Ku soo dhawaada waxaan iri:-
1. Soomaaliya markii lasyku dagay
qaranna daandaamay,
2. Sidii laysu dilay bay dadkii kala dillaameene,
3. Doqoniyo dullaal baa ka dhigay beelo doorsamaye.
4. Goortii uu dabayshaday Siyaad
hororki daafeeyey!
5. Caydiidkii danniyey oo qabiil ugu dinnaahyeeyey!
6. Dakanuu u doobinahayey ubase daaduunye;
7. Iska daa inuu dawladnimo u dabbaaldego
e,
8. Muqdisha oo dallaalimo ahayd olol ma duulduulay!
9. USC sidii doolli bay ugu dareereene!
10. Ninkii diirka kaa neceb la waa
inuu ku doojaaye,
11. Afweynaba ka sii daran kuwii daarihii galaye!
12. Alla Danabkii Ruushkii muxuuu wada dambaabsiiyey!
13. Markay dogobyo qaateen dayay
wada ahaayeene,
14. Waatay dalkoodii gubeen oo dundumiyeene!
15. Waatay dafirayeene xaqii daahirka ahaaye!
16. Waatay damqaayeen duqow ama
dilaayeene,
17. Waatay duraayeene habraha la iska daayaaye!
18. Waatay dagaagii cuntada kala dafaayeene!
19. Waatay ducufyadoodii guryaha
dagan galaayeene,
20. Waatay damiir li'i darteed deriski boobeene!
21. Waatay dadkaan Irir ahayn dibad u saareene.
22. Daaroodka mooye e Dirkii deyr
isaga meeri;
23. Waatuu Isaaq kaga dawaday duhur dharaareede,
24. Haddii la is-daryeelaba illayn la isma diideene.
25. Waatii Ibliis duufsadoo u durbaan
tumaye!
26. Mooryaanta doorsani Islaam uma duggaalaane,
27. Biliiliqo siday ugu dageen qaran ma duugoobay!?
28. Maansada ma deelqaafiyee daacad
ma u sheegay,
29. Dood kalena waa eray yaroon idin dareensiine.
30. Niman baa datoor sheegtayoo
daalib ku ahayne,
31. Waa wixii dadkii uga daroon doocna garanayne,
32. Waatay dabkii ugu shideen doollarka Carbeede!
33. Nimankii caruur dooxdayoo dumarna
aaneeyey!
34. Oo wada dadqalatoobayoo digirta soo fuulay!
35. Waa niman daliilkii Alliyo diinta caasiyaye!
36. Waa niman dagaal doortayoo layska
daafaco e,
37. Waa niman haddaan dayey sidii dabato duur jooge!
38. Waa niman damaacigu dardaray dalandalkoodiiye!
39. Waa nimanka diihaalku baday
falaan la doonayne!
40. FEDERAALBA waa diidayeene duqushadoodiiye!
41. Waakaa DASTUUR ma leh raggii wada dubbaysnaaye!
42. Waa duni ninkii dayn qabaa duudsinahayaaye!
43. Dubaabkii Siyaadkii korsaday oo ku dano seegay,
44. Maandeeq sidee ugu dacwiyin waa durqamayeene?!
Dhammaan.
W/T
Aden Dirie 09/08/03
|