Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dooni ka baxday Bosaaso oo ku degtay Badweynta

Bosaaso, [MOL] 09 August 2003- Dooni laga leeyahay dalka khaliijka carabta ayaa ku degtay badwaynta dhexdeeda
Doontaasi oo laga soo raray magaalada Bosaaso ayaa laga lahaa dalka Imaaraatka Carabta. Doontaasi oo siday xoolo badan oo isugu jiray Ari, Lo' iyo xabkaha Maydiga ayaan wali war rasmi laga ahayn masaafada ay ku deg degtay iyo waxa sababay inay doontaasi degto.

Shaqaalihii Doonidaas saaraa ayaa lagu soo waramayaa inay ka samata baxeen ka dib markii ay u soo gurmatay Dooni kale oo iyana siday Xoolo.

Dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in Dooni kale oo ay iyana ka soo dhooftay Dalka Imaaraatka Carabta ay dhex heehaabayso badweynta u dhaxaysa Cumaan iyo Dubay, Doonidaas oo sida la sheegay u soo rarayd magaalada Bosaaso ayaan wali iyadana la ogayn cilada la soo gudboonaatay.

Dhaqaalaha Puntland oo ku xiran badeecada la saaro doonyahaas u kala goosha Bosaaso iyo Dubay ayaa dad badan oo Somali ahi ku nafwaayeen kuna cayroobeen. Isticmaalka Doonyaha ayaa sabab looga dhigay inay ka qarash yar yihiin maraakiibta waaweyn sidaasna dadka Somalida oo u badan danyar ay aad u isticmaalaan Doonyaha.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Abwaan Hadraawi oo maanta soo gaaray Bosaaso.

Bosaaso, [MOL] 09 August 2003- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso abwaan Hadraawi oo xalay ku soo dhaxay magaalada Qardho.

Abwaanka ayaa waxaa ka soo galbiyey magaalada Qardho wafti uu horkacaayo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdishakuur mire.

Soo galitaankiis Boosaso waxaa soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo la qushuucsanaa socdaalka barnaamijka nabada ee abwaanku lu marayo gobolada Somaliya oo dhan.

Dadka oo kooxo kooxo ah ayaa tunaa hareeha dariiqyada waxayna ruxayeen caleemo qoyan iyo calanka Somaliya. Maamulka gobolka Bari ayaa isna diyaariyey soo dhowayn qiimo badan oo loogu talagalay soo dhowanta waftiga waxayna Boosaaso jogayaan in aan ka badaneeyn habeen keliya oo caawa ayaa la filayaa inay u sii gudbi doonaan dhinaca soomaliland oo la filayo sida lagu helayo wararka dul duulka ah in aan loo ogalaan doonin sidoo kale waxaa shalay laga masaafiryay Soomaalinad hay'da Novib oo iyadu barnaamijkaan soo yagleeshay ka dib markii ay shalay joojisay siminaar ay ka waday halkaasi.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Xaflad lagu qabtay magaaladda Frankfurt am Main ee Jermalka

Uurka S/puntland ee jermalka

Frankfurt am Main: Waxaa maalintii Sabtida bishana ahayd 2-dii Agoosto 2003 lagu qabtay magaaladda Frankfurt am Main ee dalka Jermalka xaflad uu soo qaban qaabiyay „Ururka Somalida Puntland ee Jermalka“. Xafladaas oo lagu xusayay laba munaasabadood, 1-da Luulyo (maalintii xuriyadda iyo isu tagga) iyo 1-da Agoosto (maalintii la asaasay Puntland) oo aad muhim ugu ah jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan waddanka Jermalka. Xafladaas oo u dhacday si farxad, qurux iyo wannag leh, ka soo qeyb galeenna dad badan oo isugu jiray Hooyooyin. Dhallinyaro iyo Waxgarad.

Waxaa xafladaas ayaa ugu horayntii lagu akhriyay aayado Quraan ah dabadeedna laga soo jeediyay warar falanqeynaya arrinta guud ee jaaliyadda reer Puntland iyo taariikhda labadaas munaasabadood. Waxaa dabadeed halkaa lagu heesay heesas waddani ah. Waqtigii cashada waxaa Hallkii ka dhaceysay xafladda si sharaf leh loogu wada casheeyay, music soomaali ahna lagu soo bandhigay. Dadkii halkaa isugu yimi si aad ah ayey ugu riyaaqeen xafladaas uguna mahad celiyeen ururkii soo qaban qaabiyay.


Ururka Somalida Puntland ee Jermalka


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.