Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Aragtida Maanta:

Maxaa sababay Somaliyi inay Federal qaadato ?
Federaalka iyo doodaha
Cabdiqaasim iyo heestii "nin Ceyra wiligii ceeb kama fogaadee"

Maxaa sababay Somaliyi inay Federal qaadato ?

A/C dhamaan akhristayaasha,

Ka bacdi waxaan maalmahan arkayey Dad xiiqsan xunbo qawlalada (afka dhinacyadiisa) ka tuuraya ama aan si kale u idhaahdee abbur afka ka tuuraya waxay ka soo horjeedaan nidaamkan cusub ee Somali lagu badbaadinayo, waxayna ku doodayaan waxa la burburinayaa ama la kala dhantalayaa midnimadii iyo wada jirkii dal weynihii la odhan jirey xiligaa (1960- 1991) jamhuuriyada dimuqradiga ee Somaliya, iyagoo lugta ku duubanaya itobiya, hadaba itobiya wixii ka horeeyey 91 waxay ahaan jirtey dawlad maamul dhexe leh - -> markay qaadatay nidaamka Federalka miyey daciiftay mise dawlad qiimo leh bay noqotay? akhristow ka jawaab.

Dadkan xiiqsani macnaha ay u qaylinayaan waa la wada garanayaa Somali iyo Ajinebiba yayse khaldi karayaan ma Somali mise Ajaanib iyagoo u badan kuwii Somali kala geeyey kana shaqeeyey in Somali reer reer isu cunto, iyagoo ahaa kuwii ka midka ahaa xukuumadii kacaanka nidaam ahaana taageersanaa in burburkan yimaado, iyagoo hadeerna ku dhuunta ururada diinta kana tirsan
xukuumadii burburtay ee Carta lagu soo dhisay mabda-oodiina uu ku base gareesan yahay kii kacaankii ayna raadinayaan wixii waaga ay arki jireen iyo qabqablayaal ilaa hada aan ogolayn in wax dawlad la yidhaado Somaliyi hesho, kooxdan waxaa ka mida qabqablayaasha dagaalka ee caasimada qaarkood.

Arintaasoo ay cadeeyeen khubaro ajinebiya oo ku takhasusay cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda uuna ka mid yahay professor I M lewis, professor Lewis wuxuu dersay dhibaatada Somalida min bilowgii dhibtii Somaliya ilaa hada isagoo ku qeexay nimanka qabqablayaasha caasimadda qaarkood, inay yihiin niman aan ka badinayn waxay iskood u urursadaan una
diidan Somali inay u soo dhawaato caasimada, dawlad loo dhan yahayna timaado caasimada, waxay saas u yeelayaan si aan loola xisaabtamin, waxayna ku jiraan ganacsi khariban waxay dhacaan ayna iib geeyaan wax kasta oo Somaliyi leedahay Hanti guud iyo mid gaarba.

Hadaba waxaa is weydiin mudan , dhawrkan su'aalood ee soo socda (1) maxaa keenay ama sababay burburkii J.D.somaliya?
(2) burburkii Somaliya ku dhacay ma rabbaani (wax alle Somali maagay )ayuu ahaa, mise sabab buu lahaa yacnii Somali iyadaa keensatay masiibada? (3) maxaa ina gaadhsiiyey in dibeda la inoogu gar naqo inagoo Somaliya? sidoo kale maxaa sababay inay 13kii shir ee hore inay dhicisoobaan? (4) maxay Somaliyi isu aamini weydey? waayo? (5) ma xaqbaa inaynu dawlado kale eedayno, iyadoo Somaliyi eeda leedahay khaasatan kuwa ay ka degi la dahay caasimadu? --> iyo su'aalo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Hadaba raad arooryo dib looguma noqdee ruux kasta oo Somali ah wuu og yahay wixii soo maray dalkiisii iyo ummadiisii uu ka midka ahaa ,hadaanu is yeelyeeleen (yacnii isdhaafsiinayn ama isdiidsiinayn) sikastaba ha ahaatee xaaladadahaas iyo dhacdooyinkaas isla fahamnay in Somali kastaa ogyahay. suaalahaas kore aan soo xusay iigamana baahna jawaab iyo sharaxaad iyo tafaasiil dheeraada waayo akhristow adaa isugu filan inaad isu jawaabtid markaad akhriyeysid suaal walba.

