Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Xaflad Balaaran oo Lagu Maamusayay Isku Dhafka Labada Ciidan ee Daraawiishta iyo GBP-da Ayaa Maanta ka Dhacday Magaalada Qardho

Qardho, [MOL] 14 Aug- Xafladii Gabagabada isku dhafka Labada Ciidan ee Daraawiishta iyo Jabhadda GBP-da ayaa maanta waxaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Qardho ee gobolka Bari. Ciidamada maanta laysku daray ayaa tiradoodu garaysay illaa iyo 2500 oo askari oo ka kala socda Daraashita iyo jabhadii la tirtiray ee GBP, Ciidamada ayaa loo qaybiyay Nambarro isku mid ah hadda wixii ka danbeeyana ay noqonayaan kuwa isku meel laga xukumo.

Xafladdaan oo in mudo ah la waday qabanqaabadeeda ayaa qabanqaabadeeda waxaa lahaa taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col. C/lahi Carays waxaana iyaguna goobjoogayaal ka ahaa xafladaas masuuliyiin badan oo ka kala socday maamulka Puntland iyo kan gobolka Bari, waxaa kaloo xafladaas ka soo qeyb galay dadweyn aad u badan oo aad ugu faraxsan sida nidaamsan ee la isku daray labada ciidan oo waqti aan sidaas u fogayn hub isku haystay.

Waxaa kaloo lagu casumay xafladaan inay iyaguna goobjoogayaal ka ahaadaan wariyayaal badan oo ka hawl gala kana kala socday warbaahinta Puntland oo uu ka midyahay wariyaha MudugOnline ee Bosaso C/risaq Sheekhaduun oo isagu warkaan ka soo tabiyay halka ay xafladdu ka dhacday maanta.

Fiira Gaara:
Sawiro Mudug Online ay ka qaaday xafladda maanta ayaa sababo la xariira cillad ku tumid internetka noo suura gali waayay inaan idiin soo gudbinno, hadii alle idmo sida ugu dhakhsaha badan ayaan idiinku soo gudbinaynaa.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Warsaxaafadeed:Shirka Hawiye Yaan la Marin Habaabin
Wakiilka Guddiga Sare ee Siyaasadda Reer Xaaji Suleymaan
Ee Qaarada Africa
Mr. Saciid Siyaad Shirwac

Anigoo ka mid ah abaabulayaashii shirkii beelweynta Hawiye ku qabatay Hotel Grand Regency ayna soo qaban qaabisay Beesha Reer Xaaji Suleymaan ee la doonayey in Beesha Hawiye uga tashato aayaheeda iyo danta guud ee Soomaaliyeed, Waxaa wax lala yaabo ila noqotay markaan ku arkay wargayska sida weyn looga akhristo qaybo badan oo wadanka ka mid ah lana yiraahdo Xog-ogaal lehna shabakada www.xog-gaal.com qoraal cinwaankiisu ahaa Golaha Dhaq.Guurtida Hawiye oo amar ku bixiyey in ergooyinka Hawiye iskaga baxaan shirka.

Sida runta ah shirkaas Waxaa lagu go,aamiyey in Hawiye ka tashado wax alla waxa ku soo kordha shirka dib u hashiisiinta Soomaaliyeed shaqsi danbana aan laga yeelin in uu iskaga baxo shirkaas asagoon soo bandhigin sabab la garan karo oo cad lagana yeelayn Hugaamiyaasha Hawiye in ay talo la,aan uga baxaan shirka ayagoon la tashi la samayn duubabka dhaqanka ee Hawiye Waxaa kaloo duubabka dhaqanku si wada jir ah iskula garteen in uusan Hawiye sabab u noqon bur-bur ku yimaada shirka dib u hashiisiinta Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo qayb galay shirkaas lagu qabtay Hotel Grand Regency duubabka dhaqanka ee Hawiye oo ay ka mid ahaayeen Imaam Maxu’d Imaam Cumar, Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaas C/laahi Ugaas Faarax Ugaas Xassan,Ugaas Muxyadiin Ugaas Faarax Ugaas Foodeey,iyo duubab kale oo fara badan.Waxaa kaloo halkaas goob joog ka ahaa culimaa’udiin uu hugaaminayey caalimka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Shiikh Maxe’d Guud.

Shirkaas ka dhacay Hotel Grand Regency ma ahan mid natiijooyinkiisa la marin habaabin karo Sidaa awgeed maadaama lagu jiro xili dadaal loogu jiro in Soomaaliya loo soo dhiso Dowlad loo dhan yahay Waxaa ku waajib ah umadda Soomaaliyeed hadii ay ahaan lahyd Saxaafadda ama Bulshada qaybaheeda kale iney ka digtoonaadaan wax kasta oo sabab u noqon kara in laga miro dhalin waayo Shirweynaha Nabadaynta Soomaaliyeed ee in dhoweydba ka soconaayey wadanka Kenya.

Wakiilka Guddiga Sare ee Siyaasadda Reer Xaaji Suleymaan
Ee Qaarada Africa
Mr. Saciid Siyaad Shirwac
Email-ssshirwa@hotmail.com
Tel.254722 23 00 27


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.