 |
Drs.
Jamilo Said
|
 |
Sawir
qaade: C/risaaq SH.Aduun
|
 |
Hoolka
Shirka
|
Bosaaso, [MOL] 07 Aug- Waxaa maanta hoolka shirarka
Dawlada hoose ee magaalada Bosaaso lagu soo gabagobeeyay
xuska toddobaadka Naasnuujinta oo sannad walba 1-7 Augus
lagu qabto Puntland qabanqaabadeedana ay lahayd hay'ad
NGO Swedish ah oo ay madax ka tahay Drs. Jamiilo Saciid
waxaana ka soo qeybgalay aqoon isweydaarsigaan masuuliyiin
kakala socda laamaha kala duwan ee Dawlad goboleedka
Puntland oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka Bari
Xaaji Bakiin, Taliyaha ciidanka poliiska gobolka bari,
agaasimaha caafimaadka iyo xilhayaha dowladda ahna wasiirka
ganacsiga ee puntland Faarax dooxo-joog. waxaa kaloo
ka soo qeyb galay munaasibadaas masuuliyiin ka socday
hay'ada Unicef. Dhamaan masuuliyiintaasi waxay sheegeen
muhiimada ay naasnuujintu u leedahay kobaca ilmaha yar
iyo waliba hooyada oo ka hesha caafimaad.
Hay'adan NGO-ga ah ee laga leeyahay wadanka Sweden
kana hawl gasha deegaanada Puntland ayaa Puntland
ka fulisay hawlo iyo mashaariic wax ku ool ah oo ay
ugu waaweynaayeen dhisida ceelasha biyaha, qalabeynta
Cusbitaalada iyo waliba tababarka haweenka iyo dadka
danyarta si ay u helaan xirfado ay ku shaqaystaan
kulana soo baxaan nolol maamoodkooda.
Shirkaan oo socday illaa 1-dii bishaan agusto laguna
xusay intii aqoon isweydaarsigu socday maalintii la
aasaasay Dawlada goboleedka Puntland ayaa sannad walba
bisha agust 1-7 lagu qabtaa Puntland iyadoo laga faa'iideysto
hadba waxii ku soo kordhay maadada caafimadka ee daryeelka
hooyada iyo dhalaanka.
»»
Wararkii hore ee todobaadka naasnuujinta»»
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Todobaadka naasnuujinta
oo laga xusay puntland
(Caalamiyeenta
Naasnuujintu waa nabad iyo caddaalad)
Bosaaso, [Radio Midnimo] 07 Aug- Hoolka shirka ee
dowlda hoose ayaa manta lagu soo gabagabeeyay xuska
Todobaadka naasnujinta oo sanad kasta la xuso 1-7
August aduunka oo dhana laga xuso, Aqoon iswaydaarsiga
lagu qabtay hoolka shirarka waxaa ugu horayn ka hadalay
C/raxaxman yusuf muuse oo ah dhakhtar ka tirasan hayda
UNICEF.
C/raxman waxaa uu ka hadlay faa’iidad naasnuujintu
ay u leedahay Ilmaha iyo hooayda nuujisada ah, waxaa
la ogaaday ayuu yiri Dr. C/raxman in lixda bilood
ee ugu horaysa nolosha ilmaha ay caanaha naaska ay
ku filanyihiin isagoo u baahnayn cunugu in loogu daro
biyaha macaan iyo cuntooyinka kale ee caruurta lagu
nafaqeeya .waxaa kaloo la ogaaday ayuu yiri in naasnuujintu
ay koriso maskaxda caruurta oo markaasi cunugu noqdo
mid fahankiisu sareeyo,waxaa kaloo naasnuujinta caawisaa
habka jirku iskaga digaaco cudurada. Naasnuujinta
sidoo kale waxay isku soo dhawaysaa hooyada iyo cunigeeda
iyadoo kalgaceel ka dhex abuurta.
Dhakhter C/raxmaan waxaa uu intaa uu ku
daray in hooyada sida wacan u nuujiso dhalaankeeda aysan
ku dhicin cuduro badan oo uu ka mid yahay knasarka naasaha
ku dhaca.waxaa intaa dheer oo naasnuujintu ay kor u
qaada difaaca hooyada waxayna hooyada ka caawiso kala
dheeraynta uurka.
Waxaa kaloo xuska todaabda naasnuujint
ka hadalay agaasimaha wasaarada caafimaad ee puntland,gudoomiyaha
gobolka bari Xaaji baakin, Taliyaha booliska gobolka
bari, iyo wasiirka ganacsiga ee puntaland Faarax dooxojoog
dhamaantoodna waxay tilmaameen sida loogu baahanyahay
kor u qaadista baraarunjinta naasnuujinta .
Xuska todoobaadka naasnuujinta waxaa uu
kasoo biloday 1dii bishan magaalada gaalkacayo, magaalada
garoowe ayaa iyaduna laga xusay
Magaalada bosaaso ayaana lagu soo gabagabeeyay,
waxaana iska kaashaday Sanduuqa badbaadada caruurta
ee UNICEF iyo Wasaarada caafimaadka ee puntland.
Sanad kasta todobaadka naasnuujinta waxa
uu leeyahay Halgudhig, Halkudhiga sanadkan waxaa weeye(
CAALAMIYEENTA NAASNUUJINTU WAA NABAD IYO CADDAALAD)
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
»»
Wararkii hore ee todobaadka naasnuujinta»»
WASIIRKA WASAARADA KALLUUMAYSIGA
GAADIIDKA IYO DAKADAHA AYAA KA DHOOFAY MAGAALADA BOOSAASO
Bosaaso, [Radio Midnimo] 07 Aug- Wasiirka
wasaarada kalluumaysiga gaadiidka iyo dekedaha c/risaaq
cali siciid shaahdoon ayaa manta ka dhoofay garoonka
diyaaradaha magaalada boosaaso isagoo ku sii jeeda
dalka imaaraadka ,kadibna uga sii gudbidoona wadamada
taylan indunuusiya iyo malleeshiya .
Safarkan wasiirka ayaa ku saabsan arimo
shaqo .
Wasiirka waxaa garoonka ku sii dhoweeyay
sii hayayaha xilka dowlada faarax maxamuud yuusuf dooxajoog
,wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta c/shakuur
mire aadan taliyaha ciidamada booliiska c/risaaq afguduud
,guddoomiyaha gobolka ibraahin cartan ismaaciil iyo
xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka bari.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com