Ottawa, [MOL] 15 Aug-
Shalay galab markay saacadu ahayd 4:30 waqtiga bariga
waqooyiga ameerika ayaa waxaa ka go'ay korontadii gobolo
badan oo ku yaal Bariga qaaradan Waqooyiga America ka
dib markii ay qalabkii soo saari jiray Korontada qaadi
waayay baahida Korontada ee jirtay. Magaaloyinka Toronto,
Ottawa, New York, boston, iyo magaalooyin kale oo badan
ayaa Koronto la'aan ah. Korontada oo ay ku shaqeeyaan
qalabka casriga ah ee dadka noloshoodu ku xiran tahay
sida qaboojiyaasha, qalabka cuntada lagu karsado ayaa
waqti yar gudahooda waxaa lagu dareemay ciriiri dhinac
walba ah. Mudugonline waxuu ka mid yahay website-yo aan
badnayn lagana maamulo Waqooyiga Ameerika oo aysan arintaasi
saamayn ku yeelan annagoo ka sii taxadarnay arimahaas
walise aanan ogayn inay na saamayn doonto haddii aan xal
deg deg ah loo helin celida Korontada ee hadda jirta.
Waxaan aqristayaasha
u balan qaadaynaa intii tabarteena inaan sii wadi doono
macluumaadkii iyo wararkii ay nooga barteen inta ay laga
xalinayo ciladaan.
Mudugonline.com
Warbixin Weriyaheena
Sheekhaduun ka soo diray Xafladii iskudar Ciidamada mucaaradka
iyo kuwa Daraawiishta
Qardho, [MOL] 15 Aug- Waxaa saaka subaxnimadii ka dhacday
xerada Xorgoble oo fariisan u ahayd ciidanka daraawshita
puntland xaflad la issu daray ciidanka jabhadii GBB iyo
kuwii daraawshiita Puntland si ay u wada noqdaan Darawiishta
Puntland. Xafladaasi waxaa soo qabanqaabshey Taliyaha
ciidanka daraawiishta puntland Col C/lahi Cali Mire Carays
waxaana goob joog ka ahaa isimo uu ka mid yahay Boqor
Maxamuud Boqar Muuse iyo qaar kale, dhanka dawlada waxaa
ka socday wasiirka ganacsiga ahna siihayaha xilka dawlda
faarax Dooxa Joog iyo wasiirka qorshaynta iyo tiro koobka
Maxmuud warsame shido.
Xafldaasi oo ahyd mid si heer sare ah loo agaasimay
waxaa hadalo qiimo badan ka jeediyey taliyaha ciidanka
iyo boqorka oo duco qiime leh u jeediyey dhamaan askarta
iyo in eebe quluubtooda isu hagaajiyo kooxaha ciidamada
darwaashita Horseed ayaa tumaayey heeso qiiro leh iyadoo
kooxda Banbayga loo yaqaan ay la gaafwareegayeen ciyaaro
kal duwan oo ay ka mid ahaayeen gaada ka ciyaar, Walso
shinbar, gabalay Saylici. iyo qaar kale yaa goobtaasi
lagu soo bandhigay dhamaan dadwyne ha reer qardhood iyo
marti sharaf badan ayaa ka soo qayb galay oo dhamaantood
qushuucsanaa. abaanduulka ciidanka Siciid dheere ayaa
amar ku bixiyey in aan askari qori la mari karaa jirin
kii lagu helona la xiri doono. mid ka mid ah nabadoonada
qardho oo lagu magacaabo Maxamed Aadan ayaa ku wargeliyey
reer Qardhoodka in ay dhamaatay magacii hirdifaag iyo
maryo calasta oo ahayd hadal ay dadku ku caayaan askarta
waxaana dhamaan dadka ka muuqday farxad aad u balaaran
iyo in ay dhaamatay khilaafkii puntland.
 |
Sawir Qaade:
Weriyaha Mudugonline Sheekhaduun
|
Magaalada Qardho maanta askartu waa is dhexgashay waana
isla haasawayeen si gooni gooni ah iyagoo ay ka muuqatay
muusood iyo faraxsanaan waxaana la wada fadhiyaa galabta
baararka magaalada iyadoo aaney jirin cid qori sidata
oo is waardiyeynaysaa, qaarkood waxay ii sheegeen in ay
diyaar u yihiin in ay ka qayb qataan wax alaale waxii
nabad ah oo ku saabsan dhulkooda hooyo puntland waxii
horayna ay ka noqdeen xalay dhalay Ciyaalka iyo dumarka
reer Qardhood ayaa maanta ka duwana jewigoodi bilihii
la soo dhaafay waayo waxay qaybinayeen cabitaan iyo biyo
qabow oo ay siinayeen ciidamada oo gaardis ku maraayey
dhamaan dacalada magaalada iyagoo salaan sharaf ka qaadanaya
taliyahooda Carays waxayna lahaayeen "HOOB... Jac....
HOOB.... jac.... Salaan Bidix ....Saalan Midig..."
Taliyayaal ku lebisan dharkii tuutaha iyo calankii soomaaliyeed
oo ay ka lushaan garaado aad u bilicsan ayaa hor socday
ciidanka taliyaasha labada ciidan qaarkood ayaa isku lebis
xirnaa waxayna ii sheegeen in maanta laga bilaabo ay isku
fayl yihiin iskuna ciidan yihiin.
Magaalda Qardho oo aanan aniga laf haantaydu tegin intii
colaada puntland ka aloosantay ayaa waxan kala kulmay
soo dhowayn aad u tiro badan dadka qaar markay arkaan
kaamirooyinka iyo rikoorada aan wato way igu soo cararayeen
si ay ii siiyaan war ku saabsan sida ay u arkaan nabada
iyo sida ay uga go'antahay inay ku dhaqmaan. qaarkood
waxay I waydiinayeen wakaaldaha aan ka socdo runtii markaan
waxaan ka socday laba idacaood oo ah Hornafrik iyo Sagal
iyo webka sida wayn looga daalacdo Soomaaliya waa Mudugonline
oo ahaa midka aan
safarka u galay ama suurta geliyey in aan booqdo Qardho
oo ay xafladu ka socotay dadweyanaha reer qardhood waxay
aan ku ilaawi doonin sida markii ay maqleen wakaaladaha
aan ka socdo ay iila shaqeeyeen. Magaalada qardho xiligaan
waxaa ka jira qabow aad ugu bogayso in aad sii joogto
waayo magaalada Boosaaso oo xagaa ah ayaa waxa ka jira
milic iyo kulyl aad u tiro badan oo naftaada dhibaaya,
waxa magaaladaasi iminka ku sugan dad badan oo u hawo
doontay, maqaayadaha iyo dukumaada ayaa camiran waxad
xasuusanaysaa mararka qaar magaalooyinka loo dalxiiska
tago qaarkood.
Weriyayaasha goobtaasi maanta joogay ee xafladaasi nagala
qayb qaatay waxaa ka mid ahaa Saadiq cabdi Guunbe oo ka
socday Radio gaalkacyo Faarax KK oo ah weriye madaxbanaan
iyo Cabdinasir Mire Adaan oo ka socday Idaacada Midnimo.
Cudurdaar:Waxaa
cilad Internetka ka jirta awgeed soo bixiwaayay sawiradii
oo dhan.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|