Bosaaso, [MOL] 08 August 2003- waxaa todbaadyadaan isku
hirdiyaayay hawada magaalada Boosaaso idaacadaha SBC iyo
Radio midnimo oo ah laba idaacdood oo FM ah kuwasoo laga
dhegaysto magaalada Boosaaso.
Dagaalka dhexmary idacadaha ayaa ah mid ka bilowday mawjadaha
ay ka hadlaan hirarkooda.
Labadii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa dhegystayaashu
dareemeen in dagaalka hawadu uu gaaray meel xun oo dhegysigoodi
khal khal galiyay, waxaa habeenkii gelinka danbe maqlaysaa
iyagoo si jitaabo ah hawada ugu jira Idaacada SBC oo iyadu
faafisa BBC ayaa mar mar waxaa soo dhex gala Radio midnimo,
halka Radio midnimo meeshay ka hadli jirtayna ay SBC soo
dhexgasho. labada idaacadood dhegaysigooda ayaan si fiican
beryahaan shacabku ugu bogin dhegaysigooda madaama ay
ku jiraan loolan dhanka hawada ah halka ugu xun u dagaalku
ka socdo ayaa ah mawjada 99.9 oo ah barta ay ka hulcayaan
madaafiicda microwave-ka loo yaqaan ay isu adeegsnayaan.
Mulkiilyaasha labadasi idaacadood oo ah kuwa iyagu ku
jira golaha xakuumada maamulka puntland ayaa ku guul daraystay
damintii khilaafkaasi.
Dadwaynaha ayaa walaac ka muujiyey xal u helida helitaan
la'aanta wararkii ay uga barteen idaacadaha.
Wasaarda warfaafinta Puntland ayaan iyana wax ka qaban
hawsha idaacdahaasi.
Gudi uu ka mid yahay weriyaha Mudugonline Al xaaji Shiikhaduun
iyo Tafaftiraha wargeyska Kaaha Bari Khaliif Maxamed Bare
ayaa mar hore sanadkii la soo dhaafay mar heshiis ka dhex
abuuray masuuliyiinta idaacadaha balse xiligaan uma bixin
in ay wax ka qabtaan, arintu siday doonto ha ahaatee dagaalka
hawada ayaa ah mid ku cusub degaanadan Puntland iyadoo
idaacadaha xamar ay si joogto ah bil bil hawada ugu dhex
maro dagaal culus oo aan waxba la iskula harin.
Dhegayste Barkhad shire yuusuf oo ah nin si wayn ula
socda dhagaysigooda ayaa walaac lixaad leh ka muujiyey
sida hagar daamada ah ee ay idaacadahu isugu haystaan
wax aan micno lahayan oo fudud.
waxuuna ugu baaqay mulkiilayaasha in ay joojiyaan dirirta
hawada ayna kala degaan mawjado gaar u ah oo aan xad gudib
lahayn.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Waftigii Hadraawi
oo maantay Qardho soo gaaray
Bosaaso, [MOL] 08 August 2003- Waftigii nabada ee uu
horkacaayey Abwaan Hadraawi ayaa maantay soo gaaray magaalada
Qardho oo ka tirsan gobolka Bari oo si wayn looga soo
dhoweeyey.
Dadwayne raxan raxan ah ayaa tunaa hareeraha dariiqyada
magaaladaasi waxaana la filayaa inuu galabta halkaasi
kula hadlo meel fagaare ah dadka reer Qardhood oo ah dad
xadaariyin ah.
Magaalada boosaasona waxaa dar dar la geliyey soo dhaweyntii
loogu jiray waftigaasi
Gudoomiyaha gobolka ayaa maanta wareegto uu soo saaray
waxuu u magacaabay inuu gudiga soo dhowaynta madax u noqdo
Khalar Bun Cun oo ah gudomiye ku xigeenka gobolka, kooxda
fanaaniinta loo yaqaan walaalaha ayaa iyaguna laga dareemaayey
isu diyaarinta waftigaasi iyagoo xirnaa dhar isku jaad
ah oo bilicsan, waxay hoolka loogu tala galay inay ku
maaweliyaan dadka kooxdaasi dadka u yimaada u tumayeen
musig aad u macaan.
Gudoomiyaha kooxdaasi Mr Layli ayaa Mudugonline u sheegay
in ay ku jiraan hawsha soo dhowaynta Ibrahin Cajaaib oo
isna ah Abaan soomaaliyeed oo kooxdaasi ka mid ah ayaa
isna mudugonline u sheegay in hadraawi iyo isagu ay ahaayen
abwaanadii somaaliyeed ilaa xiligii bur burkana aaney
is arag argoodana uu ku faraxsanyahay.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Wararkii ugu dambeeyay ee
shirka Somlaida
Mbagathi, Nairobi (AllPuntland)- Gen.
Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) iyo wafdi uu hogaaminayo
ayaa shalay soo gaaray halka ay taal gogosha nabadaynta
Somalida ee Mbagathi, Kenya.
Gen. Morgan oo mudo ka maqnaa shirka ayaa soo noqoshadiisu
ku soo beegantay xili shirku uu ku jiro marxlad muhiim
ah, Jananka ayaa sheegay inuu u yimid inuu ka qaybqaato
shirka, isagoo sheegay in intii uu ka maqnaa shirku
badi ku jiray xaalad ijiid aan ku jiidee ah, haddana
uu yahay mid hawl ka socoto.
Dhinaca kale waxaa shalay si buuxda loo ansixiyay qodabadii
laga doodayay ee dastuurka dawlada federalka Somaliya
oo ay ugu dood dheeraayeen qodobka ka hadlayay in sidooda
loo aqoonsado maalul goboleedyada hadda ka jira Somaliya
kuwa aan maamulka lahayna la soo gaarsiiyo kuwa maamulka
leh, qodobadaan oo doodoodu dheeratay ayaa ugu dambayntii
sidoodii la isugu raacay.
Maanta ayaa la filayaa in lasii amba qaado dooda iyo
ansixinta qodobada dastuurka ee wali harsan.
AllPuntland
|