Hadaba su'aashan aan cinwaanka u soo qaatay aan isku dayo inaan xoogaa (waxyar) iftiimiyo. waxa lagaadhay waqtigii Somalidu wax u qaybsan lahayd sida dad horu maray - iyadoo la joogo waqtigii Federalka Somaliya. run ahaantii waxaan marnaba suurtogal aan sinaba ku noqonayn ama aan soo noqon doonin dawlad dhexe isku wada haysa maamultuulo,ilaa maamul degmo, ilaa maamul gobol ilaa xarunta gobolada caasimada guud sidii tii ugu danbeysey ee kacaankii.

Waqtigan ayaa la odhan karaa Somaliyi xoogaa wey ka bogsatay dhibkii badnaa ee dhexdeeda soomaray inkastoo meelaha qaarkood wali Somali kale ay xaq daro ku haystaan ,hadana intooda badan ayaan ka hadlaynaa, wixii soo maray ee dhibaato ahaana ilowday , weyna isu hilowday isuna soo qiirootay, loona bislaaday in Federal la isugu yimaado.

Waxaa sababay inay Somaliyi u guuxdo oo qaadato Federal ka, waxaynu odhan karnaa Somaliyi wey qaan gaadhay xaqiiqdii, waxayna ka qaan gaadhay maamul xumo,hanti qaran boobkeed , xukun eex ku dhisan,dagaal sokeeye,dhac iyo xad gudub , sidaa darteed waa xiligii la wada huwan lahaa magaca Somali oo Federal ah iyo dawlad Federal ah iyadoo laga faaiidaysanayo taariikhda iyo wixii khalad la soomaray oo dhan,dhinaca kale hadii wali kuwaan qaangaadhin ay isku dayaan inay carqaladeeyaan Somaliyina isla wada garan weydo Federalka oo taasi suuroobi weydo waxay ku danbaynaysaa dawlado iskood ukala madax banaan intii is ogolba israacdo, oo ay ku kala dareeraan wixii la odhan jireySomali , illaahay kama dhigo in lagu kala dareero Somaliya aaaamiiin!!!!!!!!!!.

Axmed Moxamud
moxamud19@hotmail.com


Federaalka iyo doodaha

Waxaa dhici karta in qoraalo fara badan oo lagaga hadlayo federal-ka aad aqrisatay,amaba aad dulmartay, hase ahaatee sadarada ugu horeeya marka aad mareyso,aad go,aan satay in aad qoraalka sii wado, amaba aad joojiso.

Waxaa soomaalida ka hadashay federaalku ay u badnaayeen labo kooxood, oo HAA iyo MAYA la yiraahdo, qoraa kastaa oo aad aragtaana labadaa oraah ayuu hoos imaanayaa, waxaana dhacda in goobaha badankood looga doodo amaba la isu daliishado aragtida ay qoraan dadweynaha somaliyeed.

Waxaan jeclahay in aan sheego doodaheyga ku saleysan somalidu federaal ma qaadan kartaa, mana tahay wax maanta loo baahan yahay, maxaase soomaaliya federaal loogu dooranayaa, maadaama federaal loogu talagay dad kala duwan [diin ahaan, midab ahaan, luqad ahaan.

FEDERAAL: Xukuumadii Maxamed Siad Barre aya abuurtay dareenka ah in madaxa uu ka noolaado wadanka oo dhan, cid walbaana ay ku tagri fasho hantida wadanka, dhammaan gobolada dalkana la iska iloobo, hadaanan dil iyo dhac loo geysanba.Isticmaalka qabaailada iyo isu hubeyntoodana waa mida dhibta soomaalidu ay soomartay loo aaneeyn karo, ilaa iyo maantana cabsidaii kala gashay qabaa'ilada soomaaliyeed xalkeeda loo fadhiyo.

