Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Ciidamo la qarameeyay oo GBP ah oo Bosaaso soo gaaray

Bosaaso, [MOL] 06 Aug- Labo boqol oo ka tirsan ciidamada GBP oo ah qeyb ka mid ah ciidamadii GBP ee la qarameeyey ayaa xalay soo gaaaray magaalada Bossaso iyagoo ka soo kicitamay, waxaana ciidamadaas la dejiyey xerada gaadiidka ee magaalada Bosaaso. Jawiga magaalada Bossaaso xalay iyo maanta ayaa wuxuu u ekaa xiligii maryo-calastii Jaamac Ali Jaama ay ka talin jireen magaalada iyadoo dhegaha dadka ay maqlayeen rasaas la ilaaway maqalkeedii aana la aqoon sababta loo ridayay.

Isku dhafka ciidamada daraawiishta iyo kuwii GBP ee mucaaradka ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii Jeneral Cadde Muuse iyo Cabdulahi Yusuf ku gaareen magaalada bosaaso ee soo afjarayay colaadii Puntland ka aloosnayd labo sanno ku dhawaad.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Siminaar ku saabsan faa'iidadada naasnuujinta.

Bosaaso, [MOL] 06 Aug- Siminaar loogu talo galay toddobaadka naas-nuujinta 1-7 August oo ay soo qaban qabanqaabisay hay'ad NGO Swedish ah oo ay madax ka tahay Drs. Jamilo Said ayaa asbuucanba ka socday magaalada Bosaaso, waxaana derbiyada hoolka shirku ka socdo lagu dhajiyey qoraalo, hal-kudhigyo iyo sawiro ku saabsan faa'iidada naasku u leeyahay ilmaha.

NGO-gan ayaa ah midka keliya ee ku guulaystay in uu biyo ka soo saaro degmada Caro iyo mashruuc aad u balaaran oo ahaa joojinta gudniinka fircooniga. wax qabadkaa NGO-gaas intaasi kuma koobna ee waxuu magaalada bosaso keenay in ka badan kun gaari oo nooca curyaamiinta ah iyo qalab cusbataal.

Sidoo kale waxay hay'adaan asbuucaan qayb libaax ka qaadatay xuskii1-da agoosto oo ah maalintii puntland la aasaasay.

Hay'adaan waxay kaloo ka qeyb qaadatay tabarada iyo xirfado u sameyta dadka danyartaa iyo haweenka taas oo dadkaas u sahashay inay la soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Maalinta Beri ah ayaa lagu soo gabagabaynaa hoolka shirarka dawalada hoose Siminaarkan oo ay ka faa'iideysteen dad badan oo hadda dareensan waxtarka naasnuujintu u leedahay ilmaha yar iyo koriinkooda.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Muuse Suudi oo ku Dhawaaqay inuu isaga baxay shirka Somalida

Mbagathi, Nirobo, (AllPuntland)- Hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo ku sugan halka ay taallo gogosha nabadda ayaa maanta saxaafadda u sheegay inuu gabi ahaanba qaadacay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka soconaya dalka Kenya.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa Qaadiciddiisaan ku macneeyay in aan lagala tashan isla markaasna taladiisa wax laga soo qaadin ka dib markii uu asaga iyo xubno la jira ay diideen qaar ka mid ah qodobada uu ka kooban yahay Axdiga ku meel gaarka ah.

Qaadiciddan uu Muuse ku dhawaaqay ayaa u muuqata mid asaga ku eg balse aysan la qabin hogaamiye yaasha qaarkood ee shalay ay iskala maqnaayeen shirka.

Shirka ergooyinka guud ayaa saaka la isugu yimid iyadoo ay socoto dooda dastuurka laga yeelanayo, ka dib markii uu shalay u baaqday qaar ka mid ah madaxda kooxaha oo shirka aan soo xadirin balse saaka soo fariistay ka dib markii gudiga farsamada IGAD uu u sheegay Somalida inaan mar dambe shirku u hakan doonin kooxdii dibada iska taagta, uuna shirku ku socon doono jadwalka loo qorsheeyay, kooxdii wax tabanaysaa Somalida horteeda haka sheegato ee maaha inay shirka socodkiisa is hortaagto ayuu yiri mid ka mid ah ergada IGAD.

AllPuntland


Leader of little: "The president running out of people to rule over"

Profile: Somalia's isolated leader

isolated leader

Somali President Abdulkassim Salat Hassan came into power three years ago with the promise of accommodating all the warring militia factions in the capital, Mogadishu.

But as his tenure comes to an end on 11 August, Mogadishu is as divided as ever, with Mr Hassan's government controlling only 25% of the capital.

His transitional national government is also divided over the future of the on-going Somalia peace talks in the Kenyan capital Nairobi.

Mr Hassan has pulled out of the talks, while his prime minister and a large number of ministers have opted to continue participating at the Nairobi talks.

»»»»Read More»»»»http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/3123813.stm»»»»


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.