Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Taliyaha Qaybta booliiska gobolka oo maanta shir la yeeshay ciidankii Cadde

Bosaaso, [MOL] 12 Aug- Waxaa maanta shir kula yeeshay xerada gaadiidka gobolka Bari ciidankii dhawaanta la qarameeyey ee jabhadii la tir tiray ee GBP taliyaha qaybta booliiska, ciidankaasi oo ka mid noqon doona ciidanka booliska Puntland ayaa maanta waxaa xeradaasi ku qaabilay taliyaha qaybta booliska C/risaaq Afgudduud waxuuna u sheegay in ciidankaasi loo furi doono tababar hab ciidamyn iyo tabar ay ku qataan dishibiliinka ciidanka. Taliyaha ayaa intaas ka dib salaan sharaf ka qaatay ciidankaas.

Horaantii bishaan aan ku jiro ayaa ciidan dhan illaa 200 oo ka mid ahaa ciidankii Gen. Cadde laga soo raray aaga degmada Qardho. ciidankaas oo la qaramyeeyay ayaa ahaa raacii ugu horeysay ciidanka GBP oo lagu kala dari doono booliiska Puntland marka tababaradu u dhamaadaan.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Xaflad loo dhigayo maalinta khamiista ah isku dhafka labada ciidan ee GBP and Daraawiishta

Bosaaso, [MOL] 12 Aug- Taliyaha ciidanka Daraawiishta puntland C/laahi Cali Mire Carays ayaa u sheegay mudugonline in maalinta Khamiista la samayn doono xaflad balaaran oo lagu maamuusaayo isku darka labada ciidan ee GBP iyo ciidanka Daraawishta. Xafladaasi ayaa waxaa lagu casumay dhamaan warbaahinta maxliga iyo tan dibada waxaana ka qayb galaya kooxda walalaha oo ah faaniinta gobolka bari.

Waxaa kale oo ka qayb qaadan doona xafladaan Saraakiil badan oo ka kala socda ciidanka Daraawiishta iyo iyo GBP, masuuliyiin ka socda Dawlad goboleedka Puntland, Isimo, siyaasiyiin iyo waliba bulshada qaybaheeda kale.

Isku dhafka ciidamada daraawiishta iyo kuwii GBP ee mucaaradka ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii Jeneral Cadde Muuse iyo Cabdulahi Yusuf ku gaareen magaalada bosaaso ee soo afjarayay colaadii Puntland ka aloosnayd labo sanno ku dhawaad.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Shixnad hub ah iyo rasaas ah oo caawa ka soo shiraacatay Wadi Doocaan ee dalka Yemen

Bosaaso, [MOL] 12 Aug- Wararka laga helaayo ilo lagu kalsoonaan karo ama goob jooge ku sugan meel u dhow Wadi doocaan ee Dalka Yemen ayaa sheegaya in galabta ay ka soo dhooftay halkaasi dooni nooca afdheeraha loo yaqaan oo ka diwaangashan jasiirada suqadara halkaasna ay ka soo qaday hub iyo rasaas aad u badan oo ay leeyihiin ganacsato iyo rag ka mid ah masuuliyiinta dawlada Puntland.

Lama oga sababta hubkaasi loo rabo inkastoo mararka qaar hubka noocan oo kale ah loo iib geeyn jiray koonfurta somaliya.

Goob joogaha oo diiday in magciisa la shaaciyo ayaa sheegay in hubkaani uu si is daba joog ah uga soo dhoofi doono marsadaa dabiiciga ah waxuuna sheki ka muujiyey in qolyaha isku xiran ee hubkaasi soo gadanayaa ay wadaan afganbi siyaasadeed oo dhan ka ah mamulka puntland. waxuu kaloo sheegay in aan la cadayn karin raga goob jooghaasi soo sheegay in ay lugta ku leeyihiin ganacsiga hubka noocaasi ah taas oo markasta keeni karta tuhun sababta masuuliyiin Dawlada ka mid ahi u soo dhoofsanayaan hub qatar ku ah amniga Puntland iyo Somaliya oo dhan.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com

Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.