FEDERAAL: Dagaalkii sokeeye ee uu wadanka somaliya soo maray ayaa sababay in uu wadanku kala xirmo, taasina ma aha mid soomaalida lagu qasbay, ee waa mid ay iyadu isku qasbeen. Halkaa waxaa ka abuurmay nidaam gaar ah oo federaal aanan waxba dhaamin, taasina waxaa la oran karaa waa waxa sababay in uu yimaado maanta dareenka ah ismaamul hoose oo ay goboladu yeeshaan, maadaama ay ka go'een gobolada intoodii kale.

FEDERAAL: Waxaa badanaa la arkaa qabaailada soomaalida oo hadba ururka ay sameeysanayaan dheeli tir qabiil ku sameeya, waxaa badanaaba dhacda in awood qeybsashada si kastaba haku timaadee lagu saleeyo qabaailada somalida Hadaan tusaale u soo qaadano shirkii carta iyo kan haatan loo fadhiyo ee Mbeghati in wax qeybsashadu ay sal ahaan tahay qabiil, waxaana sida lagu wado dhici doonta in maamulkii carta lagu dhisay uu asal ahaan u noqday qabiil, awalna ay qabiilo kala duwan oo isu yimid ay ahaayeen.

FEDERAAL: Yaa balan qaadi kara in a madaxweyne african ah oo awalba sida uu ku soo baxay ilaahay og yahay, xilka loo dhiibaayi uu si wanaagsan uga dego, yaase aamini kara qatarta ka dhalan karta awooda wadanka oo hal meel la isugu
geeyaa waxa ka dhalan kara oo tagri fal ah. Tusaalena waxaa kuugu filan in aad cabdiqasim ku qaadato, oo laga fur furi la'yahay xilkii awalba dhinaa ee carta loogu soo dhiibay. Hadaad dooneyso qasaare kaa lamid ah, iyo dictator dambe, qaladkii dhacay ee
21-kii sano wadanku ficii kaga haray aanu dib ugu laabano, gees ka gees dhaqaalaha iyo nabadgelyada wadanka aanu hal nin gacanta u wada gelino, nin walboowna nasiibkaa.

FEDERAAL: hadaba waxaa ay ila tahay in aan kuu soo koobo waxa uu federaal yahay hadaadba qoraalka halkiisa hoose soo gaartay, hadaad garaneyso waa barwaqo, hadii kalese, waxaan ku soo koobayaa saddex qeybood oo yar yar.

1- FEDERAALISM Hadii ay jiraan dowlado horay u dhisnaa oo doonaya sababo dhaqaale amaba nabad gelyo awgeed in ay dhulka isu fyrtaan awooda wadankana qebsadaan, si aaney qatar uga iman dibeda iyo gudahaba. Arinkaan qasare iyo wanaagba waa yeelan karaa, tusaale ahaan YEMEN oo uu heshiisku sidaa ahaa, balse YEMENtii kale ay xoog u sheegatay. Dhinaca
wanaaga waa european uninon

2- FEDERAALISM Dad iyagu qowmiyado u kala nool, oo diin ahaan, luqad ahaan, amaba midab ahaan kala duwan, oo lagaga baqayo in ay isku tuntaan, xaqdarese ka dhacdo.Waxaa badanaa awooda laga dhigaa power-sharing sida Bosnia iyo
goobo badan oo aduunka kamid ah. waxaa badanaaba dhici kataa in soomaalida halkaan ay ka soo geli karto sababta federaalka loo hadal hayo,maadaama kala duwanaan shaha qabiilku uu yahay mid lamid ah midabka amaba dhaqanka amaba luqadaha.
Macnuhu maaha in soomaalidu ay kala duwan tahay, hase ahaatee maadaama kala duwanaanshaba ay jirto, oo goob walbaa ay ka muuqato kala duwanaan shaha ayaa dhici karta in aduun weynuhu xal u arkay, in soomaalida wax loo kala saaro.
U Fiirso waxa kala hadlaya waa inaga soomaali ahaan, waxa dehxdooda isu xulufeysanaya waa isla soomaalida, oo qabiil walbaa kii lidka uu ku ahaa uu u raadsnayo saaxiib uu kaga hortago.

