Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaal kale oo ay ku dhinteen Afar ruux oo ka dhacay Koonfurta Mudug

Galkacyo, [MOL] 10 Aug- Waxaa shalay gabal gaabkii dagaal ku dhexmaray koonfurta magaalada Gaalkacyo labadda qabiil ee reer Mahad iyo Sacad oo ka mida qabiilada wada dega gobolka Mudug kana kala tirsan beesha Cumar Maxamuud iyo beesha Habar gidir. Dagaalka oo ka dhacay baadiyaha magaalada Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa inuu ku salaysnaa muran ka dhashay dhul daaqsimeed oo beeluhu ku heshiin waayeen.

Dagaalkaasi oo socday saacado ayaa waxa la is waydaarsaday hub fudud iyo kan culus sida uu xaqiijiyey weriye Adan Nuur oo ka tirsan wargayska Yameeyska. Aadan intaas waxuu ku daray in dhimashada labada dhinacba tahay Afar ruux oo aanay caddayn cidda ay kala yihiin, waxuu kaloo sheegay in dagaalku yahay mid dhex maray dad deris wadaag ah hadana lagu jiro waan waantii lagu dhamayn lahaa colaada.

Baadiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa intii dagaalku sokeeye dhacay ka jiray dagaal qabow oo hadba soo cusboonaada kaas oo inta badan ka dhaca dhulka daaqsinta ah. Beelaha degga Waqooyiga Mudug ayaa sheegay in beesha Habar gidir oo wagii hore degi jirtay koonfurta Mudug ay ku soo durkeen dhul aysan waagii hore degi jirin ciriiriyeena beelaha kale ee ay deriska yihiin. Beelaha Habar gidir ayaa iyaguna sheegay in dhulka aan la kala lahayn oo dadku Somali wada yihiin wadankana meeshii ay doonto beel walba ka degi karto.

Dawladii gumaysiga ee talyaaniga ayaa la sheegay in waqtigii ay dhulka maamuli jirtay u samaysay beelaha Mudug xaduudo la yaqaan oo cayiman ka dib markii ay dhamaan waayeen dagaalo lagu hoobtay oo ku salaysnaa dhulka daaqsinta oo la isku haystay. 20-kii sanno ee u dambeeyay ayaa la sheegay in beesha Habar gidir soo dhaaftay soohdimahaas ka dibna arintaasi keentay isku dhac joogta ah.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Golaha Baarlamaanka Puntland oo qalinka ku duugay ansixinta doorashooyinka degmooyinka

Garoowe, [MOL] 10 Aug- Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa qalinka ku duugay ansixintii sharciga doorashoyinka degmooynka puntland, sharcigaan oo cadaynaaya qaabka wax loo dooranaayo ayaa waxaa golaha hor geeyey waasaarda Dawladaha Hoose iyo reer miyiga oo soo diyaarisay iskuna soo dubariday sharciyada lagu salaynayo doorashooyinka degmooyinka iyadoo sharcigaas in mudo ah Baarlamaanku ka baaraan degayay qodobo ka mida ah sharcigaasi oo ka kooban 44 qodob.

Kulankaasi golaha waxaa ka soo xaadiray 45 xildhibaan waxaana codeeyey 39 mudane waxaana diiday hal xildhabaan halka ay ka aamuseen lix xildhibaan.

Sharcigaan dawladaha hoose oo nuqul ka mid ah soo gaaray xafiiska Mudugonline ee Boosaso ayaa ahaa mid aad loo habeeyey loona yeelay aasaas fiican oo mustaqbalka wax ka tari doona baahinta maamulka iyo in degaan walba oo Puntland ka mida la xisaabtamo soona doorto masuuliyiinta ay u wakiishaan inay fuliyaan hawlaha degmadooda.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Abwaan Hadraawi oo galabka shir ku qabtay garoonka kubada cagta

Mudug, [MOL] 10 Aug- Waxaa galabta shir balaaran ku qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo waftigiisi, shirkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo ka socda maamulka Puntlad iyo dadwayne aad u fara badan.

Abwaanka ayaa halkaasi ku soo bandhigay qorshahiisa socdaalkiisa nabada oo isaga iyo waftigiisa ay ku soo mareen Koonfurta Somaliya haatana ku soo gabagobeeyeen gobolada Puntland.

Abwaan Hadraawi ayaa la filayaa inuu hadda dib ugu noqdo magaalada Burco oo markii horeba uu ka soo kici timay. abwaanka ayaa waxuu socdaal uu ugu magacdaray sodaalkii nabada ku soo kala maray gobolada dhexe, Muqdishu iyo Magaalada Kismaayo oo dad badan ka xumaadeen in abwaanku safarkiisa nabada ku daro magaalada Kismaayo oo wali dadkeeda ay la haystayaal u yihiin magaaladana ay ka taliyaan Mooryaan isa soo abaabushay oo ujeedadoodu tahay ku kornaalaanshaha dadka masaakiinta ah ee deegaankaas.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Xasan Abshir oo waxkama jiraan ku tilmaamay xilka qaadis lagu sameeyay

Muqdisho, (AllPuntland)- Ra'iisul wasaaraha DKG/kooxda Carta Xasan Abshir Faarax ayaa maanta jawaab kabixiyay asagoo jooga gogosha nabadda ee Mbgathi Kalsoonidii ay kala noqdeen baarlamaanka maamulkiisu.
Xasan Abshir Faarax ayaa sheegay in kalsoonida lagala noqday aysan waxba ka socon doonin taasoo uu ku macneeyay in intii badnayd xubnihii baaramaanka ee DKG/kooxda carta ee codayn lahaa ay asaga la joogaan isla markaana ay diyaar u yihiin inay dawlad Soomaaliyeed wax ka soo dhisaan.

Baarlamaanka ayuu sheegay inaysan xilkaqaadis samyan karin ayagoo xilli intaasi le'eg ay uga dhiman tahay jiritaankooda taasoo uu qabo dastuurka DKG/kooxda Carta.

Wararka aannu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha DKMG/ Kooxda Carta C/qaasin Salaad Xasan uu goor horeba qal qaaliyay raggii uu ku badali lahaa Xasan Abshir Faarax iyo Cabdalla Deeroow Isaaq, kuwaasoo uu ku kala badalayo , Maxamed Cabdi Yuusuf oo ah ku xigaha gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Cabdi Guuleed oo isagu ah Wasiir ka tirsan isla mamulka Cabdi.

Dhinaca kale C/qaasin Salaad Xasan ayaa maanta soo saaray warqad qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu baarlamaanka ugu hambalyaynayo inay tilaabadaasi ku dhaqaaqaan

AllPuntland


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.