Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

In ka badan 200 oo Sirilaanke ah oo Bosaaso ku dhiban

Bosaaso, [MOL] 13 Aug- Gabal gaabadkii maanta ayaan booqasho ku tegay meel ka baxsan in cabaar ah magaalada Bosaaso oo ay deganyihiin dad u dhashay dalka sirilaanke oo mudo lix bilood ah joogay boosaaso kuwaasoo u sii jeeday in ay u tahriibaan xeebaha dalka talyaaniga ka dib markii rag dilaaliin ah ay ka soo qaateen lacag badan oo ay u shegeen in ay saari doonaan maraakiib ay ku galaan xeebaha Yurub.

Dadkaasi sirilnaaka ah ayaa si sharci ah ku soo galay degaanka puntland ka dib markii ay wasaarada iskaashiga caalamigaa siisay dal ku gal ay u soo farsameeyeen raga dilaaliinta ah.

Iminka dadkaan waxay joogeen halkaan mudo lix bilood ah dhoofna uma dhowa qaarkoodna waxa ku dhacay xanuun qarashkiina wa ka dhamaaday ay safarka ugu tala galeen. Waxaa ugu daran haweenay uur leh oo caawa ilaa habeen danbe dhalaysa oo aana haysan wax qarashaad ah oo lagu daryeelo iyada iyo ilmaha. Mr Kumaar waa nin ka mid ah dadka u socda tahriibka yurub oo dhalashadiisu tahay sirilaanka waxuu mudugonline u sheegay in hadii uu helaayo wax uu ku laabto uu u laaban lahaa dalkiisii hooyo raga maamula xerada dadkaasi qaxootiga oo aan isku dayey inaan arko waa la kulmi waayey askar tiro badan oo ku xeerayd halka lugu hayo awgeed.

Raxan raxan iyagoo ah ayey suuqyada boosaaso marayaan dadkaasi waxaana ka muuqda naftooda baahi iyo diif lixaad leh iyagoo dadkaasi aysan u baran milicda kulul ee magaaladan Bosaaso oo aad u kulul xiligaan oo kale. Markii iigu naxdinta badnayd waxay ahayd markaan la kulmay nin ka mid ah dadkaas oo tuugsanaya suuqa oo leh yaa alle wax siyey oo wax isiiya. Dawalda puntland ayaa hadii aysan wax ka qaban dhibkaasi tahriibka caalamigaa waxaa laga yabaa in ay fadeexo kala kulanto hase ahatee mar sii horaysay ayay dawladu qabqabatay rag dalaaliin ka ahaa tahriibka caalamigaa.

Dhinaca kale dhaqtar ka mid ah kuwa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dadkaan tahriibka ah ay qaarkood inta badan qabaan cudurka TB-da lafaha oo ah mid si sahlan loo qaado ayna khatar ku tahay in ay ku faafiyaan dadkaasi magaalada Boosaaso oo ah magaalo weyn haddii aan cudurkaasi lagu xakamayn halka dadkaas lagu hayo inta xal loo helaayo.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Carta oo Maanta waqtigeedii dhamaaday

Bosaaso, [MOL] 13 Aug- Waxaa maanta oo bishu tahay 13 Agust 2003 ku eg muddadii loo qabtay inay jirto Dawladii aan loo dhamayn ee lagu soo dhisay tuulada Carta ee dalka Jabuuti. Kooxda Carta oo haatan ukala qaybsan laba kooxood ka dib markii ay isku qilaafeen qaabka ay uga qayb galayaan shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socda wadanka Kenya ayaa ra'iisal wasaaraha Xasam Abshir iyo gudoomiyaha Baarlamaankuba sheegaan maalintii shalay inay iyagu sii haynayaan xilka Dawlada inta lagu dhawaaqayo dawlada KMG ah ee la filayo in looga dhawaaqo madasha shirka Mbagaathi waqti aan ka badnayn bil.

Dhinaca kale Madaxweynihii Kooxda Carta Cabdi Qaasim Salad oo isaguna ka falaagoobay kooxdiisi Carta ayaa ka baxay shirka dib u heshiisiinta isagoo wata dhawr nin oo isaga daacad u ah. Cabdiqaasim ayaa markii uu Muqdishu ku noqday waxaa booskoodii uu ka badalay Hasan Abshir iyo C/lle Deeroow, waxuu kaloo badalay Baarlamaankii hore si uu u helo baarlamaan isaga gacanta ugu jira oo u codeeya hadba waxii uu rabo inuu ku fushado.

Shir gudoonka shirka oo ka kooban Dawladaha IGAD ayaa iyagu aqoonsaday in Hasan Abshir iyo Deeroow yihiin wakiilada rasmiga ah ee kooxda Carta marba hadday iyagu markii hore u ahaayeen wakiilo ayna xilkaas sii haynayaan inta laga dhamays tirayo Dawlada Cusub ee Federaalka ah ee Somaliya yeelan doonto.

Mudugonline.com


Sidee ergada somalidu u arkaan xil ka qaadistii deeroow iyo Xasan Abshir

Ergeda ka qeeb qaadaneysa shirka ka soconayo magaalada Nairobi iyo waliba Somalida ku dhaqan magaaladaasi ayaa siyaabo kala duwan waxa ay u arkeen xil ka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyaha barlamanka C/lla Deerow iyo ra'isul wasaaraha Xasan Abshir .iyadoo dhinaca kalena ay isi soo tarayaan eedeemaha loo jeedinayo gudoomiyaha shirkaasi Kibligat.

Arinta ku saabsan xilka qaadista labada masuul ee Deerow iyo Xasan abshir ayaa dadweynaha ku dhaqan Nairobi iyo waliba ergeda Soomaaliyeed waxa ay u arkaan siyaabo kala duwan iyagoo is weydiinayo gudiga farsamada IGAD in ay badali doonaan iyo in ay ku sii adkeeysan doonaan in labadaasi xubnood ka sii mid noqdaan dowladda .

Sidoo kale labadan xubnood ayaa waxa ay ku adkeysanayaan in aysan jirin cid ku sameen kasta xil ka qaadis isla markaasna ay yihiin ergeda saxda ah ee ka qeyb qaadaneysa shirkaasi.

Waxana ay sheegayaan in xiligii dowladda KMG-ah ay dhamaatay maantana qaabka wax lagu qeybinayana ay tahay qaab qabiil.

Sidoo kale Kibligat ayaa sheegay in ay dhamaatay xiliyadii la sheegan jiray maamulada balse xiligan la joogo xili wax lagu qebsanayo 4.5 ta qof kastana uu u laabanayo beeshiisa hadii uu wax ka helayo iyo hadii kale.

Iyadoo dhinaca kale manta la sugayo in la furo doodii la xiriirtay cahdi dhaqameedka ayaa waxaa jirta codsi ka yimid aqoonyahano iskood isu abaabulay oo gaaraya in ka badan 80 xubnood kuwaasi oo sheegaya in shirka dib loo dhigo ilaa iyo inta laga saxayo qaladaadka jira taasi oo ay ku sheegeen in cahdigan uu yahay mid aan sinaba ugu qalmin Soomaalida isla markaasna loo saaro qubaro si ay u ansixiyaan kadibna la keeno si looga wada doodo.

Doodan ayey dad badan ku macneynayaan in shir gudoonka shirka uu iska indha tirayo talooyinka loo soo jeedinayo iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay sii fogaaneyso dooda iyo waliba kala fogaashaha fikradda ay ka qabaan dhamaanba dhinacyada ku sugan shirka.

Anab Jaamac:
anab@journalist.com
Allsomali


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.