Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

RAJADA SIYAASADEED EE PUNTLAND SANADKA SOO SOCDA
Daahir Aw. Xuseen.

Madaxweynaha DGPL C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu diirada saaray loolanka siyaasadeed ee bahda Soomaliweyn, dabcan wuxuu u sharaxan yahay Kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, su’aashu waxay tahay rajo intee le’eg ayuu C/laahi Yuusuf ka qabaa in Madaxweyne Soomaaliyeed uu helo?

Arrintu siday doonto ha ahaatee, haddii C/laahi Yuusuf ay u rumowdo riyadiisa Madaxweynanimo, siyaasada Puntland wejigee yeelan doontaa?

Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu si toos ah u noqon doonaa Madaxweyne haddii aysan Golaha Baarlamaanku kalfadhigaan wax ka bedelin qodobka u ogolaanaya xilkaas.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa dadka badankiis ku sheegaan nin qabiili ah oo danaha gobolka Sool oo keliya kursiga ugu fadhiya, sidaas awgeed, ayay saluugsan yihiin in uu Hogaamiye Puntland noqon karo, waxaana jira walwal xoog leh oo waxgarad badani walaac xoog badnan ay arrintaas ka muujinayaan.

Dhinaca kale, waxaa jira is-xulufeysi laba jinaax ah oo biyaha hoostooda dagaal ba’ani ku dhex marayo, wallow taas la dareensanaa waxay si fiican u soo shaac baxday kadib markii Siciid Caduur uu Madaxweyne ku xigeenku u magacaabay Wasiirka Maaliyada.

1. Guddoomiyaha Baarlamaanka Yuusuf X. Siciid, Taliyaha Ciidamada, Col. Careys, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Warsame “Shido”, Wasiiru dowlaha Amniga Warsame Seefta Banaanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi xaabsade, Wasiirka Caafimaadka Siciid Caduur, Taliyaha Ciidamada Booliska Xirsi Gaataa, Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha Saleebaan Goondhe, Wxk, Xiriirka caalamiga ah Maxamed Siciid Shabeelle iyo Wasiirka Dekeddaha iyo Kalluumeysiga C/risaaq Siciid Caliyare (Shaahdoon) oo labada dhinac heshiis la ah ayaa fikirkooda siyaasadeed ee Puntland kala mida ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi.

2. Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Enj. Faarax Dooxojoog, Wasiirka Madaxtooyada C/raxmaan Siciid Gacamey, Wasiirka Dowladdaha Hoose Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Waxbarashada Xasan Maxamed Dhiilood, Wasiirka Howlaha Guud Axmed Maxamed Cigaal, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Axmed Maxamed Ceegaag, Wsk Warfaafinta C/shakuur Mire Aadan, Wkx Ganacsiga Cilmi Cali Guuleed, Taliye Xigeenka Booliska Puntland C/casiis Siciid Gacamey, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Cawil Dhiig-sokeeye, Guddoomiyaha Gobolka Bari Xaaji Bikiin, Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bari C/risaaq Afguduud iyo rag kale oo badan ayaa iyaguna waxay la aragti yihiin Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Maxamed Faroole.

Durba waxaa soo shaac baxaya aragtiyo laga dhadhansan karo loolan mustaqbal siyaasadeed oo labada bah ee iska soo horjeeda ay ku herdamayaan, waanwaantii dhoweyd ee C/laahi Yuusuf uu ka dhex sameeyey dhinacyadan ayaa u eg mid dusha sare laga dhayey oo hoosta ka sii hurgumeysa.

Groubka koowaad ayaa rumeysan in C/raxmaan Faroole, wasiirka maaliyadu uu shakhsi ahaan u guntan yahay siduu Madaxweynaha Puntland u noqon lahaa isagoo ay ku eedeynayaan in arrintaas uu kaga faa’iideysanaya hantida Puntland ee uu gacanta ku hayo, tanina ay dhalisay in ay Groupka Koowaad ay ligligaan xilkiisa wasiirnimo, iyadoo uu Madaxweyne ku xigenku la jecl yahay Wasaaradaas Siciid Caduur. Balse Groupka Labaad ayaa iyagu aaminsan in ay yihiin bud-dhigayaasha Puntland xag halgan iyo difaac.

Wasiirka Dekeddaha C/risaaq Siciid Shaahdoon ayaa niyada ka jecel in uu hanto xilka ku xigeenka Madaxweynaha Puntland, marka Maxamed Cabdi xaashi uu Madaxweyne noqdo, sidaas awgeed, waa in uu weerarka Wasiirka Maaliyada lagu hayo uu safka hore ka muuqdaa, tanoo beeninaysa is-bahaysi loo arkay Majeerteenya oo Wasiirka Maaliyadu gabaad fiican ka helay.

Gabagabadii, Wallow aysan jirin weli cid si cad ugu shaar dhigtay in uu carabka ku dhifan xilka uu doonayo Mustaqbalka, haddana waxaa beryahaan danbe muuqda erayo hoos ka tuur ah oo siyaasiyiinta qaarkood si kaftan ah goobaha fadhiga ugu halgaadaan dadka dhegeysanaya si ay markhaanti uga ahaadaan.

Yeelkeede, legdinta siyaasadeed ee Puntland ka jirta ayaa dadka qaarkiis u arkaan mid kooxaysi ah oo dani isu geysay, wallow ay jiraan dad rumeysan in kooxaysiga Puntland ka jiraa uu salka ku hayo arrimo qabiileysi.

Daahir Aw. Xuseen.


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.