Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Saynab Xaaji Cali (Baxsan) oo jab ka soo gaaray safarkeedi nabada
Sawir qaade SH.Aduun Weriyaha Mudugonline
Shirkii Hadraawi ku qabtay goroonka K/cagta Bosaaso
Xaflad loo sameeyay waftiga

Bosaaso, [MOL] 10 Aug- Waxaa maanta duhurnimadii kaga jabtay lugta bidix gaar ahaan laf dheerta Saynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan) Huteelka Baanarama oo ay deganaayeen waftigii ay la socotay fanaanadu ka dib markii ay ku siibatay meel hoobaaq ah. Saynab waxaa markiiba loola cararay cusbataalka guud si loogu soo kabo. Baxsan xiligii la keenay cusbutaalka way kaaraysay xanuun dartii hase yeshee cabaar ka dib ayaa miyirkii ku soo noqday waxaana Maalinta berito ah loo duulin doonaa dalka Imaaraadka Carabta si loogu daaweeyo sida uu sheegay nin ka tirasan gudiga soo dhowaynta.

Dadwaynaha reer Bosaso ayaa walaac ka muujiyey jabka fananada oo ay ka sugayeen in ay daawadaan iyadoo heeso qaadaysa. Saynab Baxsan ayaa waxay qeyb ka ahayd waftigii ayaamahanba marayay Puntland oo uu hogaaminayay Abwaan Hadraawi socdaalka nabadeedna ku soo maray gobolada Koonfureed ayna ka midka ahaayeen Saynab Xaaji Cali Baxsan, Mustafa Sh. Cilmi, Cabdi Muxumad Aamiin, Maki Xaaji Banaadir iyo xubno kale. Weriyaha Mudugonline c/rasaaq Sh.aduun ayaa soo sheegaya in intii maanta aysan dhacdadaani dhicin waftiga Hadraawi loo soo dhaweeyay si heer sare ah oo aysan u kala harin dadweynaha iyo Dawladu.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Xubno ka tirsan Barlamanka dowladda la magac baxday Somaliland oo soo jeediyay in xubno ka tirsan Barlamankooda loo diro shirka dib u heshiisiinta.

Xubnaha la soo jeediyay in ay tagaan ayaa jamhuuriyadda la magacbaxday Somaliland ayay ku sheegtay in ay u matalayaan sida goobjoogayaal caalami ah kuwaasi oo ka mid noqonaya goobjoogayaasha kale ee iminka haatan ku sugan.


Isla wadamada safka hore ee Somaliya nabadeenteeda ka qeeb qaadanaya.
Inkasta oo arimahan aysan wali isku afgaran Barlamanka Somaliland ayaa hadana waxaa isi soo taraya diidmada Somaliland ee ku aadan shirka iyagoo ku adkeysanaya in Somaliya kaliya uu quseeyo shirkan isla markaana aysan wax lug ah ku leheen iyaga balse ay markaasi ka noqonayaan goobjoogayaal si ay u eegaan qaabka shirku ugu u soconayo wadanka diriska la ah ee Somaliya waa sida ay sheegteene.

Afhayeenka madaxtooyada Dowladda la magac baxday Somaliland ayaa isagu goor sii horeysay waxa uu carabaabay in hadii la aqoonsado ay shir dib u heshiisiin ah u qaban doonaan Somaliya.

Inkastoo jamhuuriyaddaasi iskeed isu magacawday aanay wali wax ictiraaf ah ka helin caalamka ayaa hadana waxa iyagu ay sheeganayaan in ay yihiin dal ka madax banaan Somaliya.

Iyadoo sanadii 1991dii cadeestay in Somaliya inteeda kale ay ka madaxbanaanaadeen.

Anab Omar
anab@journalist.com
Allsomali


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.