Socdaalkiisa Gaarsiiyo Maamulka Somaliland
Laascaano, [MOL] 16 August 2003-:Dawladda Somaliland
ayaa sheegtay inaysan wadankeeda u ogalaanayn inuu socdaal
ku maro Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame
Hadraawi. Abwaanku wuxuu in muddo ah socdaal nabadeed
ku marayay koonfurta Somaliya iyo Gobolada Puntland wuxuuna
shalay socdaalkiisa ku soo gabagabeeyey Magaalada Laascaanood.
Abwaanku wuxuu damacsanaa inuu dhammaan wadanka oo dhan
gaarsiiyo safarkiisa haseyeeshee maanta ayaa loo sheegay
inuusan ruqsad u haysan inuu sodcaal ku maro Deegaanada
uu ka taliyo Maamulka Somaliland, waxaana maamulka Somaliland
Sheegay inaysan Somaliya ka midahayn Socdaalka nabaduna
uusan iyaga qusayn, balse loo baaahan yahay in Koonfurta
Somaliya nabad iyo dowlad loo raadiyo. Abwaan Xadraawi
ayaa isagu ka mid ah dadka doonaya in Somaliya ay noqoto
Dawlad Qura aadna u diidan Sheegashada Dawlanimada ee
Somaliland.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Kulan Looga
hadlayay Cudurka Aidska oo Maanta ka Dhacay Garoonka Kubadda
Cagta ee Boosaaso
Bosaaso, [MOL] 16 August 2003- Ururda Bulshada oo ay
Hormood ka yihiin Ururka Dhalinyarada Puntland ayaa maanta
ku qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Boosaaso
kulan looga hadlayay ka hortagga cudurka Dilaagaa ee Aids-ka
loo yaqaan, kulankaan ayaa lagu sheegay in cudurka Aids-ku
uu fara ba’an ku hayo Wadanka Somaliya loona baahanyahay
in dadka wacyi-galin dheeraada ah laga siiyo habka uu
cudurka Aids-ku u faafo loona kala qaado, waxay kaloo
sheegeen in cudurku aad ugu badanayo dadka da’yartaa ama
aan guursan.
Khubaradii kulankaa ka hadashay ayaa sheegay in Guurku
yahay ka hortagga ugu wanaagsan ee Cudurka Aids-ka, waxay
kaloo sheegeen dadka xera dhaafka yaqaanna laftoodu inay
ku suganyihiin khatar aad u badan. Goobaha qaadka lagu
cuno ayay iyadana ku sheegeen inay tahay xarunta uu Aids-ku
ka soo faafo waxayna ku boorriyeen Maamulka Puntland iyo
Hay’adaha Caafimaadka in bulshada la wacyi galiyo. Dadka
Wadanka Dibadda uga soo laabanaya ayaa iyagana la sheegay
in qaarkood ay qabaan cudurka gaar ahaan dhalinta ka imaanaysa
wadamada Ethiopia iyo Kenya oo ah wadanmada uu Aidsku
sida ba’an faraha ugu hayo uguna faafay.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Muuse Suudi oo ciidan u diray
Kismaayo
Muqdisho, (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya
magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa
sheegaya in Hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow
uu magaalada Kismaayo u diray ciidan iyo tikniko ka
qayb qaadanaya waxa ay ugu yeeray difaaca magaalada
Kismaayo.
wararka halkaasi naga soo gaaraya waxa ay tilmaamyaan
ilaa iyo laba iyo toban gaari oo nooca dagaalka ee tiknikada
loo yaqaano oo uu leeyahay hogaamiye kooxeedka Muuse Yelexow
in ay gaareen halkaasi sida ay ku soo warameen dad xog
ogaal ah oo ku sugan Kismaayo.
Muuse Suudi Yelexow ayaa la filayaa in asna inuu yimaado
wakhtiyada inagu soo socda magaalada Kismaayo, isagoo
kasoo tagaya shirka Somalida oo uu isaga baxay dhawaan.
AllPuntland
|