3- FEDRAALISM Wadan dalkiisu iyo dadkiisuba isku af diin iyo midabba yahay oo xal nabad gelyo loo waayey, loogana cabsi qabo in ay naftooda wax is yeeleeyaan deriskoodana wax yeeleeyaan, sida Germanay, oo iyadu laba loo sii kala qeybiyey
maadaama dagaal galkoodu uu ahaa mid qasaare badan keenay, iyo wadamada ku xeeran oo iyana ka baqay in ay soo marto xukuumad taas la mid ah oo awooda wadankaba gacanta ku ridata sida ay doontana ka yeesha. waxaa taariikh aad
u fog ay yurub ku nooleed nidaam u dhigma midka ay soomaalidu maanta ku jirto, waxaana dadku badana wada garanayaa dagaaladii sokeeye ee soo maray mareykanka kuwaas oo kalifay naf iyo maalba waloow soomaaliya ay wax uun ku kala
gedisnaayeen.

FEDERAAL: hadaba anigu waxaan qabaa in la tijaabiyo federalis-ka, aanan lagu deg degin xukuumad hal madax leh oo qasaaraheedu uu noqon karo 50%. waxaan qoraalkeygan ku soo geba gebeynayaa in wixii qalad ah oo iga dhacay laga raali ahaado, lana isoo xasuusiyo si aan raali gelin uga baxsho hadii ayba jirto.


Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com


Cabdiqaasim iyo heestii "nin Ceyra wiligii ceeb kama fogaadee" ..

Maanta waa 12kii Agoosto, lurkii carte iyo C/qaasimna xag sharci ahaan ayeey u dhamaatay laakiin su'aasho
waa taariikhdu Carte halkee bay ka gali doontaa?

Anigu waxaan qabaa in Carte ay horayba u gashay taariikhda, haboon tahayna in lagu qoro buugga rikoorada ee giiniyus booga sababaha soo socda darteed:-

1. Waa dawlad ku sheegii ugu beenta badneed ee dunida soo marta oo maleeshiyada qabiilka C/qaim ku sheegtay tii qaranka Somaliyeed.
2. Kooxdii magaca dawladnimada dhaawacday intii dunidu jirtay sida iyadoo maanta waxay yiraahdaan maalin ka dib beeniya hadana ka soo noqda , taas oo aad ka garan kartid sida ay u dhaqmi jireen intii ay ka bayacmushtarayeen magaca somaliyeed.
3. Wax dawlad la yiraahdo ee Somaliya soo maray tii ku baryoontantay in Itobiya u saxiixdo dhulka Somalida maqan .
4. Kooxdii dawlad aan jirin xoolo ku soo hela oo iskaba dhaaf wax kallee hunguriyeeya in damaanad ahaan lacag ugu qaataan hoteeladii dawladda ee burburay sida Jubba laakin Liibiyada aan xisaabtamin xataa aay diiday.

Gabogabadiina, Somalida oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Beelaha USC ay geysteen dhibkii ugu badnaa ee Somaliya ka dhacay inkastoo beelaha kalena ayan maradoodu ayan cadeen sida waqooyiga oo oo dagaalkii labaad ee ugu darnaa ka dhacay, PL oo iyaguna C/qasim uu madaxa iskugu dhuftay iyo waliba Mirifle oo dhibkii loo geystau ku darsaday in ay dagaalaan.
Sidaas oo ay tahay ayaa hadana Somalida + Mudulood waxay qabaan in garbkii Ceydiid ay dadka oo dhan ay dambi ka galeen.
Haddaba, kooxdii dambiilayaasha lagu qiray ee Caydiid ayaa sheega in ayan isku mid aheyn balse beesha hoose ee C/qasim ay ahaayeen kuwii falay inta badan dambiyada ay galeen. Marka soo ma oran karo, aniga oo fiirinay C/qasim iyo Cartaba in xaalkoodu uu taagan yahay, "Nin Ceyri Waligii Ceeb Kama Fogaadee Maantay u Darantee Xagee Baan Xuskadaa"
Jawaabtuna Waa Meelna...........

A.Dirir


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.